XOG: Madaxweyne Shariif oo Soddogiisa Ku Daray Baarlamaanka Cusub
Muqdisho (RBC) Sida ay Raxanreeb u sheegeen odayaal ka tirsan beesha Banaadiriga ee degmada Marka, waxaa xildhibaanimadii beeshaasi la siiyey Suldaan Mustafa Xaaji oo ah sodoga madaxweyne Shariif iyadoo uu gacan ka geystay madaxweynaha.
Mid ka mid ah oday dhaqameedka Banaadiriga degmada Marka ayaa Raxanreeb u sheegay in xubintii baarlamaanka ee kaliya ee beeshooda ay heli jireen uu qaatay Suldaan Mustafe oo ah odayga dhalay mid ka mid ah xaasaska madaxweyne Shariif oo la yiraahdo Faadumo Mustafe Xaaji.
Waxaa beryahan taagnaa muran ku saabsan xildhibaanimada beesha 12-Ka Koofi oo ka tirsan beelweynta Banaadiriga uu ka dhex jiray koox odayaal ah oo ay ka mid yihiin Suldaan Mustafe iyo Nabadoon Cusmaan Yarow oo si aad ah ugu ololeynayey in Suldaan Mustafe laga dhigo xildhibaanka beesha.
Madaxweyne Shariif ayaa isaguna ku wargeliyey guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka in suldaan Mustafe loo qoro xildhibaanimada beesha Banaadiriga Marka ee ay horey u lahayd.
Cabashada taagan
Garweyne Kuulow Aweys oo baarlamaankii u dambeeyay ka ahaa xildhibaanka beesha 12-ka Koofi ee Banaadiriga ayaa Raxanreeb u sheegay in isaga uu beesha u ahaa xildhibaan, hase yeeshee madaxweyne Shariif uu booskiisa ku bedelay sodogiisa Suldaan Mustafe oo hadda ku sugan Muqdisho.
Xildhibaan Kuulow Aweys wuxuu ku tilmaamay arinkaasi dulmi lagu sameeyay beesha guud ahaanteeda.
“Annaga beel ahaan ayaa xaq u leh inaan ka tashano xildhibaanka cida noo noqoneysa, madaxweyne Shariif beeshiisa ha u qeybiyo xildhibaanada ee kuweena faraha hakala baxo” ayuu yiri Kuulow.
Xubin ka tirsan guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka oo ah guddi ay keensadeen lixda saxiixayaasha qariirada roadmap-ka ayaa u sheegay wariyaha Raxanreeb in uu soo gaaray liiska beelaha Banaadiriga ee xildhibaanada cusub uuna ku jiro Suldaan Mustafe, laakiin aysan ogeyn in wax khilaaf ah uu ka jiro xubinimadiisa.
Wariyaha Raxanreeb ayaa isku dayay in agaasimaha xadfiiska madaxweynaha uu wax ka weydiiyo waxa ka jira in madaxweyne Shariif sodogiisa uu ku taageeray ka mid noqoshada baarlamaanka cusub hase yeeshee nooma suurtagalin.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho













SCW/ Dhamaan Walalaha wax Qoraya waxaan leyahay ka fiirsada qoraalka anshax darada ah
oo madaxda somaliyeed Xaqiiqda waxey tahay Suldaan Mustafe in kastoo la hubin magacaabistiia
waxaa xaqiiq ah in cid fara galin ku heyso Beesha majirto anagaa ka mid ah oo xog ogaal ah
Fadlan walaalaha wax qoraya ka waantooba aflagaadada madaxda iyo qabiil naceebka
waxaa wanaagsan warar xaqiiq ah inaad qortaan
FG inaan qoro sida wax u jiraan waxaa igu qasbay markan arkay qoraalka beenta ah
Odaga waa ugashay gabartey Allah hadhawro!!!
meesha qab yaalad baa kasocota waxaa loo baahan yahay inlafiiriyo marka lasooxolayo barlamaanka yaa wax qaban karakka ee lama rabo yaa xidida
KKKKKKK waxaan filayaa inay tahay dhacda kamida dhacdoyinka somaliya kajira
midkale beesha 12 ka koofi iyada lahad inay soxulato xubinta matalaysa lkn waxa la oran karaa sharif wax uu kasameyay cadalad xumo qaawan arintaas
KHARIIFKA AFKA CADE WUU WAASHAY WUXUNA AAMINSAN YAHAY ———- AYAAA KU SOO SAARI WAAR HADAD SEEDIGABAAD SHEEGTE [[[[[[[[[[[[[[[ OO DHAMI CODKA KU SIIYAN INAANAD KU SOO LAABANAYN MADAXTINIMADA SOMALIAYA
Shariifka hadii uu ku Caawi yay Sodogiis inuu helo xubin parliament Maxaa ku jaban ? Nin soomaali ah maahan ? Wadan kaan meshaa kafiirineysaan majoogo Wali angaa isku maqan ,
kkkk NIN KASTA oo XAASKIISA jecel wixii uu SEEDIGII u sameyn lahaa ayuu SAMEEYEY,, alaha u naxariistee SAYIDKII MAXAMED C/LLE XASAN, wuxuu aduunka ugu jeclaa oo ahaa XIIN FINIIN ayuu seedigii ku yiri,, XARIGIISA IGA QABO AADMI KALE KUMA XURMEEYEENEE,, marka haduu SHARIIF howshaa sameeyey waxaan ku qiyaasi karaa maahmaahdii somaaliyeed ee aheyd, NIN WIXIISA KAA SOOREY NIN DHEH, NIN RAG WAXOOD KAA SOOREYNA, NIMANYAAL DHEH,
kkk walaahi waa sheeko iga qoslisay waxaan umalaynayaa odayga ayuu shariif biili jiray marka wuxuu is yiri biilkiisa haka dhacsado golaha baarlamaanka
xaaskiisana waxaa muuqata in ay tahay gabar saamayn wayn ku leh shariif naagta usoo dhicisay aabaheed xubinta baarlamaanka kkkkkkkkkk
kii diinta yaqaanay haduu saas samaynayo mid aan diin aqoon maxaad umalayn
sharifkii amiirul mu.miniinka ahaa hada naagaha ayuu iska salamaa helari clinton asagoo gacanta kadhunkanaya ma aragteen kkkkkkkkk sheekhaw xaalqaado waa inta la arkee waxaan la arkayn ayaa kasii badan alaahuma najinaa
Shariifku wa saxan yahay waayo aduunka meel ay ka jirto cadaalad dhab ah ma jirto markay yaan lagu mashquul madaxwanaa DALKA.
Mida kale waaba sodogiise ma waxaa jira nin sodogiis qadin lahaa waa may!!!!!
Kaagan Khaatumo la baxay maaha Magac umad dhami leedahay intaad qaadato wax ku caydo markaa adeer waxaan ugu la talin lahaa Magaca ubadda iska dhig ama si fiican oo sareexad leh ugu cabir Ra’yigaaga.
Sh. Shariif la ogaayoo, waa nin xididnimo leh
Beri hore beelaha Banaadirigu waxay sheegeen in ay jirto beel aanan iyaga ahayn oo si toos ah arrinkooda ugu takri-fasha. Waxay yiraahdeen beeshaas ayaa Banaadiriga ka dhex soocanaysa xildhibaanno ay iyagu abtiyaal u yihiin.
Berigaas waan ku wareeray cidda loo jeedo, haatanse ii cad sheekadu.
Odagu waa bareeray weesu uma dhowrna haduu seedigii meesha soogeliyey balse waxaan kula talinlahaa in reer banaadirigu yur iska yiraahdaan
MUKULAAL MADOW ka fiican SHARIIF waligey ma arg,,, QOFTA INDHAHA AYEY KA RIDEY, AFKIINA WAA SI GADUUTEY,, viva SHARIIF
Dabcan haduu furana odaygana wuu furayaa oo xildhibaanimad ayuu ka cayrinayaa
Sodaga shariif ma saudiyaan miyaa yaase u diiday u ka mid noqdo barlamanka somalia gormay horumar gaarayaan qomkaan waxaa la dhahaa mashqul.com
Wa arin fican , Sharifkana arintas shago kumalaha ee 12 kofiyada aya doorten .
wana mahadsanyihin.
war maxaad wax uga sheegeysaan sh shariif waaba nin goba oo xididnimada qadariya mar haduu sodogii ka dhigay xildhibaan waa wax lagu farxo midna yaan laga tegin odaga waxaa usoo huyisey guushaa gabadhaa yar cad oo quruxda badan waa muteystey odegaa in wax kasta la siiyo kuwaa sodogood alaabka ka xirta war odagu socod badanaa waa yar yahay nin qadaria sodog ee daaya waaba nin wax kala garanaya sh shariif allaa yaa isag badhaay walee naag nool baad tahay guuleyso gabdhaa abaheed in uu derejo gaaro u guntatayeey fariidnimo waa kaa muuqataa.
SALAAN KA DIB.
Website-yada iyo warbaahinta kale Runta ka hadla isla markana taageera Dulmanayaasha Caalamka waxay fulinayaan : Qowlkii ilaaheey ee ahaa ,
Qaala tacaalaa : WATACAAWANUU CALAL BIRRI WA TAQWAA WALAA TACAAWANUU CALAL ISMI WAL CUDWAAN..
ilaahayoow wixii ummadda dulmi ku wado naga qabo aamiin soon soon waayee
[...] Garweyne Kuulow wuxuu dhowaan Raxanreeb u sheegay in qeybtii beeshiisa ee baarlamaanka cusub uu go’aan ka gaaray madaxweyne Shariif isagoo sheegay inuu soddigiis ku bedelay si uu codka Agoosto u siiyo isaga. Akhri wareysiga Garweyne [...]
[...] madaxweyne Shariif isagoo sheegay inuu soddigiis ku bedelay si uu codka Agoosto u siiyo isaga. Akhri wareysiga [...]
[...] Garweyne Kuulow wuxuu dhowaan Warbaahinta u sheegay in qeybtii beeshiisa ee baarlamaanka cusub uu go’aan ka gaaray madaxweyne Shariif isagoo sheegay inuu soddigiis ku bedelay si uu codka Agoosto u siiyo isaga. Akhri wareysiga Garweyne [...]
SALAAN KA DIB.
BANAADIR BOYS HAYE MAXAAD ARAGTEEN IN SODOGAA MADAXWEYNAHA( Mustaf ) LAGU WAREEJIYEY BOOSKII XILDHIBAAN EE REER MARKA CADEEY(banaadiri) AH LAGU WAREEJIYEY DULMI HA U HIILINA WIILASHA BANAADIRIGA SAAS MA LAGU OGA.
alle u towbiya