Booliska Somaliland oo qabtay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab
Hargeysa(RBC):- Booliska Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, kaasoo la sheegay inay muddo ciidanka ammaanku ku raad-joogeen sidii ay u qaban lahaayeen.
Ninkan la sheegay inuu yahay Saraal Al-Shabaab ka tirsan oo magiciisa lagu sheegay Ciise Aadan, ayaa la qabtay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somalilanmd habeennimadii Arbacada ee toddobaadkan (habeen-hore).
Ma jiro war rasmi ah oo ay Xukuumadda Somaliland iyo Taliska ciidanka Boolisku ka soo saareen warka qabashada Sarkaalkan la sheegay inay qabteen, hase-yeeshee, Saraakiil Booliska ka tirsan oo codsaday in magacooda la shaaciyo ayaa warbaahinta gudaha qaarkeed u xaqiijiyey jiritaanka wararka sheegaya in Sarkaal Al-Shabaab ka tirsan la qagu qabtay Hargeysa.
Taliska Booliska Somaliland oo Warbaahinta gudaha qaarkood isku dayeen inay wax ka weydiiyaan xaqiiqada warka sheegaya qabashada Sarkaal Al-Shabaab ka tirsan oo ay Wargeysyada qaarkood baahiyeen, balse Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan wuu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo warkaas.
Ninkan la sheegay inay ciidanka ammaanka Hargeysa qabteen habeen hore oo magiciisa lagu sheegay Ciise Aadan, ayaa la sheegay inuu dhalasho ahaan ka soo jeedo gobollada Somaliland, isla markaana dhawrkii sano ee u dambeeyey ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta dalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.











ma heshiiskii ay kuwada jireen ayaa burburay oo loo heshiiyey umada somaliyeed mise godane ayuu kasoo goostey oo asagay u qabanayaan??????????????
@shiikh Cali
adiguna ma sida Sheekh Axmed Godane iyo Sheekh xassan Daahir Aways ayaa aad ula baxdaya Sheekh Ali.
Ilaahoow Khaatumada Ha na seejin .
awalba soomalilland bey ka yimaadeen inta badan gurigoodana waa halkaas weliba burco ganacsatada soomalilland waa aragagisada balse dadkooda ayaa ku raba koonfur ineysan degin darteed ayaa loo tababaraa xataa kuwa xabsiyada dalalaka dibada laga soo daayey ayaa jooga oo jamacadaha dhiga.
Tan khadiija sheegatay, malaa tu hagaagsan maaha, ilayn hadday gabadh sharaf leh tahay akhlaaqdeeda ayaa hagaagsanaan lahayde, waxaase u hagaagsan inay dhowrsanaanto, hadii kale sidiii xadiiskii Nebiga CSW, hadaanad xishoonayn, waxaad doontid samee!
ilaahay al shabaab ha cirib tiro oo dowlad taama hanoo dhiso
@Khadia hadi ad istidhaahdo iska hadal o waxkastaba sheeg wa dhibaato wayn oo adiga kugu so noqonaysa Ogowna garbahaaga mala,ig ba sarane, Shacabka Somaliland wa dad nadiif ah o kama suurawdo inay walalahooda Somaliyeed dhibaateeyaan, dhib inay ku dhacdona lama jecla balse afkaartaadu wa mid aad u fog. nimanka Alshabaab labaxay wa Alshayaadiin e wa la wada ogyahay inay dad diinta qudhaabta yihiin haday somaliland asal ahan ka so jeedaan iyo haday somalida kale yihiin ba, Somaliland wanag uma hayaan o wa kuwi Qarxinayay caasimada Hargiesa.. wxd sheegtay inay jaamacadaha Burco wax ka dhiga kuwaxabsiyada Gaalada laga so daayay wa Run wa Jira Nin Xaqdaro lagu kaxatsty o Jabuti laga qabtay o marykanku xaqdaro ku xdhay Lkn Nin bari ah ayu ahaa ilaahay na wa ka so furdamiyay wax danbi ah na ma lahayn Nin iska xoogsada ayu ahaa hada Dadkiisi bu dhex jooga. ee Aakhiro yaan la ilaawin intaad isleedahay dad ku xumee, gaar ahaan adigu inan bad tahaye siyaasadu kuuma fiicne iska dhaaf weliba inad si xun wax u sheegto ma fiican. waxa la yidhi Rabbi ka cabsi iyo rag iska dhicin meel wada galaan