XOG: Shirkii Ansixinta Dastuurka oo Markale Dib U Dhac Soo Wajahay Iyo Caqabadaha Hortaagan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Sida ilo wareedyo ku dhow kulanka odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ay u sheegeen Shabakada Raxanreeb waxaa markale dib u dhac uu soo wajahay shirkii ansixinta dastuurka ee lagu waday inuu berito oo ku beegan 21-ka July uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Dadaalo culus oo xukuumadda KMG ah iyo guddiga qabanqaabadashirka ay ugu jireen in shirka uu si rasmi ah u furmo maalinta Sabtida ayaa guul daro ku dhamaaday kadib markii ay soo bexeen caqabado waaweyn oo weli aan xal loo helin kuwaasoo hakad ku keenay ballantii shirka ee ahayd 21-ka bisha July.

Waxaa xarunta shirka shalay booqday raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas, ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Midowga Afrika.   Waxayna dhamaantood odayaasha ugu baaqeen inay deg deg soo gudbiyaan liiska ergada ka qeybgaleysa shirka si shirku uu u furmo maalinta berito ah.

Mid ka mid ah xubnaha guddiga qabanqaabada ayaa maanta Raxanreeb u sheegay in shirka uu dib u dhici doono illaa 23-ka bishan July oo ku beegan Isniinta, inta mudadaasi ka horeysana la sii wadio doono dhameynta “caqabado” uu sheegay inay shirka soo wajeheen.

Caqabadaha weli taagan

Sida ilo wareedyadan ay noo sheegeen, illaa haatan waxaan la soo dhameystirin liiska ergada 825 oo ka kooban afarta beelood iyo bar (sida wax loo qeybiyo) kuwaasoo la rabayin odayaasha dhaqanka ay keenaan si loogu sameeyo karaar aqoonsi oo ay shirka ku tagaan.

Guddiga qabanqaabada ayaa sidoo kale sheegaya in xitaa odayaasha dhaqanka aysan dhameyn 135 xubnood oo uu jiro qaar weli maqan iyo kuwo rasmi ahaantooda muran uu ka taagan yahay.

Ku xigeenka xafiiska Qaramada Midoobay UNPOS oo shalay odayaasha khudbad u jeediyey ayaa sheegay in mar haddii odayaasha laftooda aysan dhameyn tiradii looga baahnaa ay caqabad ku tahay sharcinimada ‘shaqada odayaasha’ oo ay ku jiraan ergada ay soo xulaan.

Waxaa kaloo di weyn odayaasha dhankooda u hadal hayaan in gudbinta ergooyinka iyaga lagasugayo ay ka hioreyso in la xaliyo illaa 10-qodob oo ku jira dastuurka qabyada ah oo ay ku tilmaameen inay ‘dadka iyo diinta’ khatar ku yihiin, sida uu sheegay afhayeen u hadlay odayaasha toddobaadkan.

Arimahan oo Raxanreeb ayisku dayday inay maanta wax ka weydiiso wasiirka dastuurka ee xukuumadda KMG ah C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaan noo suurtagalin.

Haddii ay caqabadan sii jiraan illaa saacadaha soo socda waxaa qasab noqon doonta in xukuumadda markale ay ku dhawaaqdo in shirkii ansixinta dastuurka, oo usbuuc ka hor dib u dhacay haddana dib udhac ku yimaado.

 

 

RBC Radio

Share

Tags:

1 Response for “XOG: Shirkii Ansixinta Dastuurka oo Markale Dib U Dhac Soo Wajahay Iyo Caqabadaha Hortaagan”

  1. hershi says:

    825ka qofood hadii laga soo xulayo aqoonyahanada soomaaliyeed looma baahna 4.5 ayagaa isgaranaaya koodii xunna way iska saarayaan dadkii jaamacadaha ka soo baxay waa la yaqaan kuwaan soomarin gahayr maba soo gelikaro liiska waxaa goobjoog ah dddddjaamacadda rejistarka kii u hayay

Leave a Reply