Beesha Cumar Maxamuud oo ka shirtay soo xulida xubnihii u matali lahaa Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya (Sawirro)

Gaalkacyo:- Shir balaaran oo ay maanta 07/08/2012 isugu yimaadeen Waxgaradka, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Culimaa’udiinka, Odayaasha dhaqanka, Dhallinyarada, Haweenka iyo Qurbajoogta ku abtirsada Beesha Cumar Maxamuud ayaa ka dhacay guriga Isinka guud ee Beesha Cumar Maxamuud Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax.

Shirkani oo ay ka soo qeybgaleen ku dhowaad 500 oo ruux ayaa waxaa kaloo ka mid ahaa xubnihii ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac, Kuxigeenkiisa Axmed Muuse Nuur, Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax, qaar ka mid ah Siyaasiyiin horey xilal kala duwan uga soo qabatay Xukuumada Puntland oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne xigeenkii hore ee Puntland Mudane Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo Wasiirkii hore ee Caafimaadka Puntland Dr. Bashiir Cali Biixi.
Ajandaha kulanka uu marti geliyay Islaan Bashiir ayaa ahaa sidii Beesha Cumar Maxamuud ay usoo xuli lahayd xubnihii beesha u matali lahaa Baarlamaanka cusub ee dawladda KMG Soomaaliya oo haatan soo xulistoodu ka soconeyso magaalada Muqdisho.
Kasoo qeybgalayaashii kulanka ayaa waxay soo bandhigeen aragtiyadooda ku aadan sida loo soo xulayo xubnaha matalaya Beesha Cumar Maxamuud ee la rabo in ay ka soo dhex muuqdaan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waxaana gaba-gabadii kulanka la isku raacay in la sameeyo Guddi ka kooban 9 xubnood oo Waxgaradka Cumar Maxamuud ah si ay iyaguna usoo xulaan labada xubnood ee noqonaya Mudanayaasha Baarlamaanka cusub ee uga wakiilka ah Beesha Cumar Maxamuud.

Guddigani oo ah sagaal xubnood ayaa kala ah:-
1. Caaqil C/wahaab Maxamuud Gurey
2. Nabaddoon Siciid Xuseen Nuur Dirir
3. Nabaddoon Maxamed Xasan Dhurwaa
4. Nabaddoon C/casiis Aw-yuusuf Xaarin
5. Nabaddoon Maxamed Yuusuf Guure (Ilbalac)
6. Nabaddoon C/qaadir Xaaji Xuseen
7. Nabaddoon Cabdi Diiriye Guuyo (Qurux)
8. Aqoonyahan Cabdi Faarax Maxamed
9. Nabaddoon C/rashiid Sugulle Xaabsay.

Xubnaha Guddigani ayaa shaqadoodu waxay noqoneysaa soo xulista labada xubnood ee Beesha Cumar Maxamuud uga qeybgalaya Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo looga fadhiyo in ay soo xulaan labada xubnood isla markaana ay hor keenaan Isinka guud ee Beesha Cumar Maxamuud Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax si uu u meel mariyo una gudbiyo dawladda Soomaaliya.
Xafiiska Islaan Bashiir.
C/laahi Yuusuf Xuseen
Xaajiyow@hotmail.com

























Hambalayo baan leeyahay walaalahay ilahay ha idinla garabgalo iskaashiga iyo talo wadaaga aad sameynaysaan amiin
Mansha allaah waa aan ku farax sanahay runtii
guul ayana urajaynayaa, Beesha cumar maxamuud WAA beel NASABA OO TOLNIMO IYO SOOMAALINiba kujirto marka loo eego kuwa ay wada dhasheen , hormuud ku waa iyaga waxa kalana waa wax lagu qurxiyay .waxan idin leyahay keep it
Oo waxaan idin weydiiyey madaxweyne faroole taa raali ma ka noqonayaa?
Mise waa in madaxweynuhu mid ka mida labada soo xulo.
Waa guul usoo hoyatay dadwaynaha beesha cumar maxamud mar hadaan is qabqabsi ka dhicin waxana uhambalyaynayaa isimka guud ee beesha islaan bashiir islaan cabdule islaan faarax sida uu kartida leh ee uu beesha uhogaamiyo
oo heedhe soow tii layiri axadii aanu soo dhaafney baa ugu danbeysa arjiyada gudiga loo soo gudbinayo wixii ka danbeeyana la yeeli maayo waa laga xirey maxay tahay hada shirka islaanku qabanayo oo uusan gudbin sheekadii bugta ahayd oo aan sheegey baa soo baxdey gudi been abuura ceebtoodii Islaan Bashiir baa soo shaac bixiyey allaha guuleeyo islaanka
Doqon yahoow la baxay Khadiijo dadka la yiri yaysan axadda dhaafin waa dadka adiga oo kale ah ee ma aha dadka la yaan oo la aaminsan yahay waxay keenaan.Kuwa axadda loo qabtay waa sumad laawayga ad ka midka tahay.
Haddii ad gabar tahayna adigaa ceebaysan sababtoo ah adigoo ah gabar soomaaliyeed baad markastaba la soo taagan tahay iyo af xumo.Tan kale intaas waxaad ka hadashaa qabiyaalad.Soo ma ogid inta cayda ah ee ad soo qortid in lagu dhihi karo ka badan kun jibaar.Waase lagaa xishoonayaa.Waxaase imaan doonta mar uu kuu soo jawaabo mid la yiraahdo Maxishoode.Iska jir meesha oo is uruuri