AMISOM Iyo Ciidamadda DKMG Ah Oo Qabsaday Marka [ War-Saxaafadeed]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Mogadishu [ Radio RBC] Ciidamada dowladda KMG ah Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa nabad ilaalinta midowga Afirica ee AMISOM ayaa saaka aroortii waxa ay qabsadeen magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha Hoose, oo gacanta ku hayay kooxda Al-Shabaab.

War ay soo saareyn AMISOM oo saxaafadda loogu talagalay ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay qabsadeen magaalada Marka oo ah magaalada seddaxaad ee dekadda leh koonfurta Soomaaliya, oo ay joogeyn wax lagu sheegay kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida

Warka ayaa lagu yiri iska caabin yar ayey la kulmeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah, kaddibna waxa ay  difaac ka sameysteen magaalada Shalambood oo u dhow Marka.

Marka oo ah magaallo muhiim ah waxa ay 90-KM Koonfur ka xigta caasimadda Muqdisho, waxana tan iyo bishii November sannadkii 2005-dii gacanta ku hayay kooxda Al-Shabaab.

War saxaafadeedkan AMISOM ayaa lagu sheegay, in bilihii dhawaa, qaar badan oo saraakiil sare oo Al-Shabaab ah in ay ka qaxeyn magaalada kaddib markii ay guul daro uga timid ciidamada isbaheesanaya.

Waxa kaloo lagu yiri warka, qabsashaada Marka waxa ay muhiim ugu noqon doontaa holwgalka AMISOM ee lagu qabsanaayo Kismaayo, oo ah meelaha dhaqaalaha badan uu ka soo galo kooxaha xagjirka sida lagu sheegay war-saxaafadeedka AMISOM.

Taliyaha ciidanka AMISOM Lt.General Andrew Gutti, ayaa yiri “Qabsashada Marka waxa ay sii xoojineysaa ammaanka dalka Soomaaliya, taasi oo u diideysa in kooxaha argagixisada in ay weerar ka soo qaadaan”

Waxa uu ugu baaqay dadka ku nool magaalada Marka inay degenaan muujiyaan, isla markaana waxa uu ka codsaday inay kala shaqeeyaan AMISOM xasillinta ammaanka magaalada, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Ugu dambeen waxa qoraalka AMSIOM lagu sheegay in Qabsashada Marka ay ka dhigan tahay in marka la eego gobolada Banaadir, Shabeellaha Dhexe, iyo Shabeellaha Hoose in ay AMISOM ay ku sii jeedo magaalada Jowhar oo 90-km ka xigta waqooyi caasimadda oo ah meel ay ku sugan yihiin Al-Shabaab

Golaha ammaanka QM ayaa dhawan kordhiyay tirade ciidamada AMSIOM, kuwaasoo la gaarsiiyay ilaa 17, 000 oo askari, waxana ay isku diyaarinayaan in ay qabsadaan galabada ka baxsan magaalada Muqdisho.

RBC Radio

————————–

Xafiiska Wararka Muqdisho 

Share

Tags:

1 Response for “AMISOM Iyo Ciidamadda DKMG Ah Oo Qabsaday Marka [ War-Saxaafadeed]”

  1. [...] Visit link: AMISOM Iyo Ciidamadda DKMG Ah Oo Qabsaday Marka [ War-Saxaafadeed] [...]

Leave a Reply