Baahida Maanta iyo Musharaxa Hiil Qaran. W/Q Abdirizaq Ahmed
Baahida Maanta iyo Musharaxa Hiil Qaran
Abdirizaq Ahmed
Abdirizaq88@gmail.com
Agoosto 17 2012
Nin Saaxiibkay ah ayaa ii sheegay in ay inantiisa yar oo 8 sano jir ahi waydiisay su’aashan ” aabo, ma i jeceshahay” Saaxiibkay wuxuu inantiisii yarayd ugu jawaabay “aabo, waad ogtahay in aan aad kuu jeclahay ee maxaad maanta su’aashaa ii waydiisey? Inantii yarayd ayaa aabeheed ku tiri ” Abbo caruurta aan isku fasalka nahay ayaa i yiraahda ” Soomaalidu caruurtooda ma jecla, waayo, hadii ay jecelyihiin mustaqbalkooda kama baabi’iyeen”
Sheekada dhexmartay saaxiibkay iyo inantiisa yar ayaa dib ii xasuusisey dood cilmiyeed ku saabsan haweenka ilmaha caloosha ku jira iska soo rida oo aan hada kahor ka qayb galay. Dad badan ayaa waxay ku doodayeen inay dumarku xaq u leeyihiin in ay wixii calooshooda ku jira (ilmaha) sidii ay doonaan ka yeelaan. Dad aan anigu ka mid ahaana waxa ay ku adkaysteen in ilmaha yar ee caloosha hooyada lagu dilo aysan waxba ka duwanayn qof weyn oo dil bareer ah loo gaystay. Haweenay ka mid ahayd dadkii dooda ka qayb galay oo aan filayo inay aniga hadalka iila jeeday ayaa tiri “caruurta qolana caloosha ayay ku dilaan kuwana xabad ayay ku toogtaan” Waxaan soo xasuustay inay arintaasi sax tahay oo kumanaan caruur Soomaaliyeed ah dagaaladii lagu laayay.
Waxaa xusid mudan in ay jiraan dad badan oo wadaniyiin ah oo mudo dheer sidii najaasadii iskaga ilaalinayey inay dhexgalaan wixii loogu yeeri jiray dib u heshiisiin, shirweyne qaran, iyo dhisme dowlad ku meel gaar ah oo dhamaantood caqabad ku noqday xal ay umadu gaarto maadaama qabyaaladii wax burburisay aas’aas looga dhigay.
Sanadkan 2012-ka waxaa muuqda isbadal weyn. Dad badan ayaa waxay u adkaysan waayeen inay gaariga kuraasta dambe u fadhiyaan iyadoo uu shukaanta hayo qof aan baarbuur wadista aqoon u lahay oo habda darbi ku garaacaya. Hadaba su’aasha is waydiinta mudani waxay tahay; Yaa ku haboon in uu maanta Soomaali hogaamiyo? Waxaan filayaa in aan masiirka ummada lagu aamini karin qofkii leh tilmaamaha hoos ku qoran.
1. Qof dagaaladii sokeeye ka qayb galay.
2. Qof qabiil soo sharaxday.
3. Qof lunsaday hanti qaran.
4. Qof wata mabda’ firqo-diineed doonaysa inay xoog ku maquuniso dadka aysan isku aragtida ahayn.
5. Qof aan aqoon hore loo lahayn oo aan la ogayn kartidiisa iyo waxauu qaban jiray taariikhdiisa oo idil.
6. Qof aan soo bandhigin qorshihiisa uu dalka ku maamulayo oo dhamaystiran.
7. Qof doonaya in uu laaluush ku helo madaxtinimada.
Iyadoo ay nasiib daro tahay in aysan dadkeenu haysan fursad ay ugu codeeyaan shakhsigii ay mustaqbalkooda ku aamini lahaayeen, ayaa waxaa jira taageero xagga niyada ah oo ay musharixiinta qaarkood mar hore kasbadeen. Tusaale waxaa noogu filan xisbiga Hiil-Qaran iyo Musharixiisa madaxweynaha, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar. Habeenkii Axada ee ay taariikhdu ahayd May 27, 2012 ayaan internetka ka helay video-gan oo laga duubay xaflad uu ururka Hiil-Qaran dhawaan ku qabtay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Fadlan daawo!
http://www.youtube.com/watch?v=PQArKs0ExpU&feature=related
Waxaan marar badan ku celceliyay qaybta ugu danbaysa ee uu Prof. Axmed Ismaanciil Samatar uga hadlayo ujeedooyinka ururka. Isla habeenkii waxaan saxiixay xubinimada ururka Hiil-Qaran oo aan u arko inuu ku taagan yahay wadada badbaadinta iyo barwaaqaynta Soomaaliya. Dhamaan walaalaha fursada u heli kara waxaan ka codsanayaa in ay booqdaan hiilqaran.org ayna is barbar dhigaan Prof. Axmed I Samatar (halkan ka daawo taariikh nololeedkiisi:
http://www.youtube.com/watch?v=Gh0BCDqC7Cw&feature=related) iyo dadka kale ee madax doonka ah.
Abdirizaq Ahmed
Minnesota, USA
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











[...] More: Baahida Maanta iyo Musharaxa Hiil Qaran. W/Q Abdirizaq Ahmed [...]
Looma Baahna Nin Doodbadan Oo Kahadalka BBC-da Mooyee iyo wax mucaarad mooyee haabkale lahayn. Ninka aanu garanaynaa, Isla markaana wadanniga aan lalamaanayn ah waa FARMAAJO Ee Kaa wax kaqor TAYO PARTY-na iska Diiwaan geli. Mahadsanid
10 COMMENT wax ka badan ayaan koley ANIGU ku TAAGEEREY xisbiga HIIL QARAN iyo MUSHARAXIISA,, in kastoo aanan MUSHARAX kale KU DOORSADEEN,, hadana maanta somaliya waxaa gacanta ku haya AJNABI iyo WADAMADA deriska ,, IYAGUNA waxey wataan TUUG danahooda u fulineysa,, marka HIIL QARAN waxaad moodaa xisbi XILIGA dimuquradiyada iyo doorashada shicibka iyo aqoontu ay shaqeynayaan isna shaqeyn kara, SABABTUNA waa DHIBAATADAAS hore aan soo sheegey iyo SOMALIDA odayaasha metelaya oo 4.5 waxaan aheyn aan garaneyn,,, LAAKIIN LAMA QUUSTO,, FARAJKUNA XILIGA ADAG AYUU YIMAADAA,, maanta oo kale, MARKA taageeradiina SIIYA ,, HIIL QARAN, WALIBA,, NIYADA KA SIIYA, WAA INTAASOO NIYADEENA WAX NOOGU QABSOOMAANEE,,,,ANA caawa ayaan TAAGEERADEYDII HIIL QARAN KU KORDHINAYAA REGISTRATION,iyo WAX QABAD,,
waxan salaan khas ah u dirayaa dhaman rahanreeb media ,sida ay markasta u soo bandhigaan warka salka ku haya runta ee arimana somalia ee hada taagan , mida kale somali uma baahna nin axmed samatar oo kale ah madia-styled candidate ,waxay dad badan is waydiin jireen waxa markasta ka dhiga ina samatar mucaarad ka soo horjeeda siyaasiyiinta kale isaga oo taageero fiican ka haystay ninka hada xilka laga qaaday ee yusuf garaad .
saded arimood ayaan dhahi lahaa inan la taageerin axmed ismacil samtar
1, xaga caqiidada oo daka shaki wayn ka qabaan
2, waraysiyo badan oo uu siiyay media localka ee minnesota ayuu ku shegay inan cid aan soomliland ahayn aysan wadanka madaxwayne ka noqon hadii la doonayo midowga soomalia
tas macnaheedu mahan inan leeyahay rer soomaliiland wadanka madaxwayne kama noqonkaraan, lakin waxan ula jeeda inan jiritanaka iyo midowa soomaliya lagu xiran inay madax ka noqodaan
3,hogan jacayl dadka meesha la degen ku sheegeen ,
waa talo
Walaal horta waad iska riyootay, runtii afka Soomaaliga waad ku fiicantahay hab qoristaadana ma xuma laakiin ama been baad inoo sheegaysay ama xulashadaada xun, waayo ninkaan hadda miiska soo saartay adeer aniga aragtidayda SHiikh Shariif baa ka Soomaalisan, mise walaal waxaad ka mid atahay ilmaha ee indhaha ku kala qaaday colleges-ka Minnesota ee aan waligood Soomaaliya oo dowlad ah arag, waayo ciyaalkaas buu ninkaan mar kasta wax u sheegaa waxayna u haystaan ninka adduunka ugu cilmiga badan, ugu daacadsan, ugu kartidan ugu…
Axmed Ismaaciil waa khaa’inul wadan, calooshii u shaqayste ah, waan naqaan, bal marka hore waxaad weydiisaa HIIL QABIIL lacagtii 2milion ahayd ee ay Norway siisay xagee bay geeyeen?! waase su’aalee maxaa loo siiyay? ma xizbigaa Norway leedahay, ma dalkeeda laga leeyahay maxaa lacagtaas loo siiyay, mushaar maba uu rabo anigaaba kuu sheegaya waayo Norway baa mushaar siinaysa Soomaali waxba ugama baahan, marka waan ka xumahay xulashadaad qabyaaladdu ku dheehanatahay ama haddi kale xog la’aanta ku salaysan….Waxaaba la qaatay midkii Daad ahaa ee qabyaaladdu madax martay ee maalin kasta Cabdi-Wali waa fiicanyahay, waa naxariis badanyahay na lahaa.
Qoraagu waa nin bisil garanaya xaga aduunyadu u socoto wadaniyad,cilmi,karti,intaba wuu koobsaday Axmed Ismail Samatar.waa nika ku haboon ee maanta sharaftii Somalida soo celin kara.Nin sidii gidaarrka ku soo eegaya. Oo aan garanayn. Cilmi iyo caqli toona waa waxa labaatan sano halkaa dhigay ma simanyihiin nin ilaahay cilmi siiyay iyo jaahil. Anuu waxaan qabaa in uu soo baxayo Samatar. Halagu daba faylo Hiil Qaran haddii kale. Waa jujug meesshaada joog
qofka raba inuu maanta madaxweyne kanoqdo wadanka waa inuu siwanaagsan amxaariga ugu hadli karaa oo uu kukhudbeeyaa soomaalida iney tahay qabiil kamid qabiilada itoobiya wax soomaaliya layiraadan jirin
Waxan marka hore salaan u dirayaa bahda raxan reeb, intaa kadibna saaxibada halkaan dooda soo geliyey. Prof samatar waa nin u qalma jagada madaxweynimo ee soomaaliaya hadii loo doorto, taasi shaki iigama jiro, dad badan oo soomaaliyana shaki ugama jiro, waa inta nadiifka ee aan aaminsaneyn qabyaalada, iyo kal saarka soomaliada oo danta guud oo soomaalida ka hormarineysa mida gaarka ama shaqsiga ah waayo waa soomaali lehna aqoon iyo waayo aragnimo ku filan uu wadan ku hogaamiyo. Soomaliada cida madaxweyne u noqoneysaana waxay meteleysaa qarankii, iyo sharaftii soomaalinimo waa in uu noqdaa qof kartideeda iyo waayo aragnimadeeda iyo aqoonteeda leh. Dadkeenu waa inay fahmaan in kiritiigu uusan aheyn wax xun, isla markaana cid walbaa oo jago u qabata umada noocey doontaba ha ahaatee waxa la saarayaa muraayada la iska arko waana la kiritikeynayaa si uu howshiisa ama xilkaa loo igmaday si wanaagsan ugu guto. Doodaha iyo kiriitikadu waa qeyb ka mida hurumarka maskaxda, Prof samatar kiritiigiisu waa mid wax lagu dhisayo ma lagu hagaajinayo ee marna ma aheyn wax lagu duminyao, balse waxy ku xiranthay dhinaacad ka fiiriso. Hadaad leedahay wuxuu wax ka sheegay hebel oo madaxweyne noqday ama dowlad ka tirsanaa oo aan isku qabiil aheyn , sidaa darteed ayaan u xanaaqayaa arintu ceynkaa ma han ee waad qaldantahay. Waa in aan fahanaa in dowladu inaga wada dhexeyso xataa prof samatar madax baa loo ahaa, balse arintu waa puplic office, ee ma han shaqsi, markuu meesha isaga tago cidna ma heysato, balsee hadii uu mudadii uu madaxweynaha ahaa qofkaasi wax haleeyey waa la shaagi abib. BAL U FIIRSO prof Samatar marka uu ka hadlayo aaden cabdule cusmaan iyo prm abdirizaaq ma isku qabiilbaa? ma isku deegaanbaa ? jawaabtu waa maya . wanaag waa la shaeegayaa oo waliba kor loo qaadayaa , xumaana waa la sheegayaa oo waliba kor loo qaadayaa. ANIGU prof SASamatar iyo xisbigiisa Hiil-Qaran waan la dhacsanay waana ku biirayaa, waayo waa dad soomaaliyeed oo wadiniyiiin jecelna in ay soomaliyaa sharafteedii iyo karaamedeedii dib u soo ceshato. Marka dadk qabyaalad jecel ha iska raadsadaan siyaasiin iyo hogaamiyaal qabyaalada jecel oo dantooda gaarka uun ka shaqeeyo , xoolaha masaakiintan urursada. U gu dambeyntii soomaaliya waxay u baahanthay hogaaiyaal xalaal ah, nadiif ah dadka iyo dalka dembi kagelin , aqoon iyo kartina leh. waxan rajeynayaa in baarlamaanka cusub ee hada la soo magacaabay ay u badnaan doonaan dad soomliya ee wadaniyiin ah oo ka fekeraya danta dalka iyo dadka ayna DOORAAN DOORAAN PROF dr Ahmed ismaaciil samatar oo aan jecelnahay in uu noqdo madaxweynah soomaaliya.
asc salaan kadib aniga waan taageeri Hiil Qaran sababtuna waxay tahay, waa xisbiga kaliya oo soo bandhigay siday ku maamuli lahaayeen wadanka haday xilka khabtaan, walaalaha soomaaliyeed waxaan u sheegi lahaa inaan ka gudubno qabyaalada taasi waa tii naga reebtay aduunka, marka qof hadaad rabtid inaad qiimaysid bal dhagayso wuxuu yiraahdo adigoon qabiilkiisa fiirin. hadaad u fiirsatid meelwalbo uu ka hadlo musharaxa prof. ahmed i samatar waa nin garanayo waxa uu ka hadlay wuuna u qalmaa madaxwayni nimo. wabilaahi towfiiq
Hiil Qaran & Prof. Samatar oo siyaasadda Soomaaliya ku horkufay!
Maxaa sababay inuu Professor Samatar fashiliyo xisbiga Hiil Qaran?
Dadweyne Soomaaliyeed oo badan ayaa rajo weyn ka qabay Xisbiga Hiil Qaran oo la filayay in dad siyaasadda fahmi kara oo badan horboodayaan Laakiin sidaasi ma noqon.. Rajadii laga qabay Hiil qaran ayaa mar qura baaba’day ayadoo dadweynihii candhuuftooda dib u laqeen. Waa maxay sababta?
1) Hiil qaran waxaa hogaanku qabtay oo musharx madaxweyne u noqday Axmed Samatar oo aan u qalmin inuu hogaamiyo Soomaaliya
Hiil qaran waxaa ka buuxay aqoonyahanno deggan Muqdisho oo una qalmay inay isu soo sharxaan madaxweynenimo laakiin aqoon yahanadaasi waa la boobay lana dhinac maray. Xisbiga Hiil Qaran lama yaqaan waxa ku kalifay inuu sidaas madaxa isga toogto ama ku kaco {political suiside} xataa hadii ay soo sharaxan lahaayeen Prof. Abdi Samatar maanta fursadooda waa fiicnaan lahayd. Laakiin nin aanan soconay oo aan dadka Soomaalida ka gadmayn weliba aanan u qalmin ayay soo hormariyeen.
Dad badan ayaa iweydiiyey sababta aan wax uga qorayo Axmed samatar oo cid walba ogtahay inuusan waxba heleynin oo dantiisa goor hore u sheegtay maqaamka hoose ee uu bulshada ka joogo ka dib markii 13 musharrax oo uu kujira isu tageen (calaal group). Waxaan u sheegay inay tahay waajib I saaran in aan u digo reer muqdisho maadaama aanay aad u garanayn Axmed ASamatar. Keligay maahan waxaa uu waajib saaran yahay qofkasta oo og musharaxiinta qurbaha ka imaanaya ee qladaya reer muqdisho iyo Soomaalida kale. Ama London joog ama Australia, ama Carabta, ama Canada ama America.
Ha ogolaan mushraxiinta aad taqaan inay qladaan reer muqdisho. Ceeb maahan xan maahan siyaasadda ma ahan arrin gaar ah kursigana waa lawada leeyahay. Haadii aadan u digin umadda Soomaaliyeed ayaad qalad ka gashay ee la soco. Waxaa jira dad idaacadaha ka qayliya oo ay dadka u qabaan inay wax tari karaan laakiin aanan u qalmin hogaaminta dalka ama aan waxtar ahayn sida aniga iyo Axmed Samatar waxaanan wadanaa magaca Professor dadna ma hogaamin karno. Waxaan ku fiicanahay macalinimo keliya.
Sababta aysan Soomaalida marna u dooran karin Axmed Samatar waxaa ka mid ah.
1) Karti darro. Asagoo Minnesota jaamacad madax ka ah ayuu xataa hal arday oo soomaali ah wax tari waayey. Axmed laguma arkin meelaha aradada Soomaalida joogaan iyi dugsiyadooda. Soomaali badan oo karti leh ayaa joogaan Minnesota kuwaas dhalinyarada aad wax u taraan iyo weliba dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ku nool. masuuliyiintaas Waxaa ka maqnaa oo aan marna xataa booqan xabsiyada dhalinta ku xiran yihiin Waa Axmed Samatar. Ninka Soomaalida Minnesota joogtaa wax tari waayey ma waxaa uu waxtarayaa Muqdisho. Jawaabtu waa maya.
2) Denbiile: Axmed samatar afkiisa ammaan lagama helin oo xattaa waxaa uu Soomaalidaa ku eedeeyey inaysan maraykanka daacad u ahayn oo ay jecel yihiin Soomaaliya ama aad ugu xiran yihiin Soomaaliya. Axmed waxaa uu yiri Soomaalida Minnesota waa labo shaar le oo aan marna daacad u ahayn Maraykanka lamana aamini karo. Lama garanayo axmed waxa ku kalifay inuu Radio public ah ku eedeeyo Soomaalida Maraykanka laakiin waxay u badan tahay inuu caddaanka iska dhisayey ama in naftiisa keliya la jeclaado uu rabay.
Axmed waa nin aan aqlaaq lahayn oo dagaal iyo qaylo u joog ah. waxaa uu u dhaqmaa sidii warlord ama ciyaala suuq ama qayru masuul. waxaa dhacaday inuu Soomaalida Minnesota ka qashqashaaday xafldo badan oo xataa marar qaarkood police loogu yeeray ama ilkaha laga daadin gaarey laakiin mar walba waa loo dulqaatay.
Fiir ama aqri oo dhagayso linkigan Radio Public Minnesota: (Halkan ka akhri)
3) Axmad Samatar waxaa uu qaldaa ama riwaayad uu u dhigaa reer muqdisho oo aanan garanayn inuusan waxba tarin asagoo isticmaala BBC. dadka yaqaan ama la nool shay kuma aaminaan. Ahmed waxaa lagu yaqaan qaaqlenimo. waxtar xumo, islaweyni bilaa macno ah, dulqaad la’aan. xishood la’aan.
4) Madaxweynenmada Soomaaliya waxay u baahan tahay dulqaad, iyo fahanka dadka iyo macquulnimo intaba Axmed ma haysto. Axmed soomaalida Minnesota ayuu fahmi waayey ee sidee ku fahmayaa Soomaali oo dhan. Axmed ma fahmi karo Somali (Out of Touch)
Waxaan leenahay Hiil qaran isdaba qabta oo musharx macquul ah noo keena. Axmed Samatar ha ku ekaado soomaalinimo. Laakiin uma qalmo hogaanka sare waayo dulqaad iyo faham ayay u baahan tahay Prof. Axmed Samatarnana raalli gelin ha bixiyo. Haddaan nahay Professoorada Soomaalida aniga iyo Axmed samatar dadka waxay noo haystaan dad karti leh ama maamul yaqaan ah. Runtii ma naqaan. Madaxweyne nimo waxay u baahan tahay qof taariikh fiican leh umaddana u soo shaqeeyey yaqaananana dad la dhaqan iyo xirfad faham labadeena Professorba waxaan u baahan nahay in aan iskuul ku laabanno oo dib u soo baranno xirfadaha lagama maarmaanka ah sida dabeecadda fiican, aqlaaqda, ixtiraamka, dad la dhaqanka iyo siyaasaddaba markaas ayaan umadda hor tegi karnaa.
Prof. Geedi Yabarow USA.
GeediYalaxoow@yahoo.com
A salaama Caleekum Walaalayaal
Haddii lagu yidhaa raac diyaarad walaalkaa waddo oo aan walii diyaarad waddin ma yeeli lahayd? Jawaabta su’aashaas waa maya waxaad odhan lahayd walaalkey ma rabo ee duuliye noo raadiya, markaa haddii aqoontu maadi iyo diiniba ay tahay lagama maarmaan maxaa dadkeenau diiday iney fursada xukunka ku taageraan nin Muslim ah , soomaali ah aqoon leh, dantiisa iyo shaqadiisii uga yimid inuu dadkiisa wax ku taro.
Waxaan qabaa intaan nin jecleysi iyo qabiil ka hor marineyno dadka mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed iyo waddanka wax u qabanaya inaan qeyrkeen ka dembeyneyno. Soomaalinimodu waanu wadda wadda leenahay aynu waddo ilaashano oo iska deyno wixii hore inoo duleyeeyey
Mahadsanidin
Mohamoud
dhamaan waan idin salamay raxanreebna aad ayay u mahadsanyihiin qaab hufan ee ay usoo bandhigayaan wacyiga dhibta ee jira
hiiraad saaxib ismaacil samatar mahan nin reer somaliland ah waa nin reer somalia ah
mana jirto cid awooda somaliland iyo magaceeda wax ku donan kartaa
hadi madaxwayne laga dhigana sidii madaxdii hore oo kale ayuunbuu mugdisho iyo somalia joogayaye cag ma soo galin karo ciida somaliland takale somaliland xul ay somlia ka doonayso
umay goosan caqli iyo cilmi saliiima ayay kasoo goday gorgortana ma gali kartao
salaamulaaah