Xisbiga Talo Wadaag Ee Puntland: Beesha Caalamka Waxaan Ugu Baaqaynaa Inay Arkaan Dhibaatooyinka Puntland Ay Ku Hayso Isimada, Saxaafada iyo Siyaasiyiinta


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Gudoomiyaha Xisbiga Talo Wadeeg ee Puntland Maxamed Cilmi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu soo saaray baaqyo uu u jeedinayo maamulka Madaxweyne Faroole.

Maxamed Cilmi ugu horayn wuxuu ku baaqay in Xasuuqii dadka shacabka ah lagu laayay ee ka dhacay deegaanka Bali-Dhidin iyo Deegaanka Xariiro in sharciga la soo taago dadkii amray ama ka danbeeyay.

Sidoo kale gudoomiyaha Xisbiga Talo Wadaag ee Puntland ayaa ayaa wuxuu ugu baaqay maamulka Faroole wax walba oo heshiis ah oo lala galayo shirkadaha Ajaanibta ah in loo baahanyahay in laga talo siiyo isimada Soo jireenka ah ururada Siyaasada iyo dadka deegaanka.

Xisbiga Talo Wadaag ayaa wuxuu Beesha Caalamka ugu baaqayaa in ay eegto Xaggudubyada lagu haayao, Isimada Puntland Saxaafada Madaxa Banaan iyo Siyaasiyiinta.

Ugu danbayntii Gudoomiyaha Xisbiga Talo Wadaag ee Puntland wuxuu sheegay in loo baahanyahay in la qabto doorashada madaxtinimo ee Puntland waqtigii loogu talagalay.

Wuxuu ka digay sidoo kale in doorashada waqtigeeda dib looga dhigo asgoona sheegay hadii doorashada dib loo dhigo wixii ka dhacaa in ay masuul ka tahay cidii arintaasi ka danbaysaa.

Warkaan ayaa wuxuu ku soo adayaa xili suxufiyiin iyo siyaasiyiin badan oo fadhigoodu ahaa deegaanada Puntland ay mudooyinkii ugu danbeeyay ay noqdeen dibad joog ka dib markii ay naftooda la baqeen.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

16 Responses for “Xisbiga Talo Wadaag Ee Puntland: Beesha Caalamka Waxaan Ugu Baaqaynaa Inay Arkaan Dhibaatooyinka Puntland Ay Ku Hayso Isimada, Saxaafada iyo Siyaasiyiinta”

  1. P-Star. says:

    bacbacle been badanaa. Puntland goormay aqoonsatay xisbi siyasadeed oo ka dhisan muqdisho. waa yaab. bowe hashaad ku kacsanaysaa. wale adiga adaa ka qomamayn.

    stagekan puntland soo dhaftay waa overloud- la ma aqbalikaro. siyaasi dibjir ah xiligisi waa ladhafay. xisbiga talo wadaagna markii la aqoonsado inuu yahay xisbi jira diwaangashan buuxiyey shurudihii loga bahnaa markaas waan aqbali karnaa ama waa dhihi karnaa baqaan waxaa soo saray xisbi talowadaag.
    lakin hada maya. baqaad soo jedisay wuxuu ku dabo faylayaa kuwa hore oo waa jirijiray muqdishana ka soo bixijiray.
    afka dabaysha ka qarso. Puntland is gone- awrkaaga meel kale u raro. siyaasi cilmi.

    mahadsanidin

  2. Sirmaqabe says:

    Runti xispiga talo wadag ad ayu u mahad sanyahay wa wax lagu farxo mar hadi umadi o dhan ay aragtay dhibatada mamulka faroole.e madaxda no ah waxan kula talin laha matihid hogamiye koxed xog kuyimi matihid kaligi taliye milatari ku qabsaday mamulka puntland e waxad tahay madaxwayne kuyimi uma rabintankeda iyo codkoda marka dadkaga dhibatada kada sida kuwa manta nabada an harsanayno iyo mamulka nidamka iyo kala danbayta ale kasokow kuwi dhisay wa ismada iyo waxgaradka puntland e talada dalka wax kawaydi caburintan kada madaxwayne

  3. Libaax-libaax DHalay says:

    Waaw! haddii aan sidaas ogahay Raxanreeb umaba caroon lahayn, Max’edba haddii uu xizbi leeyahay isagana gudoomiye ka yahay, Dr. Muuse Cali Jaamac iyo Dr. Cabdi-Wali Gaasnaa aqoonsi siiyeen ee cayrtii Maraykanka siinayayna uu ka raystay waa wax fiican, laakiin waxaa is weydiin leh dacwana aan u haysanaa cidda waashay, kolayba anigu waxaan u haystaa Cabdi-Wali Gaas inuu ka dambeeyo arrintan.

    Max’ed walaal anigu intaas ka badan ku dhihi maayo laakiin iska soo noqo nimankaan masaakiinta ah yeeysan ku waalin, haddii ay ku yiraahdeen barlamanka ayaan kugu darynaana way ku khyaameen oo been bay kuu sheegeen, hadal iyo dhamaantii iska soo noqo yaan dowladda Maraykanka benefitka kaa xiran, waa iga talo, tan kale haddee waxaadan aqoon baabad dhex gashay inay Tuugadii waaweynayd ku heshay baan dareemayaa, waa iga talo iska soo noqo, waxaagu kolayba waa iska hadal oo wallaahaan cidna waxba kuu haysan.

  4. DAHIR YARE says:

    ADEER NIN TUUGA OO XAMAR LAGA SOO ADEGSADO PUNTLAND WAA UGA DHAMAATAY HA DAALIN KAALAY PETROLKA WAX KA QODO XAMAR KUWII GURYAHA U DOONTAA LAGU DILAYAA MAALIN WALBA ADNA LAHAYSTAAD KU TAHAY

  5. Mohamed ali runta ayuu ka hadlay. Waxaana loo baahan yahay dalka inaad dalka timaado maamul ka sameysid. Si dadku u helaan cadaalad iyo amni. Sida dooxa joog oo kale madaxweynaha maamulka raasceyr state

  6. Raali ahaada mohamed cilmi ayaan u jeedaaa

  7. ali says:

    @Khaatumoseeg adigu puntland waa meel cidla ahe intaad tagto waxaad doonto iska samee, teeda kale mee Garaad bintiland waxaa ugu wardamaysay asagoo sh.shariif campainer u ah oo ha doorto waxaan ahayn laga waayey KKKKKKKKKK, bal maxaa asaga ka galay meeday shaqadii loo igmay iyo reerkii uu garaadka u ahaa daayac iyo dacdarro bay u baaba’een toolkoodna wuu ku diray ummaddii kalena u bahalgeliyey ragga xamar kasoo qaylinaya ee caadaqatayaasha ah ee reer pland fadlan waa inuu C/wali wax ka qabtaa haddii kale adiga laftaada ayaa raalli ka ah waana in wax lagaa qabtaa

  8. kismayo says:

    balayo kan aniga kuu aqano waa reer kismayo mohamed cilmi aya ladhaha ]]]]]]]]] minneapolis ayuu xalal meat kuleyahey goormuu puntland noqday adeer raali ahow dheh

  9. af iska hadla bwe nnkiisuu ku yaal ,reer puntlnad waad dulawdeen addunkaad isaga dacwoonaysaan maanta adinkaaba wada dhashaye hal qoos oo adunka isaga dacwoonaya hadana xamar bay wada fadhiyaan walaahay dad badan ayaa dhibaatada ka dhacda puntland iyoo isqabqabsigan aad ugu farxaya ,intay goorigoor tahay untland ha burburinina waa iga talo ,kuli madaxwaynay wada doonayaa waa yaaab ….. acuudi bilaah…

  10. mahmed abdikarim says:

    Oo maxaa lagarabaa dadku csyrna waa qaataan siyaasadana wsa ku jiraan inkastoo waxa uu kahadlayaa runtahay hadana inuu ku talaxtago ma ahan ee waa in uu xoogaa deegaankiisa wax u reebaa

  11. Galmudug says:

    Ex pudland waa lagu kala yaacay jifo jifo tuulo tuulo gobol gobol Faroole ayaana loo aanrynayaa kkkkkkkk raadcaseyr land maakhir state west Puntland karkaar iyo kuwo kaleba

  12. Real Puntlander says:

    Alla muxuu waxaaan jirin iyo been abuur sheegay, Adeeroow haddaad wax sheegayso orodoo dalkii tag, intaad xamar fariisato aflagaado iyo been abuur hala soo istaagine, Waxaan kale oo kuu sheegayaa Puntland waa meel dimuqraadiyaddu ka hir gashay, Isimada iyo waxa aad ka halaysana doorkooda waa ay qaataan, dawladduna wixii ay heshiis la galayso iyaday utaallaa

  13. Moroodi says:

    Mr mohamed cilmi mudane howshaada horay u wad wxna ogahay in ay cid kaa hor imaankarta ay ku jirin puntland. waxana kugu ogahay in aad ka shqeyso xasiloonida bulshda reer puntland. mudane wan ogahay xisbiga Talo wanag in uu yahay xisbi aqoonsigiisa uu ka horeeyy mudane faroole . dhalinyara manta jirtana wxaa horyaala ayaa u muuqda ee uma muuqdo wxii hore u soo qabsoomay mrka yeysan kugu dhicin hakad gala howlaha aad u qaban doonto shacabka reer puntland oo dhaman tood u kala ko.ay mshriq iyo maqrib wana soo dhaweyneynaa hdii aan nahay bulshada ama dhalinyarada afkooda aan ku hadlayo , mid ayaan dhahayaa dhalinyarada reer puntland wa maxay in aad manta kala garan weydan ,,( qofka kabtiina tolaya ama kafantina tolaya ) mudane mohamed cilmi waa nin mawaadin ah reer puntland wana nin jeceyl in la hormariyo dhaman punland.mudane faroole iska daa dad uu hormariyo Garoowe oo casimadi ah ayaa soo cabaneysa marka dhalinyaro raali ahaada marka iskana daaya Caqliga lixda saac soodaga.raali ahaada dhaman

  14. wiilwaal says:

    waawax yahaqw qudhunka ahi hadii faroole wax laga sheego maxaad u qaylisaan
    ma aaran jaankii la sheegayaa tihiin dee hadanu rumaysaneynaa waxa la
    sheeg sheegayoo dhan

  15. Ismahan says:

    Wow wa arinlagu farxo in la ogaday dhibta ukuhayo mamulka farole xasuqbadan ayuuu gaystay deganada kamid ah puntlad wa in lalxisabtama hadi kale midkastio qabta wuxu udhaqmidona sidi farole in lala xisabtamo mamulkas wa badbadad umada puntlad

Leave a Reply