Caasho Geelle: Odayaasha Dhaqanka Qoondada Dumar Ay Ku Lahaayeen Baarlamaanka Ma Siin
Garoowe [Radio RBC] Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska maamulka Puntland Caasho Geelle ayaa sheegtay in sida hadda muuqato aysan hirgali doonin in dumarka ay helaan qoondada loogu talagalay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo ahaa 30%.
Shir jaraa’id oo ay wasiiradda ku qabatay Garoowe ayaa waxa ay sheegtay in odayaasha dhaqanka ee ku howlaan soo xulidda baarlamaanka Soomaaliya ay irdaha ka laabteyn dumarka, boosaskoodiina ay ku badaleen rag.
“ Waxa isbadal uu ku yimid odayaasha dhaqanka , waxana ay albaabada ka xirteyn haweenkii iyagoo ku badalaya rag, waxa muuqata in odayaasha dhaqanka uu ku yimid is-badal”
Wasiiradda waa ay sii hadashay waxana ay tiri : “ Dib ha loo dhigo howasha hadda socota ilaa inta qoondada dumarka la siinayo, in lala xisaabtamo weeye odayaasha” ayey tiri marwo Caasho.
Waxa kaloo ay sheegtay in arrintaas ay ka soo horjeedo heshiisyadii horey u gaareyn saxiixayaasha Roud Map-ka ee ahaa in dumarka laga siiyo 30% xubnaha baarlamaanka.
Hadalka Wasiiradda ayaa ku soo aadaya, iyadoo hadda uu jiro walaac ku aadan in dumarka ay helaan qoondada loogu talagalay in ay ka helaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Garoowe












[...] View post: Caasho Geelle: Odayaasha Dhaqanka Qoondada Dumar Ay Ku Lahaayeen Baarlamaanka Ma Siin [...]
Diintu ma ogola walaal in raga iyo dumarku is dhex fariistaan, raali baad naga ahaanaysaa, – Jikada ka noqo xildhibaan !!!!
walaaleey caasha madhacdo ilaahay ka baq oo odayasha daa dumarka muslin guryaha lasiiyee
Caasho Geelle oo kulan la qaadatay haweeynka G/mudug? Caasho Geelle soo tii ku soo caan baxday hadaladii ahaa magaalada gaalkacyo qadkii cagaarnaa halagu soo celiyo iyo dhibaatoo dhan waxaa wada dadka ku nool konfurta magaalada galkacyo sidaas darteed waa inaan gacmaha ula tagnaa. waa su’aale Caasho Geelle goomee ayey garatay in ey u doodo hawen weynaha soomaaliyeed? Caasho Geelle marka hore cafis ha weydiisato haweeynka somaliyeed sababtoo ah somalida waxey tiraa naag qabiil maleh oo micnaheedu ahaa colaadaha socdo markaa iyadu lugaha lama gasho dambina looma raacdo laakiin Caasho Geelle galkacyo hogaamiye kooxeed ayey xaga afka uga aheed sidaas darteed iyada qusheeda maaha in xildhibaanada lagu soo daro:D
@Somali
Walaal caasho geelle waligeed bay ka shaqeyneysay somalinimo. Ma iloowday inay ahayd tii gabdhaha soomaaliyeed oo idil oo ka kala socda gobolad oo dhan inay ku shirisay Garoowe. Nin aduun la socdaba ma ahid iska aamuus oo la aamus mucaaradnimadaada qurunkaa oo meelna ku gaarsiineyn oo asaagaa kaa reebay ee hore u soco caashana waa wadaniyad soomaaliyeed marka waxa aad hadda ka sheegto cid ku maqlatsa ma jirto.
[...] Caasho Geelle: Odayaasha Dhaqanka Qoondada Dumar Ay Ku …Aug 18, 2012 … Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici … [...]