Akhriso Magacyada Gudiga Doorashada Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub iyo ku Xigeenadiisa
Mudanayaasha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa kulankii ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku doorteen gudiga doorshada gudoomiya baarlamaanka iyo waliba ku xigeenadiisa.
Gudiga Doorashada ayaa waxay ka koobanyihiin 15 xubnood kuwaasi oo ka kala socda beelaha kala duwan waxaana beel kasta ka socda Sadax xubnood.
Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka KMG Gen Muuse Xasan C/lle ayaa ku dhawaaqay magacyada xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ka dibna xildhibaanada ayaa si buuxda u meel mariyay.
Hadaba halkaan ka akhriso magacyada 15 xubnood ee gudiga doorashada gudoomiyaha baarlamaanka cusub iyo waliba ku xigeenadiisa.
1- Caasho Xaaji Cilmi
2- Xasan Macalin Xuseen
3- Nuur Iidoow Beyle
4- Maxamed Maxamuud Guure
5- Sahro Jaamac Cali
6- Ciise Maxamuud
7- Maxamed Ismaaciil
8- Khadiijo Maxamed Diiriye
9- Caadil Sheegoow Sagaar
10- Maxamed Warsame
11- Fowsiyo Maxamed Sheekh
12- Cismaan Libaax
13- Sahro C/qaadir
14- Ciise Maxamed Cali
15- Feysal Cumar Guuleed
Gudigaan ayaa sidoo kale kulankoodii ugu horeeyay waxay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxayna isla maanta ay bilaabeen qabashada araajida xubnaha u taagan qabashada gudoomiyaha baarlamaanka.










