XOG: Raysal Wasaare Gaas Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqaya Inuu Yahay Musharax Madaxweyne


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Raysal wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya C/wali Cali Gaas ayaa qorshaynaya in uu ku dhawaaqo in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in maalmaha dhow uu Raysal wasaaraha si toos ah ugu dhawaaqi doono in uu ka mid yahay musharixiinta bisha Augusto ee 2012.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa socday ololo lagu taageerayay Raysal wasaaraha in uu isi soo sharaxo, waxaana xaflado balaaran lagu qabtay wadanka dibadiisa iyo gudaha wadanka kuwaas oo dhamaantood lagu taageerayay Raysal wasaaraha.

Marsii horaysay ayaa Raysal wasaaraha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi wuxuu meesha ka saaray in uu yahay musharax wuxuuna sheegay in uusan doonaynin in uu soo laabto.

Laakiin hadalka Raysal wasaaraha Waxaa meesha ka saartay Marwada Raysal wasaaraha Soomaaliya Marwo Hodan Ciise waxayna sheegtay in Raysal wasaaraha uu yahay musharax ku jira tartanka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Marwada Raysal wasaaraha ayaa waxay ugu horaysaa dadka ololaha doorashada u samaynaya Raysal wasaare Gaas, waxaana xaflado dhowr ah ay ku qabatay wadanka Dibadiisa.

Iyadoo ay inyar uun ka harsantahay xiliga laqabanayo doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya oo lagu balansanyahay in la qabto 20-bisha Augusto ayaa hadana waxaa jira Musharixiin badan oo u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya waxaana musharixiintaasi ugu horeeya madaxda haatan haysa talada wadanka.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

14 Responses for “XOG: Raysal Wasaare Gaas Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqaya Inuu Yahay Musharax Madaxweyne”

  1. [...] Link: XOG: Raysal Wasaare Gaas Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqaya Inuu Yahay Musharax Madaxweyne [...]

  2. Rooraaye says:

    Waan taageersanahay dr cabdiweli cali gaas waa soomaali daacad ah jecel in soomaaliya noqoto wadan nabad iyo barwaaqo ah waa nin daacad ah koley dadbaa ayagu feker kale oo kaa duwan wata laakiin qof walibaa waa fekerkiisa anigu waxaan ku raacey sidii dowladiisa u shaqeysey muddo yar oo kooban oo aan wax qilaaf ah dhexmarin asabga iyo madaxda ka sareysa waxaana laga arki karaa sidii ay uga go,neyd in ku meel gaarka looga bixi lahaa oo loo heli lahaa dowlad markaa sidaa ayaan ku doortry

  3. DASTUURKA IYO DHAXALKIISA. Waxan nasiib daro ah in ummadda soomaaliyeed oo muddo 22 sano kadib ah fursad u heshay inay ku kulanto wadanka gudihiisa gaar caasimadii in ay ka faa’iidaysan waydo fursadaa waxaana marin habaabiyey nin keliya oo lagu sheegay ergayga gaarka ah ee UNka.Waxan qabaa in cawaaqib xumo mooyee wax kale laga dhaxli doonin.Markan wax badan ka fekeray waxa ii soo baxday inan laga dhaxli doonin cawaaqib xumo aan ka ahayn kuwa hoos ku qoran haddan alle laga cabsan oo la daba qaban; 1)Nasiib darada koowaad in dhaqankii soomaaliyeed iyo ergaday soo xuleen oo dhan 825 ruux inay alle hortiis,ummada iyo bulshada caalamkaba marqaati beenaale ka hor furaan in iyagu ansixiyeen dastuurkan sona xuleen baarlamaan wanaagsan oo dalka iyo dadka gaarsiiya barwaaqo iyo baraare 2) mida labaad in kala qaybintii soomaaliya ee Berlin 1884 kadib intii hartay soomaalidu gacanteeda shan dal oo ku dhisan ugu qaybiso.3) In lix nin oo soomaaliya oo damac siyaasiya leh iyo mid ajnabiya oo danta dhabtaa wata waxa dadka hortiisa ku kariyeen.4)Kuwii waxa kariyey damac dowladnimadii loo sheegay daaye iyagiba ibixi taagan oo tuugonimo loo haysta. 5)Ummaddii soomaaliyeed intii hartay waxay u kala jabeen in markii la yiri car howshan ayaa ka hadla baqday oo iska aamustay iyo in leh war lixda tuug nagu bedela inagan waligeen waxba xadine oo dheriga dalkiisii iyo dadkiisii lagu karinayo lafo ka sugaya oo aan wax kale u jeedin waa nasiib xumo aan is dhaamin.Dalka iyo dadku ayey ka ooyaan ayeyse u ooyaan? !!!

  4. Puntland boy says:

    Gaas Waa wadani daacad ah Soomaali yana kasaari Kara mar xalada adag xaqiiqana Aan tuug aheyn , Haday aheyd ineey ku dhawaa qaan masharax nimadooda waa 2 Shariife si eey awoodooda ugeliyaan in Soomalia aay kasaraan marxalada adag oo kala guurka ah Gaas waa Geesi Wadani ah ,Waxaan kula dardaar mayayaa Parlemenka cusub ineey Soomaalia u hiiliyaan oo Qof wanaagsan dortaan sida Gaas, Anigu waxaan Codkeygayga siin lahaa hadii maanta aay Ahaan lehayd one man one vote Gaas Ama Samatar, Viva Puntland & Soomaalia

  5. mr.gaas.lagu dooran maayo,laguma rabo,laguna barayey,ee wadaayoow hays ceebayn,bal inta aad dhinac yadaada eegto yaa ku dooranaya,ma 4ta wiil ee aad isku reerka tihiin,waa maya,lana socda maanta waxaan doorara naynaa cid somali u dhex ah ee dooran mayno mid jees aan dhaaf siisnayn.

  6. khalid says:

    inta sedexda tuug ee iminka wadanka somaaliyeed lahartey qabiil iyo lacag lagu kala taagyeerayo awey ragi kale wadaniyiinta ahaa? wax kasta loo sheegyo somaali xag diin iyo dadaalba la keri waa ee allow somaali usahal umuuraha ka qaldan adaa abuure.

  7. cawaale says:

    nabi allaw nin walba fakii kugu amaan.

  8. Gaashaaaan says:

    Kkkkk war ninku muxuu isku cebenayaa, miyuusan arag raga mesha la tartamayo sida FARMAAJO, SAMATAR, BAADIYOW, IYO aqoonyahanada kale e tirada badan, ee wax qabadka iyo gesinamada isku darsadey shacabkana ay boorarka u qaadeen, marka waxa ceeb ah asagoo lacag la dhunsaday inu so hungoobo, hadana aan go’an laheen oo faroole iyo mahiiga wax ka dhagaysta

  9. somalijecel says:

    KKKKK Abdiwali wuu shalimay malaha wadani wuxu u yahay 7% hab aad u hooseeya u taageersan waxaan qabaa marka hore HEGUE in uu tago oo uu iska xaadiriyo WADANI iyo abdiwali shaqo iskuma lahan raali ahow ahow inta kula reerka ah ee aad canshuur dhaafkii qaranka siisay codkooda ku xisaabtan

  10. Haad says:

    A/C

    A/C

    Saa Yaa hada Musharrax ah? Ma Hodan mise Cabdiwali?

    Bal qoraalka dib ugu noqda. Ina Gaas wuxuu sheegay in uusan Murashax aheyn, Hodana waxay sheegtay inuu yahay, yaa sharraxan marka?

    Anigu waxaan dhihi karaa waxaa sharraxan Qalbiga Hodan iyo Qolofka Gaas! Bismillaahi, waanba ku wareeray….Kkkk

    Codkayga waxaan siiyay Qalbiga Hodan, laakiin waa haday Qolof kale u hesho….kkk Ma doonayo in uu cod iiga khasaaro Qolofka Gaas.

    Jj

  11. sugula says:

    Sow ninku kama tirsana sadexdii hogaamiye ee lagu hayey xatooyo iyo xoolo masaakiineed,
    shariifyada waa kuwa musharaxiinta ah,wax micno leh ma sameyneyso musharaxnimadooda
    uma maleymaanyo in ey jaanis leeyihiin ilaa ey cadeyn cad oo la taaban karo keenan,afka in ey
    isku difaacaan oo kaliya kuma filna,

  12. Hassan says:

    Aad iyo aad baan u soo dhaweynaynaa abdwali. Anigu kuma raacin qabiil laakiin intii uu ahaa raisal wasaaraha aad iyo aad buu shaqadiisa uga soo baxay. markii aad fiirisid arintii ahay lacag dhunsiga dadka wuxuu ku jiray ugu nadiifsan. ilaahayow dhulkeena iyo dalkeena nabad nooga dhig.

  13. sheekh says:

    cabdi wali anga reer mogdisho ma doonayno ee u geeya faroole

  14. masakaxmaal says:

    Gaas waa uqalmaa jagadaas waana istaahilaa waayo waa aqoon yahan somaliyeed marka waa ku boorinayaa inuu isosoo taago jagadaas waana urajaynayaa insha’alah

Leave a Reply