Xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Maanta Difaacay Madaxweyne Shariif


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Wafulu Wmunyinyi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa difaacay madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku jira liiska ay soo saareen kooxda la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Danjire Wmunyinyi ayaa sheegay inuu ka xun yahay in eedeynta ka soo baxday guddiga la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ay soo saareen warbixin eedeyn ah oo ka dhan ah hoggaanka dawlada KMG Soomaaliya xilli ay socdaan isbedel dhanka amniga iyo maamulka ah.

“Ma fududa inaad eedeyn soo jeediso iadoo aysan jirin hay’ado dawli ah oo isku toosan oo dalku leeyahay, halkan kama jirin dawlad dhexe iyo nidaam mudo dheer.” ayuu Wmunyinyi oo wariyaasha ay weeydiiyeen sida uu u arko eedeymaha ka dhanka masuuliyiinta ugu sareysa dawlada.

Wuxuu sheegay inay fiicnaan lahayd in baaritaanada musuqmaasuqa iyo la xisaabtanka uu yimaado xilli ay dhisan yihiin hay’adihii dawlada oo dhan, dalkuna ka baxay waqtiga ku-meelgaarka ah.

“Waa sax inxisaabtan iyo dabagal uu dhaco marka laga gudbo Agoosto” ayuu sii raaciyey Wmunyinyi oo mabda’ ahaan taageeray in la isxisaabiyo.

Talada Midowga Afrika

Danjire Wafulu Wmunyinyi oo hadda hogaaniya xafiiska Mifowga Afrika ee Muqdisho ayaa sheegay in warbixinta eedeynta ah uu arkay ayna doo diyaariyeen guddi ay magacawday Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay yihiin labo hay’adood oo kala madax bannaan.

“Annaga dhankeena waxaa naga go’an in dib u dhiska Soomaaliya aan xoojino, amaanka marka uu soo laabto waxaan ku dhaqaaqeynaa inaan taageerno dib u dhiska hay’adaha dawladeed” ayuu yiri Danjire Wafulu Wmunyinyi.

Wuxuu sheegay in labo usbuuc ka dib la soo dhameystiri doono ciidamada Jabuuti iyo kuwa Siiralyoonoo qeyb ka ah hawlgalka AMISOM uuna rajeynayo inĀ  markaasi hawlgalka AMISOM uu gaaro ciidan ku dhow illaa 20,000 askari.

Danjire Wafulu Wmunyinyiwuxuu shaaca ka qaaday in ciidan boolis ah oo ka socda AMISOM ay hadda joogaan Muqdisho laguna wado in dhowaan ka hawlgalaan saldhigyada booliska Muqdisho si ay shacabka u difaacaanugana hortagaan fal dembiyeedyada.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

11 Responses for “Xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Maanta Difaacay Madaxweyne Shariif”

  1. somalijecel says:

    Africa waa musuqmaasuq isagaa ka mid ah kuwa laaluushka la siiyo oo ay madaxda somalidu meesha ku joogaan marka yuu wax u sheegayaa,wuxuu rabaa mashruucan aan dhamaadka lahayn in uu sii socdo si mishaaraadkiisu aanay u kala go an.TUUG IYO TUUG KAL KALE waa isku mid

  2. Puntland boy says:

    Lacag umadaa masaa kiinta loogu talagay mala dhacay & Lama dhicin maahane waxaa loo baahan yahay in la ogaado sida lookala qaatay & Meeqa qof beey kumaqan tahay , Hadiise saa sheegeysaan la idinka been abuurtay oo hay adaa Aan arimaha Soomalia jecel ineey jaah wareeriso oo arimo Qaasa wadata oo Ku saleysan in Soomali laka Gooyo, Soo bandhiga buugtiina waa hadii transparency uu jiray oo Aaney meeshu Maqaa yad aheyn ,

  3. siglan jamac buux says:

    Waa nin shaqadiisa ilaashanays iyo isaga dantiisa oo kaliya waxaa layiri labaatanjir hashiisa ulagdamaya cidna kama xoogbadbana

  4. qandala boy says:

    caqli jareer ayuu meesha kayimid ninkaan waxuu dhacay hantida umada somaliyeed jareerkan miskiinka ah waxba kama difaacayo sheekh sharaif no mor madaxweyne danbe inuu ka noqdo somalia waxaa dalka taladiisa loo dhiibaya qof daacad ah oo aan hantida umada somaliyeed cuneyn balse no mor tuug danbe oo afbiiga ah leh

  5. hogol says:

    qandala boy @ hadalkaaga cunsiriyada iyo jaahilnimadu ka buuxdo jooji jareerta aad ka sheekaynayso ayaga ku xukuma maskiin bilaa maskiin ayaga idin ilaalisa ilaa amison ilaa african union adoo jareer magan u ah inaad hadana cayso waa wax lagu qoslo

  6. qadar says:

    Dadkan ajaniibta waxay modeen inay xamar gurigooda tahay oo say doonaan uga hadlan,Uganda maxay shariifka ku wataan waan maqalnay inuu lacag sii yo sarakiisha sar sare ee uganda,hadana ciidankii poliska ayaa saldhigyadoodii la-lawaregayaa,Shariifka ma ugaanda ayuu u dhashay?

  7. Aw Malaaq says:

    Ari jir intey taqaan orgigaa u weyn, Faroole uun iska qabta isagaad ku fil tihiin.
    Dad aan xikmad iyo aqoon lahayn oo hadal badani waa sida dameerka oo kale.

    Garaadkiinu ma gaarsiisana inaad ka hadashaan rag qaranka naftooda u hurey oo xabbadda shafka u dhigtey.

    Xoogaaga yarka ah aad haysataan Faroole iyo Mooryaantiisa ka dhacsada, arrimaha Xamar iyo Koonfur rag mudan baan u xilsaaranaye naga warsuga.

  8. qadar says:

    Kan malaaq wato aryaa maha lagama hadlen Froole ee maha waxa laga hadlaa waa shiiqyada aqoonta yar een wax soo baran oo horeyna Alshabaab ugu jireen hadana xoolihii qaxootiga iyo dalka loo soo tuugsaday dhacaya,labada sheeq waa gacan ku dhiiglayaal,shiiq shariif imisu maka roofan haystay oo uu ku dhawaqayay Jihaad lagu qaado ciidanka Ethiopia oo soomaali ku dhamaatay hadana uu amxaartii gacanta ka shuminayaa.malaaqow waad socod baratay balse yey jaantada kaa dheren marka hore xamar bal nabad ka keena oo ciidamada ajnabiga ah oo poliska xamar idiin noqotay waxaas laguma faane waa wax laga xishoodo,teeda kale waqooyi Bari waa nabad waa meel dadkeda tashaday,waa meel ciidankeda lagu wahelinin waa meel aan loo talin ee ayada isku taliso,marka malaqow arey badarka biyo hayga darin.

  9. oktobar says:

    QANDALA BOY WAA ISKU XAARTAY EE XAARKA CESHO INTE Y G OORIGOOR TAHAY . QANDALA IYO ISKU SHUBAN BAAN MAQLI JIRAY, BALSE HADDA XAAR BUU ISKU BADALAY….

  10. oktobar says:

    WAA SAAS MALAAQ SAAD U SHEEGTAY WEEYE ALLOW AFKAAGA CAANO LAGU QABAY…..

  11. Buntlandman says:

    Waar nabadu waa caano, caanahana dadka laguma hor cabbo… saa wey ku cowryayaane. Shariif Sheeikh waa ninka Alshabab ka shaqeeyay ee Muqdisho nabad ku soo dabaalay oo maanta loo wada hanqaltaagayo.. Wax qabad baan aragnaa, ee ka warrama kuwii hore ee wax laayay, cunay, dhacay isla markaana aan waxba tarin in ay dab huriyaan yoomee. Soomaaliya oo nabad ah baan rabnaa ee ma dooneyno fadqalalo iyo waxgarad lagu tilmaamo tuug.. Haddii kale waxa aad soo waddaan waa tuug lagu tilmaamo aamin, iibiya dalka iyo dadka iwm..
    Aan Horey u socono oo talada u daaya Faroole iyo Shariif iyagaa nabadeyn kara dalka, deedna mid ka doorta labadaas ha dhiseen waddanka baaba’ay ee maanta rajada leh..

Leave a Reply