Yaa Madaxweyne Noqon Kara. W/Q Axmad Calasow
YAA MADAXWEYNE NOQON KARA ?
Axmad Calasow
Ahmedalasso@hotmail.com
Luulyo 09 2012
Dowladaha adduunka ee doorta madaxweyne waxay isku waafaqsan yihiin shuruudaha ugu weyn ee looga baahan yahay qofka MURASHAXA ah waa inuu yahay muwaadin,taasoo micnaheedu yahay inuusan heysan jinsiyad dal kale ama uusan qabin xaas ajnabi ah. Muwaadin waxa loola jeedo waa in qofka jagada soo doonanaya uusan u dhaaran dal kale tasoo uu qofku weynayo muwaadin-nimada Soomaaliya…dhalasho ahaan waa u dhashay laakin muwaadin kama aha dalkiisi. Dalalka qaarkoodna waxay qabaan, sida Filipiin iyo qaar kale oo badan, inuu deggan yahay dalka tobanki sano ee ugu dambeysay..waana shuruudaha ugu waaweyn ee looga baahan yahay qofka qabanaya jagada ugu sarreysa dalka.
Nasiib darrada heysata Soomaaliya waxay tahay in maanta ay isi soo rashaxeen dad dhammaantood dibadaha ka yimid oon dalka waxba kala socon ama aan lahayn qiiro muwaadin oo aan kala jecleyn in dalku baaba’o iyo inuu dhismo..waxaana taa daliil u ah kuwa shalay ku shiray Muqdisho oon xataa ka warheynin xaaladda uu ku sugan yahay dalka xilligaan hadda la joogo…dalalka qaar waxaa ka jira in la sameeyo wax lagu magacaabo (intelligence test) oo lagu cabbiraayo qofka cagligiisa, garaadkiisa iyo garashada aqooneed, inkastoo arrintani aysan si caddaan ah loogu qeexin shuruudaha looga baahan yahay MURASHAXA. Meelaha qaarna waxaa ka jira dood loo qabto MURASHAXIINTA oo lagu kala saari karo..waase meelaha badanaaba dadweynahu ay wax doortaan.
Waa maxay sababta keentay inay jagadaan soo doontaan dad aan qoyskooda maamuli karin? Amerika waxaa jiri jiray inuusan madaxweyne noqon karin nin naagtiisi furay, waxaana ugu horreeyay Ronald Reagan oo ahaa kii ugu horreeyay oo la doorto isagoo garoob ah…annagana maanta waxa noo soo baxay dad midkoodana uusan buuxin karin shuruudaha loo baahan yahay, waxa kaliya ay raadinayaan waxay tahay in ay xoogaa lacaga ka helaan kaddibna isaga cararaan…WAA LA YAAB IN MAANTA SOOMAALI WAX KA XAARAAN AH AYSAN JIRIN… waxaa naga dhintay qiyamkii, qof walba wuxuu xalaashaday inuu wax dilo waxna xado kaddibna loo arko nin rag ah oo hanti badan leh..waxaa faan noqotay xaaraan ku naaxe…aakhiro waa la illaabay in lays xisaabin doono.
Waxaa intaa ka daran kuwa maanta isku sheegay MURASHAXIINTA ee Muqdisho ku shirsan oo qaarkood sheeganaya laqab “Professor” inaysan aqaanin waajibaadka saaraan ximnaha dowladda (government member’s duty) kuwa codka murashaxiinta ku hadlayana ay yihiin dadka lagu tilmaamo ( mentally retardated) oo uusan cagligoodu kaamil ahayn..laakin ay rabaan inay Soomnaali u taliyaan..waa yaab inay kuwaas soo haweystaan inay na hogaamiyaan..taasina waa meesha aan maanta annagu is-dhignay… waayoo uma sheegi karno qof walba waxa uu yahay iyo bulshada meesha uu uga jiro, waxaana na xiyaaraya oo na xakuma taageroo iyo taakuleyn qabiil oo indha la’. Waxaa jirta xikmad la yaab leh oo ah (RAXIMALLAAHU IMRA’AN CARAFA QADRA NAFSUHU) Alla ha u gargaaro qofki garta qiimihiisa.
Qabaailka waxaa hogaami jiray dad aad caqli iyo dulqaad badan, dadkana kala yaqaanna, qof waliba waxa ay mudan tahay kula dhaqma..laba qolo ayaa beri xurgufi dhex martay, markaasaa la isu yimid sida caadada ahayd qolo ayaa hadalki billawday, marki ay dhammeeyeen hadalki ayaa loogu jawaabay ” adiga oo kale annaguba waa qabnaa laakin waa ka soo tagannay..meeshaahas waxaa ka caddaatay ninka u hadlay inuu ahaa kuwa aan madarta iyo majaalista bulshada aan loo soo wadan…maanta waxa dhawaaqaya waa kaas oo kale..waxanna xasuustay mahmaahdi Taliyaanig ee ahayd ( OGNI POPOLO HA IL SUO GOVERNO) oo ah dad waliba dowladduu mudan yahay ayuu helaa…waxaa laga yaabaa in nabaad-guurka ku dhacay caqligeyni iyo qiyamkeeni ay sabab u yihiin in ay na soo haweystaan kuwa maanta hardamaaya.
Dhanka kale, waaa maxaay sababta keentay in dowlad cusub la doorto haddii tan maanta jirta ay tahay dowladdi ugu wanaagsaneyd ee soo marta dalka muddo labaatan sano ka badan, guulo la taaban karana ka soo hoysay dagaalkaa lagula jiro khawaarijta Shabaab?…Halkaas waxaa ka cad in aan la rabin in Soomaaliya ay degto oo Shabaab dalka laga sifeeyo, waayoo haddi Shabaab laga eryo meelaha yar ee ay ku sugan yihiin dad aan tiradoodu yareyn iyo dalal ayaa weynaya naaska irmaan ay hadda nuugaan iyo hantida ay ka helaan la dagaallanka argagaxisada, waana arrin qof waliba ay ka dheregsan tahay balse aan cid ka hadli karta aysan jirin, siiba dadka dowladda ximnaha ka ah oo ka dheregsan waxa meesha ka socda.
Waxaa xaqiiqa ah in Sheikh Shariif uu yahay qofka ugu mudan inuu jagadaan haayo waayoo cid asaga dhaanta oo maanta muuqataa ma jirto…qaaraa waxay dhihi doonaan waa isku qabiil..haddaba aniga ma aqaanno asagana ima yaqaanno, mana rabo inaan aakhirdeyda ku waayoo been aan sheegay anigoo qof kale u daneyhaaya..akhlaaqdiisa iyo khibradda uu kasbaday afartaan sano waxay suurta gelisay inuu u muuqdo qofka kaliya ee maanta hanan kara xilkaas, waayoo wuxuu qabaa qiiro muwaadin oo gobollada oo dhan isugu mid yihiin, waa haddii Soomaali ay dan ka leedahay in dalkaanu dego, higsadana horumar dadku mahadiyo. Waa hubaal inuu khaldaad galay waana arrin dabiici ah, laakin sida ay ila tahay aniga, khaladka wuxuu ka dhacaa qofki wax sameeya, qof aan wax sameyn ma khaldamo..isku wada duuboo khaladaad haddi ay jiraan waa kuwo aan sidaa u weyneyn ( negligile and unintended errors/mistakes) waana kuwa aan dadka lagu eedeyn karin, waaba haddii ay jiraan.
WA-BILLAAHI TOWFIIQ
Axmad Calasow
Ahmedalasso@hotmail.com
==============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











asc waa mahadsantahay qoraaqa horta…tan aad tiri qof jinsiyad kale haysta sida philippin aad usoo qaatay examples horta dadkeena xisaabta maku dartay in ay wadankii kasoo qaxeen dadka ku harayna waa kuwa 20kii sano horbooday isbaaro iyo corruption qabiil dhac maamul xumo ku hayo marka hadii wax madax noqonayo kuwa qurbaha ka yimid ayaaba la qaatay ….mida ninka madaxnoqonayo garoob in uu noqona taas waxan u maleynayaa diiniya ma aha isku soo wada duuboo waxay aniga ila tahay in dalka lgu maamulo diinta islaamka iyo kitaabka Allah oo shaar diineed laga saaro mid kaliya oo lagu guuleeysankaro waa taas ….tan sheikh shariif anigaba waan siin lahaa votekga walow uu ka bayray qaarkamida ah wadadii wadaadnimo uu markii hore haystay hadana qofka diinta haduu yaqaano waxyabo badan wuu iska dhowrayaa xaqa Allah hatuso sheikh shariif viva wasiirka Dastuurka kkkkkkkkkkk
@ Axmed Calasow
Mid waan kugu raacay midna waan kaaga soo horjeestay.
Midaan kugu raacay waa in ay aad u xuntahay in dalkeena uu hogaamiyo shaqsi wadan kale ugu soo dhaartay inuu daacad u noqonayo. Dadka dibadaha ka tageya waxay wataan Passport/Baasabooro ajnabi ah. Marka ruuxu passportka qaadanayo waa inuu ku dhaartaa in uusan dalkiisii hore daacad u aheyn ee uu dalkiisa cusub daacad u noqonayo. Sidaas daraadeed way xuntahay in shaqsi aan dalka daacad u aheyn uu hogaamiyo.
Mida aan kaaga soo horjeedo waa in uu Sh. Shariif yahay hogaamiye fiican. Sh. Shariif waxaan u arkaa inuu yahay sidaad ku sheegtay lidkeeda oo ah inuu yahay shaqsi aad u liita xaga shaqsiyada, hogaaminta iyo siyaasadaba.
Xaga shaqsiyada Shariif nin had iyo goor go,aan leh maahan. Waa nin si fudud wax walba looga dhaadhacsiin karo khatar kasta ha lahaatee. Shaqsiyad xumadiisa inaad fahanto waxaa kaaga filan aaway diintiisii? Aaway garkii, cimaamadii iyo sunnadii ka muuqan jirtay?
Xaga hogaaminta Shariif wuu maareyn kari waayay in uu wanaajiyo xiriirka u dhexeeya isaga iyo Raysul Wasaaraha, isaga iyo Baarlamaanka iyo hey’adaha iyo xubnaha kale ee dawlada ee uu madaxda ka yahay.
Xaga siyaasada waligeed lama sheegin Madaxweyne maalmo kadib ka war helay in wadankuu hogaaminayay wadan kale kusoo duulay. Markii ay ciidamada Kenya 100km gudadaha usoo galeen dalka, Shariif idaacada BBC buu ka dhageystay maalmo kadib in wadanka lasoo weeraray. Ma dacaayadbaa tani? Hadaba isagaa afkiisa ka qirtay. Mar la waydiiyay waxa uu Madaxweynuhu kala socdo weeraradaas, wuxuu ku jawaabay, “array ithaacathaa iigu hor ah”.
Sidaas daraadeed Axmadow waxaan u arkaa in aad qoraalkaaga qodobka hore ee aan kugu raacay aad ku asiibtay laakiin qodobka dambe ee Shariif ku saabsan aad garab martay.
W.t
@Ahmed alasso
qoraalka saan ula dhacsanaa baan waxaan soo gaarey qaybta danbe markaasaa ruuxii iga tagey.
nin baa waxaa laga sheegay afarta dhaban baan hayaa oo labaan gacmo u waayey ruuxa Soomaaliga ah maxaa ka qaldan, meel loogu soo hagaago ma leh, Ahmad qoraalkan qaybtiisa hore waa nin Soomaaliya ka fakaraya, qaybta danbana waxa uu taageerayaa ruux ka mida dadka la rabo in Soomaaliya laga qabto.
Walaal AMISOM dhaqaaqeeda hadaad waxqabad dawlada u haysato ma aha. inta uu Haad sheegayna waxaad ku darsataa intii uu SHariif joogay Soomaaliya inay qaaday koobka tuugada aduunka.
waad mahadsantihii RR runtii waa rayi ururin wanaagsan haddii soomaali garna gasho garna kabaxdo .
waxaan anigu ku’talin lahaa in madaxweeynaha ninka noqanaaya inuu shuruudaha buuxiyo hoos ku’qoran oo ah sidaan-1-inuu yahayay qabiilada laga’tira badan yahay ama latakooro sida madhibaan iyo jareer iyo barawaani iyo jareer weyne iwm.2-inuu yahay qoffaan dagaaladii ehligaahaa ka’qaybqaadan ,3-inuu yahay nin aqoonta diinta islaamka heer fiican kagaaray ,4-inuu leeyahay aqoon waxbarasho oo ah mid jaamacadeed aqoonna u leh hoggaanka madaxtinnimo ,yaqaana a-luqadda carabiga b- ingiriisiga iyo haddii qofkaasi uu awoodo c-talyaaniga ,5-qofkaasu waa in lagu yaqaan geesinimo iyo daacadnimo oo aan cidna dambi ka’galin ,6-waa inuu hanti leeyahay 7-waa inuu yahay nimaan qaad cunin sigaar cabin khamri cabin ,8-waa inuu yahay nin muslinimadu kamuuqato oo salaad iyo soon imidna shuruudaha ilaahay katagin,10-waa inuu afka soomaaliga yaqaanaa oo uu yahay soomaali dhalada ,10-waa inuu yahay geesi aan cabsan kuna tala gala geeri iyo nolol oo dadkaan kalatagay oo isnacay nin isu keeni kara ,dhex geli kara shacabka soomaaliyeed oo aan ku ekkaan kaliya hal meela cidkasta oo kasoohorjeedana laxaala oo lahadla ..waayo labaaxa bahalkaaba oo dad cunkaaba waa la’rabeeyaa oo lasalaaxaa.marka waxaa larabaa nimaan ku dhuuman taangi amisom …..sc