Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo Markii Ugu Horeysay Si Siman Wax ugu Qeybiyey Qabiilada Soomaalida


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo maalintii labaad kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay sikhilaafsan habka 4.5 (afar iyo bar) wax ku qeybiyey iyadoo ay soo dhoweeyeen mudanayaasha cusub ee baarlamaanka iyo siyaasiyiin.

Kulanka maanta oo ka dhacay xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa lagu magacaabay guddiga doorashada ee afhayeenka cusub uu yeelanayo taasoo la filayo inay dhacdo 26-ka bishan Agoosto.

Gudoomiyaha kumeel gaarka ee baarlamaanka Gen Muuse Xasan Cabdulle oo kulanka ka hadlay ayaa ku dhawaaqay liis ka kooban 15 xubnood oo ku saleysan shan beelood oo loo qeybiyey beelaha Soomaalida halka markii hore laga dhigi jiray afar beelood iyo bar, arintaasoo dad badan ay dhaliili jireen.

Gen Muuse Xasan Cabdulle ayaa sheegay in guddiga 15 xubnood ka kooban min saddex xubnood ay u kala qaadanayaan shanta beelood, isla markaana aysan jirin beel beel kale ka tiro badan ama ka tiro yar.

“Guddigaan waxaan ku sakeynay si is la’eg, Soomaalidoo dhan shan beelood u kala qeybi mid kasta saddex xubnood baa la siiyey” ayuu yiri gudoomiyaha ku meelgaarka ee baarlamaanka.

Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka ayaa si buuxda u ansixiyey guddiga doorashada ee 25 xubnood ka kooban, Dhamaan mudanayaashii fadhiga maantajoogay ayaa ‘HAA’ ugu codeeyay guddiga doorashada afhayeenka mana jirin xildhibaan kaliya oo diiday.

Waxayna xildhibaanada sheegeen inay soo dhoweynayaan in si siman beelaha wax loogu qeybiyo lagana tago in qaar ka mid ah qabiilada la gacan bidixeeyo.

Sidoo kale xubno siyaasiyiin ah oo aan ku jirin baarlamaanka ayaa sheegay in haddii baarlamaanka cusub uu sidan ku sii wado shaqadiisa ay keeni karaan isbedel caddaalada dalka horsed u noqon doona.

Kulanka maanta waxaa ka qeybgalay C/weli Gaas iyo wasiiradiisii hore oo xildhibaano ka ah baarlamaanka kana mid ahaa mudanayaashii codkooda dhiibtay maanta, waxaana ka maqnaa Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo iyaguna xildhibaano ah.

RBC Radio

Share

2 Responses for “Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo Markii Ugu Horeysay Si Siman Wax ugu Qeybiyey Qabiilada Soomaalida”

  1. abdulkadir says:

    ASC, ha noolaato caddaaladu. WBL-TOWFIIQ.

  2. Cilmi says:

    maan fahmin

Leave a Reply