Baahi hogaamiye siyaasadeedka bulshada Soomaaliyeed Farmaaja buuxin kara. W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
Baahi hogaamiye siyaasadeedka bulshada Soomaaliyeed Farmaaja buuxin kara.
Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog
Dooxajog5@hotmail.com
Agoosto 12 2012
Ramadaan Kariim ,Alle (SW) ayaa mahad leh Allaha Aduun iyo Akhiro iyo inta dhextaalba leh , Mudnaan Bini ,aadam Nabi Muxamed ayaa leh (NNKH)
Bulshada Soomaaliyeed ayaa ah bulsho la dhibaataysan dawlad la,aan , dawladdaas oo ah mid danahooda ka fakarta kana shaqaysa sidi ay dhibaatooyinka taagan xal ugu heli lahayd , dawlad-nimmada ayaa waxaa sal u ah hogaamiye leh karti iyo hab fakar ku dhisan samaan ku fakarid iyo isku howlid xalin dhibaateed , lahaansho yool cad oo lagu himagaliyo bulshada iyadda oo ay dhamaantood wadaagaan halka la higsanaayo , dhibaatona ay ku tahay halka la joogo ee baahi bini, aadameedku ku xeeran yihiin . Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa muddo nus qarni sii cagcagaynaysa ku jira xaalad qalalaase iyo qasnaan ah meel kasta oo ay jamhuuriyadda Soomaaliya ka joogaan , Baahida ay bulshada Soomaaliyeed ee dhibaatasayni u qabaan xakuumad rasmi ah oo u adeegta waa mid xili kasta taagan , balse awood umalahan dadka Soomaaliyeed xiligaan inay iyaggu dooraan hogaamiyaha xal arag noqon kara halkaan taaganahayna naga tukubin kara .
Intaasu waa baahida aan qabno sidaan arko ee ah dawlad uu hago hogaamiye karti leh in aan u baahi qabno si uu dhibaatada xalkeeda u doono ,Hadaba annigu sidaan qabo Baahi hogaamiye siyaasadeedka bulshada Soomaaliyeed Farmaaja buuxin kara , iswaydiintu waxay noqonaysaa sidu u buuxin karaa Farmaajo baahi hogaamiye siyaasadeedka bulshadaoomaaliyeed ? Tan iyo marki uu xilka R/wasaare-nimmo ee DKMG qabtay Farmaajo waxaa dhacay isbadal , Isabadalkaas ayaa waxaa kow ka ah sida aan qabo Farmaajo waxa uu la yimi himagalin aan hogaamiye ka horeeyaa keenin inti burburka lagu jiray , himagalintaas ayaa ah in uu Bulshada Soomaaliyeed ku himagaliyay inay ka gudbi karaan xalaadaan loona baahan yahay in ay bulshada ka timaado ajiibidin yoolka cad ee lagu himagalinaayo , Waxa kaleeto oo uu Farmaajo la yimi la xisaabtanka cad ee kooxda qaramada Midoobay haday ahaan lahayd xafiis siyaasadeeedkooda Soomaaliya iyo haday ahaan lahayd hay,addo deeq bixiyayaashooda , Mushahar siinta Ciidmada DKGM iyo shaqaalaha dawlada ayaa ahayd iyadduna howl aad logu riyaaqay.
Farmaajo ayaa waxa uu leeyahay in uu kasbado dadka waxa uu inta badan sameeyaa hadalo qofku u riyaaqaayo soona jiidanaaya , waxaa ka mid ah in aan isku filanahay baahideenana xalkeedu ku xiran yahay shacabka Soomaaliyeed , tanu waa mid cadaynaysa in Farmaajo garanaayo cidda dhibaataysani in ay xalka garan karto , balse waxaa ayaan daro ah dadka qaybtood waxay la soo boodaan UN-ka ayuu ka hor yimi , Maxaan annigu isbarbardhig ugu samaynayaa Farmaajo oo leh midnimadeena ayaa ah isbadalkeena iyo UN-ka oo Galay inoo keena , Balse fikirka qofka leh UN-ka ayuu la dagalamayaa , Baaqa Farmaajo ee wadaniyada iyo isgarabsiga ku dheehan iyo Galayda UN-ka midna waxba iskama waydiine , Xanuunki dhimirka waxyeeleeyay ayaa ka hortaagan iswaydiintaas oo waxa uu Farmaajo u yahay mid kuwaas ka tirsan waa dhuminta Soomalinimada taasu iyo in uusan inna hogaamin , Hogaamiye Siyasadeed Karti leh.
Arinkan ah soo noolaynta damiir bulsheedka Soomaaliyeed ayaa ah midka keenay in dad badan oo Soomaaliyeed taageeraan Farmaajo una arkaan hogaamiye karti leh , ahna mid xal ka keeni kara dhibaatooyinka innagu hareeraysan ee tirada badan balse tirabadnaantooda hogaamiye sida Farmaajo ahi xal ka keeni karo ishaysiga Siyaasadeedna uu meesha ka saari karo , ma ahan in dhamaan dhibaatooyinka siyaasadeed ee ku laran qabyaaladda mar laga wada baxaayo balse waa mid talaabo talaabo looga gudbaayo , aan dul istaago jawaab ka bixinta su,aasha ka timi cinwaanka qormadayda .
Iswaydiintu waxay noqonaysaa sidu u buuxin karaa Farmaajo baahi hogaamiye Siyaasadeedka Bulshada Soomaaliyeed ?
Sidaan kor ku xusay Farmaajo waxa uu la yimi isbadal , isbadalkaas uu muujiyay ayaa noqonaaya in uu buuxiyay kaalinta banaanayd ee hogaamiye la,aanta ahayd ee aan la ildarayn dhibaatadeenana halka xalkeedu yahay ah , haddaan horay u aragnay in uu yahay Hogaamiye ka badalan kuwi hore waxaan oran karaa waa midka haabida hadda taagana ee aan hogaamiye u qabno buuxin kara , Waxaa aynuna ka naawili karaa Farmaajo innaga oo haysana tusalihiisi hore ee wax qabad in uu xal u raadin karo dhibaatooyinka taagan ee siyaasadeed ee dhinacyada badan leh . Tusaale si aan Farmaajo u ogaano buuxinta hogaamiye isbadal doon in uu yahay waxaan soo qaadanayna iswaydiimo muhiim u ah in aan ku kala ogaano hogaamiye kiisa kartida leh iyo midkiisa iska jeclaaday helida magaca Hogaamiye Siyaasadeed ,Marka hore waxaynu u baahanahay in aynu iswaydiino Siyaaasadu waa maxay ? jawaabteeda aragdiyada waa maraynta iyo xal u helida baahi bini aadameedka joogtaysan ee mid marka laga gudbo mid kale imaanayso , si looga gudbo baahiyada ku hareeraysan nolosha aadamaha ayaa loo baahan yahay barbaarin bulsheed , barbaarin bulsheedka waxaa keeni kara Siyaasada oo noqonaysa halka looga fakaraayo bulshada laguna hima galinaayo hab fakar siyaasadeed ku dhisan samaan ku hogaamin dhigeeda waxaa ah xumaan ku hogaamin oo salkeedu yahay burbur iyo dib u dhac.
Waxaa innoogu xigaaya Siyaasada yaa wada ? Siyaasada waxaa wadaheeda noqonaaya hogaamiye siyaasadeed leh karti iyo daacadnimo iyo in uu aminsan yahay mid bulshada u adeegaaya in uu yahay sadkiisuna noqonaayo xusid taariikheedka oo samaan lagu xasuusto , dhigiisa waxaa jira hogaamiye siyaasadeed aan lahayn karti iyo daacadnimo una fakaraaya si hoose u fakar aan marnaba laga naawili karin wanaag .
Haddaba hadaan iri siyaasadu waa xal u helida baahida saw ma haysano dhibaato taagnayd oo uu xaliyay Farmaajo tusaale waxa uu himagliyay ciidamada DKMG himagalintaas ayaa qayb ka ah xalin baahiyeed maadama ciidan loo baahan yahay in la qoro ciidamo kaliyi kuma filaanayso in ay ciidan jira noqdaan balse kor u qaadida iyo ku dhiirinta ciidan-nimaddoda ayaa ah Siyaasad , Siyaasadaas ayaa ah mid uu samaanteeda yeelanaayo hogaamiyaha leh awoodaas ayna aragtidiisa ka soo maaxato , Sidoo kale in uu yahay Siyaasad hogaamiye Bulsheed waxaa inoo cadaynaaya in uu qabtay howl uu ku kasbaday qalbiyada dadka Soomaaliyeed qaybtood , in ay jiraan dad diidan waa mid dhacaysa balse diidmada qofka diidan ayaa inta badan noqonaysa xaaladda dhibaato ee qofkaasu la nool yahay dawadeenada uu sido hogaamiyaha xanuun maskaxeedkiisu diidaayo.
Hogaamin Siyaasadeedka ma ahan mid shakhsiga kaliyi yeelanaayo samaaanteeda balse waxaa jiraaya koox howleed ay isleeyihiin hogaamiyaha oo uu isaggu keeno, kartida hogaamiyaha ayay qayb ka noqonaysaa in uu soo xusho koox leh bah fakar wanaagsan ayna hogaamiyahaas isla meel marin karaan xal u helida dhibaatada . arinkaan ayaa oran karaa waa tusaale kale oo Farmaajo waxa uu soo xulay xiligi uu R/wasaaraha ahaa Wasiiro tayo leh , taas ayaa n noqonaysa in aynu haysano in Farmaajo haddi uu dalka Soomaaliya hogaamiyo uu noqonaayo mid Soo xusha R/wasaare tayo leh , R/wasaarahaasuna keeno wasiiro howshooda yaqaan bah fakarkooduna sareeyo. Aqriste ma ahan in Farmaajo haddu madaxwayne noqdo dhibaatooyinka aad aragto oo dhami ay isla markaas xal helayaan , taasuna maba ah mid macquul ah in dhibku mar suulo , balse waxaa uu noqonayaa Farmaajo haddi uu ku guulaysto xilka madaxwayne-nimo mid qaada dariiq aan horay loo qaadin ee ah in dhibaatooyinka qaybtood la xaliyo , halkaasna aan u dareero halka qofkasta oo bini aadami jecel yahay ee ah in aan horumar ka gaaro hab nololeedka dunida kuna xiraano gudashada awaamiirta Alle [SW] si aan abaal wanaagsan u dhowro Akhiro.
Farmaajo in uu ina hogaamiyo ma keenayso rabitaanka aan raboonay anniga oo qalinka gadaashiisa haya si aan aragtidayna idinla wadaago saamayna isugu yeelano iyo dad badan oo Soomaaliyeed ee muujiyay in rabitaankooda hogaamiye uu Farmaajo yahay , Balse taladu waxay agtaal xildhibaanada dhowaan la shaacinaayo ee lagu soo xulay habka xaaranta ah ee 4.5 , xildhibaankaas ayaan leeyahay annigu si adigu sidaad ku timi ee ah awoodqaybsiga Soomaalida ee qabyaaladeed meesha uga baxdo codkaaga sii Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , oo waxaad qiimaysaa Xildhibaane rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed , markaan leeyahay Shacabka Soomaaliyeed Farmaajo badanka dadka Soomaaliyeed waa rabaan , rabitaanku waxa uu noqonayaa hogaamiye daacadnimo iyo karti leh ma rabnaa dhamaan waxaynu kaga jawaabaynaa haa, qof kale in aad u aragto hogaamiye karti leh doodeeda ayay yeelan iyo sidaas u sifayso , waana jiri karaa hogaamiye kale oo Farmaajo la mid ah , Balse horay saaxada mid u yimi ma ahan aragtidayda oo aan tusalayaal u hayno .
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaan isagga laga rabaa in uu dadaal dheer u galo sidi uu u heli lahaa badanka xildhibaanada Soomaaliya codkooda , dabcan howshaan sheegideeda ayaa noqotay mid aanan ka fursan karin madaamada aan xildhibaanada imaan doona la hadlay Farmaajona la hadalkiisu waa banaan yahay waxayna noqonaysaa mid aan leeyahay Shacabki hadaan nahay codka ma hayno ee dadaal u galo si laguu doorto , balse waa howl shakhsi han siyaasadeed leh u qabanaayo inti awoodiisa ah uusana is-hagranayn .
Waxaan ku soo idlayn qormadayda hadaynu nahay Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada waxaa meesha ka saari kara hogaamiyeyaal karto leh daacadnimo iyo naxariisna ay ku dheehan tahay , si aynu u ogaano midka uu yahay waa in iswaydiinteena ku aadan waxa aynu u baahanahay ay badataa , waa in aad iswaydiisa maxuu hogaamiye siyaasadeed anniga ila mid ah oo u fakaraaya sidaan u fakaraayo si ka hoosaysa oo bulshada kala guraaya uu hab fakarkayga u gumaysanayaa , sidaan u taageeri kara mid wax kasta oo uu samayn karo ku doona xilka tusaale dad dilid , diin ka been sheegid , Waa in aan iswaydiinaa dhibaatada Soomaaliya ee dawlad la,aantu keentay ma mid dhamaanteen aan qabnaa mise cid dhibka ku dheefsataa jirta ? dabcan ma jirto dadka ku dhaqan jamhuuriyada Soomaaliya meel kasta ha joogeene dad haysta waxa ugu wanaagsan ee aan dhuminay ee ah Sumcad , Sumcada ayaa noqonaysa mid farxad galisa qalbiyada dadka diidmo ka keenideeduna bini aadamka waa wax aad ugu yar waa qofki iswaydiiyee .
Qofna haku taageerin koox odayeednimo ah aragti jaahiliyeed aan asal ku lahayn Diinta islaamka iyo caqliga saliimka ah ee ku taageer sida u la soo muuqdo , balse waa si aad uga marka hore iswaydiisaa maxaad u baahan tahay adigu ? Maxaa hogaamiye kaa dhigay oo aad uga fakaraysaa siyaasad aad shacab ka tahay uguna ololaynaysaa xaalad hoose oo ah mida keentay in aad dhibaatadaan ku dhex noolaato ah dalkaagi oo burbursan dadkaagi oo aan Sumcad lahayn qaybtoodna aysanba haysan wax aycunaan iyo hoy ay qabowga iyo kulayla ka dugsadaan.
Dhibkeena xalkiisu waa hogaamiye karti leh ee caqligaaga tuuji taageeradaadana sii hogaamiye daacadnimo iyo damqasho leh , midnimadeenu waa horumar ku talaabsashadeena , in aan badankeenu taageero hogaamiye ayaynaan koox odayeednimo ku eegan ayaa ah in aynu tallo wanaagsan ku midawnay .
W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog
Dooxajog5@hotmail.com
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












[...] Read More: Baahi hogaamiye siyaasadeedka bulshada Soomaaliyeed Farmaaja buuxin kara. W/Q Idiris Suldaan Axmed D… [...]
asc waa mahad sanyhaya qoraaga maqaalkan aniga hadan fikir ka dhiibto farmajo waa ninka kaliya oo dacada ah oo dhalinta mustaqbalka ka saaari kara dhibka iyo shidada ka tagan wadan somalaiay laakinse tuugo iyo gaaloo baa u heshiiyay waxaan dhihi laha umada somaliyeed farmaajo hala taagero iyadoon loo fiirineynin qabiil waa nin qaran mar labad qoraaga iyo mamulka web wad mahadsantihiin
Ilaahay baadan been u sheegin , waa xaqiiqa dhaba, farmajo waa daljir halyay ah wana ka ku habon xiligan adag. GUUL AYN URJAYNAYA MR .FARMAJO viva frmjo
Suldaan dooxa joog .
Aad ayan kugu mahad celinayaa
runtii farmajo waa wadani soomaliya dhibkana inaga sarikara . waayo ? Farmajo markuu xilka maal ma yar hayay ayuu ku dhawaqay hay adaha qm ee nayrobi fadhiya inay dadka loo soo diray ee somaliyed dhex yimadan una gar gaaran, waa shaqsigii ugu horeeyay ee somaliya ee ina tusay in shabab lajabinkaro ,waxana amin sanahay ilaa hada inay la ildaranyihin nabaraduu kudhuftay ,wuxuu bilabay barnamij aad u baaxad wayn oo isugu jira in argagixisada laladagalamo,in dead line ama wakhti kama danbaysa loo qabto si loo cabsi galiyo xabadana dhinac lagaga wado ,wuxuu dhisay mooraalkii cidamada , Runtii masoo koobikaro marka somaliyay 30 sano kabadan ayan qabiil iyo belaayo kujiraye hada waxay ilatahay inaan taageero qofka qaranka wax utaraya . W.TOWFIp
waa sax walaal yaal sxb idriisna waan ku raacsanahay
Aadbuu u mahadsanyahay Qoraaga qaaligaa sida wanaagsan ee uu noogu kala dhigdhigay. Runtii waa qoraal xiiso leh xaqiiqdana ka hadlaya
Famaajo inta wanaagsan baa rabta oo jecel inta xun oo qabyaaladeystayaasha iyo qawleysata ahna way necebyihiin maxaa yeelay qurunka ay inay walaaqdaan jecelyihiin buu ka hor istaagay.
Guul Idiris! Guul Farmaajo! Guul Somaliya!
waxba kama jiraan waxad shegayso qurafad waye farmaajo caruur iyo barakacayal mel kugari mayo sidii ader ki dhintay inqlibaab mahaysto wuxu ku washay cidamada wuxu u haystaa ku aderkii ka tegay inay yihin cidamadan dadbaa mesha kensaday oo waxba haber laxosan hadad waxtarayasan wadanka 21 labatanso ayad haysteen
Mr. Dooxa-joog Waad Salaaman Tahay, waadna ku mahadsan Tahay Maqaalkaaga Qiimaha Leh. Farmaajo Waa Musharaxa Keliya Ee Maanta Quluubtayadda Kasbaday, Isla Markaana Nahoggaamin Kara. Waa Waddanni Ay Dhab Katahay Wax Uqabashadda Dalkeena Iyo Dadkeenna. Hiil Soomaalinnimmo Ayuu Naga Mudan Yahay Lkn Codka Ama Doorashadda Gacanteenna Maanta Kuma Jirto. Waxay Kujirta Xil-dhibbaanno Qaabka Ay Kuyimmaaddeen Aynu Garan Karayno. Lkn, Maalinta Uu Codka Gacanteenna Soo Galo Ayaannu Sida Maxamed Mursi-ga Masar Kuu Codayn Doonnaa, Haddase Waxa Kaliya Ee aanu Kutaageeraynaa Waa annagoo Alle Weyne Kuu Barina, adna Aad Dadaal Latimaado. Alle Hakuu Sakhiro Helidda Codadkooda Kuwa Nametela, Alle-na Budh Hakuugu Dhufto Kuwa ay Lacagta Siiyeen Si ay Iyaga Udoortaan. Guuleyso Farmaajoow. (-Guguc Aan Da,ayniyo, -Roob Galbeed Kasoo Kacay,-Yey Uguula Roortoo, -Gadhka Qabo Farmaajoow). Mahadsanidin.
barkacayaasho soomali maahan miyaa ?doqonay
dab kaa ba, hadoo kalay qabiil doonatta horaa loo yiri doqon meeshii lagu dagaaly ogayd ee meeshii lagu nabday ma ogayn waayo doqon cid wax ushagyasaa majirto wixii siyaad bare qabtay bal wax aan ahayn ee somali haysato iisheeg dakada boosaaso ayya kamid ah kkkkkkkkkkkk iyo llamiga iyo warshada layr waxxa ka mid ah afsoomaliga hadaan qorayno siyaad bare waa idan xoreeyay umad buu idanka dhigay magac kule aduunka markaad qoryaha qaadateen qaarna axmaaray ushaqeeyaan qaarna waa mooryaan qaarna waa burcad badeed kkkkkkkkkkkk
Anigu marabo farmaajo waayo isku hayb ayaan nahay waana karaysanay in aan qori un sidano haduu farmajo gulaystana meshanadii ayaan ku naqonaynaa. Marka farmajo ha iska jogo anagu qalinkaan qaadanee
kkkkkkkkkkkkkkkkkk Halyey waxaan hubaa in wax badan kaa dhex guxayaan u dhimo idamle kkkk
42 sanno howl na soo dhaaftay oo kuwii qaskan noo bilabay ay illaa mantadan ka shalaayaan ayaad daba taagan tahay.anigoon qabiil ku diidayn farmaajo waa wadani waana ta lagu taageeray,waana taa tan somalidiidka HALYEY oo kale jeclaan lahaa inuu arko in uusan soo bixin.
Illahaybaa ileh anigoo burtinle ku dhashay isma soo barbardhigeen halyeeyow farmajo addeerki iyo somali kale sababtoo ah hayaydan aad ka mid tahay(qabiil kama wado) ayuu dalka ka hayay bal fiiri wadankii siyad bare wadankoo shidan ayuu ka tagay bal isweydii maamulka inoo dhisan reer puntland 100 million dolar per year soo gashaa halkee ka baxday?walee ina rag wuu isbartay halyeey baan waxba laga qorin FAMAAJO ha u istaagin dadka qaar dhaqan celin u baahan baa jira
Habro gobolka banaadir laaluush ku qaatay ayaa taageera farmaajo somaliana waa 18 gobol inta kale taageero kama haysto cidna dooran mayso duqa
xaqiiq umada soomaliyeed waa aragtay iftiinkii u daarmay waxaase naga damiyay mahiiga 2da shariif walina ayagii baa na hor taagan waa nooga daran yihiin dagaal oogayaashii waa kuwii oo aduunku ku taageerayo baabi,inta iyo dabargoynta umada soomaliyeed. laakin ha ka daalina inaad ayihiina u halgantaan illaahay umada soomaliyeed ha badbaadiyo aamin aamiin guul farmaajo
Ama Farmaajo meesha ha yimaado ama rooti-gii la marsanayee, xaqiiqdu waxay tahay nin aan garab ka heysan bulshada caalamka in uu xitaa is-lugooyo maaha. 3 shardi ayaa ugu waaweyn waxaana ugu horreeya Shakhsi Intr comm, raali ka yihiin xitaa haddii uu 2-da shuruudood ee kale soo buuxiyo macno ma keeneyso.
Maya warkiino waa nugaal baa durdur wayday oo docmaa looga arooray dad ma u qaadanayaa runta sheeg farmaajo waa shaqsi xun siyaasadiisuna iskadaa somali kalee golahii uu hogaaminayay ayay iska horkeen ina faarax dooxa joogna waxuu ku taageeray burburinta puntland oo uu aabihiis u soo kiraustay lakiin waxaan nasiib daraa inaad maanta hadal ka dhagaystaan ninkii raasiga casyr colaada ka abuuray runta iska sheeg dooxa joogow oo dheh sida kuwa kale ee caadifada === ka buuxdo iyo kuwa qaba fayruska ===== ee somalida kalaa ogaada am qayliya ama ha qaylin ninkasta oo neceb dadka iyo dhulka aabayaasha ee puntland wuxuu ku danbayn mesha farmaajo galayr iyo kuwa lamidkaa ina dooxa joog waxaan leeyahay wax isaga eg awrkii xun iyo aarankuu dhalo
@puntlandder ninkaan wata waa qolyaha caqiidadooda iyo diintoodaba ay tahay qabyaalada
sheeko been ah oo dadka loo sheego ayaa jirta oo layiraahdo Farmaajo puntland ayuu necebyahay
hadii aad waydiiso oo aad tiraahdo muxuu kunecebyahay jawaab uma helayaan
war somalida miyaa waalan mase reer puntland ama aan dhaho /// ayaa waalan
waxaan orankarnaa somaalida kale waxay isku waa faqsantahay Farmaajo nin dhalinyara ah oo aan qabiil aqoon daacadnimada ay kamuuqato in uu yahay
tusaale kale reerka uu farmaajo ka dhashay ma arkaysid ayaga oo nin reer // ah sidaan oo kale cadaawad ugu haya hadaba soo lama orankaro cida ayaga oo kaliya ayeey qabyaaladu ku hadhay oo somalidii kale waxaad moodaa in ay ka ilbexeen aniga oo reer hebal ah