Xaflad Lagu Qabtay Minneapolis Laguna Taageerayey R/Wasaare C/Wali Gaas oo Lasoo Gabagabeeyey (Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Dr Feysal Rooble

Mineapolis (RBC Radio) Xaflad si wanaagsan loo soo agaasimay oo lagu taageerayey Raiisal Wasaaraha Dowlada Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay ayaa magaalada Mineapolis. Xafladaan oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ay kooban tahay.

Xafladaan ayaa aheyd mid lagu taageerayey Raiisal Wasaare Cabdiwali Gaas iyada oo halkaas loogu Tahniyadeeyey Raiisal Wasaaraha howlaha uu Dalka ka qabtay tan iyo intii Xilkaas Qabtay.

Waxaa mutacalimiintii halkaas kasoo qeybgalay kamid ahaa Dr Feysal Rooble oo si qote dheer uga hadlay Taariikhda Soomaalida islamarahaantaasna uu ku  booriyey dadweynihii shirka kasoo qeybgashay  in la taageero geedisocodka nabada iyo dadaalada uu wado R/Wasaare Cabdiwali Gaas ee lagu dardar galinayo sidii Kuimeelgaarnimada looga saari lahaa Soomaaliya.

Dadweynihii kasoo qeybgashay xafladatan ayaa  shucuurtooda Wadaninimo ka muujiyey halkaas.

RBC Radio
Muqdishu Soomaaliya

Share

4 Responses for “Xaflad Lagu Qabtay Minneapolis Laguna Taageerayey R/Wasaare C/Wali Gaas oo Lasoo Gabagabeeyey (Sawirro)”

  1. Sama_Kataliye says:

    Afarta habrood iyo afarta oday oo dagan saraha cedar ee minneapolis baa nala kugu sheegayaa shir aad iyo aad loo soo agasimay…..wow, Allow Alle.

    Anigu waxaan dhihi lahaa nin intii qabiil lagu taageeri lahaa ha lagu taageero Agenda wanaagsan, howl karnimo, daacadnimo qaran, iyo karti buuxda. Nin dowlad ku sheega soomaaliyeed oo maanta jirta oo aan dhihi karo wajibkiisii buu ka soo baxay ma jiro. Ninkii qaran Soomaaliyeed doonaya waa ila fahmi doonaa hadalka ninkii cudur qabiil hayana arrimihiisu waa Allow sahal!

  2. somali says:

    WARYAA CAAQ SAMA KATALIYE MAAHIDE SHAR KATALIYAAD TAHAYE DOQONYOHOW
    HADDII CID WAX QABATAY AANAY JIRIN MAADIGA AYAA WAX QABANAYA, CAAQ CUQDAD QABIIL DISHEY BAAD TAHAY EE
    AFKA HUURADA KEH DADKA KAJEEDI OOSOO CADYO MARKA HORE . DABADEEDNA
    SOO KAADI OO SEEXO WAAD GARANAYSAA BAY ILATAHAY ORAAHDA DAMBE CIDDAISKA LEH WAA CARRUURTA SIDAADOO KALEKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK .

  3. Canbaradegen says:

    Sc rabadaanu kariim waxaaan Ilahay ka baryeynaa
    Bishaan barakeysan fadligeeda in Ilahay Ina soo aadiyo
    Mida kale waa run mnpls na waan joognaa inta sawirka
    Ka muuqata waa reer qabiilna Waxba ma qabto
    Intey wataana waa in ku qasban sikastaba Ha u dhacdee
    C/wali waxuu ahaanlahaba dadka wata Oo qabiilka tusayaa
    Loo nacayaaa .
    Qabiil qaran ma noqdo, qolana qolo ma matasho
    Raxanreb Waxaan leeyahay rabadanu Karim

  4. hershi says:

    nimanyahow waxa socda waad aragtaan ee is dejiya dalkaan waxaa madaxweyne looga dhigayaa nin ka soo jeeda Waqooyi galbed dawladdana waa loo keenyaa. Dawladda hadda jirta waxaa qurmiyay waa baarlamaanka iyo shariif Xassan iyagana waa la karantiilayaa ee haka walwalina

Leave a Reply