Amisom oo Bilawday Inay Si Gaadmo ah Hubka Uga Qaadato Maleeshiyaadka Hubeysan ee Muqdisho
Muqdisho (RBC) Iyadoo beryahan magaalada Muqdiosho ay soo gaareen curubyo ciidamo boolis ah oo kasocda taliska AMISOM oo hoostaga Midowga Afrika laguna jiro diyaargarowga doorashada madaxtinimada ayaa dhanka kale ciidamada AMISOM waxay bilaabeen hab xeeladeysan oo ay hubka uga qaadayaan maleeshiyaadka qabiilada ee hubeysan ee ku sugan xaafadaha caasimada qaarkood.
Labadii maalmood ee u dambeeyay waxay AMISOM oo isugu jirta militariga iyo booliska ayna wehliyaan saraakiil Soomaali ah si gaadmo ah hubka qaateen maleeshiyaad ku sugnaa isbaarooyin yaallay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley e magaalada Muqdusho, halkaasoo ay qoryaha AK47 kaga gurteen illaa labaatameeyo maleeshiyooyin ah oo si war la’aan ah looga dul yimid. Meelaha ay ciidamada tageen hubkana ka soo qaadeen waxaa ka mid ah suuq Boocle, xaafada Jiiro Miskiin iyo suuqa weyn ee degmada Wadajir oo dhamaantood maleeshiyooyin joogaan.
Sidoo kale xaafado ka mid ah degmada Hodan iyo wadada dheer ee isku xirta Ekis kontrool Agooye illaa KM4 ayey ciidamada AMISOM si kedis ah hubka uga qaadeen dhowr maleeshiyooyin ah oo wadada taagnaa.
Dhamaan hawlgaladan ma jirin cid ku geeriyootay, waxaana sarkaal ka tirsan taliska AMISOM oo Muqdisho jooga uu u sheegay Raxanreeb in ujeedkoodu ahaa inaysan waxba dilin laakiin ay hubka ka dhigaan kooxaha nabada carqaladeyn kara ee ku sugan xaafadaha caasimada.
Sida caadiga ah maleeshiyaadka qabiilada waxaa kaliya hubka ka dhigi kara waa ciidamo ajnabi ah oo loo arko inaysan u aabo yeeleyn cid kasta oo diida inay hubkeeda wareejiso, waana taasi sababta AMISOM loogu adeegsaday hubka qaadistan beryahan sida gaadmada ah uga socota xaafadaha Muqdisho qaarkood.
Sarkaalka AMISOM ee la hadlay Raxanreeb wuxuu sheegay in taliska militariga Soomaaliya ay ka warhayaan arintan, isla markaana saraakiil Soomaali ah ay gacan ka geysanayaan far muuqista goobaha ay maleeshiyooyinka ku dhuumanayaan si hubka looga soo qaado.
Inta badan goobaha hubka looga qaatay maleeshiyooyinka waa goobo isbaarooyin ay yaallaan oo si sharci darro ah gaadiidka dadweynaha lacag looga gurto, walow isbaarooyinka qaarkood ay leeyihiin gudoomiyaasha degmooyinka ee dawlada.
Saraakiisha waxay sheegayaan in hubka dhigistan ay sii socon doonto, isla markaana ay suurtagal tahay in qorshahan la ballaariyo oo la gaarsiiyo hub ka dhigis guud oo laga sameeyo magaalada Muqdisho in ka badan 20 sano oo qabiilo iyo qabqablayaal ay u kala xirneyd.
RBC Radio











[...] Read More: Amisom oo Bilawday Inay Si Gaadmo ah Hubka Uga Qaadato Maleeshiyaadka Hubeysan ee Muqdisho [...]
kkkkk yes yes yes waa loobahan yahay arintaas aad ayan u soo dhawaynaynaa
Hhhhhhhh waa sax dhibaatooyin badan ayay nagu hayeen degmada wadjir kuwaas waa wax lagu farxo tuugadaas na dhibtay isbaarooyinkaas waxaa kaliaya oo dhiman kuwa xaafadaha ku qarsooon in laga qaado
Waa talaabo mudan in la soo dhoweeyo maxaa yeeley waa markii ugu horeeysey ee Soomaaliye 20 sano ee la soo dhaafey qorsha hub arrurin laga sameeyo…waa bilow wanaagsan. Ilaahey ha garab galo dadka ka shaqeynaaya arintan.