Al Qaedada Soomaaliya Oo Qoranaya Ardayda Soomaalida Ee Ku Sugan Pakistan
Pakistan (RBC) War-bixin uu maanta oo Jimco ah qoray wargeys ka soo baxa dalka Pakistan ayaa lagu sheegay in kooxo Al-Qaacidada Soomaaliya oo isticmaalaya argagixiso caalami ah, in ay qornayaan ardayda Soomaalida ee wax ku barta dalka Pakistan.
Saraakiil Xagga ammaanka qaabilsan ayaa sheegaya in walaac ka muujinayaan arrintaas, ardayda ayaa la sheegay in lagu tabbabaarayo siddii loo weerari lahaa wadamada Yurub sida lagu sheegay warbixinta Wargeyska.
Waxa kaloo la sheegay in Al-Qaacida ay wado qorsha ah in ay ka soo guurto xarumaha ay ku leedahay wadamada Afghanistan iyo Pakistan, kaddib ay xoogeeda keento Africa.
Hoggaamiyaha Al Qaeda chief Dr Ayman Al Zawahiri ayaa shaaciyay in ay kooxda Al-Shabaab la midowday urur weynaha Al-Qaacida tan iyo February 10-keeda sannadkan.
“Waxa ay qorsheenayaan in ay ka soo guuraan wadamada Afghanistan iyo Pakistan, si ay awooda ugu yeeshan gobalka Africa ,” sidaas waxa yiri Carl Adams, oo ah khabiir xagga argagixisada ah oo xaruntiisu ay tahay Dubai.
Bilowgii sannadkan 2012,-ka ayaa boqolaal dagaalyahno ah oo ka tagay bariga dhexe, Pakistan iyo Soomaaliya ayaa u dusay dalka Yemen si ay gacan u siiyaan Al-Qaacidada Jaziirada Carabta.
“Al Qaeda ayaa hoos u dhacday awoodeedii tobankii sano ee la soo dhaafay, sidaas waxa leh madaxa guud ee FBI Robert Mueller.
Dalka Pakistan waxa wax ku barta ilaa 5,000 ama 8,000 oo arday Somaaliya sida ay lee yihiin hey’adda sirdoonka dalka.
Waxa ay ardaydaas badankood barrtaan cilmiga daaweynya iyo pharmacy,” sidaas waxa sheegay sarkala ka tirsan hey’adda sirdoonka dalkaas ee loo soo gaabiyho (IB).
Si kastaba, arrintan waxa ay cabsi ku abuuri kartaa ardayda Soomaalida ee wax ka barta dalka Pakistan, oo ka kala yimaada dalal badan
RBC Radio
——————————————-
Xafiiska Wararka Nairobi











[...] Originally posted here: Al Qaedada Soomaaliya Oo Qoranaya Ardayda Soomaalida Ee Ku Sugan Pakista [...]
Waxaan dhihi lahaa ardada Soomaaliyeed ee ku sugan Pakistan ka digtoonaada arimaha ay wadaan ragan raba ineey Soomaaliya iyo meelo kale ee aduunka ka mid ah nabad ineey ka dhicin.
Gaar ahaan Soomaaliya waxaa ka socda dagaal in ka badan 20 sano oo dadkii oo dhan ay u dhimanaayaan gaajo iyo cuduro, waxaan dhihil lahaa ardad joogta Pakistan ka fekera oo kanan shaqeeya sidaad ummadiina ugu saari laheydeen dhibaatada daba dheeraatey ee sababtey aqoon yarida iyo jahliga….
asc warbixnta halkaas lagusoo daabacay waxba kama jiraan xogtaan hadaan nahey ardada pakistan waa mid sumcadayada lagu dhaawacayo articlekaas uu qoray wargeyskaas laamaha amaankuna waa ogyihiin waxey soomalidu tahay waana ixtiraamaan soomaalida marka loo fiiriyo ajaaniibta kale ee dalkaan joogta mar walba waan umahad celineynaa walaalahayo pakistan oo kalgaceyl aan dhamaan noo haya
[...] View post: Al Qaedada Soomaaliya Oo Qoranaya Ardayda Soomaalida Ee Ku Sugan Pakistan [...]
A/s/c/w
Anigoo ka mid ah ardayda somaliyeed ee wax kabarata dalka pakistan waxan qirayaa inaanu wadankaan aanu joogno ee walaalahaya muslimiinta ah ee dalka Pakistan aan sumcad wayn iyo ixtiraamo qadarin aanu ku leenahay wadankaan iyadoo waliba ay naga xigsadaan wadamada kale iyaga oo noo fiirinayo waxa aanu wadanahay ,,,,waxaan leeyahay waxka jira warbixintaas majiraan meel lagu daabacayna majiraan kana saar warbixintaas cod adigu oo u danaynaya ardayda somaliyeed ilaalinayana sharaftooda goodluck