Cabdi Qeybdiid: Hobyo Waa Laga Mamnuucay Burcad-badeedda


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [Radio RBC] Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale [Qeybdiid] oo maalmahan socdaalo ku maraya deeganno ka tirsan gobalka Mudug, ayaa maanta oo Jimco ka sheegay degmada Hobyo oo saldhig u ah burcad-badeeda Soomaalida in laga mamnujucay halkaas.

Wuxuu sheegay laga bilaabo maanta oo ay taarikhda tahay 24-ka August in laga mamnuucay degmada Hobyo ee gobolka Mudug in ay ka howlgalaan kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah.

“ Waxa aan tan iyo shaley wadnay  kulamo gooni gooni ah, oo la yeelanay Odayaasha dhaqanka iyo salaadiinta, kuwaasoo aan kala hadalnay siddii loo soo wareejin lahaa dadka la heesto ee ku sugan Hobyo” ayuu yiri madaxweyne Cabdi Qeybdiid.

Waa uu sii hadlay “ Wali go’aan lama gaarin. Laakin haddii ay arrintaas dhici weyso tallaabo ayaan qaadi doonaa, Maalin waxa immaan doonaa qofna la heesan doonin” ayuu markale yiri.

Wuxuu dadka deeganka ku booriyay in ay maamulkiisa kala shaqeeyaan sugidda ammaanka iyo wax ka qabashada dhibaatada ay deegaanka ku hayso burcad badeedda.

Wuxuu intaas ku daray in maraakiibta iyo doomaha ku soo caariyay Hobyo laga qaadi doono, oo deeganka laga dhigi doono meel ay caadi ku soo noqoto xaalada nolasha.

Hobyo waxa ay ka mid tahay meelaha ay sida weyn ugu xooggan yihiin burcad-badeeda Soomaalida ee gobalka Mudug ku sugan, waxana halkaas ku sugan la heestayaal badan iyo maraakiib ay la socdaan, waxana ay ka doonayaan madax furasho.

Waa markii ugu horeysay ee Cabdi Qeybdiid oo horaantii bishan noqday madaxweynaha maamulka Galmudug uu booqdo degmadda Hobyo ee gobalka Mudug.

RBC Radio

——————

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Share

Tags:

3 Responses for “Cabdi Qeybdiid: Hobyo Waa Laga Mamnuucay Burcad-badeedda”

  1. [...] Visit site: Cabdi Qeybdiid: Hobyo Waa Laga Mamnuucay Burcad-badeedda [...]

  2. Said says:

    Aad baan uga helay xaragada Cabdiqaybdiid.

  3. Maxamed says:

    Maasha Allaah

    Guul Galmudug

    Guul Janaraal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

    Waa in Hobyo magaalada madaxda Galmudug laga dhigaa.

Leave a Reply