Baarlamaanka Soomaaliya Oo kulankoodii ugu Horeeyay Ku Bilowday Buuq iyo Isqab Qabsi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Mudanayaasha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa kulan koodii ugu horeeyay waxay ku yeesheen magaalada Muqdisho caawa ka dib markii la dhaariyay xildhibaanada.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 211, mudane oo ka tirsan baarlamaanka cusub oo ah inta haatan la diiwaan galiyay oo la ogolaaday in ay ka mid noqdaan baarlamaanka.

Xildhibaanada cusub ayaa kulankoodii ugu horeeyay waxay ku bilowdeen Buuq iyo waliba isqab qabsi kaasi oo la mid ahaa buuqii horay looga bartay, oo uu ku caanbaxay baarlamaanka Soomaaliya.

Muxuu ka danbeeyay Buuqa?

Wuxuu ka danbeeyay ka dib markii gudiga farsamada ee soo xulida baarlamaanka cusub ay ku dhawaaqeen, Gen. Muuse Xasan in uu yahay ninka ugu da’da weyn baarlamaanka cusub isla markaana si KMG ah uu asagu u yahay gudoomiyaha baarlamaanka.

Qaarka ka mid ah xubnaha cusub ayaa buuqay markii arintaasi lagu dhawaaqay ayagoona sheegay in ay jiraan xubno ka weyn Gen. Muuse Xasan, arintaana ay tahay arin ay wataan gudiga baarlamaanka.

Sidoo kale Buuqa iyo isqab qabsiga ayaa sii xoogeestay markii gudoomiyaha cusub ee KMG ah ee Baarlamaanka uu sheegay in uu ku dhawaaqayo gudiga la shaqaynaya ee doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka.

Xubnaha qaar ee baarlamaanka ayaa fadhiga ka istaagay markii waxayna sheegeen in gudoomiyaha uu hada yimid isla markaana aysan suurta gal ahayn in isla hada uu doorto gudiga doorashada.

Xildhibaanada jaanis uma siinin in ay dhageestaan ilaa markii danbe Gen. Muuse Xasan uu ku dhawaaqay in baarlamaanka cusub ay markale kulan ay yeelan doonaan maalinta barito ah, uuna soo bandhigi doono gudiga doorashada.

Gen. Muuse Xasan Muxuu yahay?

Gen. Muuse Xasan waxa uu ka tirsanyahay baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya, waxaa loo doortay gudoomiyaha baarlamaanka ka dib markii gudiga farsamada ay sheegeen in uu yahay ninka ugu da’da weyn xildhibaanada cusub ee 72 sano.

Gen. Muuse wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada Soomaaliya xiligii ay jirtay dowladii dhexe ee Soomaaliya ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad bare.

In badan wuxuu ku maqnaa wadanka dibadiisa dhowaan ayuuna ka yimid wadanka Maraykanka sida la sheegay, wuxuuna ka soo jeedaa Daarood gaar ahaan Ogaadeen.

Wuxuu ka mid ahaa saraakiil badan oo qaarkood ka yimid wadanka dibadiisa oo dhowaan kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya isla markaana siiyay talooyin ku aadan xaga amaanka.

Dadka ku dhow dhow ninkaan waxay u sheegeen warbaahinta RAXANREEB.COM in uu yahay nin si aad ah ugu dhow Musharaxa C/laahi Axmed Cadow oo ka mid ah musharixiinta haatan u taagan qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Share

3 Responses for “Baarlamaanka Soomaaliya Oo kulankoodii ugu Horeeyay Ku Bilowday Buuq iyo Isqab Qabsi”

  1. said dheere says:

    ceebtood maahee waa caadadood !

    maahmaah baa waxay tahay, Ratiga hore Ratiga danbe saanqaadkiisuu leeyahay
    marka waxaa durbaba muuqata in aysan waxba isdhaamin ku wii hore iyo ku waan
    hadayba kulankii koobaad isqab qabsi ku bilabeen. waa layaab ….

  2. War meshaa baar lamaan majoogo nimankii burcada ahaa ayaa soo laabtay.

  3. Rooraaye says:

    War dadkan way jiran yihiin ninkaan waa soomaali hadii lagu soo xulay da,diisa maxaa ku jaban waana ku meelgaar kuwa buuqa keenay way ceeboobeyn waa ragii wax laga sugaayey

Leave a Reply