20 Sano Kadib Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad oo Iscasilay
Muqdisho (RBC Radio) Yuusuf Garaad Cumar oo mudo dheer ahaa madaxa laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu shaqadaasi isaga tagay.
Warka ah in uu ka ruqseystay BBC-da, Yuusuf Garaad Cumar ayaa wuxuu soo dhigay barta uu ku leeyahay aaladda la iskula xiriiro ee Facebook, halkaasi oo uu ku sheegay in uu u ruqseestay in uu ku laabto wadanka.
“20 sano ka dib, waxaan maanta ka ruqsaystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga, Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow noo sahal” sidaa waxaa Yiri Yuusuf Garaad.
Warkaan wuxuu ahaa mid horay u soo baxay waxaana qaar ka mid ah bulshada ay isla dhexmarayeen in Yuusuf Garaad uu ka tagayo shaqada BBC-da isla markaana wadanka uu ku soo laaban doono, asgoo ka qaybgalaya doorshada madaxweynenimo.
Inkastoo Garaad uusan si cad u sheegin in uu musharax madaweyne yahay, haddana, waxa la rajeynaaya in marka uu Muqdisho dhawaan yimaado in uu ku dhawaaqo arrintaasi.
Yuusuf Garaad ayaa wuxuu ka mid ahaa suxufiyiinta mudada dheer ka soo shaqaynayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, waxaana waqtigiisa inta ugu badan uu ahaa Madaxa laanta Soomaaliga ee BBC.
20-bishaan Agoosto ayaa waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagi qabto doorshada madaxweynenimo ee Soomaaliya, taasi oo ay ka qaybgalayaan musharixiin aad u badan kuwaasi oo qaarkood haatan ay joogaan Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] View post: 20 sano kadib madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad oo iscasilay [...]
waa aqonyahay muhiim ah waan kudhirigalinlahaa inuu wadankii kulaabto
Guul mutacalim wakanaye doorta hadii somalay xaarka cuna
khaa’inul wadan warlord ah weeye
BBC oo saxaafadd ah ayuu caddaalad ku sameen waayaye ma wadanka soomaliya ayuuu caddaalad ku sameen karaa waa khaa’inul waddan weyn oo qabyaaladdu ay dhiiga,dhimirka,jirka iyo xataa lafaha ka gashay mana istaahilo inuu xataa somalia cad soo dhigo.
kkkkk MEESHA MA MURAN IYO MAXEY KULA TAHEY AYAA LOO BAAHAN YAHEY ,,, TAN KALE intuu uu joogey BBC waxaa ka DHAQAAJIYEY 100 laal WARIYE OO isku darsadey AQOON iyo KHIBRAD,,,,, MUSHARAXIISA ma aqaanee yuusan IDAACADAHA wadanka ISKU DIRIN,
aad ayaan u taageersanahay isaga iyo macalinkiisa wayn ee Prof. Samatar oo u sharaxan jagada madaxwayne ee dalka Somaliya sidaasi darteed waxaan rajaynayaa isaga iyo aqoonyahanada ay ka mid ka yihiin Prof. Ahmed Ismail samatar inay dalka nabad warta kusoo dabaalaan – Guul ayaan u rajaynayaa aqoonyahankan Dr. Yusuf Garad
Naag baa waxaa qabi jiray nib sharaf baddan ninkii baa ka dhintay markaasaa waxaa guursaday nin doqon ah markaasaynaagtii tiri “lugteerey ninba mar ku qaad” taas waxaa ka dhigan dagaal oogihii BBC da oo soomaali isku dhameeyey oo maanta raba madaxweyne suu inta hartay udhameeyo
Mutacalninoy xaal qaado, Kan isir neceyb iyo uqdad ayaa wejigiisa saas u gashay, waxaan oo kale in dalka laga qabto moitee faaido kaleh ma leh wlhi
qabyalad abahayt weeye markaas buu rabaa in u noqdo masuul somali yeet sxb walagu yaqaan ee ha is ceeben
qabyaaladayste xun weeyaan yuusuf asagoo bbc jooga yaan ka yaabnee allow madax hanooga dhigin
asaga iyo inta lamidaa ayaa somali dabka ksdhexwedegy ee ilaahoow xil iyo jago toona uusan somali uqaban wadankana halaga ceeyrsho hana lagu mudaharaadaan qabaa inuusan cagtiisda dhiiga leh geeyn