Xulka Spain Oo ku Guuleestay Koobka CIyaaraha Qaramada Qaarada Yurub (DAAWO SAWIRO)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Xulka Qaranka wadanka Spain ayaa ku guuleestay tartanka ciyaaraha qaramada qaarada yurub ka dib markii uu xalay garaacay wadanka Talyuaaniga oo ay isla yimaadeen ciyaartii ugu danbaysay.

Ciyaarta xalay dhex martay labadaan xul ayaa ahayd ciyaar adag waxaana indha lagu wada haayay natiijada ka soo bixi doonta maadaama ciyaartu ay ahayd kama danbays.

Dad badan ayaa filayay wadanka Talyaaniga inuu taako u dhigi karo wadanka Spain laakiin waxaa arintaasi diiday ciyaartoyda kooxda Spain, oo koobkaan difaacanayay.

Ciyaartaan sida ay noqotay iyo sida laga filayay waxay kala ahayd labo arin oo kala duwan, ciyaartoyda Spain waxay soo bandhigeen ciyaartii ugu wanaagsaneed waxaana xataa la kala garanwaayay Spain in ay la ciyaarayso koox yar iyo waliba wadan weyn.

Xulka Spain wuxuu soo bandhigay ciyaartii ugu wanaagsaneed, asaga ayaana iska watay gabi ahaanba maamulka ciyaarta, waxaana talyaanigu xataa awoodi waayeen in ay iska difaacaan weerar Spanin.

Waqtigii loogu talagay ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 4-0 oo ay guushu ku raacday wadanka Spain waxaana halkaasi lagu quusiyay wadanka talyaaniga oo doonayay in ay koobkaan ku guuleestaan.

Xidigaha wadanka Spain ayaa ku dakeeyay koobkaan waxayna u dabaal dageen koobkii sadaxaad oo xiriir ah oo ay qaadaan isla markaana ah koobab caalami ah.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

1 Response for “Xulka Spain Oo ku Guuleestay Koobka CIyaaraha Qaramada Qaarada Yurub (DAAWO SAWIRO)”

  1. [...] More here: Xulka Spain Oo ku Guuleestay Koobka CIyaaraha Qaramada Qaarada Yurub (DAAWO SAWIRO) [...]

Leave a Reply