Banaanbax Balaaran Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye Ee Gobalka Shabeelaha Hoose


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Banaanbax balaaran ayaa maanta wuxuu ka dhacay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose, kaasi oo ay ka qaybgaleen dadweyne badan o reer Afgooye ah.

Banaanbaxaan ayaa wuxuu ahaa mid looga soo horjeeday qaabka loo soo xulayo baarlamaanka cusub ee Soomaaliaya ee badalaya baarlamaanka hada jira.

Dibad baxayaasha ayaa ku qeylinayay halkudhigyo ka dhan ah Odayaasha Dhaqanka ee ku shirsan magaalada  Muqdisho ee laga sugayo in ay soo gudbiyaan mudanayaasha baarlamaanka cusub.

Qaar kamid ah Banaan baxayaasha oo Warbaahinta lahadlay ayaa Sheegay inay kasoo horjeedaan qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada Diiwaan galintoodu ay gaba gabada mareyso.

Waxay sidoo kale ay sheegeen dadka dibadbaxayaasha ah in in dadka la soo xulay aysan u haboonayn in ay noqdaan xildhibaano, loona baahanyahay gudiga farsamada in ay arintaan ka hortagaan.

Dibadbaxa ayaa imaanaya xilli lagu wado Gudiga Farsamada soo xulista Baarlamaanka in waqtiyada soo aadan ay ku dhawaaqaan Xubnaha Baarlamaanka cusub ka mid noqanaya.

Madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliaya ayaa waxaa lagu eedeynayaa in ay faragalin badan ay ku haayaan soo xulida baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay markale u soo doortaan.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

1 Response for “Banaanbax Balaaran Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye Ee Gobalka Shabeelaha Hoose”

  1. [...] See original article: Banaanbax Balaaran Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye Ee Gobalka Shabeelaha Hoose [...]

Leave a Reply