Xasan Xiis: “Hantida Shirkadda Dahabshiil iyo Ta Macaamiisheedu-ba waa mid Xafidan..”


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Maamulka Shirkadda Dahabshiil Group ayaa beeniyey warar qaar ka mid ah mareegaha wararka Internet-ka ee Af-Soomaaliga lagu qoraa ku baahiyeen macluumaad ay sheegeen inay tahay nidaamka Shirkadda Xawilaadaha Lacagaha ee Dahabshiil ku shaqeeyo in la jabsaday.

War-murtiyeed uu soo saaray Madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo Saxaafadda ee shirkadda Dahabshiil Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Xiis), ayaa wax aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah ku tilmaamay warkaasi, isla markaana waxa uu caddeeyey in hantida shirkadda Dahabshiil iyo weliba ta macaamiisheedu tahay mid aamin ah oo xafidan.

Qoraalka war-murtiyeedkaasi uu soo saaray madaxda xidhiidhka dadweynaha iyo saxaafadda Shirkadda Dahabshiil, oo nuqul ka mid ahi caawa soo gaadhay Xafiiska Raxanreeb (RBC) ee magaalada Hargeysa waxa uu u dhignaa sidan:-

“Waxa aynu la soconaa in ay jiraan dad website-yada qaar ku qoray dacaayado been abuur ah oo ka-dhan ah Shirkadda Dahabshiil. Ma aha markii ugu horraysay ee Website-yadaasi qaarkood ay ka faafiyaan dacaayado iyo been abuur shirkadaha xawaaladaha, gaar ahaanna Dahabshiil, muddo dhawr sanno ah. Hore waxa shirkaddu u saartay dacwad maxkamadeed websiteyadaas oo waxa la siiyey digniin ah inay ka waantoobaan beenahaasi iyo dacaayadaha ay faafinayaan, ujeeddada ay ka leeyihiinna ahayd dano gaar ah oo dhaqaale.

Taasina ma aha wax dhici kara. Waxa kale oo ay rabaan in lagu waxyeeleeyo dhaqaalaha dadka Soomaliyeed iyo sumcadaha hay’adaha u adeega ee uu Dahabshiil ka midka yahay, iyadoo aannu ka foojiganahay, isla markaana aanay u suurtogalayn damacoodaasi.

Sidaa darteed:

1. Waxa aannu cafdaynaynaa in shaqadii Dahabshiil u hayay macaamiishiisa meel kasta oo ay joogaan ay sidii caadiga ahayd ee looga bartay u socoto.

2. Waxa kale oo aannu xaqiijinaynaa in system-ka Dahabshiil ku shaqeeyaa yahay mid aammin ah wax dhibaato ahina aanay ka jirin, hantidii shirkadda iyo tii macaamiishuna xafidan tahay.

3. Waxa aannu macaamiisha shirkadda Dahabshiil meel kasta oo ay joogaan u caddaynaynaa in xogta (data) lagu baahiyay website-yada qaar ay tahay mid aan sax ahayn.

4. Waxa kale oo aannu u sheegaynaa kooxdaasi dacaayada iyo been abuurka faafinaysa in aannu sharciga caalamiga ah la tiigsan doono.”

 

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share

2 Responses for “Xasan Xiis: “Hantida Shirkadda Dahabshiil iyo Ta Macaamiisheedu-ba waa mid Xafidan..””

  1. Waayo-arag soomaaliyeed says:

    Waaba haddaan kaa akhristo, sheekadaan waxay u egtahay sidii barakaat lagula wareegay xoolaheeda, dadkii lacagaha u yaalleena lacagtoodii ku luntay. Waxaan oo dhan waxaa keenaya siyaasadda ay shirkaddani faraha la gashay dheefteeda hadday hayaan….

Leave a Reply