Afhayeenka La Doortay Ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari oo Khudbad Jeediyey (Faahfaahin)
Muqdisho (RBC) Afhayeenka la doortay ee baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goordhow hadal mahadcelin ah ka jeediyey hoolka doorashada afhayeenka ay ka dhacday ee dugsiga Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Maxamed Cismaan Jawaari oo hadalkiisu koobnaa ayaa u mahadceliyey dhamaan xildhibaanada oo uu sheegay in kuwii doortay iyo kuwii aan isaga dooran uu u mahadcelinayo.
Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey Dr Cali Khaliif Galeyr oo u tanaasulay wareegii labaad intaan la gelin kaasoo wareegii koowaad ay ku tartameen doorashada aada isugu dhowaayeen.
Isla markii guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen in Jawaari uu yahay afhayeenka la doortay ee baarlamaanka waxaa amaankiisa la wareegay ciidamada AMISOM oo goobta joogay.
Dhanka kale waxaa hadda bilawday doorashada gudoomiye ku xigeenka koowaad oo ay u tartamayaan 9 musharax oo ay ka mid yihiin; Gen Bashiir Goobe (agaasimihii wasaaradda arimaha gudaha), Prof Dalxa oo horey u ahaan jiray gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka iyo C/weli Sheekh Muudeey oo isaguna dhowaan ka mid ahaa dadkii la safnaa Shariif Xasan.
Waxaa doorashadan ku sii xigi doona mida gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka.
RBC Radio












Hanbalyo baan leenahay gudoonka cusub ilahay hala garab galo
Conguratulaion Mr gudoomiye Ilaaheey hakuu Fududeeyo Shaqadaada , Waxaa wax laga naxa ah in larabo Warlords kii Ama Thugs Ex presedent Si Xooga u Soo galiyo New Parliment isagoo is tic maalaya so call Gudoomiye Supreme Coutr(Ilka xanaf) , Waa nasiib daro in Maalin Farxada Lagu Bilaabo Is qabqasi & Fowdo , Ex madaxweyne Wax buu kasaxiixay Waana ogaa hishiis yadaas oo dhan Maxaa keenay inuu maanta Ka shaqeeyo Jaahwareer Cusub ? Soomaaliya & International Community in aan soo gaarno position kaan Waxaa kaga baxay Blood & Treasure Uma leeyn maayo inaan Kayerli Karno Inaan u Socono Back way , Waxaan jeclaan lahaa inaan hambalyo Udiro Gudigii Tichnical support Thanks, Qaasatan C/Laahi Xiireey Waxaa muujisay Soomaali nimo & Geesi nimo Adigana Thanks , Viva Puntland & Soomaalia
Pro jawaaarI soo dhowoow Ilaahna mid khayr ha kaa dhigo oo umada daacad ugu adeega.pro Cali Khaliif waan soo dhoweynayaa inuu xilka waayo maxa yeelay Beeshu inay markan madax weyne noqoto Ayaan rabney,hadana xil kale ayuu heli doonaa.
Marka Hore Congratulations. waa xil culus oo ay ka bixi karaan shaqsiyaadka adiga oo kale ah. Ilaaheey ha kula garab galo.
marka xigta Ninka la dhaho Amir Amir Walee waa Siyaasi meel dheer wax ka arka. saadaashana ku wanaagsan. wax kasta oo uu sabuuradiisii yareeyd uu ku soo qoroba waa rumoowbaan. bal aanu aragno wareega labaad iyo Farmaajo. SOOMAALIYA HA NOOLAATO.
WARLORDKA UGU WEYN SOOMAALIAYA WAA FAROOLE AF-DOORSHAAN OO XASUUQAY DADKII DEGANAA GARSOOR EE LEELKASE, TAN LABAAD WAA NINKII AABIHIIS MELES SENAAWI A II BIYEY WALAALAHEEN OGAADEEN EE AAN OG-NAHAY DHIBKA AY KU QABAAN GUMEUSIGAAS 100 JIRSADAY….
FAROOLE XAARAAN ADUUN IYO AAKHIRO RABBI KU SEEJI…
masha allah aad ayaan ugu faraxsanahay guddoomiyaha cusub ..hambalyo … hambalyo
hambalyo hambalyo ayaan leeyaha jawaari ????????? ??? ??? ?
????? ???? ????? ????… ???? ????? ?? ???? ????? ?????…. ?? ?
maasha. allaah hanbalyo aad ayaan ugu. faraxsanahay. godonka..cusub oo aan.filaynay….hadii aan..nahay soomalida joogto..sacudiga.,
ASC, dhamaantiin. Congrats to elected speaker of the house, Prof Jawaari, iyo waliba dhamaan raga la tartamay. Ilaaheey ha kuu fududeeyo shaqada laguu doortay, waxaana rajeynayaa in aad dib u heshiisiin Somalida dhexdeeda ka shaqeeyso. Waxaan kaloo kaa rajeyneynaa in aad hay”adaan sharci dajinta ah si wanaagsan oo maslaxada umada Soomaliyeed ku jirto aad adiga iyo xildhibaanada cusub oo dhan u hagaajisaan. Shaqo wacan.
Masha allah hambalyo dhamaan shacabka somaliyed manta waxaa ino soo noqotay sharafteni, Prof Jawaari ilaahay ha ufududeeyo hawsha weyn ee uu ino qabtay guul ayaan ka rajeynaynaa VIVA NEY SOMALIA………………..
Faanoole faro kama qodna ninkani ayey u baxdey oo dhacey lacagtii mashruuca fanoole 1982/86 haddba ninkani waxaa uu somaliya u keeni karaa majiraan oo aan aheen dhaqan xumo iyo alcholic in muqaayadaha lagu cabo ninkani aqoon malahan oo waa nin guulwade ahaa marka haku daalina
Aad baan usoo dhaweynayaa in mudane Jawaari noqdo guddoomiyaha barlamanka cusub, in kasatoo aan rabi lahaa in somalia lakala jaro oo laga dhigo dhowr waddan, maadaama dadka afsomaaliga ku hadlo awoodi waayey in uu noqdo qaran. waxaan si wayn uga cabsanayey in laga guuleysto Jawaari kadibna SHARIIF XASAN u tartamo jagada madaxweynaha. Sababta oo ah, SHARIIF XASAN wuxuu u muuqdaa nin shisheeye ah oo aan u dhalan Somalia marka la arko sida uu u dhaqmo.
hambalyo gudoomiyha cusub profosor Jawaari shacabka somaliyeed meelkasta ay joogaan way ku farxeen niyad samina way kuu muujiyeen waxaa kaloo hambalyo in loodiro mudan baarlamaanka cusub
sida xurnimada iyo geesinimada leh ay gudoonka udoorteen
waxaa kaloo amaan mudan Dr Cali khaliif sida gacaltooyada leh ee uu wareegii 2 baad utanaasulay
hadaba waxaan sugnaaba waa doorashada madaxwaynaha shacabka somaliyeed waxay saadaaliyeen in gudoonka baarlamaanka uu noqon doono Dr jawaari wanad doorateen
hada shacabka somaliyeed waxay jecelyihiin ama ay saadaalinayaan in aad doorataan Mr farmaajo
is raacsada oo farmaajo doorta si aad si buuxda shacabka umatashaan
waad mahadsantihiin
maansha alh aad ayan ugu hanbalyaynaya gudoonka cusub ee dalka waxana sido kale u hanbalyaynaya dr.cali khalif-galayr oo ahaa nin miisan culus leh balse gor-gortan siyaasadeen kadib go’aansaday inuu tanaasulo wa guul somalia usoo hoyatay haduu na dhaafay mid ka mid ah mooryaantii xoolaha dadka dhacday inta kalena waxan filaynaa in mid-mid loo siibi dono insha lah
professer jawari ad ban usoo dhawaynaynaa wanuna ku faraxsanahay hadana nahay reer bari
Insha allah barlamanka soomaaliya waxaan ka sugaynaa doorashadii madaxweynaha jamhuuriyadda.
barlamaanka soomaaliya waxaan leeyahay, haday dhab tahay oo aad shacabka soomaaliyeed matashaan u doorta maxamed cabdullahi farmaajo madaxweynaha soo socda ee soomaaliya.
Hambayo, Hambalyo, jawaari iyo dhamaan umadda soomaliyeed inta samaha jecel.
[...] Mudane Jawaari isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu doonayo Afarta sano ee soo socota in ay la xisaabtamaan xukuumada, isla markaana ay ka hortagaan wax walba oo aanan soo marin baarlamaanka Soomaaliya. [...]