Caalin Iyo Ahlu Sunn Oo War Culus Ka Soo Saaray Hadalkii Madaxweyne Shariif (Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [ Radio RBC] Kaddib maanta markii ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho xubno ka mid ah lixda saxiixayaasha tubta nabadda ee Roud- Mapka ayaa waxa ay ka hadleen hadal uu xaley sheegay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Shariif Sheekh Axmed.

Kullankaas oo ay ka qeybgaleen Madaxweynihii hore Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo madaxa  Ahlu Sunna Waljamaca           Maxamed Maxamud Yusuf (Aw-Libaax).

Go’aankii xalay ka soo baxay Madaxda Sare ee DFKG-ah oo amrayey in dhamaystirka xubnaha Barlamaanka ee ay reebeen Guddiga Farsamada ee Xulitaanka loo gudbiyo Maxkamadda Sare ee Dowladda KMG-ah ay siyaasiyan iyo sharciyanba khalad tahay.

Heshiiskii Galkacyo ee Maarso iyo kii Addis-Ababa ee Meey 2012, waxay saxiixayaasha Road-mapka ku heshiiyeen ayna saxiixeen in farsamada xulitaanka Barlamaanka cusub loo daayo Guddi madaxbanaan oo ka kooban; 27 xubnood oo Soomaali-ah iyo 7 xubnood oo beesha calamka ka socota. Gudigaas oo xubnaha Barlamaanka odayaal dhaqameedka ka hubinayo in ay buuxiyeen shuruudihii lagu heshiiyey ee ka midnoqoshada xubnaha Barlamaanka cusub.

Ujeeddada gudigaan madaxa bannaan loo sameeyey waxay ahayd in soo xulitaanka Barlamaanka cusub laga ilaaliyo faragelin Dawladda TFG iyo saxiixyaasha kale ee Road-mapka.

Shalay oo taariikhdu ahayd Agoosto 25, 2012 ayaa Guddiga Madaxbannaan shaaciyeen in 253 xubnood oo Barlamaanka cusub (00 ah 92%) ay soo dhamaystireen, taas oo ka turjumaysa in tiro Barlamaan oo ka hawlgelikarta Shaqada dastuuriqa ee barlaamaanka ay diyaar yihiin.

Waxaa waajib ah in Guddiga loo daayo gunaanadka shaqada loo igmaday, lagana joojiyo faragelinta lagu hayo, waxayna shaqadoodu dhammaanaysaa marka ay iclaamiyaan in 275-tii xubnood ee Barlamaanka cusub buuxo lana dhaariyey.

 

Waxaa saxiixay:


________________________        ___________________________

Maxamed Axmed Caalin                              Maxamed Maxamud Yusuf (Aw-Libaax)

Madaxweynaha Galmudug                          Madaxa Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca

 

Share

Tags:

15 Responses for “Caalin Iyo Ahlu Sunn Oo War Culus Ka Soo Saaray Hadalkii Madaxweyne Shariif (Sawirro)”

  1. [...] More here: Caalin Iyo Ahlu Sunn Oo War Culus Ka Soo Saaray Hadalkii Madaxweyne Shariif (Sawirro) [...]

  2. Yurub sicid says:

    Wow wan sodhawaynaya hadalka xubnaha saxixayasha wa wakhti lobahna shariif hakadayo faragalinta gudiga farsamada

  3. gaajo says:

    sharif xaaraan ayuu ubareeray ee haliiska dhiciyo dulliga afka guduudan

  4. Cadaado says:

    ASC, dhamaan. Waryaa ilaaheey yaqaan oo aamusiya caaqaan xayawaanka ah ee Caalin, oo marwalba ah Faroole side-kick. War Somaliyeey bal waxaan arka ninkan siyaasada ka dhacay ee fashilka ah, hadana mar walba u ah ruufiyaan iyo bud qaswade Faroole. Koleyba caalin waan garanayaa, midkan ahlusanda sheeganaya ee la dhaho “ow libaax” ii sheega reerka amaba meesha uu kasoo jeeda. I hope in uusan asagana ka imaan Dhuusamareeb iyo halkaa iyo Galgaduud, hadii eey saas tahay, waxaan ayaan daro ah, in dadkaan faashilka ah eey siyaasada wali iska dhex dabaalanayaan. Waan hubaa in dadka caalin ka dhashay iyo waliba Galgaduud iyo Mudug laga helaayo dad aad u wanaagsan oo caqli iyo aqoon ilaaheey siiyay sida wasiirka arrimaha gudaha iyo rag kaloo badan oo maanta garab istaagan Madaxweeyne Shiiq Shariif, ee maxeey u fiirsanayaan in sharafkii iyo magaca dadkooda looga dheelo, oo caada qaatayaal mar walba Soomali iyo tolka dhexdiisaba lug gooyo, oo sokeeya iyo shisheeya Somali caqabad ku ah. Walaahi waa jid iyo jiho diid, siduu dhihi jiray General Dhegabadan. War Somaaliyeey bal nala arka yaabkan yaabkiis.

  5. yurub jacaybaa kugu dhamaaday

  6. ghg says:

    TO GAAJO….. GAAJO U DHIMO
    AAMUS WASAQ WASAQ TARTIYEEYEY AYAA TAHAYE….

    MAXAA NIJAAS TAHAY…

  7. HANAD says:

    ASALAMU CALAYKUM AKHYAARTA SHARAFTA LEH SAXIIB CADAADO BANOONIGA DEJI QABYALAD IYO NIN JECLEYSINA CADAAB YEYSAN KU GEYN OO WAXA WANAGSAN IYO XAQA AMA RUNTA KAA DABOOLIN.
    WAXA AY KA HADLEEN CAALIN IYO AWLIBAAX WAX 6 DA SAXIIXE AY KU HESHIIYEEN
    MARKA FADLAN AKHRIN WAR SAXAFADEEDKOODA MAR KALE
    KA DIBNA DIB U FIIRI COMMENTIGAAGA
    MAHADSANID

  8. Cadaado says:

    @Hanad, brother, markale iyo mar sadexaadba waan aqriyay. Cadaabta aad sheegeyso laguma galo runta oo la sheego. Masladaxada reerkeeyga iyo Somali weeyn ayaan ka hadlay, taasoo oo eey ku jirto in jalaafada iyo isbaarada laga daayo umadan Soomaliyeed. Si aan qaranka iyo sharafta umada Soomaliyeed loo soo celiyana, waa in laga hortagaa qaswadayaasha raba in eey rajada umada Soomaliyeed u soo ifeeysa raba in eey is hortaagaan. Mana laga yeelayo, caado qaatayaal aan dadkooda iyo Somali kaleba dan u heeyn. Labada nin ee kor ku xusana waa qaswadayaal. Ugu dambeeyn, saxiixayaasha wax la dhaho maba jiraan oo qaarkoodna xildhibaano ayeey noqdeen, midkaan caaqa doqonka ah ee Caalina (Faroole side-kick) waaba laga bililiqeeystay maamulka uu sheegayay ee Galmudug oo Cabdi qeeyr diid ayaaba handaday, cajiib soo maha sida munaafiqiinta fashilmay la iskug saladaayo. Asaga laftigiisa cabdi qeeyr diid waa nin wareersan, oo isbaaradii laga raacdeeyay Xamar ayuu rabaa in uu mooryaanimadii galgaduud iyo mudug geeyo. Laakiin ilaaheey mahadiis, taasna “contingency plan” ayaan u heeynaa, oo meesha Xamar oo dad aan aqoon u laheeyn eey joogeen ma aha, oo waa la is yaqaanaa. Thank you.

  9. Ugaas Raage says:

    Hadaynu nahay reer Galmudug waxaan raaligalin udireynaa Madaxweyne Shariif iyo Soomaalida kale ee uu Caalin madaxweynihii hore ee Galmudug dhibka kuhayo. Sidaad lasocotaanba Caalin waa nin xanuunsan laakiin dadku waxay moodaan nin fiyoow marka walaalayaal dhamaan raali ka ahaada xumaanta Caalin.

    Dhamaan dadka reer Galmudug waxay garabtaagan yihiin dadaalka uu wado mudane shariif shiikh axmed.

    Ninka kale ee sheeganaya inuu yahay Ahlusunna waxaa uu kasoo jeedaa Galgaduud waana reer Caabudwaaq. waxa riixayana waa qabyaalad iyo wax aan macna kufadhiyin weeye.

  10. 2012 says:

    saxiixayaashu awoodooda waa wayn tahay marka shariif ma dhaafi karo arinkaas haduu jabiyo waa howl cusub oo ugub ah haka digtoonaado si dowladu u noqoto mid isu keenta soomaalida kala firirtay ee kala tagtay yuusan sabab u noqon in aan mar danbe laysugu iman xamar waa shirkii laysku raaci lahaa ama waa kii ugu danbeeyay ee soomaali ay dowlad dhexe oo ay ku midaysan yihiin isugu yimaadaan wxaan leeyahay shariif stop interverence please go out to your islamic courts

  11. Ugaas Raage says:

    @ Cadaado saaxiib Cabdiqaybdiid weeye magaca marka hore,tan labaadna waxaan kuusheegayaa inuu Cabdi kuyimid doorasho dimoqraadiyad ah saaweeye arinku ee meesha maaha Cadaado yareey.GALMUDUG waa maamul jira oo ushaqaynaya dadka degan deegaankaa marka fadlan jooji hadalada xanafta leh iyo xumaanta aad wado.Alshabaab iyo shayaadiin baad waligaa indha la’aan kutaageeri jirteen marka dadyoow kale oo waahore tashaday waxba haku mashquulin saaxiib.

    Dadka qaarba nacaybku lafaha kaga jiraa.

  12. Cadaado says:

    Thanks, Ugaas Raage, sida aad noogu faahfaahisay ninka ahlusanda sheegta meesha uu ka soo jeedo, iyo waliba Ugaasnimada fiirada dheer ee aad muujisay.

  13. Cadaado says:

    lol @ Ugaas Raage, hada bahasha waa haleysay, markii hore si ugaasnima ayaad u hadashay, hadase waa ku dheeshay. Ninyahow dimuqraadiyada uu ku yimid xeey tahay, sowtan aad sadex madaxweeyne hada leedihiin, kow caalin oo ah farooke side-kick, labo, timokalajeex ninka layiraahdo oo raba barnaamijka ahlusuno oo aah mooryaanimo iyo mashruuc cusub, iyo sadex ninkaan asaga ah cabdi qeeyr diid oo galmudug hada xoog ina adeerkiisa uga afgambiyay, anaga iyo Somaliba waxeey u taqaan cabdi qeeyr diid, oo wax qeeyr ah oo looga bartay ma lahan, ugamana fadhino, marka ceeb iyo xaar ayaad dhex fadhidiin walaahi, oo ilaaheey ayaan idiin baryaa in uu talada idiin hagaajiyo. Mida ah, Galmudug adna waa og tahay, soomalina waa ogtahay, ilaaheeyna waa ogyahay in aad Wisil iyo Baraxleey oo koonfurta gaalkacyo sidii eeyaha eey idinkuga haayaan Faroole iyo reerkiisa, xagee kale oo aad Galmudug ka dagtaan.War ninyahow nabad aan kuwada noolaano, hadii kale oo uu cabdi qeeyr diid beelaha sacad qaar dulmiga iyo handadaada uu ku hayo noola yimaada anaga, walee waa maalintii uu aaqiro aadi lahaa. Wax aan maar aheeyn nagama dhaxeeyso hadii uu sida uu u dhaqmayo wax ka badalin. Cadaalad ayaana anagu aaminsanahay, maadaama Somalida kale wax ninkaan cadaalada marsiiyo laga waayay, anaga ayaa si iskaa wax u qabsa ah shaqo uga qabaneeyno. Insha’allah.

  14. Ugaas Raage says:

    @ Cadaado,saaxiib waan kusalaamay.Salaan kadib horta hadalka aan kala qaadno waxna waad kusaxan tahay waxna waad bi’isay oo hadalka waad kudheeshay.War ninyahoow adiga iyo reer tolkaa 20 SANADOOD ee lasoodhaafay ilaa iyo hada dhaarbaa idinka soohartey! mar aad tiraahdaan waxaanu kala gooynaynaa Soomaaliya oo jidkaan lamarimaa iyo mar aad qabiilada dariska idinla ah reer baadiyaha kalaysaan idinkoo wata burcad badeed iyo Al-SHAYAADIIN.Dagaalkii ugu dambeeyayna waxaad lagasheen beesha Reer Caabudwaaq oo aad reer miyiga iskalayseen!
    Walaaloow dagaal sidiisaba waxaa laga dhaxlaa uun waa burbur dhanwalba ah iyo caro ALLE.

    Hadaan kahadlo arinka Galmudug iyo doorashadeedii iyo waliba sadexda madaxweyne aad tilmaantey!
    Saaxiib ninkan Caalin ah waa sida aad kusheegtay wax jiraa maaha intii uu meesha hayayna waxaaba dhulkeenii qabsadey burcad badeed iyo waliba dib udhacwayn oo dhanwalba ah waxaa iyana lamid ah midka labaxay tima-kalajeex oo kuqaraabanaya Ahlussuna been ah uu gadaal kasoo riixayo mid kaloo fidnawada ah.
    Ugu dambayn Hadaan kahadlo Cabdiqaybdiid madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug State waxaa weeye saaxiib nin ladoortey oo raali layskaga yahay weeye sababta lagu doorteyna maaha in Saleebaan reer tolkay lagu xumaynayo maaha ee waa ninka kaliya maantay deegaanada reer Galmudug kasaarikara burcad badeeda iyo Al-Shayaadiinta weeye cabdi marka qodobkaa baa cabdi loogu shubay codka.Arinka kale oo aad leedahay Aryaa Sacad intuu dagaana waa xaqiraad aduunkana waxaa dad ugu liita ninka walaalkii xaqira.

  15. hobyo says:

    mr caalin wuu ku saxsan yahay shariiif haduu kasoo hor jeestay maxaa yeelay shariiig af guduud waa qas wade oo dagaal oooge ah oo maxkamadihii tuugada ahaay la soo shaqeytay dadna ku dilay mr caalin thks iyo Dr faroole guul iyo aw libaax guul iyo Dr gaas guuul , shariiif lasoo gamay waa kuu dhamaatay , saxiixii hadaad ka baxdo xabsi isku diyaaro iyo afkaas oo madow isku badalo markii xabsiga aaad ku urto shit af taraq sayaasada maba kasayee maxaa soo galiyay damneerkaaga iska wado adeeerow

Leave a Reply