Baarlamaanka Cusub oo Berito Yeelanaya Kulankii Ugu Horeeyay Iyo Ajendaha Horyaalla, Maxaase Ka Jira in Dood Ka Taagan Tahay Goobta Shirka (Warbixin)
Muqdisho (RBC) Sida ay maanta shaaciyeen guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka waxaa maalintaberito ee Isniinta kulankii ugu horeeyay yeelanaya xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya oo hadda tiradoodu ay gaareyso 250 xubnood.
Guddiga farsamada waxay sheegeen in 25 xubnood oo kaliya ay ka maqan yihiin tirada guud ee baarlamaanka kuwaasina lagu soo dhameystiri doono maalmaha soo socda.
Inkastoo badi tirada baarlamaanka la hayo, haddana sida uu maanta cadeeyay wakiilka Qaramada Midoobay waxay weli ceeb ka taagan tahay qoondadii haweenka ee 30% oo la rabay in haweenku yeeshaan taasoo cilad looga dhigay in odayaasha qabiilada aysan u cuntamin in DUMAR ay xildhibaano ka dhigtaan.
Kulanta berito
Sida ku qoran dastuurka qabyada ee xeer hoosaadyada baarlamaankaee horey loo dejiyey, waxaa kalfadhiga baarlamaanka [kooramka] uu ku furmi karaa tirada 184 mudane haddii ay xaadir yihiin sidaasi darteed ayaa la gudoomiyaha guddiga xulista ee baarlamaanka Prof C/laahi Maxamed Xiireey wuxyuu ku dhawaaqay in kulanka baarlamaanka uu dhici karo berito.
Kulanka ugu horeeya ee maalinta berito dhacaya ayaa noqon doona kulan diiwaangelin ah, iyadoo marka hore xildhibaanada loo qeybinayo kaararka aqoonsiga xildhibaanimo. Waxaana lagu wadaa in isla beroto ay baarlamaankacusub ka doodaan doorashada afhayeen ku-meelgaar ah oo sii wada fadhiyada baarlamaanka kaasoo noqon doona Shakhsiga ugu DA’DA WEYN.
Sida qorshuhu yahay, waxay xildhibaanada maalmaha xiga siiwadi doonaan doorashada gudoonka rasmiga ah iyo ku xigeenada taasoo ay xigi doonto doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Baarlamaanka cusub wuxuu kaloo saameyn ku yeelan doonaa shuruusaha loo dhigayo madaxda u tartameysa doorashada madaxtinimada.
Dood ka taagan goobta baarlamaanka fariisanayo!!
Wasaaradda arimaha gudaha ee DKMG ah iyo madaxda dawlada waxay ku adkeysanayaan in baarlamaanka uu fariisto xarunta baarlamaanka ee ku dhow Villa Soomaaliya beryahana dayactir xoog leh ayaaba ku socday, laakiin arintaasi waxaa diidan xubnaha beesha caalamka gaar ahaan xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay UNPOS, IGAD, AU iyo AMISOM oo raba in baarlamaanka uu ku shiro xarunta Gen Kaahiye [Ex Iskool Boolisiya] oo ah meel ay xubnaha beesha caalamka ee Muqdisho jooga ay kala socon karaan dhaqdhaqaaqa iyo hawlaha baarlamaanka.
UNPOS iyo AMISOM waxay hadda u dhigmaan sida dawlada aan rasmi ahayn oo dalka hogaanka u heysa “de facto” mar haddii xukuumadda iyo hay’adaha dawlada KMG ah waqtigoodu uu dhamaaday isla markaana masuuliyiinta dhexdooda ay isku haystaan doorashada, sidaasi darteed ayay u badan tahay in goobta shirka baarlamaanku ka dhacayo ay go’aan ka gaari doonaan labadaasi hay’adood.
Maxaa loo doortay xarunta Gen Kaahiye?
Warar hoose ayaa sheegaya in shaki laga qabo in hogaanka DKMG ah ay siyaabo kale uga faa’ideysan karaan baarlamaanka cusub, si taasi looga ilaaliyana waxay wakiilada beesha caalamka ku dadaalayaan in baarlamaanka cusub uusan faraha u gelin ugu yaraan “horboodayaasha TFG” waana taasi sababta ugu weyn ee dooda ay uga taagan tahay meesha baarlamaanku ku shiri doono.
Xarunta Iskool Boolisiya oo ku taalla degmada Xamar Jajab, waxay ajaaniibta u leedahay ahmiyad gaar ah. Waa marka koowaade waxay ka tirsan tahay “Green Zone-ka” Muqdisho [Soonka Cagaaran] oo ay fududahay in AMISOM iyo wakiilada kale ee beesha caalamka ay si fudud uga hawlgeli karaan goob joogna ka ahaan karaan shirarka baarlamaanka.
Iskool Boolisiya waxay kaloo leedahay waddo marta xeebta oo isku xirta garoonka diyaaradaha, xerada Xalane illaa Dugsiga Gen Kaahiye markaasi gaadiidka wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Xalane kuma adka inay marwalba gaaraan xarunta shirka baarlamaanka ka dhacayo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho













[...] Read More: Baarlamaanka Cusub oo Berito Yeelanaya Kulankii Ugu Horeeyay Iyo Ajendaha Horyaalla, Maxaase Ka Jira… [...]
Waa arin cajiib ah. Waana fikir saliim ah waayo baarlamaanka waa laganayaa hadaan laga ilaalin nimankaan xukundoonka ah.
Somaliya lama haysto cidee dhihi karta teeda kalr shariif sakiin waxaa la shegay in uu yuhuud xariir la leeyahay ee xogtaas hala raadiyo wlaalayaal
Soomaaliya Aan u duceeyno in Wadankeenii hooyo ilaahey nabad nooga dhigo Dadkenana walaaleyo Soomali nimana Aan qalbigeena gelino Waxaan nahay dad wada dhashay Meeshee aan ugu nugul nahay waa Qabyaalaxa Aan ka fogaano Soomaliyeey Waxa halkaa nadhigay waa Iyadee , Qabyaada waxaa isticmaalo QofdNiiste ah Iwm, Viva Puntland & Soomaalia
[...] ee Soomaaliya ay soo gabagaboobeen kadib doorashadii madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud dalka iyo xulistii baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo dhamaantood odayaasha dhaqanka ay saldhig u [...]