Baarlamaanka Cusuboow Codka Baadiyoow Sii. W/Q Saciid Yuusuf Cade
BAARLAMAANKA CUSUBOOW CODKA BAADIYOOW SII
SICIID YUUSUF CADDE
saidyuusuf12@gmail.com
Agoosto 24 2012
Jiiftadaan aan ugu magacdaray CODKA BAADIYOOW SII, waxa aan curiyay ama igu dhalatay 10/08/2012, kadib markii qudbadaha, barnaamijka ay xambaarsan yihiin iyo shaqsiyadoodaba aan qiimeeyay Musharaxiinta u tartameysa in ay hantaan hogaanka dalka, ayaa waxaa ii cadaatay in shaqsiyada, barnaamijka uu xambaarsan yahay, kartida uu u leeyahay fulinta qorshihiisa, fahamka marxalada wadanka marayo, intaba ninka ka runsheegi kara in uu yahay DR:C/raxmaan macalin Cabdullaahi BAADIYOOW, maansada hoose ayaana ku qeexay sababta aan u irri sidaas, Soomaali badankeedna waa ogsoontahay taas, Baarlamaanka Cusubow CODKA BAADIYOOW SII.
BAADIYOOW BISHAARIYO
BARWAAQIYO BARAARIYO
BILKHEYRTAAN SUGEYNIYO
BADBAADADII DALKEENIYO
SAMEBIXIYE WEEYAAN
GEESI BILADLEH WEEYAAN
RUN BAYAANSHE WEEYAAN
BARBAARSHIHII AQOONTIYO
BARRE DIINTA WEEYAAN
BEEL DEEJAHAASAAN
BAARLAMAANKA CUSUBOW
AAN IDIN BARAAYAA
BARASHO IYO WANAAG DHAHA
BULSHO DAADIHIYE DHAHA
BALAAYADII LASOO MARAY
BAABA’A IYO DHIBTAA JIRA
NABARADAAN BOSKOON WALI
BOOGAHAAN LA DHAYIN WALI
MIDKA DAWO U BAAFSHIYO
BOROFOSORKII HELAY DHAHA
BUKAAN SOCODKA SOOMAAL
BAXNAANSHIHII DHAHA
CALANKAA BULUUGA AH
CIIDAA LA BEYLAHAY
WIILKII U BOOYOO
BALAN EEBE KULA GALAY
INUU BAAS DANBEETIYO
BOHOLAHA KA DHOWRIYO
DAL IYO DADBA BILE DHAHA
IDINKANA BARBAAREEY
WAAN IDIIN BAYAANSHEE
CODKA BAADIYOOW SII
ISAGAA BILAAHIYO
EEBE BARAKADIISIYO
BISMILLAAHI KUU QABAN
INAAN BAAS DANBEETIYO
BOHOLAHA DIB UGU NOQON
INAAN BAAS ABUURKUU
BOWDKAAGA UU IMAN
INAAN BOOLI QABIHII
BARASADANTE AAD ORAN
INAAN BASAASKIYO TUUGII
QARANKAAGA UU BI’IN
INAAN BERRI IYO BADEENABA
BAAYACBA AYAN GELIN
HAKALA BAKHEYLINE
CODKA BAADIYOOW SII
BURJIGEENII ISAGAA
EEBE UU KA BUUXSHEE
CODKA BAADIYOOW SII
QARANKAA U BURURAYE
CODKA BAADIYOOW SII
SHACABKAA U BAAHANE
CODKA BAADIYOOW SII
QABYAALADAAN BARAARTUU
IILKA UU KA BUUXINE
CODKA BAADIYOOW SII
MUSUQMAASUQ IYO BEEN
BUDHKA BUU U QAADANE
CODKA BAADIYOOW SII
BAXARTIREBA WEEYEE
CODKA BAADIYOOW SII
CODKA BAADIYOOW SII
CODKA BAADIYOOW SII
SICIID YUUSUF CADDE
saidyuusuf12@gmail.com
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL , FIKRAD AMA SUUGAAN U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM AMA RAXANREEB@GMAIL.COM











[...] More here: Baarlamaanka Cusuboow Codka Baadiyoow Sii. W/Q Saciid Yuusuf Cade [...]
Baaddiyoow wuxuu u adeegaa Carabta wuxuuna ku han weyn yahay in uu dalka ka dhigo sidii Afqaanistaan oo kale. Waa nin rumaysan diin seef la bood ah oo an dalka iyo Geeska Afrikaba u qalmin. Wuxuu ku xiran yahay dhaqdhaqaaqyo hoosaad oo ku xiran Wahaabbiyiinta Masar. Waxaa hubaal ah in uu yahay nin aan sinaba ugu qalmin booka uu u tartamayo. Soomaaliya wadaad waa ka daashay wadaadna wuxuu yahay waa ka dheregsan tahay, hadda in dib loo laabto oo meeshii lagu burburay iyo wadaaddaadii seef la boodka ahaa la milicsado waa waalli.
Waxaa u qalma wakhtiga iyo duruufaha jira Prof Samatar.
========= .xasdayo farmaayo oo badiyoo buunbuuninayo,
waligiin xasdo [ marmaajo waa madaxweynaha somali.
kkkkkkkkkk….so wiilka geeraar soqoroow waan ku garaney. ujeedkaada,
zanawina waa baqtiyeykkkkkkkkk..
Sanadkan Dad QUALITY leh ayaa sharaxan — Laakiin suaashu waxa weeye. Parlamaankan cusub wadanka maka hor marin doonaa dano shaqsiyeed iyo Shilimaad Jeebka Loogu rido?
Qof walba oo comment ku darsada maqaalkaan waxaad taageertaa musharaxa kuugu qabiilka ah, Baadiyoow internetka cod ku filan kama helaayo, waxaana ku filan dacaayadda telefishinada oo sidii dahabshiil looga dacaadeeyey, weli baadiyoow xamar ma imaan bishaaro bishaaro.
war nimankii raxanreer maxaa helay baryahaan waa bise markaan subixii indhaha kala qaado webka raxanreeb ayaan ku bilaabi jiray warakiisa waxayhada aad igu bateen dhinaca doorashooyinka aaway wararkii dag daga ahaa??? tusaale ahaan markabka kugubtay boosaaso maxaa dhacay waad gaabinaysaane??
Baadiyow in kasta oo uu islaax yahay haddana iiga dhow mooryaanta badan ee beenta la soo hortaagan shacabkan adhaxda u jabay
Adeer doorashooyinka mustaqbalka soo socda
U hees Baadiyoow. Haddase Ina adeerkiis waliba
Ay isu egyihiin waxaan filayaa Sh.shariif inay walaalo yihiin kkkkk
Ayaa madaxwayne ahaa meeshu ma Boqortooyaa ???
Dhaqankii xumaa oo aad Puntland ku hayseen miyaad Qarankiina ku
Sumayn lahayd??!?
Isku xushood oo sharafta iyo wax isu quurista walaalaha Soomaali weyn tixgali.
Nin Dir ah AMA beesha 5aad wixii ka soo hara Mr. Farmaajo will be my future president of Somalia
Horta hore qofku waa in uu aqoon uu leeyahay oo uu ka rajo weyn yahay i qofkaasu marxaladda Soomaliya uu wax ka badali karoo.
Aqoon ma aad uu ledahay C/R. Baadiyow hadde baro hadda.
1- Kabtan ka tirsan ciidamadii xogga dalka soomaliya qaybta Tangiyada oo markii maraykan loo soo diray Kanada uu soo baxsaday.
2. Tageerayaashii Caydiid markii maatada la xassuqayay. oo ku hayey erya erya!!!
3. Nin ay qabyaaladu aad iyo aad ugu fog. Haddana ku gabada dii.
4. Iyo arrimo kale oo fara badan oo aan wakhti isaga dhuminayn.
5. Tallo manta Soomaliya waa awood qaybsi oo dadka ku matalayah dooro oo aa albaabkooka
istaagi Kartid. AMA DOORO FARMAAJO AMA GAAS ayaga ku mataleh markay awood qaysi
timaado..
goooooooooooood job sxb waan ka hela runtii baadiyoooooooooooow waa layaqaanaa waa nin nadiif ah
Kan la baxay Muwaadin dulunloow baad tahay ee ma tihid Muwaadin.Sababtoo ah ummad dhan oo an waxba ku yeelin baad u gaftay.Dadka isaga oo kale ah ee neceb reer puntland wax kale kuma ay nicin ee waa maxay u yahiin dad ka tashada danahooda guud iyo gaarba.Doqon yahoow reer puntland ma dad bay xoolo ka dhaceen?
Ma dad bay laayeen?
Ma qarankii soomaaliweeyn bay leefeen?
Ma saqiir gawrac bay suubiyeen?
Ma waxay fara xumeeyaan Islaamo jira 70 illaa 80? Miskiin yahoow intaas oo xumaato ah iyo in ka sii badan kuwa suubiyey oo wali suubinaya kuma ceebaysid oo wax fiican baad taqaan.Baroi anshaxa iyo edaabta.
Baadiyoow intaan ka aqaan waa nin macquula.Mudo badan baan isku meel daganeeyn.Waligeeyna ma araga mana maqal cid ama dad dhib iyo gaf ka sheeganaysa.Waliba waa nin diimeed.Waa nin soomaali kala yaqaan.Waa nin neceb wax xun sheega.Waa nin ay aqoontisu fiican tahay.Waxuuna ka mid yahay dadkii dhigan jirey school-kii la oran jirey Allaah.Waa nin dabci fiican.Hayb ahaanna waxay isku jilib yahiin Salaad Gabayrihii uu toogtey M.S.Bare.Shaki kuma jiro in uu Baadiyoow istaahilo in uu soomaaliya ka qabto xil muhiim ah Insha Allaah.
Baadiyow ninkaan aqooninoow si fiican u baro. Waa nin wadani ah, aan lagu aqoon qabyaalad iyo kala qaybin dadkeena, ka soo shaqeeyay 20kii sano ee la soo dhaafay inuu caruurteena wax baro, daaweeyo naafada u dhiso ceelal, heshiisiiyo kuwooda dagaalsan. Waa nin leh khibrad military, si xoog leh uga dhex shaqeeyay bulshada rayidka ah, diinta Islaamkana u fahamsan si macquul ah oo aan ahayn si seef laboonimo ah. Kan leh Baadiyow ayaa Caydiid la jiray si fiican taariikhda u fiiri Baadiyow waligiis Caydiidna lama jirin kamana qayb qaadanin dagaalada sokeeye..Baadiyow waa nin ay Soomaalida oo dhan u simantahay taana waxaad ku garanaysaa in isaga iyo asxaabtiisu ka fureen campus wayn oo jaamacada Muqdisho ah magaalada Boosaaso..Insha Allah guul ayaan u rajaynayaa Baadiyow.