Baarlamaanka Puntland oo Dood ka yeeshay Xeerka Doorashooyinka Puntland (Dhageysi + Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

RBC Radio( Garoowe)Golaha wakiilada Maamulka Puntland ayaa waxaa uu u soo dhamaaday Kalfadhigii 28naad waxaan loogu datay mudo ama maalo dheeri ah oo garaysa 7 Maalmood madaama ay dhamaatay mudadii logu tala galay ee aheyd 21 maalmood waxaan 7badaan cisho ee dheeriga ah ugu daray madaxweynaha maamulka Puntland Dr C/raxmaan sheikh maxamuud Faroole waxaan uu ugu baas gareeyay in lagu daro mudadaas dheeriga ah.

Waxaana Golaha wakiilada maamulka Puntland ay siwada jir ah uga dooden ama u gorfeeyeen Xeerka doorashooyinka degmoyinka Puntland xeerkan ayaa waxaa soo diyaariyay Gudiga Doorashooyinka waxaan ay usoo gudbiyeen Golaha barlamaanka Puntland waxaana ay siween goluhu kaga munaa qashoonayeen 21 cisho iyadoo ay goobjoog ahaa mudanayaal gaaraya 50 mudane kuwaas oo ka yeeshey dood aad u dheer.


Waxayna maanta goluhu si gaara u eegayeen shuruuradaha looga baahanyahay qofka muwaadinka ee donaya in uu codeeyo ama uu codkiisa bixin karo waxaana mudanayaashii halkaasi ka hadlay ay sheegeen in loobahanyahay in uu mawaadinku yahay puntlandar si uu markaasi uu u codeeyo halka qaybtood ay sheegen in qodobkaasi ay qodobo ka horeeyaan islamarkaana loo baahan yahay sida ay ukala horeyaan loo meelmariyo.


Doodan aya yeesheen Xildhibaanada maamulka Puntland ayaa waxaa ay waxbadan ku eegayeen Xeerarka Doorashooyinka Puntland maadama gudiga doorashooyinka ay isku diyaarinayaa sidii ay ugu diyaar garaabi lahaayeen Doorashada lafilayo in ay dhawaan ka dhacdo deegamada Puntland oo uu qofkasto muwaadin reer Puntland ah uu codkiisa wax ku dooran doono.



Mahad Abdi Ali
Nakal143@gmail.com
Xafiiska RBC Garoowe

Share

Tags:

5 Responses for “Baarlamaanka Puntland oo Dood ka yeeshay Xeerka Doorashooyinka Puntland (Dhageysi + Sawirro)”

  1. [...] See more here: Balramaanka Puntland oo Dood ka yeeshay Xeerka Doorashooyinka Puntland (Dhageysi + Sawirro) [...]

  2. galdogob-gobolka-xiriir says:

    barnaamijka xisbiyada waan soo dhawaynaya wayo dad badan xilka madaxweyne u dhutinaya ayuu fursad u noqdona wa hadii aysan musuqmaasuq oo ay si cad wax u dhacaan

  3. Mohamed Abdi says:

    labaatan ayay ku joogaan aawey 42 labdii kale ee xildhibaan ma xamar ayay jiraan mise way iska carareen oo faroolaa ubooteeyay
    sawirka ma qurux badna mise raxanreebaa haaf soo qaadaadey

  4. aways says:

    KKKK war yaan lugu hungoobin kurisga //////////

Leave a Reply