Boosaaso: Mashruuca Laba Wado Laami ah oo Maanta Xariga Laga Jaray [Sawirro]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Boosaaso [RBC Radio] Duqa Degmadda Boosaaso Xasan Cabdalle Xasan ayaa xariga ka jaray Labo Wado oo laami ah oo Markii u horraysay 21 sanno laga dhisay magaalada Xeebeedka Ganacsiga Puntland ee Boosaaso, Wadadooyinkaas oo oo dhererkoodu yahay 2.5 Km Waxaa ku baxay 200 boqol oo kun oo Dollar.

Xaflad Ballaaran oo loo qabtay furida labada wado oo ka dhacday hoolka Dowladda Hoose ee Boosaaso, oo ay ka soo qaybgaleen Maamulka gobolka, Kan degmadda, Isimo, Ganacsato iyo martisharaf kale ayaa lagu soo bandhigay Shirkadihii, Ganacsatadii iyo shakhsiyaadkii ku tabarucay lacagtii lagu dhisay Wadooyinkaaas.

Ugu horrayn Waxaa ka hadlay Duqa Degmadda Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo ka hadlayay waqbadka Dowladda Hoose ee Boosaaso, waxaana uu yiri…”"...”" Sanadkan waxaa la sameeyay afar Wado oo ka mid ah wadooyinka Magaaladda, waxaa Laami la saaray labo wado oo kala ah Wadada Gaaca iyo qaybtii ka burbursanayd Wadadii Laamiga ahayd, waxaa dayactir Lagu sameeyay Wadada 30ka oo 1.5 Km ah. Waxaan kaloo dayactir ku samaynay Wadada Buurcad ka baxda ilaa Kontoraalka oo Meelihii ay ka burbursanayd ee Ja jabka laga haggaajiyay. Waxaanu kaloo haggaajiyay oo furnay wadada Baalada oo ah 3km iyo 800 mitir” ayuu yiri Duqa Degmadda Boosaaso, oo intaas sii raaciyay

Duqa degmada Boosaaso Xassan Cabdalla Xasan

..“” Waxaa kaloo xusid muddan in Dowladda hoose ay dhirayn ku samaysay qaar ka mid ah Wadooyinka Magaaladda Boosaaso, qayb kalena dhowaan aanu bilaabi doono, waxaanu dhisnay Labo Goobood oo waaweyn oo qashinka Lagu ururiyo, waxaanu dayactir ku samaynay Garoonka Ciyaarayaha ee magaaladda Bosaso, waxaanu biyo galin u samaynay Tuuladda Karin…”" ayuu yiri

Duqa degmadda Boosaaso waxaa kaloo uu sheegay in dhawaan la bilaabi doona dhismaha labo Wado oo laami ah oo laga dhisayo Wadooyinka mashquulka badan ee magaaladda Boosaaso.

Guddoomiyaha Gudiga Horumarinta Degmadda Boosaaso Gen Cali Ismaaciil oo guddigiisu inta badan lacagta lagu dhisay Wadooyinkan ay ka soo ururiyeen Ganacsatada oo hadal kooban ka jeediyay xafladii xariga looga jaray wadooyinka ayaa ka hadlay muhiimadda kaabayaasha dhaqaaluhu u leeyihiin nolosha iyo horumarka Bulshadda iyo Ganacsiga u kala goosha Aduunyada

Guddoomiyaha Gudiga Horumarinta Degmadda Boosaaso Gen Cali Ismaaciil oo Shahaado la gudoonsiiyey

…”" Isu sheegi mayno isgaarsiintu muhiimada ay u leedahay bulshadda xag dhaqaale iyo horumarinta Bulshadda, isku xirka Magaalooyinka, Isku xirka Dowladaha iyo isku xirka meelaha Badeecaduhu ka soo baxayaan iyo meelaha la gaarsiinayo waxay kaga jirtaa “ ayuu yiri oo sidoo kale ka taariikheeyay qaybtii Dowladihii Kacaanka ee Maxamed Siyaad barre ay ku lahayd Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha ee dalka

Taariikh Ahaan waqtigii gumaysiga wado laami ah Somaliya kama jirin, kama hir galin aan ka ahayn wado uu ugu talo galay inuu dagaalkii Ethiopia ku galo 1930-kii, iskuna xirta Muqdisho iyo Baladweyne, mashruuc kale oo la sheegi karo oo uu Somalia ka hirgaliyay ma jirin, waxaa uu ka dhisay Xamar Kaniisad oo iyaduna ku burburtay Dagaaladii Somalia. Dowladihii Rayidka 60 ilaa 69 Awood darro dhaqaale iyo si kale ha ahaatee uma suurtagalin Tallaabo horukac in hore loo qaado, Dowladii burburtay ee Siyaad Barre waxay Somaliya ka hirgalisay marka la isku daro 2500 oo KM oo Laami ah oo isku xirka Goboladda Soomaaliya laga eego” ayuu yiri

Xohayaha Guddiga Horumarinta Boosaaso Cabdifataax Maxamed Sugulle oo shahaado la gudoonsiiyey

C/fitaax Maxamed Sugulle oo ka tirsan Guddiga horumarinta Bosaso oo faahfaahin ka bixiyay lacagta ku baxday Dhismaha wadooyinka ayaa sheegay in lacagta inteeda badan guddigu ka soo ururiyeen Ganacsatada iyo shaqsiyaad ku sadqadaysaytay, waxuuna si gaar ah u xusay shirkada Isgaarsiinta Golis oo uu sheegay inay bixisay lacagtii ugu badnayd ee shirkaddi ugu yaboohdo mashruucan

Wadada Gaaca oo dhererkeedu yahay 1400 oo mitir, Lagana dhigay laami, Waxaa ku baxay lacag dhan $106,869.6 ( Boqol iyo lix kun iyo Siddeed boqol oo dollar), Guddiga Horumarinta waxay bixiyeen toddobaadkan Kun oo dollar, Dowladda Hoose ee Bosaso iyo mashruuca JPLG waxay bixiyeen 37 kun oo dollar. wadadii Hore laamiga ee la dayactiray dhererkeedun yahay 1150 Mitir, waxaa ku baxay lacag dhan 102 kun oo dollar oo oo 54 kun oo dollar ay bixiyeen ganacsatadu, Halka inta kale ay bixiyeen Mashruuca JPLG iyo Dowladda” ayuu yiri

Dowladda Hoose iyo Guddiga Horumarinta Boosaaso waxay kaloo sheegeen in Bisha Ramadaan ka dib ay u qorshaysan tahay bilaabida dhismaha wado dhererkeedu yahay 2400 mitir oo ay ku bixi doonto 160 kun oo dollar, Wadadaas oo laga hirgalin doono dhanka Netco.
Dhanka kale Dowaldda Hoose ee Boosaaso waxay shahaado sharafyo guddoonsiiysay shirkadadaha Golis, Baxaya spare Barts, Mareero Spare Parts, Muwafaq/Horseed/Saabir iyo Shirkado kale oo bixiyay lacagihii ugu badnaa ee mashruucan lagu hirgaliyay, Waxaana kaloo Dowladda hoose ay shahaadooyin ku sharaftay Guddiga Horumarinta Bosaso,

Masuuliyiinta kale ee ka hadashay Xaflada waxaa kamid ah ahaa Guddoomiye K/xigeenka gobolka Bari,Madaxa Xiriirka dadweynaha ee Shirkadda golis, Guddoomiye K/xigeenka Rugta Ganacsiga,kuwaas oo dhamaan si isku mid ah usoo dhaweeyey talaabada loo qaaday dhanka bilicda magaalada Boosaaso.

Si kastaba ha ahaateem, Mashruucan Laamiga looga dhigayo Wadooyinka Magaaladda Boosaaso, wuxuu bilowday Sanadkii hore, Hase yeeshee fulintiisa waxaa la bilaabay Sanadkan 2012, iyadoo Dowaldda Hoose ee Baosaaso iyo Guddiga Horuraminta Boosaaso ay mahadnaq balaaran u jeediyeen ganacsatadii ka qaybqaadatay mashruucan iyo Shirkadda dhismaha El- Gar oo fulinaysay dhismaha wadooyinka, waxay kaloo u mahadnaqeen shakhsiyaadkii isku howlay soo ururinta iyo fulinta mashruucan dhaqaalaha lagu filay hawsha.

____________________________

RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Share

Tags:

10 Responses for “Boosaaso: Mashruuca Laba Wado Laami ah oo Maanta Xariga Laga Jaray [Sawirro]”

  1. [...] Read More: Boosaaso: Mashruuca Laba Wado Laami ah oo Maanta Xariga Laga Jaray [Sawirro] [...]

  2. cabdi says:

    ASC. 2 waddo aa la dhisay, masawirkoodana lama haayo. waa yaab. inaan wadadda daawano aan rabnay dad maxaan ka daawaneeynaa?

    Raxanreeb please dib isugu noqda. Hadaad wado sheegteen sawirkeeda na tusa. dad meel taag taagan maxaaa naga galay

  3. cadaani says:

    aaway wadooyinka aad sheegteen waxaan is lahaa pic laamiga ayaad daawan doontaan fadlan nossoogaliya hadaad heshaan

  4. Mursalow says:

    waddo nama aadan tusin boowe

  5. Gundiid says:

    2.5 km wexeey u dhigmataa wax ka yar 2 mile….Hadii $200.000 oo tabaruc ah eey dhistay wadan yar dowladu miyeey weeysay sanadkii hal Milion oo wadooyinka lagu dhiso……Tuugo dadka in eey dhacaan xilka u qabtay…..

    Burcadnimo, Dhaca Hantida dadweeynaha, canshuur, lacagaha Ganaaxa, lacaga deeqda iyo wexeey ku heleen musuqmaasuq xageey geeyaan….hadii eey dalka dib u galin lahaa nin wamlboo somaliya ka sheekta maamul goboleed wadanku wuu camirmi lahaa khasatan Puntland iyo iidorland
    inkasteey iidorland 5 daqiiqo ka horeeyso Puntland

  6. bosaaso yare says:

    maashaa alaag reer boosaaso waa isku tashadeen waxay dhisteen laamiyadii magaalada waxay qurxiyeen bilicdee magaalada noolaada guul iyo hurumar boosaaso ilaahow bad baadi

  7. Cabdullahi says:

    Qoraalka iyo sawirka ismaba laha!. Dadku waxaan sugeyney in aan aragno Sawika wadooyinka. Laakiin meeshaan dad sawirkood baa ku jira. meeye sawiradii wadooyinka aad kahadashay?

  8. xoghaye says:

    KEEMARADII RAXANREEB BATARIGII BAA KADHAMAADAY NAGA RAALI AHAADA KULANDANBE IYO LAAMIGII OO BOORLE

  9. bossaso boy says:

    loooooooooooooozz guul reer bosaso awalba idinka ogu xadarad fiicna reer puntland haday bilic noqoto haday dhaqaale noqoto haday tiro badnaan shacab noqoto haday ganac si noqoto in kastoo aan islee yahay duqan hada bosaso so maray isaga tariikh daa xusi donta iyo ganac satada ka qayb qadatay dhaman tood baal dahab ah bay ka gale donan bilicda bosaso waxan oran lahaa deg mo yin ka kale e puntlan wa in ay ku day daan reer bossaso midna ogataan in ay san hay ado waxba idin qabanayn

  10. axmed says:

    daka beenta kadaaya wadada maxaa loo arki waayay ninkaan dabeecadu karbaashtay oo markii ilmayari lahadlo dagaalamaya oo yurub kayimi oo meesha usoo shaqotegay wado rismiya ay samayn maayo waa nin sida faroole uwaalan

Leave a Reply