Yemen Oo Xukuntay Burcad-Badeed Soomaali Ah
Mukallah (RBC) Maxkamad ku taallo dalka Yemen ayaa xukuno ku riday kooxo burcad-badeed Soomaali ah, kuwaas oo horey u afduubtay dooni kalluumeesi oo laga lee yahay dalkaas, taas oo ay ka qafaasheen biyaha gacanka cadmeed.
Maxkamadda magaalada Mukallah ee gobalka, Xadramout ayaa ku heshay dambi ah in ay doorweyn ku lahaayeen Maxamuud Goolid iyo Axmed Diiriye afduubka doonida laga lee yahay dalka Yemen, waxana lagu xukumay 10-sano midkasta sida uu shaaciyay Website wasaarad gaashadhiga ay lee dahay oo lagu magacaabo the 26 September .
Sidoo kale Maxkamada waxa ay xukun ku riday labo kale oo Soomaali burcad-badeed ah, kuwaasoo kala ah Axmed Cabdi iyo Cabduqaadir Cabdulaahi oo lagu xukumay shansano midkiiba sida la sheegay.
Afartan nin ayaa lagu helay in ay si dambi ah u soo galeen biyaha Yemen, iyagoo watay hub oo ay ku doonayeen in ay ku afduubtaan maraakiibta tan iyo markii la xiray sida lagu sheegay warbixinta.
Sannadahan Yemen waxa ay xirtay African badan iyo Yemen kuwaas oo lagu eedeeyay in ay falal burcad-badeed ay sameeyeen, waxana qaar ka mid ah lagu xukumay xukun dil ah.
Burcad-badeeda Soomaalida ayaa curyaamiyay dhaqaalaha dalka Yemen iyo kuwa kale ee adeegsada ee biyaha Gobalka.
RBC Radio











[...] View article: Yemen Oo Xukuntay Burcad-Badeed Soomaali Ah [...]