Xukuumada KMG Oo Sheegtay In La Adkaynayo Amaanka Goobaha Uu Ka Dhacayo Shirka Ansixinta Dastuurka Cusub
Muqdisho (RBC Radio) Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in la adkaynayo amaanka magaalada Muqdisho maadaama uu dhowaan furmayo shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada Arimaha gudaha ee xukuumada KMG Soomaaliya C/Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa wuxuu sheegay in amaanka goobaha ay ka dhacayaan shirarka ansixinta dastuurka in si aad ah loo adkaynayo.
Wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa wuxuu ku booriyay ciidamada dowlada Soomaaliya in ay si aad ah u adkeeyaan amaanka magaalada Muqdisho inta uu shirkaasi socda.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay caawinayaan isla markaana ay gacan ka heli doonaan ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Hadalkaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii wasiirla Arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan uu kulan la qaatay gudiga Amniga Qaranka, isla markaana ay kawada hadleen adkaynta amaanka.
21 bishaan ayaa waxaa lagu balansanyahay in uu si toos ah u furmo shirka ergada ansixinaysa dastuurka cusub ee Soomaaliya oo ay soo xulayaan odoyaasha dhaqanka ee haatan Muqdisho ku shiraya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











