AMISOM Oo Ugu Baaqday Ciidanka Dowladda KMG Ah In Aysan Dhibaato Kula Kicin Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya [War saxaafadeed]
Nairobi [Radio RBC] Kaddib markii dhawaan isku soo bax lagu taageeraayay ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, rasaas lagu furay oo dhaawac iyo dhimisho ka dhalay midowga Afrika ay soo saareyn war-saxaafadeded.
Iyadoo Soomaaliya ay ku sii siqeyso maamul iyo dowlad cusub taasoo la filayo dabayaaqada bishan, wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya mudane Boubacar Diarra ayaa ku booriyay ciidamada ammaanka ee dowladda inay dhowraan/qadariyaan xuquuqda dhamaan musharaxiinta si loo hubiyo doorashooyin nabad ah.
Danjire Diarra ayaa sheegay in AMISOM aysan cidna taageeri doonin isla markaana la eexan doonin cidna xiliga ololaha iyo doorashooyinkaba.
“Xiligan xasaasiga ah, doorkanaga waa inan abuurnaa jawi nabadeed oo ay ka qabsami karaan doorashooyinka iyo kala wareeg awoodeed oo nabad ah. Si loo hir galiyo qorshayashan, waxan hawlgalinaynaa ciidamo dheeri iyo boolis gudaha Muqdisho iyadoo lala shaqeynayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed si loo hubiyo ammaanka dadweynaha,” Ayuu yiri.
“Waxan ka codsanaynaa ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed inay u ogolaadaan dhamaan muwaadiniinta inay xuquuqdooda helaan,” ayuu raaciyay.
“AMISOM ayaa u fidineysa shaqsiyaadka muhiimka ah gaadiid gaashaaman marka loo baahda. Tani waa inan loo qaadan AMISOM inay ayideyso musharaxiintaasi mise shaqsiyaadkaasi,” ayuu yiri.
Horumarada mileteri ee AMISOM ee sanadii la soo dhaafay ayaa fududeeyay in hanaanka nabadda ee Soomaaliya horumar laga sameeyo kadib markii Al-Shabaab laga saaray Muqdisho bishii sideedaad. Labo todobaad ka hor, ergada dastuurka qaranka ayaa si buuxda u meel mariyay dastuurka kumeel gaarka ee Soomaaliyeed kaasi oo wadada u xaaraya in dowladda kumeel gaarka ay awoodda ku wareejiso dowladda cusub.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Naiorbi










