XOG: Labada Shariif oo Loo Badinayo Inay Ka Mid Noqon Doonaan Hogaanka Dawlada Cusub
Muqdisho (RBC) Sida ay Raxanreeb ka soo xigatay saraakiil ka tirsan Midowga Afrika iyo xafiiska siyaasadda UN-ka ee Soomaaliya wax badan iskama bedeli doonaan dawlada cusuib ee Soomaaliya yeelan doonto Agoosto 20-keeda kadib, waxaana ay u badan tahay in Labada Shariif ay ka mid noqdaan hogaanka dawlada cusub.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Augustine Mahiga, hadalkii uu ka jeediyey furitaankii shirkii ansixinta dastuurka [Arbacadii] ayaa si aan ku talagal ahayn wuxuu uga sheegay in laga yaabo in wajiyadii hore ay ka mid noqdaan dawlada cusub ee baarlamaanku dooran doono Agoosto.
“…. Sidoo kale waxaan ku rajo weynahay in dad cusub ay ku soo biiraan nidaamka cusub” ayuu Mahiga sidoo kale hadalkiisa ku daray.
Goobta waxaa fadhiyay Madaxweyne Shariif, Shariif Xasan iyo raysul wasaare C/weli Gaas oo iyagu si aad ah ugu sacabatumay khudbadii Mahiga uu jeedinayey.
Kulan xerada Xalane ka dhacay oo uu Augustine Mahiga wareysiyo ku siiyey qaar ka mid ah wariyaasha ajaaniibta ayuu markale Mahiga ku cadeeyay in aysan dhici doonin isbedel guud oo saameeya hay’adaha dawlada hase yeeshee la qiyaasayo in rag cusub ay soo galaan dawlada iyo baarlamaanka cusub. Wuxuu kaloo Mahiga wariyaasha ajaaniibta u sheegay in nidaamka cusub uu shaqeyn doono afar sano oo soo socota.
Rajada Labada Shariif
Madaxweyne Shariif iyo saaxiibkiis Shariif Xasan waxay labaduba rajo weyn ka qabaan inay kueraasta maerkale ku fariistaan, laakiin waxaa jira aragtiyo aysan isku mid ka ahayn. Shariif Xasan wuxuu marar badan cadeeyay in xilligan uu isaga yahay midka ku haboon kursiga MADAXWEYNAHA waana taas mida keentay in Shariif Xasan uu dhiso xulufo ka kooban siyaasiyiin magac leh oo ka tirsan saddexda beelood ee Hawiye, Daarood iyo Dir.
Dadka ka xogwarama arimaha DKMG ah waxay sheegayaan in Shariif Xasan uu ilaalinayo saami qeybsiga beelaha ee 4.5 sidaas darteedna ay tahay inuu helo ugu yaraan saddex beelood ee kale si uu u adkeeyo loolankiisa. Madaxweyne Shariif ayaase u arka loolanka Shariif Xasan mid isaga khatar ku ah, wuxuuna dhowr jeer kula taliyey saaxiibkiisa hore inuu booskiisa baarlamaanka luminin, sida laga soo xigtay dadka ka agdhow labada nin.
Labada ninba waxay si caadi ahaan u wadaan ololayaashooda siyaasadda ee xukun doonka ah, iyagoo sameynaya kulamo qeybaha bulshada laga soo qeybgalinayo, dadkana looga dhaadhicinayo ajendayaashooda.
Warbixinta Monitoring Group
Dadka qaar ayaa qaba in warbixintii kooxda Monitoring Group ay caqabad ku noqon karto ololaha dhamaan madaxda hadda joogta ee KMG, caalamkana taasi waa uu muujiyey. Inkastoo aysan dhicin Soomaaliya in masuul dawladeed ama siyaasi xilka uga tago eedo musuqmaasuq haddana ugu yaraan iyaga [madaxda] hadda uma muuqdaan kuwo welwelsan.
Waxaa intaa dheer, dadka wax dooranaya ma ahan shacabweynaha Soomaaluiyeed oo haddii ay dhici lahayd inay iyaga go’aanka gaaraan- laga yaabi lahaa natiijo kale inay soo baxdo, balse hadda waxaa codkooda bixinaya 275 xubnood oo ku yimid magacyo qabiil isla markaana dhamaantood lagu soo qoray shuruudo iyo dano kala duwan. Marqaati fiicana waxaa noqon kara hadal uu Sheekh Shariif usbuucan horaantiisa siiyey wakaalada wararka AFP oo uu ku yiri “Kalsooni weyn ayaan ka qabaa in markale la i doorto”.
Hadalka saraakiisha UN iyo Midowga Afrika ay ka bixiyeen hogaanka dawlada cusub ee Soomaaliya ayaa loo fasiri karaa mid ka tarjumaya in isbedel weyn aan laga fili doonin hogaanka dawlada cusub.
RBC Radio











waxaan aad uga xumahay warbixin taan waxaa dhabar jabwayn ku ah dhaman umada somaaliyeed in ay labada sharif ay markale sooo hor istagaan waxaa larabaa dadka soamaliyed in labahdilo waxaa had iyo jeer lasoo hor istahiyaaa dadka midka uguliita waxay gateen badii hadana waxay rabaan in aygataan dhulka
awalbaad khalad ku joogteen meesha ee nasiidhaafa,waad ogtihiin inaan somali idin rabina inta isku xishootaan oo madixiinna ka shaqaysiisaan.
khasaaraad ka sheekayseen
runtii maanta, Xildhibaanada soo socda islaam haday yihin sharif sakiin hanadhaafiyeen
Labada shriif aa! Soomaalida ayaa tiraahda abeeso ku cuntay afka uma roona. Idinkana waxaan idin dhihi lahaa hanoo saadaalina labada shariif. Waxaan ALLAH ka baryaynaa inuu kuwaa na dhaafiyo nooguna bedelo kuwo iyaga dhaama. Waxaa ii muuqda waxa ay noqon doonto 4 sanadood iyo shariifyadu. Jug jug meeshaada joog iyo Mahiga oo maalinba meel u wada.
Hogaanka dowlada wuu isbedelayaa lkn dad cusubi masoo bixi foona Mr gaas baa soo noqonaya labafa shariifna waa kudaayeen maalmaha soosocda baana lasaarayaa cunaqabateen xaga safarka ah intaas.bayna ku egyihiin
War xun nowlaguwa ilahay labadas mardanbe nogu masoceliyo adban ugaxumahy in ay mardanbe ku hamiyan in ay noqdan masuloyin dowlada waxan ku rajawaynahy in ay nagusolaban ilahy waxan kabaryana dad dalka iyo dinta wax uqabta in uunasiyo kumafilna miya in tay qaten alowsahal amuraha alow towfiqsa na wafaji
Aan dheeh madaxweynaha (madaxweynaha Soomaaliya Mr. Mahiga) muxuu u badalayaa wajiyadda uu yaqaan oo ah sharif xasan, sharif afgaduud, iyo gaas marka ay uga soo baxeen shaqadii uu u dirsaday oo ahayd in qaran soomaaliyeed oo tayo iyo tabarba leh uu san dhalan. Anigu haddii aan Mahiga ahaan lahaa ma badaleen seddexdaas cada qatayaal. Madaxweyne Mahiga baarlamenkii buu kororsaday dastuur ku sheeg buu samaystay, cada qatayaalkiisii buu haddana keensanayaa, ugu danbayntiina fad ama ha fadin walee waa lagu fadsiin….yes man….filmkii waa dhamaaday.
Shariifka baarlamanka hasoo laabto waayo 21sano dadkii wadanku kadigi waayay oo Lahaa odayaal, hogamiyekooxeed, madaxwaynebeeleed ayuu bananka iska marsiiyay ,balfiiri shariifka baarlamanka Kama dhal an qabil hubaysan ,waligiis dagaal magelin,shahado bug ah Iyo barafasoor Qurba jog ah manoqan sida awged. Sharif jir oo jog intii odayaal bug ah Iyo belays Qurba jog ah ay naqabsan lahayeen.
Runti Sheekh Shariif waa Nin u Qalma in mar Labaad uu Hogaanka qabto, Sababo badan darteed, sida:- 1. Juhdiga iyo Dadaalka uu u soo maray Heerka maanta la Taagan yahay, 2. Tanaasulaadka Dheeraadka ah, uu markasta u Sameynayay sidi ku meel gaarka looga bixi laha oo kaliya, 3. Dagaalka uu kula jiro Kooxda Al Shabaab oo waliba la dhihi karayo, waa uu ka Guuleysan karaya, 4. Ka dib 21 sida ay hadda Suurta gashay in Wadanka Gudihiisa lagu qabto Doorasho Madaxweyne, taasina ay waliba Sababtiisa tahay iyo Waxyaaba kale oo Fara badan … Siyaabahaasi darteed ayaa waxa aan Ilaahey uga Baryaya in Tartankan uu Guul ka gaaro Ilaah idinkiis … W.t.
asc.asxaabeey,warbixintaan warbixin ka stupid-san wali inama soo marin,mana ina soo mari doonto,tan kale waa dalka ha la baneeyo oo quruuma kale ha looga tago,waxaan hubaa in aad wada diidan tihiine,war 2daa qof aan is dhaafino,alloow na dhaafi oo kuwo dhaama noogu bedel.aaaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin dhaha.
KKKKK Warbixintu naxdin badanaa anigu ma qabo in ay soo noqon doonaan 2 shariif iyo abdiwali sidoo kale farmaajo ma iman doono.Haddii ay dhacdo dee shabaab ma khaldana wadanka waa la haystaa shabaabna waa saxan yihiin UN iyo international community dalkan ma leh tuugo ayaa u dhiibataya tuugadii ayaa eedaysay micnuhu wuxuu noqon karaa waan idin soo celinaynaaye badda iyo dhulka iyo dadka intaba inoo saxiixa adka waxaa ay ka hadlaan 2 shariif anigu waxaa ay ila tahay Abdiwali Gaas ayaa ka xun kana wadaniyad yar sababtoo ah wuxuu isu arkaa aniguu dadka ka aqoon badan yahay kana caqli badan yahay sidii addeeradii kkkk marka xalku waa in wixii wax xaday ay na dhafaan warbixintana waa lagu degdegay ayay ila tahay
Runti Sheekh Shariif waa Nin u Qalma in mar Labaad uu Hogaanka qabto, Sababo badan darteed, sida:- 1. Juhdiga iyo Dadaalka uu u soo maray Heerka maanta la Taagan yahay, 2. Tanaasulaadka Dheeraadka ah, uu markasta u Sameynayay sidi ku meel gaarka looga bixi laha oo kaliya, 3. Dagaalka uu kula jiro Kooxda Al Shabaab oo waliba la dhihi karayo, waa uu ka Guuleysan karaya, 4. Ka dib 21 sida ay hadda Suurta gashay in Wadanka Gudihiisa lagu qabto Doorasho Madaxweyne, 5. Maadaama uu yahay Ninka Xogogaalka u ah, System ka la doonayo in lagu Dhaqmo, taasina ay waliba Sababtiisa tahay iyo Waxyaaba kale oo Fara badan … Siyaabahaasi darteed ayaa waxa aan Ilaahey uga Baryaya in Tartankan uu Guul ka gaaro Ilaah idinkiis … W.t.
shariifka wax ino dhaamo ma jiro asigna soo labanayo ee ka naxow dhimo ku farxow nooloow kkk
Amison iyo Mahiiga waxay u baahan yihiin madax Soomliyeed.
Waxaan filayaa waqti ku filan waddankan way ka soo taliyeen…Maanta madax hagta dhaqdhaqaa siyaasdeed iyo kan nabada wadanka ayaa loo baahan yahay.
waxaan u baahan nahay dad leh khibrad iyo awood siyaasadeed dooran kara team caalamka wax la qaybsada maah kuwo wax loo yeeriyo.
ku filan intaasi shariifyo iyo gaas …man jeclin inay ku soo noqdaan saalada,”ADDieo
by gaas
BISHA AAN KU JIRNO HA ILOOWINA WAA RAMADAAN, WAANA BISHII ILAAHEEY TOWBADDA LA WEYDIISAN LAHAA IYO DEMBI DHAAFKABA.
WAXAAN AAD IYO AAD UGA XUMAHAY KUWA LEH WAXAAN TAAGEEREYNAA LABADA SHARIIF IYAGOO OGSOON WAXA AY YIHIIN IYO DULMIGA AY KU HAAYAAN DADKA, DALKA IYO DIINTABA, KUNA DANEYSTAAN DHIIGGA MASAAKIINTA, KUAN TAAJIREEN OO KU CAYILEEN MACLUUSHA SHACABKA HAYSATA.
MARKA RUUXII DULMI TAAGEERA WUXUU LA MID YAHAY KII GALEY DULMIGA, ADDUUNA KAMA FAA’IIDAAYO, AAKHARANA WUXUU CADAAB LA GALAYAAN DAALUMIINTA UU ADDUUNKA KORKIISA KU TAAGEEREY.
SOMALIDU WAA INEY ILAAHEEY AAMINAAN, KUNA KALSOONAADAAN, IAYAGANA KA DIB ISKU KALSOONAADO, KANA FOGAADAAN QABIILKA, DULMIGA, IYO CADDALADA DARRADA IYAGOO CAADIFAD AAN WAXBA KA HELEYNIN AY QAADEYSO.
HADDII LABADAAN XARIIF MIDKOODA SOO NOQDO ISKABA DHAAFEE LABADOODA, WALLAAHI SOMALIA MARKAAS KA DIB AYEY SII GALEYSAA BUR BUR IYO HALAAG CUSUB , ILAAHEEY AAN KA BARINO INUU KUWAAN UMMADDA KA HOR DHAQAAJIYO ISAGAA AWOODAAS ISKA LEH, AAMIIN.
Lbada shariif haday soo noqdaan anigu waxaan qabtaa in nin walba oo somali ah uu qori qaato oo dhulkiisa iyo dadkiisa la difaacdo, aniga kamaal ahaan waxaan qabaa hadii labada shariif soo noqdaan in somaliya burburtay oo nin walbaa gobolkiisa madaxwayne u magacowdaa haduu awoodana uu ka go’aa somaliya sida somaliland oo kale….
waxaa lasheegayaa sakiin in uu shahaado bug ah oo dugsi sare samaystay wuxuu yiri bakool ayaan kusoo dhigtay dugsiga sare maadaama qofka madaxwaynaha noqonaya uu ugu yaraan wato shahaado dugsi sare kkk
shariif afguduudna jaamacad khartum ku taal ayaan mastar ka qaatay ayuu yiri laakiin waa lasoo baaray hal sano ayuu jaamacada khartum dhigtay dugsi hoose dhexe xamar ayuu ku dhigatay laakiin dugsi sare maba uu dhigan kkkk ceebay tacaal
mahiga in ay soo noqdaan wuu rabaa waayo rag wax qora ama aqriya ma,ahan ragaan teeda kale waa rag waxla wuxuu rabo uu kasamaysto lacago ayaa ma,gacooda inta lugu soo qoro ayuu asagu qaataa afka ayaa dufan loo mariyaa
ragaas oo kale ayaa ladoonayaa
ASCW, dhamaantiin. Waan taagersanahay in Dowlada hada jirto iyo Madaxweynaha Shiiq Shariif markale la doorto, si uu meesha uga sii wado xaqiijinta dowlad Somaliyeed oo xoogan, cagaheedana ku istaagto. Caadiyan, wax xun ma aha isbadal iyo dad cusub in eey wadanka hogaamiyaan, laakiin, xaaladaha qaarkood faa’iido maleh isbadal in lagu sameeyo hogaanka dal, qaasatan, marka uu Hogaamiyaha dalka sida Shiiq Shariif uu momentum iyo guulo badan dalka, dadka iyo diintaba gaarsiiyay. Walaalaha, Soomaliyeed waxaan ka codsaneeynaa in eey “big picture” inta arkaan, eey nagu taageeraan af iyo adin, in Madaxweyna Shariif geediga meesha kasii wado, oo Afar sano oo kale dalka hogaamiyo. Markaas kabacdi, dabcan qof kale ayuu ku wareejinayaa xukunka maadaama uu labo term, ama doorasho dalka hogaamiyay. Thank you all.
Soomaaliland wa bilowday in ay ddib uga noqoto heshiiskii l doonaayay marhaday aragtay labada shariif oo bahdil kuhaya muuqaalka iyo sumcadda soomaaliyeed. Maamulada kalena dawlad diid bay iska noqonayaan
s/calaykum dhamaan asxaabta dabadeed anigu waxay ila tahay in loo daayo waan ognahay waxyaabaha soo baxbaxaaya laakiin 4 sano waa afar beri meeshaan waxaa laysku dhexwadaa waxyaabo badan wadankaan wuxuu soo marey meel uu qofkastoo baniaadam ah uu ka rajo dhigo marka hada wax maamul ah ayaa ka jira dusha halaga maamulo waxaa la yiri dantaada maqaar eey ayaa luugu jiiftaa laakiin waxaa jira dowlad hala yiraahdo waa tuugo hal yiraahdo isma raacsana hala yiraa waa la maamulaa walaalayaal ma ogtihiin inay waxaan burbureen 20 sano waxaan idiin sheegayaa wax hal maalin laguma soo celin karo waxaan rabnaa 15 sano ugu yaraan inay cagaheeda ku istaagto marka nin walboo aqon leh wuu garan karaa waxaan sida wax lagu wado hadaan sidaa la yeelin ogoow ooaan fadhi ku dirirka warkooda foosha xun sii wadaan wax wanaaga inaan gaareyn aigu soomaalibaan ahey waan arkay qurbe gumeysi dadkoo kugu dhaga hadla ogoow wax wadankaaga kuu dhaamaa ma jiro fadlan ku caawi dowladaada hadalka wanaagsan waa sed markii xaqiiqada loo hadlo oo aan caatifad iyo qabiil isir ilaahey haynaga koriyo waa cudur umadaa baabi.iyey marka anigu waxaan aaminsanahay inay maalin walbaa wax isbedel ah uu imaanayo waxaa loo baahan yahay sabur shaqo hadal wanaagsan wadan jeceel ilaahey waxa saxa ah madaxdeena ilaah ha waafajiyo guul soomaaliweyn inshaa dowlad weyn oo quwad u leh hanashada wadankoo dhan iyo umad iscafisa oo u soo jeeda dhismaha wadankooda mustaqbalkooda xaga amniga caafimaadka waxbarashada adkeenta dhaqanka suuban ee islaamka inshaa allah guul dhamaan umada soomaaliyeed meel ay joogaan
Koley FAROOLE haduusan qabaneyn, wax walba waa O.K.
Farmaajaha adduunkoo dhan laga soo nacay oo cidwalba ka horimanaya baad rabtaan oo weliba qaab qabiil lagu wataa, hadde maanta xoog majiree doorashada hadduu ku helo waa ok laakiin indha adayg iyo qaylo umalaynmaayo in maanta cid waxlooga qaadayo.
Labada shariif waa niman wax badan qabtay baan qabaa haddii xaqa laga hadlayo oo qabyaaladda idin indhmartay layska dhaafo siiba Sh. Shariif marka caddaalad darrada ha laiska dhaafo xaqa yaan laiska indha tirin walluu Sh.Skariif wiil yahay. Teeda kale ogaada anigu ku qabiil maahi xataa ============ maahi laakiin meeshuu reerkan ka keenay iyo meeshuu marinayo baa ii muuqata haloo daayo baan qabaa reerkiisa hana lagu taageero si uu meel wanaagsan salka dhulka ugu dhigo wuuna hayaa waddadeediiye.
Sheekh Shariif mar kale doorta si uu u dhamaystiro wuxuu billaabey, Wuu dadaaley Sheekha, rajada Soomaaliya ma xuma maanta.
Allahayow arligeenna amarkiisa nimuu eedo ka ilaali.
Aamiin.
Sharif xasan waa in markan la doortaa waayo waa nin nadiif ka ah caadifadda qabiil ee somali halakeysey, waana nin usoo halgamay dowladnimada somaliyeed, waa nin hannan kara dhamman shacabka Somaliyeed waayo waa nin Somali oo dhan u simantahay aanan kala xigsaneynin, waxuu leeyahay tayo madaxtinimo, waa in la siiyaa fursad.
xaqiqidii waxan umahad celinayaah RBC&RAXANREEB intaa kadib waxaan filaynay waxa iska mabadalidonan sababtu waxa aytahay waloa filayay inaysan wax wayn iska badali doonin nadamka cusub lkn waxan lenahay mesha waxa utaliya mahige ayaan filayaa isanagana mamulka amadarawal nimada somaliya isterinka uahaye isaguna madonayo nin la xisab tamikara waan ka xumahay xaqiqdii