XOG: Shaqaalaha Wasaaradaha DKMG ah oo Mushahar La’aan Darteed u Soo Xaadiri Waayay Xafiisyada Shaqada Iyo Walwal Ka Tagaan in Lacag Laga Helo Dawlada
Muqdisho (RBC) Shaqaalaha kala duwan ee wasaaradaha xukuumadda KMG Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho ayaan helin wax mushahar ah bishii labaad iyadoo ay sii kordheyso walaaca shaqaalaha ay ka qabaan inay waqtigaan helaan wax mushahar ah.
Qaar ka mid ah wasaaradaha muhimka ah oo ay ku jiraan kuwa amaanka oo wariye Raxanreeb ka tirsan uu booqday ayaa waxaa ka muuqdy habacsanaan dhanka shaqada ah iyadoo xafiisyada badankood aan la furin kadib markii shaqaalihii hawsha waday aysan soo xaadirin dhaqaale la’aan darteed iyo niyadjab ay ka qaadeen mushahar la’aanta darteed.
“Xitaa waardiyaasheena waxay nagu dhahaan maxaan meesha ka soo dooneynaa haddii aan helin biilkii carruurta” sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha arimaha gudaha oo aan rabin in magaciisa aan faafino.
Sida uu noo sheegay ninkaasi shaqaalaha dawlada ka tirsan ma jirto wax lacag ah oo ay heleen bilihii May iyo June haatana lagu jiro bisha July. Wuxuuna intaa ku daray inay yar tahay rajada laga qabo in wax lacag ah ay helaan illaa inta laga gaarayo bisha Sebtember “Waayo waxaa lagu jiraa xilli kalaguur ah waana la kala cararayaa” ayuu yiri.
Saameynta ugu weyn waxay arinta ku yeelatay hay’adaha amaanka oo ah kuwa ugu horeeya ee xilka uu ka saaran yahay sugida amaanka maadaama hadda magaalada Muqdisho ay gacantaugu jirto DKMG ah. Saldhigyada booliska qaarkood ayaad markaad tagto ku arkeysaa askar tiro yar oo joogta halka askarta badankeed ay u qaraab tagaan magaalada si ay noloshooda u soo maareeyaan.
Mushaharka iyo ololoaha doorashada
Ilo wareedyo ku dhow wasaaradda maaliyada, dekeda Muqdisho iyo bangiga dhexe ayaa sheegaya in dawladu ay lacag fara badan ku bixineyso shirka odayaasha dhaqanka iyo ansixinta dastuurka cusub halkii mushaharaadka la siin lahaa shaqaalaha, waxaana arintan sabab looga dhigayaa kadib markii la waayey ballanqaad $12-milyan (toban iyo labo milyan doolar) oo ay ahayd inay bixiyaan wadamada deeqbixiyaasha iyo Qaramada Midoobay si loogu daboolo kharashaadka lagu meelmarinayo shirarka ansixinta dastuurka qabyada ah oo muhimad weyn la siinayo hadda.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale sheegaya in lacago badan oo horey u yaallay loo adeegsanayo ololaha doorashada ee madaxda dawlada, waxaana dhaqaalahaasio si siman u isticmaalaya saddexda masuul ee ugu sareysa DKMG ah oo mid kasta xafiiskiisa maalintii ay ku baxdo lacag kumanaan doolar ah.
Xafiisyada saddexda masuul ee ugu sareysa DKMG ah ayaa meeshii ugu sareysa ka gaaray qaabilaada iyo kulamada ay la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, haweenka, siyaasiyiinta iyo kaabo qabiilo iyadoo lacag fara badan ay ku baxdo kulamadaasi qaabilaada ee dhamaantood ku qotoma dano siyaasadeed.
Soomaaliya, sida wadamada kale ee caalamka lagama sugayo inay ka dhacaan mudaharaadyo shaqo joojin ah oo ay ku cabanayaan shaqaalaha mushahar la’aanta ah hase yeeshee waxaa taa bedelkeeda lagu dhaqmaa dhaqan ah in xafiisyada aanba irdaha loo furin, waana taas mida aad ku arkeyso haddaan booqatio xafiisyada wasaaradaha xukuumadda ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












War farmaajo hala soo celiyo asagaa ku wanaagsan bixinta mushaaraadka
Fadlan hanala dhaafiyo sedexdaan nin oo shaqadooda safar ka dhigtay una soo jeestay inay dalka dhacaan waa shariif sakiin iyo gaas iyo shariifka madaxweynaha ah sababtoo ah markuu farmaajo mushaarka u bilaaway shaqaalaha dowlada lacag jeebkiiisa muusan bixinaynin ee wuxuu siinaayay wixii diowlada soo galay lakin midkaan gaas ah lacagta dowlada inuu dhaco iyo inuu dooorasho ku galo ayuu rabaa ee yaa naga qabta waxaan tuugada ah