Beesha Haashim Cali (MAALIS-MUGE) oo kalsoonidii ugala noqonay Suldaan Subeyr Xaaji Maxamuud


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

18.08.2012
Ku: Isimada Beelaha Daarood
Og: Subeyr Xaaji Maxamuud
Og: Ugaas Axmed Ugaas Maxamed
Og: Islaan ciise Islaaan Maxamed
Og: Suldaan Saciid Maxmed Maxamed Garaase
Og: Madaxweynaha Dowlada Puntland
Og: Gudoomiyaha Baarlamaanka
Og: Gudoomiyaha Gobolka Nugaal
Og: Duqa Degmada Garowe
Og: Beesha Leylkase

Ujeedo: XIL KALA NOQOSHO

Anagoo ah beesha Haashim Cali (MAALIS-MUGE) waxaan halkaan ku cadeyneynaa in si buuxda aanu kalsoonidii ugala noqonay Subeyr Xaaji Maxamuud kuna taageereyna beelihii Laylakase Nugaaleed ee naga horeeyay, kuna eedeyneyna qodobadan hoos ku qoran:

1. Maqnaansho uu iska maqnaa ilaa markii loo doortay uusana ku maqneyn talo ay beeshu leedahay.

2. Talada beesha oo uu la gaar yeeshay ama uu koox gaar ah kala tashado.

3. Masiirkii Beelaha walaalaha ah ee ku bahoobay dorashadiisa oo uu shaqsiyaad ama reer u gaar yeelay.

4. Wadashaqeyntii iyo isku xirnaantii dowlada Puntland iyo Beesha oo uu dhumiyay, maadaama ay beeshu tahay reer Puntland.

5. Xiligii ugu dambaysay ee uu yimaado deegaanada Puntland oo waxgaradka Beeshu damcay in ay turxaan bixiyaan xurguf kala dhaxaysay maamulka Puntland iyo Subayr taas oo uu diiday in uu wax wada xaajood ah uu kagalo arinkaas.

6. Tan iyo waqtigii la doortay ma jirin wax arin ah oo uu wax ka galay marka laga reebo arinta xulista xildhibaanada Federalka taas oo iyadana uu ku kala qaybiyey Laylkase Nugaaleed uuna ugu kala eexday.

7. Subeyr waxa uu dhumiyay wadashaqeyntii iyo kalsoonidii kala dhaxeysay isimada Nugaaleed oo ahayd inay wadshaqeeyaan si danaha guud iyo kuwo gaarka ah ee Beeshu u fulaan.

8. Intii uu ku magacaw naa xilka Suldaanimo waxaa Beesha soo maray dhacdooyin badan oo xalin suldaanimo u baahnaa sidii tii Gambayax taas oo khasaaro naf iyo maalba sababtay mana jirto wax talo iyo taageero ah oo ku geeystay haba yaraate.

9. Xubintii Nugaaleed oo ugaasku balanqaaday oo uu ka dhigay mid qoys, odayaashuna siiyeen nin reer Nugaaleed ah ka dibna uu ka qaaday siiyayna nin Diaspora ah oo uu adeer u yahay, waxay arintaasi keentay in subeyr aanu matali karin belaha Laylkase Nugaaleed.

10. Ugu dambeyntii Subeyr waxay beeshu ku tuhunsantahay in yahay Xisbi mabaadi’ gooni ah ku shaqeeya oo ra’yigiisa oo aan talo wadana fuliya, nin xisbi ahna ma qaadi karo masuuliyada beesha Leylkase Nugaaleed.

Waxaanu talo ku soo jeedineynaa in beesha Leylkase Nugaaleed dal & dibadba isaga yimaadaan kana tashadaan danahooda iyo aayahooda si loo gaaro ahdaafta beesha u qoreyd ee uu dhumiyey Subeyr.

Liiska Magacyada Saxiixay:

1. Nabadoon Shiine C/laahi Maxamed
2. Samadoon C/qaadir Salaad Faarax
3. Samadoon Saciid Jaamac Roorshe
4. Shaafici Jaamac Cali
5. Axmed Jaamac Cali
6. Sh. Cali Cabdi Mataan
7. Cabdi Jaamac Cali
8. Axmed Faarax Cali
9. Cumar Faarax Cali
10. Maxamed Cadi Mataan
11. Axmed Saciid Jaama
12. Liibaan Cabdi Jaamac
13. Maxamuud Faarax Cali
14. Maxamed Maxamuud Faarax
15. Daauud Faarax Cali
16. Axmed C/laahi Jaamac
17. Cawil Aadan Shaacuur
18. Muuse Jaamac Faarax
19. Maxamuud Axmed Jaamac
20. Maxamed C/qadir Salaad
21. Axmed Salaad Faarax
22. Maxamuud Axmed Salaad
23. Maxamed Faarax Cali
24. C/raxmaan Gurey Faarax
25. C/rasaaq Maxamed Faarax
26. Saalax C/qaadir Salaad
27. Maxamuud C/qaadir Salaad
28. Bille Maxamed Cali
29. Cali Cabdi Cali
30. Faarax Cabdi Cali
31. Maxamuud Maxamed Cali
32. Raage Maxamed Cali
33. Abdullahi Jama Ali
34. Maxamed Cawil Shaacuur
35. C/qaadir Maxamed Faarax
36. C/wahaab C/laahi Jaamac
37. C/raxmaan Aweys Faarax
38. Maxamed Shaafic Jaamac
39. Maxamed Cumar Faarax
40. Cabdi Shiine Maxamed
41. Waraabe C/laahi Maxamed

Waxaa Raxanreeb soo Gaarsiiyey Qoraalkaan Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud ee Puntland
Abdulahhi Jama Roorshe
Tell 090794064

Share

Leave a Reply