AUN Majaajiliiste Marshaale Oo Maanta Muqdisho lagu Aasayo
Muqdisho (RBC Radio) Alaha u naxariistee waxaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muuday Marshaale kaasi oo xalay lagu toogtay magaalada Muqdisho.
Qabuuro ku yaala magaalada Muqdisho ayaa lagu aasi doonaa Majaajiliistahaan Alaha u naxariistee sida uu xaqiijiyay maamulka Tvga Universal oo uu ka tirsanaa mudooyinkii ugu dandeeyay.
Dilka Cabdi Muuday Marshaale ayaa wuxuu ahaa mid naxdin ku beeray dhamaanba majaajiliistayaasha ku sugan magaalada Muqdisho, oo ay wada shaqaynayeen Marshaale iyo Shaqaalaha iyo maamulka Tvga Universal xaruntiisa magaalada Muqdisho.
Shalay ayaa kooxo hubaysan Bastoolado waxay weerar toogasho ah ku qaadeen Majaajiliistahaan xili uu ku sugnaa meel ku dhow gurigiisa oo ku yaala degmada Waabari, waxaana halkaasi ka soo gaaray dhaawac culus.
Ugu danbayntiina Isbitalka weyn ee Madiina ayuu ku Nafbaxaty majaajiliistaha asgoona u geeriyooday dhaawaca culus eev ka soo gaaray weerarka ay ku qaadeen kooxahaasi ku hubaysanaa Bastooladaha.
Mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku sii badanayay dilalka Qorsheesan oo aanan la garanaynin cida ka danbaysa kuwaasi oo loo gaysanayay dadka maga ku dhex leh Bulshada.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho











[...] View the original here: Ahalaha U Naxariistee Majaajiliiste Marshaale Oo Maanta Muqdisho lagu Aasayo [...]
alllaha u naxriisto marxuumka janadii fardowsana Allah ka waraabsho gacan ka xaq daran ayaa dishay
anigoo ah arday katirsan jamacada simad magaceyguna yahay C/raxmaan Cumar Mocalim (ma-icon) waxaan tacsu iyo tii ranyo udiraya eheladii iyo qaraabadii oo kageeriyoo day majaajilistihii canka ahaa maexuum c/jeylaani marshaale oo lagudilay magalada muqadisho Alllaha u naxriisto marxuumka janadii fardowsana Allah ka waraabsho waxay muruga wey utahay shacabka somaaliyeed meel waliba ey jogaan waxaana dishay gacan kagardaran waxana inalilaahi wa inaa imeeyhi raajicuun
Rbc
Sida wararku sheegayan waxa uu sameeyey ruwaayad ka hadlaysa musuqmasuqa madax ku sheerga somaliyeed ilahay haw naxariisto marxumkee. Horena markay fadeexadu kusoo baxday moryanta madaxda sheeganaysa nin hore ulasoi shaqeeyey oo xogta musuq masuqa unku. Wax kaqoren ragii waxka ogaa ah. Ayaa xamar isagoo masaajid kasoo baxaya ladelay marka waa cadaan marxumkana iyagu enay ka danbeeyan dilkiisa wadanka somalidu waxay tirahdaa kudka guur oo qanjo uguur.
Alaha u naxariisto Marshaale waxaa diley gacan ka xaq daran oo ah Mooryanta xamar guryaha xaaranta xooga ku heysta oo guri uu lahaa ayaa loogu galey kadibna ay ku dileen 3mooryaan ah oo ku labasida dariayska ciidamada oo waxey ka tirsanyihiin ciidamada Indhacde oo u sameystey inuu ku ilaashado guryaha ay dhaceen haddba Muqdishow oo laga rarao caasimada ayey ku nabadgaleysa somaliya waayo waa bahalo galeen oo qabiil mooryaan u badan ayaa xoog ku heysta haddaba shacabka ka soo jeeda reer xamarka waa iney iska qabtaan tuugadan oo aan rabin nabad ka dhalta xamar oo ay u arkaan mooryanta iney guryaha baneynayaan oo ay xooga ku heystaan
May Alla Bless my lawless Country and lead the somalies in to the write path.
Thank you
Alah una xariista majajaliiistaha marshale inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun
Illahay ha u naxariisto samir iyo imaana haka siiyo eladiisa iyo qarabadiisa.
Marshale cid kale ma dilin waxaa dilay kuwa raba in la daba galin sirtooda ee lunsaday xaqa shacabka somaliyed alah soo qab qab ta ehe