Beeshii aan Issimkeedu joogin Muqdisho waa la qadiyey! W/Q Maxamed C Madhoodhe
Beeshii aan Issimkeedu joogin Muqdisho waa la qadiyey !
Mohamed Cali Madhoodhe
Madhoodhe_251@hotmail.de
Agoosto 12 2012
“ Asalaama caleykum wa raxmatulaahi wa barakaatu “.
Hordhaca Qoraalka :
Salaanta Islaamka ka dib. Walaalayaal waxaan maanta qormadan uga hadlayaa ama xoogaa xog dheeri ah ku iftiiminaynaa isbedelda ka socda Dalka Soomaaliya ama looguna magac darey Tubta-nabadda (Road-mapka) ee mudada 3-bilood ah oo aynu ku jirno marxalado kale gedisan soo marayey. Marka aynu ka soo bilowno ergaddii odayaal dhaqameedyadda, ergadii axsixinta Dastuurka iyo mida hada socota ee soo xulitaanka Baarlamaanka cusub(Golaha Sharci Dejinta) ilaa la gaaro ama laga dhameys tiro Hayadaha shirciga ah ee Dowladdu ka kooban tahay sida Madaxweyne, R/wasaare- Xukuumadeed, Laamihii Garsoorka Iwm. Ka dibna loo helo dowlad aan ku meel gaar ahayn oo Caalamka la jaan qaada ka dib 22 sanno oo dalka iyo dadka soomaaliyeed ay aafeeyeen Colaad Sokeeye (mid Qaba´il iyo hogaamiye kooxeedyo), mid Ururo-diimeed , Abaaro, burcad-badeed iwm.
Marxaladda hadda la marayo sida aynu wada ogsoonahay waxaa gabagabo ah dhameystirkii xulitaanka Xildhibaanadda Cusub ,taasoo muddo 2 ilaa 3 asbuuc ah ay ku mashquul sanaayeen dhamaan Issimadda Beelaha Soomaaliyeed oo ay tiradoodu tahay 135 oday-dhaqameed, wallow ay jiraan issimo badan oo Beeluhu leeyihiin, balse intaa ayaa ayagu saxiixa ergooyinkii ansixinta dastuurka iyo xulitaanka xildhibaanadda cusub iska lahayd. Ayadoo Xulitaan xubnaha Baarlamaanka ay qaylo dhaan iyo cabashooyin isla markiiba ka soo yeertay Beel walba gudaheeda ka dib markii qaybtii lagu heshiin waayey ama la is qadiyey , ayaa Beelaha kuwii cabanayey waxay u dacwoodeen Beesha Caalamka, Dowlada dhexe, maamuladda jira sida Puntland iyo dariiqyo badan oo kale ayagoo ku gudbinayey warbaahinta qaybaheeda kala gedisan sida Dacwad-Qoraaleed, Idaacadaha, Telefishanada , Beelihii qaylo dhaanta iyo dacwooyinka u gubiyey kuwo waxbaa loo soo dhiciyey kuwana weli waa ay ka warsugayaan in kastoo waqti bada uusan harin !
Haddaba waxaan Qormadaan aan kaga hadli doonaa ama ku soo qaadan doonaa Beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo laga sugayo dhinaceeda inay la jaan qaado isbedelkaas guud ee wadanka ka dhacaya ama lagu samato bixinayo kaalinta kaga soo aadan,taasoo ah Beesha leelkase anigoo ku eegi doona sidii ay wax u qaybiyeen ama u maareeyeen qaybtii ay ka heleen xubnaha baarlamaanka Cusub Issimaddii iyo Waxgaradkii tiradda badnaa ee Muqdisho ka joogey.
Beesha Leelkase :
1. Afeefasho iyo Cudurdaar :
Ugu horeyn waxaan ka afeefanaya ama uga cudur daaranayaa dhamaan Issimadda, Odayaasha, Aqoonyahanka, Dhalinyarrada , Haweenka iyo dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay Beesha leelkase in uusan ahayn Qoraalkaani mid aan ula jeedo in Beesha leelkase u horseedo Khilaaf ama kala Erdhow( kala Tag), balse aan ula jeedo mid wax saxaya kaasoo wata dhaliilo iyo talooyin anigu aan masuuliyadeeda qaadanayo balse aaney cid kale ila wadaagin ! weedh ama odhaah ayaa oranaysa “ inta ay Bulshadu is dhaliilayso ama wax isku haysato weli ma kala tegin ama xiriir ayaa jira ”. waxaa ilaa mudaddii ay bilaabatey xulitaanka xubanaha baarlamaanka ee 5-ta ah iiga muuqanaysey Bulshada Beesha leelkase loolanno adag , xusulduub ba´´an , is abaabul beel walba dhexdeeda ah, is kooxaysi dibadda iyo gudaha ah oo ay Beel walbaa ugu jirto inay hesho xubnahaas 5-ta ah mid ka mid ah. Intaas ka dibna ay igu kaliftey inaan qoraalkan dheer diyaariyo taasoo isla markiiba ay ii soo baxdey dareemo kacsan oo Bulshada Beesha dhexdeeda Hareeyey iyo in ay Beel waliba dhexdeeda guux iskula wareegayso, waxaana aasaas u ahaa ma heli doontaa xubin(Kursi) mise waa lagu qadin doonaa.
Waxaan kaloo Bulshada beesha u sheegayaa mar walba oo Beesha dhexdeeda wax qaybsi yimaado waxaa hubaal ah in ay dhaliili imaanayso sidii hore u dhici jirtey tusaale Odayaashii xuli jirey Embegathi, Carte, dhismihii Puntland ilaa maanta ayaa la dhaliilaa oo laga sheekeeyaa. Aniguna dadka aaminsan maanta maalin ay ka wanaagsan tahay ama ay dhaanto ma jirto ayaan lahaa , sababna waxaan uga dhigayaa Issimo Qurbo-joog ah oo wax badan fahamsan, Aqoonyahano, masuuliyiin sare( Dowladda dhexe iyo Puntlandba) iyo wixii waxgarad ahaaba maanta waa loo dhan yahay oo Muqdisho ayaa lawada jooga, balse waxaa dhaqso ii muuqdey dhaliilo aan is leeyahay wax ha lagu saxo anigoo Issimadda hore qoraal Laablakac ku jiro ama hore ayaa waxani Beesha ugu dhacdaye ha laga digtoonaado ayaan hore saxaafadda ugu mariyey.
Haddaba anagoo ah dad Islaam ah aaminsana qadarka EEBE oo qof walbaa wixii uu u qorey aysan dhaafayn ayaa aadanuhu wax walba sabab u yeelaa ama hadal iyo gocasho ka soo yeertaa , waa hubaal 5-ta xubin 5 qof oo beesha ka mid ah uun baa heli lahayd, balse waxaa dhowr qodob ka soo qaadaneynaa sida ay wax iigu muuqdaan, waxaa dhici kara in dad badani ila qabaan fikirkayga kuwana ay qabaan fikir kayga ka duwan !
2. Dhacdooyinkii iyo meelaha dhaliishu ka taagan tahay :
A. Sidii ay ka filayeen bulshada Beesha oo ay u sheegeen Issimadda Muqdisho jooga ee ku howlan qaybinta iyo xulida xubnaha Beesha ee ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub uma aysan dhicin , waxayna Issimaddu u sheegeen bulshada inay wax ku qabin doonaan Xargo, ayadoo la isku qaybin doono oo Xarigii aan Puntland wax ku haysan la siin doono xubnaha cusub, taas ma aysan dhicin oo Beelihii Puntland Wasiiradda, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanka ku haystey ayaaba 3 xubin laga siiyey Baarlamaanka cusub !. Haddaba Su´aashu waxay tahay xagee buu marey Xaqsoorkii iyo cadaalad u sameyntii ay Beesha Leelkase ka sugaysey Issimadda Muqdisho Jooga?
B. Sida ku cad ama laga dheehan karo sida wax loo qaybiyey ama ay u maamuleen waxaa kuu soo baxaysa in Issimaddii Muqdisho joogey inta nin walbaa Beeshii uu ka dhashay Xubin u qaadey oo gadaal marsadey ayuu 2 dii xubin ee soo hartey ayaa Beelahii kale ee Leelkase lagu jaha wareeriyey oo Beelana subaxdii ayaa lagu qoraa oo la yiraahdo idinkaa laydin gudbiyey , kuwana galabtii ayaa lagu qoraa oo la yiraahdo waan saxney oo idinkaa xaq u leh , halkaasna waxaa ku dhacay Ummaddii beesha Walaahow iyo Jahawareer waxaayna u ekaadeen ama iiga soo baxay muuqaal ama sawir u eg ” sidii Rati Macsarro shiidaya oo ay iska daba wareegaan “! Ama “10 rati oo kii u horeeyey iyo kii u danbeeyey la isku xirey”.
C. Gobollo waxba looma qaybin sidii aan Qoraal hore ugu direy oo ahayd in lawada xuso Gobolada ay Beeshu degto ee ku yaal Puntland ayadoo wax loogu qaybinayo sida ay ugu kala badan yihiin,taasoo aan uga jeedey Qorshaha fog ee mustaqbalka Beesha ee wadada Dimoqoraadiyada si xubnaha maanta la siiyo Baarlamaanka laga soo doorto beri Gobolada beeshu degto oo dhan oo xubin walbaa kursigeeda ay Gobolka ay ka soo jeedo uga soo gasho waxaa hayaan loo yahay tubta Dimoqoraadiyada ee “ One man one Vote” mana garan karo inuu jiro Qorshe Beeshu u diyaarsatey oo meel yaal markii loo baahdana lagala soo bixi doono. Berrina marka doorasho timaado intee kuu soo bixi karta haddii aad hal Gobol isugu geysid wixii aad maanta heshay, Balse waxaaba dhacdey Qorshihii odayaashu wax ku qaybiyeen inuu noqdey in Gobolka Mudug 4 xubnood ay qaateen, hal Xubina meel u dhaxeysa Gobolada kale lagu tuurey !.
D. Maanta Soomaaliya waxay sugaysaa in la samata bixiyo oo dhibka iyo halaaga ay ku jirto laga saaro ayadoo EEBE la baryayo, waxaana Ummada ka saari kara dad Aqoonyahano karti u dheer tahay . Haddaba Beeshu waxay ka mid tahay Beelaha Soomaaliyeed ee lagu tirinayo inay saaxiib u tahay inay leeyihiin dad Aqoonta Diiniga iyo midkaa aduunka looga shaqeysto ee Maadiga ahaba leh oo weliba daacadnimo iyo xaqsoor u dheer yahay, waxaana la sugayey xubno Beesha Soomaali uga gadmi kara oo ka dhex muuqan kara Beeshana sharafteeda iyo karamadeeda ilaaliya,ma aysan dhicin oo dadka hadda liiska lagu qorey 50 % isuma dheeli tirna, waxaanad moodaa koox si gaar ah loo soocayo ama meelo Beesha ka baxsan laga hagayo oo dan laga leeyahay loo qunsanayo( danno gaar ah qolo ka leedahay) !. Ayadoo aan ognahay inta Beesha Aqoonyahan ama xeel dheere siyaasadeed oo caan ka ah Caalamka iyo Soomaaliba u joogta oo haddana banaan la dhigey ?. Waxaana Beesha u fiicnaan lahayd in 5 xubnood oo Soomaali wax la qaybsan karta ama ka dhex muuqan karta la soo xulo , ayadoo dhinac walba laga eegayo ilaa haddii la heli karo 80-90 % marka dhinac walba laga fiiriyo ( Aqoonyahano sare, Qof khibrad Siyaasadeed leh, Qof bushada dhexdeeda caan ka ah ama ixtiraam weyn ku leh, Qof Karti iyo dad la dhaqan fiican caan baxay iyo ayadoo loo eegayo arrimmo badan oo kale). ” Haddii aad Geed mirood fiican beeratid, waxaa hubaal ah inaad Miro fiican ka guraneyso “.
Gabagabo :
Waxaan Qoraalkaan ku soo gababgabeynayaa 2 qodob oo ku aadan aragtideyda ama aan ku cabirayo iyo sida ay wax iigu muuqdaan waqtiyadda soo socda.
a) Waxaan Bulshada Beesha qaybaheeda kala gedisan u sheegayaa ama aan ka codsanayaa in la horumariyo degaamada Beeshu degto sida Puntland iyo Jubooyinka, isla markaasna aan la dhumin wax la qabsiga dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ee ay Beeshu wax ka dhistey. Dowladnimadda iyo Maamulku Muqdisho kaliya ma yaal ee ilaa Maamulka Dowlad Goboleedka, midka Gobolka, midka Degmadda ilaa tuulo ayuu yaal. Waxaa igu maqaal ah in sidii hore u dhici jirtey waxaa loo wada yaacey Muqdisho waxaan odhan lahaa yaan la cidleyn deegaanka Puntland iyo dhamaan deegaamada ay Beeshu ku abtirsato,isla markaasna waa in lala jaan qaado ama loo sare kaco hanaanka xisbiyada badan ee dalka ka hir gelaya laguna dadaalo Furashada Ururo ama Asxaabta siyaasadda iyadoo laga qayb qaadanayo doorashooyinka kala gedisan ee Golayaasha Dowladda dhexe,heer Maamul Goboleed, mid Gobol ilaa heer Degmo !
b) Sida ku cad Cinwaanka Qoraalkan oo ah “ Beeshii aan Issimkeedu joogin Muqdisho waa la qadiyey ! ”. waxaa laga dheehan karaa ama loo fasiran karaa Beeshii aan Suldaan lahayn Berrina way qadi doontaa mar labaad iyo mar saddexaadba, markaas waxaan odhan lahaa Beelihii ayagu qadey ee kacdoonku uu ku jiro ama ku qanci waayey wax-qaybintii Issimmada Muqdisho Jooga ay sameeyeen haku Caano shubtaan Suldaammo cusub si aysan Berri u qadin oo xeerada wax ku jiraan gacanta u geliyaan, Ugaaskuna ha idinka dhexeeyo oo ha noqdo mid aad isugu timaadaan ama Issinka Guud ee mar walba Gudoonka iska leh .
” Waxaan ALLE waydiisanayaa dembi dhaaf iyo inuu noogu Naxariisto Jannadiisa bisha ramadaan fadligeeda aniga iyo dhamaan ummada muslimiinta ah ee ALLE inuu raali ka noqdo iyo awaamiirtiisa fulinteeda u Soomay”.
Waxaan halkan raali gelin ugu gudbinayaa Bulshada Beesha iyo akhristayaalka intii qormadan dhibsata, balse way fiican tahay in aadanuhu howsha taagan iyo dareenkiisa fikir ka gudbisto uuna cabiro asagoo aan cidna ku xadgudbayn.
fadlan wixii wax tabanaya ha igla soo xiriiraan cinwaanada meesha ku qoran.
Mohamed Cali Madhoodhe
Karlsruhe, Germany
Madhoodhe_251@hotmail.de
0049176-26926900
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM










[...] Read More: Beeshii aan Issimkeedu joogin Muqdisho waa la qadiyey! W/Q Maxamed C Madhoodhe [...]
Maqaalkaan waa qoraal xaqiiqo ku saleysan waad mahadsantahay m ali madhoodhe
runtii maqaalkaan waa mid xaqiiqda ku salaysan oo baraara junaya dhamaan qaybaha kala duwan ee beesha… Hadii aan nahay dhalin yarada beesha waxaan canbaaraynaynaa wax qaybsiga ku aadan 5 xilibaan waayo wuxuu ka fog yahay cadaalada wuxuuna kala fogay nayaa bulshada beesha ee ku dhaqan gobolada kala duwan…
Madhoodhe adeer waan kaaga mahad celinaynaa taladaada wax ku oolka ah
waxaan ka quustay markaan maqlay Gaabane oo cadow ah markii boos la siiyey oo laga riixay c/raxmaan xoosh jibriil oo wiliba ku timid talo Faroole. oo laga dhigay wasiiru dowlo looga qalqaalsado in uu xildhibaan ka dhiga.
adeer lax walba meeshii ey is dhigto baa lagu qalaa, waxa halkaas dhigay waa caada qaadayaal aan masiirkooda ka fakarin, hadii uu mar ay Gaabane jaga noogu dhiibayaan oo shalay lahaa ‘argagixiso’ maxaan ka filanaa ama kalsooni intee le’eg baan ku qabi karnaa
ceebtaan. iyo cadaalad la,aantaan iyo caqli gaabnida xubnaha lagu qaybiyey qof jooga mooyee mid maqan iyo mid horay u dhintay oo qabri ku jiraa ma malaynayn in 4 xubnood hal jifi qaadanayso. xabada hartayna suldaankii qaadanayo. isku tashigii baa la diley oo kala tashi baa la iclaanshay.
ceebtaan. iyo cadaalad la,aantaan iyo caqli gaabnida xubnaha leelkase lagu qaybiyey qof jooga mooyee mid maqan iyo mid horay u dhintay oo qabri ku jiraa ma malaynayn in leelkase 4 xubnood hal jifi qaadanayso. xabada hartayna suldaankii qaadanayo. isku tashigii baa la diley oo kala tashi baa la iclaanshay.
Ina C Madhoodhow hadalkaaaga waxbaa iga raacay afeefta iyo gabagabadu kala duwan soo uma eka inta aad isku xirtay tobankii Awr markaad tiri waan afeeefanayaa inaan la dhibsan isla markaana hal qoys aad kula talinaysid inay kala furfurtaan khalad koox yari gashay
kan gaabane caayayow oo waa cadow lahow jifadaada ayuusan ahayn ee waad u sacbin lahayd ii nin cayrsidaga iska dhaaf wuxuu gaabane galdobo ka qabtay waa wax muuqdee nin kale oo qabtay ma jiree
Nin yahoow beesha leelkase isimadoodii gaabane ayey isu dhiibeen gabanena faroole ayuu dilaall u yahay marka ha isku daalin beeshu waa beel qasaartey hadii gaabane hormuud u yahay gaabane
masha allaah madhoodhe ina adeer waa qoraan qurux badan oo waliba huufan kana hadlaya danta tanade iyo dhaliishaba jirrta intaba waa figrad saliim ah ruuntii ninkii ku waana qadanaya aniguba wan qaba arinta ku adan in reer kastaba u sameysto isiim gar u ah sii aan hadhow lo qadiin sidaa hada dhacdayba
qoraagu waa mahadsan yahay
waxaan aaminsanahay ninkii carodaba isim hadoorto waa fikir khaldan ugaaskina maanta mesha majogo oo waxaa jooga caruur uudhalay iyo ciyaal daba yacaya oo aan aqoon waxii tolka kala qabta inay wax walaqayaan reer xirsi muumin wali waxay fursad siinayaan nimankaan qaarna caruurtaa qaarna carada lagu doortay ee aan xilkasnimada lugu soo xulin anagu maanta waxba nagalama maqna kursi waxaan kumashquulsanahay tabac iyo dhalinyaradayada oo aan jamacado ukala dirnay sanada dhowna waxaad arki doontan hawshu sida manta ay tahay ayada oo ka badalan .caruurta qaadka kucunaysa nairobi iyo addis bal inta rer xirsi mumina soo tiri hadana isweydii inta wiil reer xirsi muumina ee jamacad dhigta ama sanadkasta kow kagala dugsiyada sarre.
Run hadii larabo waxaa ka masuul ah is qabqabsigaan iyo nidaam la’aantaa waa #1 Ganacsatada, Siyaasiyiinta, Caaqilada, iyo Professooradeena oo kuligood cida waxba uqaban oo meelahaas iyo Dubai, New York iyo Boosaaso isaga raaxeysanaya, oo bakhaaro iyo lacag kaliya daba socda.
Waa in kuwa naga mid ah oo maalka iyo aqoonta ilaaheey siiyay eey usoo jeesteen meel marinta iyo horumarinta beesha, hadii kale arintu weey kasii dari kaliya, sababtoo ah waxii maanta laga seexdo birina laga seexdo, shaqadii waa afar jibaarantay!
Marka inteey goorigoortahay waxaan leeyahay raga naga mid ah oo naaxay, oo cilmiga iyo maalka ilaaheey siiyay oo aduunka ninba meel ka fariistay asagoo leh ‘Yeelkood’, waa ineey ilaaheey ka baqaan oo xilka saaran gutaan.
asc dhamaan waan saalamantihiin maqaalkuna waa maqaal cadaalad ku saleesan oo beesha leelkase xaq in lagu qeebiyo bay eheyd kuraasta oo labana mudug la siiyo midna bari midna nugaal midka soo harana jubooyinka la siiyo saas bay eheyd in loo qeebiyo igu yaraan .. leelkasana kuraas iskuma qabsan jirin ee ma aqaan meeshay wa socdaan … sina hadii loo eego wuxu waa 5 kursi leelkasana kuma filna leelkase ka badan buu xaq u lahaa . waxaana aamisanahay in kuraasta leelkase oo faroole qeebiyey ama maskaxda laaha lagu qeebiyey .. beelaha ku leh wasiirada iyo xildhibaanada puntland in wax laga siiyo ma eheyn .. lkn yaan la ilaawin midnimada beesha iyo isku xiraanasha beesha kuraasi waxba maaahe . anigu waxaan aaminsanaa in laga fekero marka hore intaan la qabiin barlamaanka oo beeshu gudi u saarto sifican dadka isoo wareysta ka bidna dadka ku haboon oo aqoonta leh iyo wax qabadka la keeyo meesha jifiduu doone ha aahaade lkn nin puntland wax ka tari waayey DKMG waxba kama qaban karo ee dib haloogu noqdo soo xulista
Waa sidaas boowe; ina ugaas wuxuu siiyey xubin ina abtigiis Gaabane; Subeerna wuxuu siiyey booskii nugaal ina addeerkii ina ilaka dheere.waa yaabe yuu suldaan u noqonayaa!
GAABANE waa dambiile weyn waxuu galay khayaano leelkase waxuuna ku sheegay leelkase argagixiso,alshabaab iyo alqaacido waxaase igala liita ninka ku abaal mariyey xildhibaan inuu u noqdo beesha iyo qaranka somaliyed…….allow sahal amuuraha taladii beesha bohol ayey ku dhacday.
asc wr wb ramadaan kariim waxaan aad uu saami dhamaan umada muslim ka ah khasatan dadaka ku hadala afsomali ga afeef waxaan ka afeefan inaan so dhaexgalo beel si khaas ah wax isuu awydiisay balse beeshu laylikase waxay kamid tahay beelihii markay boqortoyadii darood hayeen cadaalad lagu hubay saas darteed talad waan ku soo birin hadaan uu so noqdo maqaalka uu ninkaas ku magacaban maxamed c madhoodhe qoray horta erayada uu ninkani cuskaday waa nin qoraal yahan ah runtii si fiican uu dhidhigay balse beesha laylikase mid ha ogaato somaliya good bay ku dhacday ninki kasoo saar la yidhaba laluush iyo musuq maasuuq buurabaa madaxda ugu sareesa yaa taas ku dhisan sida dhabta ah takale beelihii somaliyeed beel aan isku dhaganeen amaa aan gomodaha is hasan ma jirto markaas waxaan odhan la haa qoraaga dhib lagula qabo ha isku kali moodin hadaan mataal idin siiyo beelaha absame waxa lasiiyay 12 absame iyo adeerkood waa 5 marakas 12 kii xubnood ogadeen 10 buu goosha gashaday 2 xubnoodan jidwaaq baa isagoo saluugsan qaatay 3 beelood kee kale wayteen galimees iyo baalacad xageed joogtaan lam odhan marka ilahay cadaalad ha keeno amiin amiin amiin
Aad baan u dhaliilayaa ninmanka talkood inay caayaan maahane, aan xikmad kale meesha kusoo kordhin.
Aad baan u dhaliilayaa in lasoo daabaco wax Tanade kala fogaynaya..
==============
[
]
/
GAABANE ayaan ka qaracmay!!!!!!!!?
ugaasku magacaabista Gaabane wuxuu daqniyey boog leelkasoo dhan ku taala oo ah ninkaasi codkii uu ku hadlay maalintii aad wada xasuusan tihiin qof leelkase meeluu joogaybana ay xaaladu kamaraysay meeshaan wada ogayn dhibaatadii la ogaana ay nagu dhacday.suuragalna maahan in lagu abaal mariyo inuu xildhibaan noo noqdo.
intaas hadaan taa uga baxo waan ogahay in ugaasku dareenkaa nala qabay laakiin waxaan aad isu waydiiyey maxaa ku keenay doorashadaas xanuunka badan arimahaan ayaana igu soo dhacdhacay
- mar waxaan is iri faroole ayaa lagu qancinayaa maadaama dhirbaaxo xun ay uga dhacday soo xulistii ergada dastuurka
_mar waxaan is iri ma inay dhashay in ugaas baa shaqaysay
siyaabo kale oo aanan halkaan hu sheegayna waa jiraan
marka hore ilaahay ayaan ku mahadinayaa islaan naga dhigay waxaan qabaa in wax qabasho horteed la helo fikir iyo falaqeyn qof walbaa si xor ah u dhiibto sida hadda qof walbaa u dhiibanayo.
anigu shaqsiyan waxaan aaminsanahay in dimoqaraadiyadu ay ka bilaabato shacabka oo si xor ah
fikirka lagu maamulo si fiican uga hadlaa ay keeni karto horumarka iyo maamulka ay doonayaan
anigu waxaan qabaa in leelkase talo lagu maamulo aan waligeed aysan helin ee gacan kale oo sida tan gumesiga oo kale ah dad ay soo wakiilatay ay na maamuleysay mudo aad u dheer.
soomaalidu waxay ku maahmaahdaa biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa.
ninkii abraham licolni oo madaxweyniihii markeykanka ahaa ayaa yiri sidatan isagoo qeexaya rabitaanka shacabka. (the government by the people for the people) taas oo macnaheedu yahay dawlada shacabku doorto ayaa ah tan shacabka wakiilka ka noqon karta.
taas waxaa marqaati ka ah sidan hoos ku qoran sida deegaanka leelkase dhan maamul iyo mid horumarineed sida uu uga liito. marka hore aan qeexo deegaanka leelkase.
deegaanka leelkase waa sidaan hoos ku xusan sida afka qalaad loogu yaqaan (predominant tribes)
1-gobalka mudug
2. gobalka nugaal
3-gobalka bari
4-kiilka shanaad ee itoobiya
5.gobalka jubadda hoose
aan hal hal aan uga faaloodo waxa ay ku sugan yihiin deegaanada kor ku xusan
1-maamulka puntland oo ay hoos tagaan saddexda gobal ee mudug,nugaal,barri waxaa ka jira xagga baarlamaanka 66 xubnood oo baarlamaan ah leelkase wuxuu ku leeyahay saddex xubnood
waxaa ka jira 39 degmo oo 16 ka mid ah la magacaabey burburkii soomaaliya dabadeed haddana la rabo in qaab degmeed wax lagu qeybsado dhamaan duga magaalada ,guddoomiyaha gobolka ,ku xigeenada degmooyinkaas wax leelkase ah ma jiraan marka laga reebo goldogob.-
2-kiilka 5aad leelkase aad ayuu u degan yahay waxaana ka jiro maamulo gobal iyo mid degmo leelkase waa ka qaday.
3-hadda waxaa ka jira qaab siyaasadeed oo la doonayo in maamul la yiraahdo jubooyinka in la yagleelo leelkase shirarkaas kama qeybgalaan ingiriiska ayaa ku maahmaaha (early bird catches the worm) taas oo ula jeedo haddii hardanka aadan ka qeyb galin waa ka qadi
arrimahaas awgood iyo balaarka degaanka beesha tanade degan tahay awgeed waxaa soo jeedin lahaa in jufo kasta oo tanade ah ay issin xaqooda soo celiya ay ku caano shubato
ujeedadu maaha in aan la dagaalsanahay issimadii hore ee waa qaabka siyaasada ee hadda jira
si talada leelkase loo balaariyo oo aan monopoly loogu heysan.
waxaan meshaan ka cambaaraynayaa Abdirahman Xoosh Jibriil ..oo Booskiisa. laga xadey…………………
Qofkasta oo akhriya faalada iyo guuxa dadwaynaha ee meeshaan ku qoran, waxuu garanayaa in dhaawac loogaystay isku xirkii iyo wax isu ahaanshihii Beesha, marka waxaa iswaydiin u baahan wiilasha Xamar Xildhibaanadii Beesha ku qaybinayay. (1) Waxay sameeyeen ma kalibay ku ahaayeen?
(2) Goormay bilaabatay in dhaqan xumada iyo bahdilka iyo in dhiigga iyo dhaqaalaha Beesha loo xalaaleeyo cadawgeeda la’iskuna abaalmariyo? (3) Maxaa laga yeelikaraa ama lagu sixi karaa waxyaabahaas iyo kuwa kale oo beesha masiirkeeda iyo jiritaankeeda caqabad ku ah?
Waa midda kowaade horta waxa Xamar kadhacay kama bilaaban xamar ee waa looga dhawaaqay, runtuna waxay tahay waa arin ay ka shaqeeyeen dad gaar ah, laguna dhameeyay oo lagu hagayay Taleefoono. Dadka qaar baa ka hadlay “GAABANE”, waxay ilatahay Gaabane waa is ogyahay waxa Leelkase kaqabo ama u arko badankiis, sidaas darteed “WAYSO” ugama dhawrna, oo wuu samayn waxaas iyo waxa kadaranba, waxaase ugu daran Wiil doonaya in uu noqdo Ugaaaska mustaqbalka ee uu kaarka kagubayo oo uu ku ababinayo xaaladaha noocaan oo kale ah, oo laga yaabo in uu ku yiri war aniguba anigoo leh war “Argigixisada” laaya ayaan u ahaa Wasiir iyo Masuul sare uga ahaa maamulkii laynayay, adiguna wax kasta iyo si kasta oo aad ku maamushid Ugaasbaad ugu ahaan ee ila wad hawsha.
Waa runtiis GAABANE sida ay wax ku socdaan, dadka qaar baa isleh waxbarasho iyo danahayaga ayaan raacanaynaa, wax kasta oo aad barto ama AMERICA ama CHINA, meeshu waa Somaliya Ugaaskaas Leelkase ayaa ugaas kuu ah , talada QAABANE iyo dadka lamidka ah baa kusugi. Dadka qaar baa leh FAROOLE ayaa ku jira meesha waxay ila tahay in aan Faroole waxba aan la’eedayn, waayo Faroole dagaal cad baa idin dhexmaray, meel aad ku hishiiseen majirto oo wali khatar buu idiin arkaa, Leelkasena dhibbuu katirsanayaa.
Waxa la rabaa in Leelkase xisaabtamo oo waxa wanaagsan lagu dhaqmo lana lajoojiyo wax yaalaha Beesha dhaqankeedii wanaagsanaa ee isu hanbayntii iyo ii ahow adigu ku dhisnaa la dhawro. Waa in laga digtoonaadaa caqliyada iyo dadka fikirkoodu keenay intii aan wax laga badalin 5tii Xildhibaan 4 Mudug halaga keeno Bari iyo Nugaal 1. Qaladkaas waa mid ay danbigiis wax ku yeelanayaan beelaha Bari iyo Nugaal waayo qalada hore ayay qayb ka ahaayeen ama u saxeen dadkii samaynayay, rag ayaga kamid ahi. Waxaan jira qalad aad wax ka samayso kaama dhawro qalad lagugu sameeyo.
Ninkii madiga ahaa wuxuu yiri HALAAL IYO WAX ISU AHAANSH XISAAB KAMA HORAYSSO.
Ninkarmeed madi ahaa ayaa ilma adeeradiis xisaab xumo ula yimaadeed markaasay arintii ku fiicnayd ehelnimo iyo isgarabsi iyo isu hanbayn in lagu maamulo ay ku dhamaatay xisaabtan iyo kala gurasho, markay isu soo hareen ayay xaqiiqadii ka qarsoonayd hortimid oo ay kala istaageen meeshii ay ina adeerkood kala taagnaayeen, waxay ka fursan wayday inay usula soo noqdaan ina adeerkii ay katageen, asagiina ninkarmeednimadiisii ayuu ku hogaanshay oo lagu baraaray, murtidaasna way ka timid.
Waxa wanaagsan ilaah hana waa fajiyo,
HADII AQOON YAHANKII SAAN U HADAAQAYO KUWII GEELA IYO TUULOOYINKUNA MAXAY DHIHI DOOONAAN?
WAA IN GOGOL LOO DHIGTAA DADKA CAADAYSTAY IN AY ISIMADA AFKA KU DUWAAN?
Waa maxay Calaacalka iyo aflagaadada loo geystay Prof. Abdikhadir Abdi Hashi (Gaabane).
Walee dhaqan xumo iyo oohin Waxba kuma keeneysaane. AMA Malaaq sameyso AMA cirka u qeyliya. At the end of the day, waxaad tahay unbaad tahay. Waa iga talo!
Waad salaamantihiin.
Fiqi Xaaji, waa run calaacal iyo aflagaado wax kuu tarimayso, yaadse adigu u hanjabaysaa.At the end of the day, waxaad tahay unbaad tahay, mise waxaad ku xisaab tamaysaa wax rag ka xishoodo. Ha calwin biyo aadan kamaarmayn cabitaankooda. Waa iga talo.
Fiqi Xaaji iyo Maamulayaasha raxanreeb waad ku mahadsantihii sida masuuliyadda leh ee aad wax u isula cabirteen.
DAAROOD
1. A/weli Maxamed Cali Gaas——-majeeteen/cumar maxamuud
2. Aadan Sidiiq Maxamed————Mareexaan/ reer xasan
3. Abdi Barre Yusuf Jibril——————majeeteen/reer bicidyahan
4. Abdi Mohamed Ali————————Dhulbahante/xasan ugaas
5. Abdirashid Mohamed Hidig————-ogadeen/muqaabil
6. Abdirisak Osman Hassan——————Dashiishe
7. Abdiwahab Ugas Husen Ugas Khalif———ogadeen/cawlyahan
8. Abdulahi Bile Nor
9. Abdulahi Haji Dayib——————-majeerteen/cismaan maxamuud
10. Abdulaziz Abdulahi Mohamed
11. Ahmed Ismail Mohamed
12. Ali Ahmed Mohamed———————–leelkase/maxamuud cali
13. Asad Maxamed Yuusuf
14. Axmed Aabi Aadan
15. Axmed Cusman Ibrahim————-mareexaan/reer xasan
16. Bare Ugas Geedi———————ogaadeen/cawlyahan
17. C/fataax Nuur Mataan Cabdi———mareexaan/fiqi yacquub
18. C/laahi Maxamed Ciise
19. C/llahi Maxamed Xirsi—————-mareexaar/xirsi diini
20. C/llahi Xasan Rooble
21. C/llahi Yusuf Xasan————-mareexaan/talxe
22. C/llahi Yuusuf Cali
23. C/nasir Maxamed Cabdulle————-mareexaan/reer siyaad diini
24. C/qadir Aden Nuur
25. C/rashiid Xaaji Deerow——————-Mareexaan/celi dheere
26. C/raxman Xoosh Jibriil—————–leelkase/maxamad muumin
27. C/waxid Cabdullahi Jama————–Dhulbahante/jaamac siyaad
28. Cabdi Cabdulaahi Maxamed————-Dhulbahante/nuur axmad
29. Dahir Haji Gelle Farah————-majeerteen/
30. Da’ud Abdikarim Sh. Omar———-awrtable/ibraahim geedi
31. Dr. Abdulkadir Abdi Hashi————leelkase/maxamad muumin
32. Dr. Cabdi Cali Xasan———–mareexaan/uurmidig
33. Dr. Cali Khaliif Galayr——————Dhulbahante/faarax garaad
34. Hamza Sh. Husen
35. Hassan Abshir Farah—————–majeerteen/ciise maxamuud
36. Isse Mohamed Ahmed—————leelkase/xasan muumin
37. Mahdi Ali Osman———–warsangeli/dubeys/reer maxamad
38. Maxamed Axmed Maxamud
39. Maxamed C/lahi Xasan—————leelkase/xirsi muumin
40. Maxamed Iidle Geedi———–ogaadeen/maxamad subeyr
41. Maxamud Cali Magan———mareexaan/reer ugaas sharmaake
42. Mohamed Abdi Yusuf————awrtable/ibraahim geedi
43. Mohamed Ahmed Kulan
44. Mohamed Ismail Shuriye————–ogadeen/muqaabil
45. Mohamed Sh. Aden Hirale
46. Mohamud Hayir Ibrahim—————-majeerteen
47. Muse Ahmed Ismail
48. Muse Hassan Abdulle———–ogaadeen/bah geri
49. Muse Sheekh Cumar Jiis——–mareexaan/hawraarsame
50. Nuur Faarax Jaamac—————mareexaan/reer kooshin
51. Prof. Mohamed Abdi Mohamed—————ogadeen/talomoge
52. Saado Cali Warsame———–Dhulbahante/khaalid
53. Saalax Axmed Xuseen
54. Sacdiya Careys Ciise————awrtable/reer ciise
55. Saciid Abdulahi Mohamed———-warsangeli/ugaaslabe
56. Sadiiq Abdikariim Maxamed——-ogaaadeen/maxamad subeeyr
57. Sahra Jama Ali———————warsangeli/jibriil siciid
58. Siyaad Maxauud Shire—————dhulbahante/naaleeye axmad
59. Xuseen Khalif Jama—————–majeeteen/cumar maxamuud
Laba xildhibaan ayaa ka dhiman beesha Daarood
Waxaa dhiman wagardhac iyo celi oo ka tirsan mareexaan
Tirada baarlamaanka Daarood waa 61 xubnood waxayna kala yihiin sidatan
1-Mareexaan ———–14 xubnood
2-absame—————12 xubnood
3-awrtable————–3 xubnood
4-leelkase—————5 xubnood
5-warsangeli————5 xubnood
6-Dhulbahante———8 xubnood
7-Majeeteen————- 12 xubnood
8-Dashiishe—————2
Xubnihii syl iyo beelihii ay ka soo jeedeen.
• 1-Yaasiin Xaaji Cusmaa ——–Darod/majeerteen
• 2- Cabdulqaadir Sheekh Saqaawaddiin ——-D/M/Tuni
• 3-Xaaji Maxamed Xuseen ——————–Reer Xamar/Dhabarweyne
• 4-Daahir Xaaji Cusmaan ———————Daarood/majeeteen
• 5-Maxamed Cali Nuur ————————Hawiye/abgaal
• 6-Maxamed Cusmaan Baarbe
• 7-Khaliif Huudow Macallin
• 8-Sayiddiin Xersi Nuur ———————-Darood/majeerteen
• 9-Cusmaan Geeddi Raage ——————-Hawiye/abgaal
• 10-Dheere Xaaji Dheere ——————reer xamar/bandhabow
• 11-Cali Xasan Maslax
• 12-Xaaji Maxamed Cabdulle Xayeesi
• 13-Maxamed Faarax Hilowle———Hawiye/abgaal
Qaabkii kuraasta baarlamaanka looga soo bixi jiray 1960-1969
Electoral Distribution of the Somali Republic (1960-1969)
Majertinia Region
Town MP MC
Alula 1 15
Bereda - 11
Bender Muranyo - 11
Berder Beila 1 15
Bosaso 2 21
Kandala 1 15
Eil 2 15
Gardo 2 15
Garawe 2 15
Isku-Shuban 2 15
Bargal - 11
Total 13 159
Mudug Region
Town MP MC
Dusa Mareb 3 15
Adado - 11
El Bur 2 15
El Dher 2 15
Galkayo 2 21
Jiriban 2 15
Hobyo 2 15
Harardere - 11
Total 13 118
Hiran Region
Town MP MC
Belet Weyne 5 21
Bulo Burti 7 15
Jalalaqsi - 11
Total 12 47
Benadir Region
Town MP MC
Adale 2 15
Aden Yabal 1 15
Afgoi 2 21
Audegle - 11
Balad 1 15
Brawe 3 15
Koriole 1 15
Jowhar 3 21
Mhadey Weyne - 11
Hawadley - 11
Merca 2 21
Mogadishu 2 25
Wanla Weyne 1 15
Total 18 211
Upper Juba Region
Town MP MC
Baidoa 6 21
Bur-Hakaba 6 21
Bardera 2 15
Dijuma - 11
Saco - 11
Dinsor 2 15
Kansah-Dere - 11
Lugh-Ganane 2 15
Dolo - 11
El-Wak - 11
Huddur 4 15
Tigieglo - 11
Wajit - 11
Total 12 179
Lower Juba Region
Town MP MC
Afmadow 4 15
Kismayo 3 21
Jilib 2 21
Jamame 3 21
Total 12 78
Northwest Region
Town MP MC
Berbera 5 21
Borama 3 15
Gebileh 1 15
Hargeisa 6 21
Zeila 2 15
Total 17 87
Northeast Region
Town MP MC
Buhodle 2 15
Burao 5 21
Erigabo 2 15
Garadag 1 15
Las Anod 3 15
Las Khorey 2 15
Odweyne 1 15
Total 16 111
MP MC
Grand Total 123 990
Xubnihii golihii wasiirada ee 1960 kii iyo beelaha ay ka soo jeedeen
Aadan Cabdulle Madaxweyne Hawiye Ujejeen Hiraan
Cabdi/shid Cali Sharmarke Ra’iisul wasaare Daarood Majeerteen Bari
Cabdi Xassan Buuni Ra’isulwasare kuxigeen Gadabursi Samaron Awdal
Axmed Xaji Ducale Wasiirka Beeraha Isaaq H/Jecel Sanag
Maxamed Ibrahim Cigal Wasirka Difaaca Isaaq H/Awal W/galbeed
Cali Garad Jamac Wasirka Tacliinta Darood Dhulbahante Sol
Abdikaadir (Zoobe) Wasiirka Maaliyadda Raxweyn Disow Bay
Abdullahi Ciise Maxamud Wasiirka A/Dibadda Hawiye Habar gedir Mudug
Sheikh Cali Jimcale Cafimaadka & Shaqada Hawiye Xawadle Hiraan
Sheikh Cabdule Maxamud Warshadaha & Ganacsiga Darood Mareexaan G/Gaduud
Cali Maxamed Hirawe Wasiirka Warfaafinta Hawiye Abgal Sh/Dhexe
Cabdi/saaq Xaaji Xusseen Wasirka A/Gudaha Darood Majeerteen Mudug
Mohamud Axmed Maxamed Wasiirka Caddaaladda Hawiye Abgaal Sh/Dhxe
Cabdi Nuur Maxamed Xussen A/Bulshada & Isgarsiinta Raxweyn Bay
Cusman Maxamed Ibrahim Wasirka Arimaha Soomaalida (Saddaxda maqan) NFD. Jabuti Ogadenya Drood Ogaadeen J/Hoose
Golihii wasiirada ee la magacaabay July 1961-kii, ayaa qilaaf, isqabqabsi iyo qabiil qancin darteeda laysuga shaandheeyey.
November 19,1962, ayaa hadana Gole wasiirada oo cusub uu magacaabay Ra’iisulwasaare Cabdirashiid Cali Sharmarke
Aadan Cabdule Cusmaan Madaxweyne Hawiye Ujejeen Hiiraan
Abdi/shid Cali Sharmarke Ra’iisul wasaare Darood Majerteen Bari
Ali Garad Jamac Wasiirka Beeraha Darood Dhulbahante Sool
Hilowle Macalin Max’ed W. Gaashandhigga Darood Ogadeen J/hoose
Yusuf Cusmacil Samatar W. Waxbarashada Isaaq Habar Awal Waqoyi Galbed
Abdi/dir M. Adan Zope Wasirka Lacagta Raxweyn Disow Baay
Abdulahi Ise Mohamed W. Arimaha Dibadda Hawiye Habar Gidir Mudug
Maxamud Axmed Mohamed W.Shaqalaha&Caafimadka Hawiye Abgaal Sh/Dhexe
Xaji Ibrahim Cusman Fod W.Ganacsiga&Warshadaha Isaaq Habar Yonis Waqoy Galbed
Cali Maxamed Hirabe Wasiirka Warfaafinta Hawiye Abgal Sh/Dhexe
Mohamud Abdi Nur(Juuje) W. Arimaha Gudaha Dir Qubeys Baay
Axmed Geele Xassan Wasirka Cadaalada & Arimaha Diinta Hawiye Xawadle Hiiraan
Cabdirisaq Xaji Xussen Wasirka Isgaarsiinta & Arimaha Bulshada Darood Majeerten Mudug
Golahan wasiirada ee cusub waxaa lagu soo daray:
Hilowle Macalin Maxamed Wasarada Difaaca…………………………Darood (Ogadeen)
Yusuf Cismacil Samatar Wasarasa Tacliinta………………………….Isaaq(Habar Awal)
Maxamed Axmed Maxamud Wasada Shaqaalaha iyo Caafimaadka …….Hawiye (Abgaal)
Axmed Geele Xassan wasiirka Cadaalada & Arimaha Diinta…………..Hawiye (Xawaadle)
Cabdirisaaq Xaaji Xussen Wasirka Isgarsiinta iyo arimaha Bulshada……Darood(Majerteen)
Waxaa Xilalkoodii waayey:
Maxamed Xaaji Ibrahim Cigal (Isaaq)
Sheikh Cali Cusman (Isaaq)
Sheikh Cali Jimcale (Hawiye)
Maxamud Axmed Maxamed (Hawiye)
Cabdinur Maxamed Xusen oo (Raxweyn) booskiisa Cabdirisaq Xaji Xuseen aa lagu bedalay!960-1964-kii Wasiir Ku-xigeenadii uu magacaabay Ra’iisulwasare Cabdirashid Cali Sharmarke
Wasiir Ku-xigeenadii uu magacaabay Ra’iisulwasare Cabdirashid Cali Sharmarke
Cabdullahi Xaaji Maxamed (Insani) Ku-xigeenka Tacliinta Dir/Agon Baay magacabay July 22/60
Sheikh Maxamed Isaaq Ku-xigenka Arimaha Gudaha Hawiye/Jejele Baay July 22/60
Mohamed Ossoble Adde Ku-xigenka Isgarsinta& Arrimaha Bulshada Hawiye/Murasade Galgaduud July 22/60
Sheikh Cali Cusmancil Garsorka & Arimaha Diinta Isaaq/Habar Yonis Togdheer July 22/60
Xassan Caliyow Mursal Ku-xigenka Golaha Wasiirada Raxweyn/Elay Baay Julay 22/60
Maxamed cali Daar Ku-xigenka Arimaha Dibada Darod/Majeerten Nugaal Aug.14/61
Xussen Cumar Xassan Ku-xigenka Beeraha & Xanaada Xoolaha Darood Ogaaden Somali Galbeed Aug.14/61
Maxamed Cali Dhore Ku-xigeenka Tacliinta Hawiye/Habar gidir Galgadud Aug.14/61
Mohamed Sh. Maxamed Dahir Ku-xigenka Difaaca Raxweyn/Yantar Baay Aug.14/61
Aadan Shire Jamac Ku-xigenka Arimaha Gudaha Darood/Marexan Galgadud Nov.19/62
Abdiraxman Xaji Mumin Ku-xigenka Xanaanada Xolaha Hawiye/galjacal Hiraan Nov.19/62
Maxamed Sh. Maxamed Dahir Ku-xigenka Golaha Wasirada Raxweyn/yantar Baay
Dawladii maxamad ibraahim cigaal iyo beelihii ay kasoo jeedeen
Magacaanta Wasiiradda Dawladii Cabdirashiid Cali Sharmarke 1967-1969
10 juun 1967 Waxaa ra’iisul Wasaare noqday Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal Illahay naxariistii janno haka waraabiyo wuxuuna soo dhisay dawlad cusub oo ka koobnayd 17Wasaaradood iyo Wasiiradooda waxaana Madaxweyne noqday
Cabdirashiid Cali sharmaarke Illaahay ha u naxriistee Wasiirada la magacaabay waxay kala ahaayeen sidan :
1. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal———-isaaq/h.awal
Ra’iisul Wasaaraha & Wasiirka arrimaha Dibedda
2. Cali Cumar Sheegoow————-D/M/Tuni
Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Arrimaha dibedda
3. Yaasiin Nuur Xasan Bidde—-Darood/majeerteen
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha
4. Yaxya Yuusuf Iimaan Guuleed——————-Isaaq/H.yoonis
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga
5. Xaaji Faarax cali Cumar———————-hawiye/sacad
Ra’iisul Wasaare kugeen & Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
6. Xasan Xaaji Cumar Camay—————————Daarood/Dhulbahante
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
7. Cali Maxmed Cosoble————————Hawiye/murursade
Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada
8. Cabdinuur Maxamed Xuseen————–D/M/Dabare
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud
9. Xareed Faarax Nuur————————–Hawiye/jajeelo
Wasiirka Wasaaradda is Gaadhsiinta iyo Gaadiidka
10. Aaden Isaaq Axmed ———————–Gadabiirse/J/yoonis
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
11. Cali Caliyoow Maxamed ————–D/M/raxanweyn
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha
12. Ismaaciil Ducaale Warsame—————–Isaaq/H.jeclo
Wasiirka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda
13. Cabdulahi Maxamed Qablan————————-Darood/warsangeli/cumar
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta
14. Aaden Shire Jaamac—————-Darood/mareexaan/reer diini
Wasiirka Wasaradda garsoorka iyo Arimaha Diinta
15. Maxamed Cali Dacar————————Darood/majeerteen/C.maxamuud
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
16. Cali Maxamed Hirabe————-Hawiye/abgaal
Wasiirul dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
17. Cabdillahi Jirde Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Maalgalinta iyo Horuumarinta.
KACAANKII 21kii OKTOBAR 1969.
Jeneral Maxamed Siyaad Barre iyo koox askar ah ( 25 ) ah oo uu hogaaminaya ayaa wadanka inqilaabay, iyaga oo nimankii Baarlamaanka hore ugu jiray badankoodi xidhxidhay. Muddo yar dhexdeedna waxa ay ku dhawaaqeen inaan dastuurkii hore ee wadanka lagu dhiqi jiray la tirtiray , waxayna kala ahaayeen;
Tiro magac
1.Maxmed Siyaad Barre Derejada
S/Gaas Qabiilka
Mareexaan Jilibka
Reer Diini
2. Jaamac Cali Qoorsheel S/Gaas Warsangali Cumar
3.Maxamed Caynaashe Guuleed S/Guute Habar Yonis Reer Caynaashe
4.Xuseen Kulmiye Afrax S/Guute Abgaal Wacaysle
5.Salaad Gabayre Kadiye G/Dhexe Abgaal Wacaysle
6.Axmed Saleebaan Cabdalle Gaashaanle Dhulbahante Maxamuud Garaad
7.Maxamed Sheekh Cusmaan G/Dhexe Muruursade Sabti
8.Maxamuud Maxamed Mire G/Dhexe Ogadeen Reer Cabdulle
9.Maxamed Cali Samter G/Dhexe TUMAAL TUMAAL
10.Maxamed Cali Shire Gaashaanle Dhulbahante Maxmuud Garaad
11.Ismaaciil Cali Abokor Gaashaanle Haber jeclo Samane Abokor
12.Cabdalle Maxamed Faadil G/Dhexe Carab Yamanai
13.Maxamuud Gelle yousuf Jeneraal Majeerteen Cismaan Maxamuud
14.Cali Mataan Xaashi G/Dhexe Mareexaan Reer Diini
15.Axmed Maxamuud(Qoorweyne) G/Dhexe Abgaal Harti Abgaal
16.Axmed Maxamuud (ina lax was) Gaashaanle Habar awal Ciise Muuse
17.Muuse Rabiile Guud Gaashaanle Gadabuursi Maxamed Case
18.Axmed Xasan Muuse Dhamme Haber Jeclo Maxamed Abokor
19.Maxamed Cumar Jees Dhamme Ogadeen Reer Isaaq
20.Cusmaan Maxamuud Jelle Dhamme Xawaadle Cabdale
21.Abdulrisaaq Maxamuud Abubakar Dhamme Majeerteen Cumar Maxamuud
22.Abdulrisaq Xaji ( Masalle ) Dhamme Mareexaan Guuleed Faarax
23.Bashiir Cilmi Yousuf Gaashaanle Habar Gidir Sacad
24.Faarax Wacays Dhuule Dhamme Ciise Horoone
25.Cabdi Warsame Isaaq G/Dhamme Dir Gaadsan
AFGANBIGII DHICISOOBAY
Inqilaab dhicisoobay ayaa waxaa isku dayay koox saraakiil ah oo Majeerteen u badnaa, oo ay hagaaminayeen kor Maxamed Sheekh Cismaan ( Ciro ) iyo kor Cabdulaahi Yuusuf, kadib markii uu inqilaabkii fashilmay todobo iyo toban ragii la qabtay ka mid ahaa ayaa la toogtay in badana xabsiyada ayaa loo taxaabay ragii la toogtay waxa ay kala ahaayeen;
1.Maxamed Sheekh Cismaan (Ciro) Kornayl Majeerteen/Cumar Maxamuud
2.Siciid Jaamac Nuur G/LE Majeerteen/Ciise Maxamuud
3.Siciid Maxamed Jaamac G/LE Majeerteen/Cusmaan Maxamuud
4.Bashiir Abshir Ciise Dhamme Majeerteen/Cusmaan Maxamuud
5.Caagane Axmed Yuusuf Dhamme Majeerteen/Cumar Maxamuud
6.Cabdulaahi Faarax Dhamme Hawiye/Xawaadle
7.Cabdulaahi Nuur Dhamme Hawiye
8.Ibraahiim Maxamuud Xirsi Dhamme Isaaq/Habaryoonis
9.Cabdsalaam Cilmi Warsame Dhamme Majeerteen/Cumar Maxamuud
10.Maxamuud Siciid Cabdulle L/XLE Hawiye/Habar Gidir
11.Cabdulwahaab Axmed Xaashi L/XLE Majeerteen/Cumar Maxamuud
12.Aadan Warsame Yare L/XLE Majeerteen/Cumar Maxamuud
13.Cabdi Ugaas Cusmaan L/XLE Hawiye/Muruursade
14.Cabdiraxmaan Macalin Bashiir L/XLE Majerteen
15.Cabdulqaadir Gelle Cumar L/XLE Majeerteen/Cusmaan Maxamuud
16.Faarax Xalwo L/XLE Majeerteren/Cusmaan Maxamud
17Cabdulqaadir Warsame Yare Rayid Majeerteen/Cumar Maxamuud
Magacyadda Golihii Xoghayaasha iyo Wasiiradda ee kacaankii 21 oct iyo beelaha ay kasoo jeedaan.
1dii Nov,1969kii Waxay Magacaabeen Golihii Wasiirada oo ka koobnaa
14 Xoghaye iyo Wasaaradahooga waxayna kala ahayeen sidan :
Wasiiradan badankkoodu waxay u badnaayeen dad rayada marka laga reebo
Generaal Jaamac Cal Qoorsheel.
1. S/Gaas . Jaamac Cali Qoorsheel———————–Darood/warsangeli
Xogahayaha Wasaarada Arrimaha Gudaha———-
2. Cumar Carte Qalib ——————————————-isaaq/H.awal
Xoghayaha Wasaaradda Arimaha Dibeda
3. Maxamed Canshuur Xasan
Xoghayaha Wasaaradda Gaadiidka & Isgaadhsiinta
4. Maxamuud Canbdi Caraale——————————isaaq/H.yoonis
Xoghayaha Wasaaradda Maaliyada
5. Maxamed Aaden Sheekh—————————-Darod/Mareexaan
Xogahayaha Wasaaradda Cafimaadka.
6. Xasan Cali Mire—————————————–Darod/Majeeteen
Xoghayaha Wasaarada Waxbarashada & Barbaarinta
7. Maxamad Maxmuud Cismaan————————Hawiye/Xawaadle
Xoghayaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha
8. Maxamed Buraale Ismaaciil————————-Darod/Dhulbahante
Xoghayaha Wasaaradda Macdanta & Biyaha
9. Maxamuud Jaamac Axmed————————-Darod/mareexaan
Xoghayaha Wasaarada Warfaafinta & Hanuunitnta
10. Maxamuud Geelle Cilmi———————————-Hawiye/H.Gidir/Ceyr
Xoghayaha W/Shahaqada,garsoorka & Arimaha Diinta
11. Cusmaan Cali Nuur Qolof————————–Darood/Majeerteen
Xoghayaha Wasaarada hawlaha Guud
12.Cabdulqaadir Aaden Cilmi—————————-Hawiye/odaajeen
Xoghayaha Wasaaradda Beeraha
13. Axmed Maxamed Maxamed Maxuud Siilaanyo————Isaaq/H.jeclo
Xoghayaha Wasaarada Qorshaynta
Issimada beelaha soomaaliyeed
Duubabka Beesha Hawiye.
No Magaca Qabiilka