Xoghayaha Guud Ee Jaamacadda Carabta Oo Muqdisho Immaanaya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Qaahira (RBC) Ururka Jaamacadda Carabta ayaa shaaciyay in uu xoghayaha ururkaas uu soo booqan doono magaalada Muqdisho, bisha October ee soo socota.

War qoraal ah oo ka soo  baxay xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira, ayaa lagu sheegay in Nabiil al-Carabi xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta uu immaan doono magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa soo baxay markii uu dhaqaan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar uu kula kulmay la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha waddamada Carabta, kaas oo xoghayaha gaarsiiyay fariin qoraal ah oo ka timid madaxweynaha dowladda KMG ah Soomaaliya.

Warka qoraalka ayaa lagu sheegay in  Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in ay taageerayso daddaallada uu wado madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed si dowladdu ay u xaqiijiso dib u heshiisiin guud oo ka dhacda dalka Soomaaliya, iyo laga baxo xiliga KMG ah oo ku eg bisha August ee sannadkan.

Arrintan ayaa lagu sheegay in looga gunleeyahay, siddii Jaamacadda carabta Nabiil al-Carabi uu sheego in uu immaanayo Muqdisho, tan iyo markii la doortay sannadkii hore.

RBC Radio
——————————-

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

1 Response for “Xoghayaha Guud Ee Jaamacadda Carabta Oo Muqdisho Immaanaya”

  1. Puntland boy says:

    Halagu banaan baxo maxay naga soodooneen maanta ? Nimankaas diintaa naga dhaceysa 20 sano civil war kabacdi maxay soo doonayaan , Ma waxaa laga maseeyrayaa Turky

Leave a Reply