AMISOM oo La Wareegtay Amaanka Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo Maleeshiyaad Ay Ku Sugnaayeen
Muqdisho (RBC) Ciidamada AMISOM ayaa saacadihii hore ee saaka la wareegay amaanka wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay ku soo bateen kooxo maleeshiyaad ah oo ku lebisan dharka ciidamada DKMG ah oo halkaasi ku dhibaateeya gaadiidka dadweynaha ee ku safra wadada.
Goobjoogayaal ayaa Raxanreeb u sheegay in gaadiidka qafilan ee AMISOM iyo ciidamada Burundi ay saaka fariisimo ka sameysteen wadada dheer ee ka timaada Afgooye illaa Muqdisho iyagoo kalaceyriyey dhowr maleeshiyaad ah oo si dhuumaaleysi lacag sharci darro ah gaadiidka uga qaadanayayey. Waxaana arintaasi soo dhoweeyay wadayaasha baabuurta oo sheegay in lacag farabadan oo baad ah maalin kasta jidka ay kaga bixi jirtay.
Taliska AMISOM iyo kan DKMG ah kama hadlin ciidamada AMISOM ee gacanta ku qabtay amaanka wadada dheer, waxaase jirtay bishii la soo dhaafay in dhowr jeer ciidamada AMISOM ay hawlo ka fuliyeen jidkaasi iyagoo hub ka dhigis ku sameeyay maleeshiyaad dawlada taabacsan oo dadka dhibaateynayey.
Inta badan goobaha ay dawlada ka taliso waxay caan ku yihiin maleeshiyaad sita tuutaha ciidanka oo baabuurt isbaaro u dhigta dadka habeenkii ka booba alaabaha ay sitaan, arintaasoo dhowr jeer dadweynaha Afgooye iyo kuwa ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha ay cabasho ka muujiyeen.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho










