Abwaan Qarboosh Oo Ku Geeriyooday Nairobi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

AUN Abawaan Qarboosh oo geeriyooday

AUN Abawaan Qarboosh oo geeriyooday

Nairobi [ Radio RBC] Allaha u naxariistee waxaa xaley magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku geeriyooday Abwaan iyo Fannaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ka mid ah Abwaaniinta dalka Soomaaliya.

Sida ay u sheegeyn RBC Radio wariyaal ku sugan Nairobi, abwaan Qarboosh ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalo magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafadda ay ku badan yihiin Soomaalida ee Islii.

Abwaanka ayaa u dhintay xannuun ka dis ah oo ku soo booday, taasoo markii dambe uu ugu geeriyooday sida ay lee yihiin wariyaasha.

Xannuunka uu u geeriyooday fannaanka ayaa la sheegay in uu ku bilowday naqaska oo ku xirmay iyo xumad, taasoo aaqirkii uu u dhintay.

Meydka Abwaanka ayaa wali yaala Isbitaalka Wood Street ee xaafadda Islii , halkaasoo lagu wado in saacadaha soo socda laga soo qaado, kaddibna aas qaran loo sameeyo.

Qarboosh wuxuu ka tirsanaa kooxdii qaranka ee DANAN ee ka soo aasaasantay ururadda dhalinyaradda soomaliyeed.

Wuxuu ahaa heesaa qiiro leh iyo sidoo kale abwaan, wuxuu kaloo ma mid ahaa ragga faraku tiriska ah ee tababar siin jiray xilligii dolwaddii hore ubixii kacaanka ( Carruurta Yareed ee dowladu u carbin jirtay in ay noqdaan isha fanka iyo dhaqanka Soomaalikyeed)

Abwaan Maxamuud Goox QarbooshWuxuu kaalin fiican ka soo qaatay nabadeenta dalka Soomaaliya, wuxuu qaadi jiray heesaha wadaniga ah.

Wuxuu ka mid ahaa fannaaninta ku sugnaa dalka , xiligii burburka laakin mardameĀ  2005-tii waxa u soo wareegay magaalada Nairobi kaddib markii uu ka soo cararay dagaalada iyo colaadda ka taagan Muqdisho.

Waxa uu ahaa mu’alaf , waxa uu xilliyadii dambe sameen jiray heesaha lagu dhiiri galinaayo nabadda iyo horrumarka dalka Soomaaliya.

Waxa uu heeso iyo ruwaayado uu ka sameen jiray xaafadda ay Soomaalida ka degantahay magaalada Nairobi ee Isliil, waxa uu ka mid ahaa abwaanadda iyo fannaaniinta aad loo jeclaa.

Abwaanka ayaa ifka kaga tagay hal xaas iyo shan carruur ah, kuwaasoo hadda ku noo dalka Kenya.

Waxa aan lee nahay haddii aan nahay bahda RBC Radio, Abwaan Qarboosh,allaha u naxariisto dhammaan dadkii u ka baxyna samir iyo immaan allaha ka siiyo

RBC Radio

===================

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Share

Tags:

Leave a Reply