Bashiir M. Xirsiyow Toobad Keen!. W/Q Cabdinaasir C. Hangash. (Haad)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

BASHIIR M. XIRSIYOW TOOBAD KEEN!
W/Q Cabdinaasir C. Hangash. (Haad)
luqyare@yahoo.com
Agoosto 27 2012

Asalaamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu!

Waxaan marka hore Salaamayaa dhammaan akhristayaasha Shabakadan iyo Shaqaaleheedaba. Salaan dabadeed waxaan rabaa in aan wax yar ka iraahdo Qoraal uu halkan ku soo Bandhigay nin la yiraahdo, Bashiir M. Xirsi. [Guji Halkaan]

Qoraalka uu soo qoray ninkan Soomaaliyeed waa qoraal ku xadgudbaya Diinta Islaamka iyo Ducaadda Muslimka. Waxaa iga cajabiyay in uu qoruhu duul kale ku eedeeyay khaladaad asagoo ku dhex jira khaladaad kuwii ugu waaweynaa.

Hadaba markaan arkay khaladaadka iyo dunuubta waaweyn ee uu walaalkeen ku jiro, waxaan jeclaystay bal in aan khaladkiisa xusuusiyo kuna baraarujiyo in uu dib isugu noqdo si Eebe ugu naxariisto. Eebe ha noo wada naxariisto. Aamiin!

XADGUDUBYADA BASHIIR M. XIRSI

Sidaan kor ku tilmaamay walaalkeen Bashiir wuxuu ku xadgudbay Diinta Islaamka iyo Culumada.

Marka hore wuxuu ku xadgudbay Diinta Islaamka markuu yasay oo uu ku jeesjeesay Aayadaha Quraanka iyo Axaadiista Rasuulka (scw). Asagoo Sh. Umal ka hadlaya ayuu wuxuu yiri, “Ayaadahiisii baas iyo Axaadiistiisii Jaan”. Hadaba Aayadaha baas iyo Axaadiista Jaan oo uu Bashiir sheegayo waa Aayadaha uu Eebe noo soo dejiyay in aan ku dhaqano si ay mugdiga nooga saaraan, iyo Axaadiista Rasuulkeenu (scw) na faray in aan gawska dambe ku qabsano. Waxaynu dhammaanteen ognahay in uusan Sh. Umal waligiis noo sheegin wax aan ka aheyn, ILAAHAY BAA YIRI iyo RASUULKAA YIRI. Hadii ay jiraan Aayado iyo Axaadiis kale oo gacan kusameys ah oo uu Sheekha ka hayo waxay aheyd inuu Bashiir cadeeyo oo yiraahdo Aayadaha iyo Axaadiista aan ka hadlayo kuwa Eebe iyo Rasuulka ma ahee waa kuwaan.

Sida xaqiiqda ah ma jirto meel uu Sh. Umal ku tilmaamay Aayado aan kuwa Eebe (cazza wajalla) aheyn. Sidaas daraadeed walaalkeen Bashiir wuxuu ku xadgudbay Diinta Islaamka kadib markuu ku jeesjeesay carrabkana ku muday Aayadaha Quraanka iyo Axaadiista Rasuulka (scw).

Dhinaca kale wuxuu walaalkeen Bashiir ku xadgudbay culumadeena, khaasatan Shiikheena weyn (Allaha Xifdiyee) Shiikh Muxammed Cabdi Umal. Wuxuu ku tilmaamay inuu yahay nin is badbadal badan sida qoraalkiisa ka dhadhamaysa. Wuxuu kaloo ku tilmaamay nin Diinta ka ganacsada. Wuxuu mar kale ku sheegay nin Diinta qariyay. Mar kalena wuxuu Sheekha ku dhaleeceeyay in uusan cilmi laheyn.

Hadaba sida muuqata, dibna aan ka muujin doono waxaanoo dhan waa been abuur iyo xadgudub uu Bashiir sheekha u geystay. Ma jirto Hal meel oo uu bashiir ku muujiyay daliilaha uu u haysto eedeymahaan. Hadaba hal Daaci oo lagu xadgudbaahi waxay ka dhigantahay iyadoo Ducaadda oo dhan lagu xadgudbay, sidaas daraadeedna, Bashiir wuxuu ku xadgudbay oo meel oga dhacay culumadeenna karaamada iyo sharafka u saaxiibka ah.

SIDA SH. UMAL NADIIF OGA YAHAY EEDEYMAHA BASHIIR.

Sh. Umal ma ahan nin isbedbedel badan sida uu Bashiir ku sheegayo ee waa Shiikh Soomaliyeed oo looga bartay in uu dadka Diinta baro walina ku taagan manhajkii dacwo ee uu yaraanta ku bilaabay. Xitaa hadii uu isbedelo oo ayba dhacdo inuu ra’yi cusub la yimaado ma ahan taasi wax la isku dhaleeceeyo. Miyuusan Bashiir ogeyn in isbedbedelku yahay qeyb nolosheenna kamid ah oo aan laga fakan karin. Ruux kastoo nool waxaa u kordhaya Cilmi iyo Jismi intaba. Mahmaa cilmi kuu kordho waxaa meesha ka baxaya aragtiyo iyo fikrado hore oo aad rumeysneyd. Waa qeyb nolosheenna iyo korriimadeena kamid ah isbedelku. Sidaas daraadeed, Sh. Umal sida umadda soomaliyeed ku taqaano ma ahan nin isbedbedel badan haduu isbedelana wax dhib ah kuma jiraan maxaayeelay waa un cilmi usoo kordhay iyo isbedel cilmi ku qotoma.

Markale, eedeynta ah in uu Sh. Umal timir carbeed ku shaqeeyo waa beenabuur iyo aflagaado uu Bashiir u bareeray. Waa mida koobaade ma jirto baahi ficilkaas u geeynaysa Sheekha. Sida aan maqlay oo ay dad ii sheegeen, Sh. Umal waa nin shaqeysta oo ganacsi leh (Allaha u Barakeeyee). Waa mida labaade, Shiikhu asagaaba wakhtigiisa iyo maalkiisa ku bixiya u adeegida bulshada Muslimkaa/Soomaaliyeed. Miyay dhici kartaa marka nin asagiiba wakhtigiisii iyo maalkiisiiba ku tabarucay in uu si kale xoolo kororsi u raadsho? Jawaabtu waa maya. Dadaalka uu Sheekhu sameynayo waa mid cid kastaahi garan karto in uu yahay mid uu Ilaahay ajar kaga raadinayo ee uusan cidkale walaa Carab walaa Soomaali walaa biniaadam kale ujuuro kaga rabin.

Sidoo kale eedeymaha ah in uusan Sh. Umal cilmi badan laheyn ama uu Diinta qariyay waa arrin afka lala maroojiyo yaabkeeda dartiis. In kastoo aysan dadku baryahaan dambe isku si u aqoon cilmiga, hadana Cilmiga rasmiga ah ee sharciga ah waa Islaamka (Quraanka iyo Sunnada). Labadaba Sheekh Umal wuxuu u leeyahay Aqoon fiican. Waa isaga maalin kasta na baraya oo noogu wacdinaya. Ninka codadkiisa iyo casharradiisa Diiniga ahi meel walba ku duubanyihiin, ardadiisiina macallimiin noqdeen miyaa la dhihi karaa Cilmi maleh? Hadii asagoo Qur’aanka iyo Axaadiista akhrinaya la yiraahdo Sheekhu Cilmi malahan soo macneheedu ma ahan markaas in cilmi kale oo aanaan aqoon laga hadlayo?Malaha wax kaloo cilmi la mooday un baa laga hadlayaa ee cilmiga laga hadlayo ma ahan kan Qur’aanka iyo Sunnada. Hadii cilmiga laga hadlayaahi uu yahay Cilmiga Sharciga ah ee Islaamka, Sh. Umal waa Caalim.

Arrinta kale ee ah inuu Sheekhu Diinta qariyay waxay muujinaysaa sida uu walaalkeen Bashiir baahi badan ugu qabo in uu badiyo dhageysiga iyo akhriska Diinta, dhugna ugu yeesho dadaalka ay har iyo habeynba wadaan Culimadeenu. Sideebuu ruuxna u dhihi karaa Sh. Umal baa Diinta qariyay marka Waab kasta iyo Guri kastaba ay casharradiisa iyo muxaadarooyinkiisuba daadsanyihiin sida; 114ta Tafsiirka Quraanka, Kutubta Axaadiista saxiixeyn walaa sunan? Eebe Kitaabkiisa wuxuu ku yiri, “…Wa nazzalnaa Caleykal kitaaba tibyaanan likulli shey’in……” Fasirka: Waxaan kugu dejinnay Kitaab ah Cadeynta shay kasta… (16:89).

Kitaabkaas wax kasta cadeynaya ee uu Eebe soo dajiyay (Qur’aanka) ayuu Sheekhu dhammaantiis noogu tafsiiray luuqad Fasiix ah oo aan garaneyno. Wax kastoo aan rabno in aan ogaano waxaa naga xiga oo kaliya in aan fiirino aaladaha uu Sheekhu noogu keydiyey. Sideebuu marka ruuxna u oran karaa Sh. Umal Diintuu qariyay? Lama dhihi karo cidii dhahdana beenbay sheegtay.

NAJIIDADA KA DHALANAYSA AAYADAHA EEBE IYO DUCAADDA OO LAGU XADGUDBO

Xadgudub kasta wuxuu leeyahay najiido xun oo ka dhalata. Diinta iyo Ducaadda oo lagu xadgudbaahi waxay kamid yihiin dunuubta waaweyn ee sida gaarka ah digniinta looga bixiyay cidii ku dhacdana ay kala kulmayso najiido aad u kharaar. Waxaan halkaan kusoo gudbinayaa waxa ay diintu ka tiri dambiyada noocaan ah. Si uu qoraalku noogu gaabto waxaan ku gaabsanaynaa dhowr aayadood oo Qur’aanka kamid ah oo si buuxda nooga haqabtiri doona najiidada ay leedahay Aayadaha Eebe oo lagu xadgudbo iyo Culumada oo wax ka sheegooda lagu mashquulo.

Aayada koobaad ayaa iyadoo u jawaabaysa qolo ku jeesjeestay Aayadaha Eebe waxay oranaysaa, “Laa tactadiruu, Qad kafartum bacda iimaanikum….”. Fasirka: Ha cudurdaaranina waad Gaalowdeen Rumeyn kadib (9:66).

Dadkani carabkay ku mudeen Aayaadka Eebe wayna ku jeesjeeseen. Najiidadii Jeesjeeskoodu waxay noqotay inay Gaaloobeen lagamana aqbalin wax cudurdaar ah.

Aayadaha kale ee muujinaya cawaaqibka ay leedahay Culimada oo wax ka sheegooda lagu mashquulaana waxay ku jiraan suuratu Muu’minuun.

Sida ay Aayadahani muujinayaan, maalinta Qiyaame ayaa qowm cadaabka ku jira qaylinayaan. Waxay codsanayaan in cadaabka laga saaro (Q 23:107). Marka si daran loogu jawaabo lagana diido codsigooda ayaa dunuubtay galeen wax laga tilmaamayaa. Halka dambi ee lagu eedeynayo ayaa ah in ay ku mashquuleen dhibida Adoomada Eebe ee wanwanaagsan. Waa tan siday aayadu u sawirtay dhibkay dadka Saalixiinta ah u geysteen;

” Fat’takhad tumuuhum sikhriyyan xattaa ansoowkum thikrii wakuntum minhum tadxakuun” Fasirka: Waxaad ka yeelateen (Adoomada Eebe) jeesjees intay idinka halmaansiiyaan (Ku mashquulkooda darti) xuskayga waxaadna aheydeen kuwo ku qosqosla (23:110).

Najiidadii dadka ku xadgudba Adoomada Eebe ee wanwanaagsan waxay noqotay in la yiraahdo, “Ikhsa’uu Fiihaa walaa tukallimuun” Fasirka: Hus! Ku fogaada dhexdeeda (Cadaabka) hana ila hadlina (23:108).

Hadaba waa kuwaasaa najiidooyinka ka dhalanaya markii Aayadaha Eebe lagu jeesjeeso ama Culumada iyo Ducaadda la aflagaadeeyo oo lagu mashquulo.

BARAARUJIN

Walaal sidaan soo tilmaamay Bashiirow waxaad ku dhacday dambiyo waaweyn. Waxaad ku jeesjeestay Aayadaha Eebe iyo Axaadiista Rasuulka (scw). Waxaad ku tilmaantay Aayado Baas iyo Axaadiis Jaan. Sidoo kale waxaad ku xadgadubtay oo aad meel oga dhacday sharaftii iyo karaamadii culumadeenna khaasatan walaalkeen Sh. Muxammed C. Umal. Waxaad ku tilmaantay nin wajiyo badan oo kamid ah qowm aad ugu yeertay ” Tolka Timirta”. Kas ugu dhacdayaa iyo kamma’ kaaga dhacdayaaba waxaad mudantahay in aad dambi dhaaf warsatid Eebahaa. Eebe wuu dhaafaa dunuubtoo idil (Q 39:53).

Wasalaamu Caleykum Warraxmatullahi Wabarakaatuhu!

XOG DHEERI AH

Waxaa dhici karta in dad badan oo had iyo goor wax walba qabyaalad iyo qaraabo ku saleeya ay is yiraahdaan ninkani wuxuu Sh. Umal u difaacayaa ama waa isku qabiil ama waa isku degaan. Marka hore, Diintu ii diidi mayso, dhaqanka soomaaliyeedna ii diidi maayo, dabacsanaan iyo waxyaabo kalena iga hor istaagi mayaan in aan walaalkay difaaco xitaa hadii aan qaraabo nahay marba hadii laga gardaranyahay. Laakiin xogsiintiina darteed, Aniga iyo Umal isku jifo ma nihin isku degaanna ma nihin. Anigu waxaan ahay reer Caabudwaaq, Isaguna waa reer Nairobi (hadeer). Geeleenu isku meel ma daaqo.

Kaliya waxaan u difaacayaa, in uu yahay nin mudan in xumaanta laga hufo. Sheekh Umal wuxuu kamid yahay Shanta (5) ugu darajo sarreysa Culumadeena Soomaaliyeed (Allaha Xifdiyee kulligood) xag cilmi, xag akhlaaq, xag karti, iyo xag shaqaba. Sh. Muxammed waa indhihii umada Soomaaliyeed iyo u adeege Diinta Islaamka. Waa intaas oo kaliya, hadii aan dhawr hal ka tilmaamo, waxa keenay in aan difaaco.

Wabillahi Towfiiq!

W/Q Cabdinaasir C. Hangash. (Haad)
luqyare@yahoo.com

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

22 Responses for “Bashiir M. Xirsiyow Toobad Keen!. W/Q Cabdinaasir C. Hangash. (Haad)”

  1. Guled says:

    Bashir Xirsi wuxuu faahfaahiyey fikrad ku aaddan balaayada garga weyn ee Sucuudiga ka yimid oo dalka keentay dhaqan aannu hidde iyo haybad u lahayn. Wahabbiyiinta dalka ku faafay burburkii ka dib wax aan; nacayb, dagaal, burbur, maandoorrin, waalli iyo wareer ahayn lagama dhaxlin. Waxay dalka la yimaadeen madhab tirtir la tiigsaday Soomaalinnimada oo dalka u jeediyey Carabaysi iyo wax baas. Umal in uu yahay ganacsade marba dhanka dantiisu jirto diinta u adeegsada, gaar ahaan, inta uu maskaxda ka qabsaday, waa wax cad. Bashiir inuu taas faalleeyo wuu ku muhadsan yahay.

  2. [...] Follow this link: Bashiir M. Xirsiyow Toobad Keen!. W/Q Cabdinaasir C. Hangash. (Haad) [...]

  3. Idris Malaaq says:

    Walaal C/ naasir ajar iyo xasanaat Allaah ha kaa siiyo sida aad u difaacdey Xaqa.
    Jannatul Firdows Rabbi ha nagu kulmiyo, AAMMIIN.

    Aniga nin reer Baydhaba ayaan ahay, Allaah dartii baan u jecelahay Sheekh Maxammad Cabdi Umal , adiga Cabdinaasir ah iyo Saalixiinta kale ee ku kala nool dunida dacalladeeda.

    JAZAAKUMU LLAAH KHAYRAL JAZAAI’

  4. Abdi says:

    Ninka Bashiir la yiraahdo shaki kuma jiro in uu danbaabay,waana Nin jecel in uu wax iska qoro isaga oo aan ka fiirsan,laakiin in Culumada Soomaaliyeed Firqooyin kala yihiin Shacabkiina wareeriyeen waa sax
    Shiikh Umul-na kuwaas buu ka mid yahay,Ninka yiraahda Diinta mayaqaana been buu sheegay.

  5. Libaax-libaax DHalay says:

    Waryaahee, Haad, war ninyahowmaxaa kaa khaldamay, war qofkan sidaad ula hadlayso a fahmi karo, hadduu ku oranayaa “Ar hee waa iga baqyee day!” oo hadda wanaaga aad kula hadlayso nma inuu wax kale u fahmayo baad u malaynaysaa, been kuu sheegi maayee wax kale uma qaadanayo inaad ka baqayso bauy la tahay, wax kasta oo aad sheegtana run uma haysto umana qaadanayo, laakiin wuxuu ku oran “Xaw yir ma maqlaydayhee, Xaa ku Cabsi “!!

    Tan kale waad wacdinaysaayee ma intii uu SHiikh Umal u sheegay ka badan baad u sheegaysaa?! DHegihii Waantoobayaa La Waaniyaa!… miyaadan arag qorqqlkiisa uu shikha ku maagayo cinwaankiisan waa meel, waxa uu ka hadlayana waa wax kale.

    Waraabaha maxaa xiga, laakiin wauxuu ka hadlayaa reerkooda waxa ay ku sheekaystaan wuxuuna iska dhigaya nin wax qoraya macne leh marka waan ka xumahay xoogga aad gelisay waxan caay un buu fahmi karaa wax kale ma yaqaan, sidee wax kaa noqdeen, wixii caqli u jawaab waxna la qaybso, laakiin walaal xooggaagu yuusan noqin xooggii Doofaarka lagu eryay, laakiin si uu Bashiir u fahmo Doofaar adiga Bashiir ah waxaad u taqaan Doonfaar! si aan kuu fahamsiiyo!!!!…………

  6. hogol says:

    maansh aalh waa qoraal aad u wanagsan waadna kumahadsan tahay iyaantan dabe waxa soo baxay wiilal yar-yar oo diintii iyo quraankii inay duraan bilaabay balse waxan idin sheegaya yaysan idinla tagin muranka iyo doodu midna ogaada diintu dhaqan maha ee barta dhaqanka soomaliyed ee aad la waal-waalanaysan wax badan oo qashin ah aya ku jira oo dhan walba dinta lid uugu ah marka awoowgeed aya waxas samayn jiray waba waxa diinta loo soo dajiyay in la tir-tiro oo la baa’biyo marka dhaqankan aad kusoo cel-celinaysaan waxa ka wayn xadiithka iyo shareecada wixi ay banaysona cunugan yari ma diidi karo

  7. C/nasir
    jazaaka allah wad mahad santahay saad u iftiimisay xaqa.
    Ninkan bashir ladhoho anigu shaki wayn ayan galiyay ,caqidadisa,miyir qabkisa. Waayo qof wax isku falaya madhoho axadis jaan iyo aayado baas.
    Miyan la oran karin ninkani wuu waalanyahay ama aan su,aal laga keeni karin muslintinimadisa ????
    Towbadu way u furantahay haduu lkn awalba indhihisa oo shana uunbuu waxan qor qoraye kusii adkaysto waa hawl asaga iyo ilahay u dhexayn donta .

  8. wadaad yare says:

    Soomaalidu dood cilmi ah uma bislaan weli. Haddii qof la dhaliilo waxa isla markiiba meesha soo buuxinaya labo kooxood:

    a.koox danaano qabiil waddo oo dhiiggu kacsanyahey
    b. Koox danaano firqonnimo waddo oo tacasubkoodu uu la mid yahey kan qabiilka

    Wixii laga doodi lahaa oo la qaadaa dhigi lahaa waxey ku dhex qarsoomayaan boorka labadaas kooxood oo falan ay kiciyaan.

    Qof kasta oo qaladkiisu bato wuxuu heystaa labadaas kooxood ama midkood iyadaana ugu filan iney isku gadaamaan oo difaacaan oo qaladlaawe kasoo saaraan.

    Marka doodda dhan wax qiimo ah kuma dhisna oo waa uun isku buuq iyo far isku fiiq fiiq.

    Sh.Umal wadaaddada Salafiyiintaa ayuu ka mid yahey dadka ugu waaweyn oo ay qaddariyaan. Wuxuuna ka mid yahey hal koox oo ka tirsan saddexda kooxood ay usii kala baxeen Salafiyiintu(Wahaabiyadu).

    Saddexdaas kooxood waxey kala yihiin:
    1.Kooxda Ictisaam(Itixaadkii hore) oo uu ka tirsanyahey sheekhu

    2. Kooxda Salafiya Jadiidah oo Sh.Cukaashe iyo Sh.Axmed Daahir ka midka yihiin.

    3. Kooxda Jihaadiyiintaa (Al Shabaab iyo kuwa ay is baheystaan)

    Saddexdaas kooxood colaadda ka dhaxeysa iyo naceybka dhex yaalla wuu ka weynyahey kan dadka kale kala dhaxeeya oo heer ay is dilaan ayey marayaan. Dadka aragtida uga duwanna colaad kale ayey u qabaan.

    Haddii la yiri muslimiinta maahane khalqiga kale oo dhan waa kaafiriin oo baadi ah waxaad bannaanka u saartey oo naarta gelaya waa shantii qofoodba afar qofood.

    Shan meelood meeshii soo hartey iyagana waa la kala hufey oo la kala haadiyey intoodi badneydna gaalo iyo baadi iyo ahlu dalaal ayaa lagu xukumey intaan Wahaabiyada ka aheyn oo firqa naajiya lagu tilmaamey.

    Firqa naajiyadii ayey ka dhex qaraxdey oo u kala baxdey saddexda qeybood oon ku kusoo xusey oo qolo kastaa tan kale ku baadinnimo xukmineyso. Haddaad Shabaab warsato labada kooxood oo kale gaalo ayey u arkaan. Haddaad labada kooxood oo kale warsatana Shabaabka khawaarij ayey u arkaan. Labadooduna saaxiib ma ahan oo ahlu bidco ayey mid kastaaba tan kale u aragtaa aan aakhiro badbaadeyn!

    Aragtidii Wahaabigu sidey u macno beeleyso oo ay duritaan ugu tahey diinta dhan ma dareemi kartaan miyaa?

    Haddii diintii dadkii dhammaantood bannaanka ka yihiin oo qolo ku badbaaddey aysan jirin maxey diinta soo dejinteeduba macno ah oo soo kordhisey miyeysan ka dhalaneyn arrintaas?

    Sh.Umal arrintu way ka weyntahey ee Wahaabiyadu diintii dhammeyd ayey shaki gelinayaan. Adinkana Sh. Umal inaad u tacasubtaan ayey idiinkaga caddahey.

  9. wadaad yare says:

    Fiiri Salafiyoow

    Haddaad guriga dhammaantiis kor ka dumiso inaad ku mashquusho musmaar ka mid ah guriga, wax yare guriga ka mid ah maxey macnaa oo soo kordhineysaa? Qofkii ku yiraahda war intaad guriga dhan dumiso musmaar ha iila soo hishleyna aad ku tiraahdo guriga(islaamka) dhan ayaad bannaanka ka tahey ma caqli galbaa?

    Oo yaa markii horeba guriga aad musmaarkiisa iyo jaqafyadiisa la ordeyso ku dhex harey soo dadkii oo dhan iney bannaanka ka yihiin adigu kuma doodin? Haddana kooxdii yareyd oo iyagu isku arkey iney kaligood ku hareen iyagu iskama aysan saarin gurigii macnawiga ahaa?

    Doodda Sh.Xasaan uu ku raddinayo Sh.Umal dhegeysta. Arrintii la qarin jirey oo aheyd iney Wahaabiyiintii Sacuudigu markey billowga ahaayeen muslimiinta kale oo dhan gaaleysiiyeen ayuu bannaanka soo dhigey.

    Sh.Xasan Daahirna hadda kahor waad dhegeysateen isagoo leh culimada Sacuudiga iney kaligood yihiin jamaacadii muslimiinta ayey markii hore qabeen laakiin way u socon weydey.

    Waa xaqiiqo taasi oo welina fikraddaas gurracan si dadban ayey u qabaan dadkaan afkaarta Wahaabigaa loo soo dhiibey.

    Dadka leh timir ma jirto waxey la socdaan ayaa yare timir wax ka weyn ayey dowladda Sacuudigu ku bixisey iney faafiso aragtiyadaas suntaa oo muslimiinta ay ku kharribtey.

    Muslimiintii maanta meeshey dayaxa iyo marriikh tiigsan lahaayeen oo facood la tartami lahaayeen waxey noqdeen “xabaalo quf” maskax yar oo qabri ka dhammaan la, iney meyd kala soo baxaan. Afkaartaan majnuunkaa oo Wahaabiyada ayaana sabab u ah.

    Wake up dhallin yaro maskaxdiinna xoreeya oo wax barta Sh.Umalkiinna ma ahane caqligiinna isticmaala.

  10. bashir nur says:

    waa mahadsantahay walaal c/nasir waa arin aad iyo aad muhim ah waxaana waajibna nagu ah kuligeen inaan diinta iyo culimadeedaba difaacno. walaalken bashir m xirsi waxaan ku leeyahay ilaahay u tooban keen jesjeska aayadaha ilaahayna waa arin qatar ah oo gaalnimo keeni karta.
    waayahan dabni waxaa badatay in diinta iyo ehelkiida sidii la rabo laga yeelo ILAAHAY hanaga badbaadiyo fitnadaas.

  11. Waa nasteexo ...fiican says:

    Denbi wayn buu ku dhacay shaki la,aan …kaasoo keenaysatay jees jees aayadihii iyo axdiistii rasuulka.
    waxuu rabay inuu nin maago lakiin illaahay iyo rasuulkiisii baa ka horeeyay oo uu ladagaalamay .
    Jahliga iyo xiqdiga ku jira uurkiisa yaa yuu qarin waaayay.
    Anigu waxba igama galin meeshaad u socoto lakiin waxaa ka xanaqay tan illaahay iyo rasuulkiisa .
    Ayaadaha baas kuma arag Quraanka kariimka oo ah hadalkii ilaahay ayadihiisun u yihiin ummada raxma iyo shifaa .axaadiis jaan oo uu waraiyay jin ma hayo …eee waa kuwo ku yimi dariiq waxyi ah kuwooda saxiixa ah .
    Toobad keen Illahayna u noqo Jahli baana kaa dhawaajiyay ee afkaagu yuu kugu ridin naar qalbigaagan ka saar xiqdig iyo xasadka aad u qabto diinta ama ummada diinta haysta firiqay doonaan ha ahadeene ..lana jeclow hanuun haday lunsan yihiin.
    Dhurwaa haduu xalaal yahayna culimay u taal inay islafahmaan kan xaalaasha ah haduu xaraan yahayna iyagay u taal inay u iftiimiyaan adilada saxda ah …jaahil iyo caamo midna shu,uuntaa malahan ..xataa daaci iyo daalib baan noo fatwoon karin iska daa ra,yi qofe.
    Kanaso hawlaha diinta oo awalba siyaasada qabyaaldaysan baad wax ka qori jirtay oo aad ku amaan la’yd tan boos kuma lihid .
    Illahy u Toobad keen Hadldaadii laqwigoodaa badanaa hadaany kufri kugu ridinba ..maanta laga bilaabona ha qorin wax ku saabsan arimaha diinta …waayo Jaahil murkab baad u egtahay.
    sababtoo ah waa nin aan aqoon lahayn,lakiin aan u ogayn naftiisa in aanu aqoon lahayn..ilayn waxbuu baran lahaaye..wax baro

  12. Afdhub says:

    Asc diintu ama ha gar yaraato ee be ayaa soo dajiyey lagumana xad gudbi karo.dib isugu noqda kulligiin.waa la Yaab in nin yiraahdo aayado jaan iyo axadiis jaan lagu tilmaamo waa wax xun.Adiga iyo ilaah bay ka dhaxaysaa bashiirow.

  13. Gundiid2 says:

    Salaamun calaykum

    Walaalayaal marka hore waad salaaman tihiin marka xigga aniga waxan aad ula yaaba nink wata Wadad yare oo runtii meelo badan aan ku arkay markaan daraaseeyay waa uun labo mid uun ninkaas.

    1- In uu yahay Suufi qubuuro galeen ah oo aan fahansanahyn waxa uu yahay Allaha u naxariistee sheekh muxamed bin cabdulwahab

    2- In uu yahay CAQLAANI oo naskii quraanka iyo axaadiisktii ka hormariya caqligiisa hadaad qoraaladiisa u fiirsataan waad dareemi kartaan meesha ugu hoseeya qoraalkiisa waxa uu leeyahay sidan
    (Wake up dhallin yaro maskaxdiinna xoreeya oo wax barta Sh.Umalkiinna ma ahane caqligiinna isticmaala.)

    Marka meeshaad wadaad yare ku aragtaan 2aad arimood ka fiiriye inshallah.
    SC

  14. Abdirizak says:

    Asc: Walaal c/naasir kheyr Alaha Kaa siiyo difaaca diinta Iyo ducaadda ,maamulka webkaana waxaa kula talon lahaa inaysan bulshadda Ku faafin wax aan waxba u faa’iideynayn Sida qoraalka ninka la baxay Bashiir .

  15. wadani says:

    iska qor dhib ayay leedahay,hase ahaatee waxaan oran lahaa bashiirow culimadu oo loo gafaa diin ta oo loo gafo weeye

  16. cawaale says:

    waxaan raba horta in an idiin sheego in bashiir aqoon dheer u leeyahay diinta islaamka walibana ii ku haysto sha haadada sare ee becholar tan kale waxaa kala duwan in umal wax laga sheego iyo in diinta wax laga sheego, umal nabi maahan waa nin somali ah diintana u adeegsada danahiisa gaarka ah maqaalka bashiir taas ayuu ubucdiiso ahayd, toobadab bashiir ooma hayo wadaad soomaliyeed ayagu ha toobad keeneen wadaadadu ayagaa diinta ku shaqaysta oo waliba waxay rabban ku xalaysta waxay rabaana ku xaaramaysta

  17. nabadon says:

    ILAAHOW heshiisnoo samee wax walba waa leysku haystaaye

  18. nabadon says:

    Waxaan soo dhexgaley wadaado fidhiqooyin isku heysta, ILAAHOW noosahal anigu fidhiqona kumajiree,
    ILAAHOW Ummada Islaamkana guud ahaan iyo gaarahaanba dhibka naga dulqaad, oo qofkasta oo muslim ah kurbada haysa ka dulqaad
    Wabilaahitowfiiq

  19. Libaax-libaax DHalay says:

    @Cawaale.

    Horta ninyahow hadaad adigu nin fiican tahay Bashiir ma fiicna anigaa af buuxa taas kugu dhahaya, mana inoo sheegaysid Umal buu ka diin badanyahay, ninna kuguma haysto in ninkaan uu shahaado ku qaatay diinta, SHahaaduu ku qaatay, waa sax, wuu yaqaanaa, waa sax, laakiin kuma dhaqmo umana nin diin yaqaan iska dhaafeeinuu hal maalin soo maray xataa meel diin lagu hayo.

    Mas’alad buu shiikh sheegay la wada yaqaan, waa bini aadan, ma lihin ma gefi karo laakiin Bashiir waxba kama sheegi haddii uu sidaas diin ku bartayna barasho khasaartay dheh, adiga laftaada faalada aad bixinayso waxaa ka muuqda inaad tahay oo keliya nin hiilo u yimid. Adeer Umal Allaa mahad ku lahee inta ka aflaxday baa ciiddaas ka badan mid Umal masruufana ma jiro, waa nin dhalin yaro ah oo shaqaysta, hadaad leedihiin wadaaddadu masaakiin diif leh ha ahaadaana, Umal haduu yeelo maba yeelayee anigaa ogee annagaan ka yeelayn.

    Tan kale adigu Bashiir haddii ay kaa dhab tahay oo uu yahay nin fiican isaga u nasteexee Umal ha ugu taginee, midda kale aan adiga ku weydiiyee maxaa khalad ah ee uu Umal sheegay ama sameeyay, Bashiir qoraalkiisa SHiikhuu ku weerarayee kama hadlin wax mowduuc ah waxaadna moodaysay inuu u soo abbaaray si qabiil ah oo afkii adeeradiin Xaad, Qan-yare iyo Axmed Diiriye uu ku hadlaayay.

    Danihiisa gaarka ah! masaakiin wax eedaynta baranaysaad u egtihiin oo aan garrami aqoon inay caatamaan mooyee, Adeer mar kale aan kugu celiyee SHiikh Umal Alle ha ka dhowro wixii shar ah ee aad ugu horaysaan adiga, Bashiir iyo waxa idin la midka ahee waa nin shaqaysta danihiisa gaarka ahna yaqaan, ee wax ka barta, waxna tari maysaanee ammaan siiya, “war Alle Daraaddii buu wax idin baryaa, adinka idinkama rabo inaad u abaal guddaan ama u mahad celisaan”….Yaa masaakiin.

  20. cawaale says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkk nasteexo ooma hayo midkoodna lakin waxaan diidanahay in umal laga dhigo nin muqasad ah oo aan gafi karin waxa laga hadlayana diin maahan ee waa figrad

  21. Bashiir xirsi waa qoraa somaliyed. Meelo uu kuqaldanyahay wey jiraan. Lkn aniga warbixinta umal markaan aqriyay tusaalooyin cad cad ayuu ukeenay. Sheekh umalna waa nin caalim ah lkn miyuunan shirki jabuuti gaalnimo kutilmaamin? Shirki ogaadeenka iyo amxaaradana musaalaxo dhihin? Sheekha qaladaadkisa waa muuqdaan ee yaan cidna indho la’aan loo taageerin

  22. jirde says:

    Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahullaah wa racaahu wa adaalallaahu baqaa,ah. Rabi ayaa mahad iska leh nagu manneystay Sheekheena sharafta iyo wanaagaba u saaxiibka ah ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal. walaalka la yiraahdo Bashiir waxaan oran lahaa sida C / Naasirba hore ugu sheegay; Rabigaa u noqo oo toowbad weydiiso, sheekha aad cirdigiisa ku dhacdayna la hadal oo isagana i cafi dheh, mar danbena iska ilaali inaad siibato oo aayaatka ALLAAH iyo axaadiista Suubanaheenna Muxammad S.C.W aad ku jeesjeesto.

Leave a Reply