Ban-kii Moon: Waan Ka Walaacsanahay Dib U Dhaca Ku Immaanaya Xulidda Baarlamanka
New York [Radio RBC] Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban-kii Moon ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyahay dib u dhac ka muuqda soo xulista xubnaha baarlamanka cusub ee Soomaalioya.
Wuxuu sheegay in ay jiraan gaabis xagga soo xulidda xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka Soomaaliya iyo caga jugleyn lagu hayo odayaasha dhaqanka iyo guddiga farsamada ee arrintaas ku howlaan.
Mr. Ban ayaa ku sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa New York ayuu ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda, iyo qeybaha kale ee bulshada inay ka tanaasulaan khilaafyada dhexdhooda ah, ayna ka dhabeeyaan qorshaha hadda hor yaala
Mr. Ban ayaa sheegay in loo baahanyahay hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya iney sida ugu wanaagsan uga shaqeeyaan danaha ummadda Somaliyeed.
Xoghaye Ban-kii Moon ayaa ka dhawaajiyay in aan la ogolaan karin waxa hadda socda kuwaas Qatar galinaya ayuu yiri geedi socodka siyaasadda Soomaaliya.
Ugu dambeyn xoghayaha guud ee QM Mr. Ban wuxuu sheegay in loo baahan yahay in xilliga kumeel gaarka ah looga talagalay uu ku dhamaado si waafaqsan heshiisyadii ay gaareen saxiixayaasha Roud-Mapka Soomaalidaiyo iney ku dhacaan si madax banaan oo caga jugleyn iyo musuq maasuq aan laheyn.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi











Ciyaarti Finaalka Oo Looyar Xoosh Kubadi Shabaqa Ku Jaray Iyo Digtoor Yaasin Sh.Oo Taag Cas ku Baxay
Tuesday, 14 August 2012
[...] View original post here: Ban-kii Moon: Waan Ka Walaacsanahay Dib U Dhaca Ku Immaanaya Xulidda Baarlamanka [...]