XOG: Sheekh Shariif oo Kulan Irdaha u Laaban Yihiin La Yeeshay Odayaasha Beelaha Hawiye


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Warar laga helay ilo wareedyo ku sugan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa u sheegay Shabakada Raxanreeb in madaxweyne Shariif Sheekh Axmed xalay kulan irdaha loo xiray la yeeshay odayaasha beelaha Hawiye ee ka qeybgalaya kulanka odayaasha ee ka socda Muqdisho.

Kulankan ayaa ka dambeeyay martiqaad uu madaxweynuhu u fidiyey xubnaha odayaasha Hawiye iyadoo ay soo xaadireen 27 xubnood oo ka mid ah 30-ka xubnood ee Hawiyaha uga qeybgalaa shirka odayaasha.  Waxaana kulankan diirada lagu saaray caqabadaha soo foodsaaray qorshihii ansixinta dastuurka ee dhanka odayaasha ay si weyn u mucaaradeen.

Kulanka looma ogoleyn inay ka qeybgasho saxaafadda xitaa mida ay dawlada maamusho, hase yeeshee odayaasha qaarkoiod oo ay Raxanreeb la kulantay isla markaana magacyadooda aan rabin in la faafiyo ayaa sheegay in madaxweynuhu si aad ah u dhaliilay dareenka odayuaasha, isagoo sheegay in odayaasha Hawiye ay hormuud u noqdeen olole ka dhan ah ansixina dastuurka cusub ee qabyada ah.

Sida odayaasha aan la kulanay ay sheegeen, wuxuu madaxweynuhu ku dheeraaday in dawlada KMG ah aysan guuleysan doonin isla markaana waqtiga kalaguurka uu fashilmi doono haddii laga horyimaado meelmarinta dastuurka cusub, isagoo ka codsaday odayaasha Hawiye inay caqabada ka horqaadaan soo xulista ergada ansixinta ee aysan diidin.

Guddiga sixitaanka dastuurka

Qaar ka mid ah odayaasha kulankan ka soo qeybgalay oo ka hadlay meesha ayaa madaxweynaha u sheegay in qodobo xasaasi ah oo ‘xaaraan’ klu tilmaameen inay ka buuxaan dastuurka qabyada ahsidaasi darteedna odayaasha aysan ogolaan karin in ay ergo u keenaan meel ‘xaaraan’ ku qoran tahay, waa sida uu Raxanreeb u sheegay mid ka mid ah raggii kulanka fadhiyey.

Dood dheer oo dhexmaratay labada dhinac kadib ayaa madaxweyne Shariif wuxuu aqbslay in guddi ka kooban odayaasha oo dhan loo xilsaaro inay soo diyaariyaan qodobada ay ‘xaaraanta’ ku tilmaameen ee ku jira dastuurka cusub si wax ka bedel loogu sameeyo, iyadoo mudo ka yar afar maalmood loo qabta in shaqada guddigaasi ay ku soo dhamaato.  Waxaana guddigaasiu loo bixiyey “Guddiga sixitaanka dastuurka”.

Gabagabadii kulanka ayaa madaxweyne Shariif wuxuu odayaasha Hawiye u sheegay in kulanka uu iyaga la qaatay midkiisa kale la yeelan doono beelaha kale sida Dir, Daarood, Digil iyo Mirifle iyo Beesha Shanaad si uu ugala hadlo isla arimahan uu iyaga kala hadlay.

Kulankan aaa dhacaya iyadoo dawlada ay shalay ogolaatay in mudo lix maalmood ah loogu kordhiyo waqtigii odayaasha ay ku soo xuli lahaayeenb ergada ansixinta taasoo ku eg 12-ka July oo ku beegan Khamiista soo socota.

Waxaana kulankan uu qeyb ka yahay iskuday madaxweynuhu ku doonayo inuu ku dejiyo dareenka odayaasha diidan qeybo ka mid ah dastuurka, gaar ahaan beelaha Hawiyaha iyo Daaroodka oo dhaliilo xoog leh ka keenay 11 qodob oo ka mid ah dastuurka qabyada arintaasoo caqabad ku noqotay ansixinta dastuurka oo lagu wado in 12-ka bishan ay ka dhacdo Muqdisho.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags: , ,

4 Responses for “XOG: Sheekh Shariif oo Kulan Irdaha u Laaban Yihiin La Yeeshay Odayaasha Beelaha Hawiye”

  1. somaliside says:

    walaal ///// ma diidana ansixinta dastuurka yaan la masa bidan

  2. Qowdhan says:

    Guryaha iyo Beeraha lagu dagan yahay Xaaraanta, Goormay odayaashu gali doonaan howshaa….

  3. prof Piccolo says:

    waligeed lgam hadlin xaaranta la dhacey, xamarna waa laga qaada caasimada sida dasturka ku qoran oo 22 sano kadib somaliya caasimada waa laga rarayaa si ay isgu cunaa daanyerada xamar dagan

  4. Iga daa ciyaarta says:

    Kuwaan meesha ciyaarta ha ka daayaan, muqdisho hadeey magaalo soomaali oo dhan unoqoneyso waa ineeysan beel sheegan.

    qaabil kasta ayaa dhul banaan uhaya magaala badaxda oo hadii larabo in meel cidlaa kow laga soo bilaabo, diyaar uyaan unahay inaan dhul 100kmX100Km ah ugu deeqno Dawlada dhexe sidii looga dhigo magaala madax ummada soomaali oo dhan udhaxeysa oo beelna sheegan ama ku riyoon ineey kaligeed maamusho.

    Dhulka 100km X 100km waxaan oga diyaarin karnaa sida ugu dhaqsaha badan Gobolka Bari, Nugaal Sool, Bay, Hiiraan, Awdal ama Shabeelaha Hoose, meelahaas oo dhan beela waxaa jooga diyaar u ah ineey dhul faaruq ah loogu deeqo CAASIMADA SOOMAALIA!

    Hadii Muqdisho oo 70 sano soomaali oo dhan wada dhiseysay oo kuwada nooleed hal beel sheegato, dee qolo ubaahan maleh ineey camirayaal meesha ka noqdaan oo eeysan magaalda madaxda wadanka eeysan wax ka maamulin.

    taas habarteed ayeey katahay! — Magaalo madax waa meel soomaalida oo dhan wada leedahay, hadii tii horre lagu heshiin waayay, dhul farabadan oo faaruq ah ayaan diyaar lanahay oo caasimad cusub ka sameeyno, oo cid gooni ah sheegin.

Leave a Reply