Beesha Reer Xassan Muumin oo Hambalyo & Dardaaranba u Direysa Xildhibaan Ciise Guraase
Hambalyo
Hadii aanahay Culuma udiinka,waxgaradka, aqooyahanadada, Gabdhaha iyo waliba Suldaanka beesha reer Hassan Muumin {leelkase} waxaan hanbalyo udireynaa xildhibaanka cusub. Ciise Mohamed Ahmed(Guraase) kaa soo loo dhaariyay shaley oo ay taarkhdu ah 8/19/2012 in uu ka mid noqdo xildhibaanada soomaliyeed oo aan rajeyneyno in ay umadda somaliyeed ay samata bixin doonaan 4 sano ee soo socota hadii alle idmo.
Dardaaran
Waxey beeshu kugula dardaarmeysaa laga bilaabo maalinta lagu dhaariyay oo aad kitaabka gacanta saartey in aad daacad u ahaato dadkaaga somaliyeed iyo dalkaaga soomaliyeed taa soo aan uga jeedno hadii ay soomali wax noqoto beesho waxbey noqoneysaa hadii Somali wax noqon waydo beeshu waxaba noqon meyso . sidaas awgeed waxay beeshu ku xasuusineysaa in aad ka gudubtey beel waxaadna ugudubtey Qaran . Sidaas awgeed beeshu waxay kugula dardaraarmaysaa in aan ummada soomaliyeed dhexdheeda aad daacad ka noqotid,cadaaladna fashid aadna ka fogaatid meelwalba oo qof Somali ah lagu dulminayo marwalbana dulmanaha aad codkaaga siisid si dulmiyga loola diriro.
Ilaah waxaan kaaga baryaynaa in uu camalkaas kaaga dhigo kii aad janada ku gali lahayd oo uusan kaaga dhigin kii aad danbi ku urusan lahayd, ilaali sharafta somaliyeed,Sharaftaada iyo waliba sharafteena Guuuuuuleyso
Dadka hambalyada soodirey waxay kala joogaan
Somalia, Kenya, Europe, America, Canada, Australia, Middle East.











[...] Read More: Beesha Reer Xassan Muumin oo Hambalyo & Dardaaranba u Direysa Xildhibaan Ciise Guraase [...]
Guul guul waxan kurajaynaya guul iyo in ad qadatiti talada asxaabta kujecelkusodirtay