Xukuumada Soomaaliya Oo Sheegtay In Maalinta Barito Ah La Ansixin Doono Dastuurka Cusub Ee Soomaaliya
Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo wali uu ka socdop magaalada Muqdisho shirka golaha ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa xukuumada KMG Soomaaliya waxay sheegtay in shirkaan la soo gaba gabayn doono maalinta barito ah.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in howlaha Dastuurka ay si wanaagsan ku socdaan.
C/rixmaan Xoosh Jabriil ayaa wuxuu sheegay in maalinta Arbacada ah ee Barito ah uu sirasmi ah u soo dhamaan doono howlaha Dastuurka isla markaana ergada ay ansixindoonaan Dastuurka cusub.
Sidoo kale wuxuu sheegay in maalinta Khamiista ah la qaban doono munaasabad balaaran oo la doonayo in lagu soo gaba gabeeyo dhamaanba howlaha Dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda Dastuurka Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in hada uusan jirin wax muran ka taagan Dastuurka, wax waliba ay yihiin sidii loogu talo galay.
Maalinta beri ah ayaa sida masuuliyiinta dowladda Soomaaliya sheegeen waxaa lagu wadaa in la ansixiyo Dastuurka cusub ee dalka uu yeelanayo xilli ay jiraan dhaliilo badan oo loo jeedinayo dastuurkaasi.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho










