Cabdi Qeybdiid Oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug, Iyo Caalin Oo Ka Soo Horjeestay
Gaalkacyo (RBC Radio) Golaha baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug ayaa maanta fadhi ay ku yeesheen, magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxa ay madaxweyne u doorteyn Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), oo horey u soo noqday, taliyihii ciidanka Booliska, iyo wasiirkii macdanta iyo biyaha ee dowladda KMG ah.
Kulanka maanta ay yeesheen baarlamaanka Galmudug, oo ay ka soo qeybgaleyn ilaa 22-xubnood, ayaa 20 ka mid ah waxa ay madaxweyne u doorteyn, Gen. Cabdi Xasan Qeybdiid, kaddib markii uu loo lan la galay madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulkaas,, Cabdisamad Nuur Guuleed.
Cabdisamad Nuur Guuleed, Madaxweyne ku xigeynkii hore , ayaa codadka baarlamaanka ka helay hal cod, iyagoo guddiga doorashooyinka ay sheegeyn in ay hal cod uu halaabay, sida lagu sheegay doorashada marka ay dhamaatay.
Markii gudiga doorashada ay ku dhawaaqday doorashada, waxa goobta ka hadlay Cabdi Qeybdiid oo sheegay, in mudnaanta koobaad ay siin doonaan siddii loo xoojin lahaa ammaanka Galmudug, loogana hortagi lahaa, ammaan darrada deegaannada Galmudug ka dhaca.
Waxa kaloo goobta uu sheegay in maamulkiisa uu xoojin doono xiriirka kala dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda KMG ah ee hadda jirta iyo mida cusub ee dhalan doonta 20-August ee sannadkan.
Cabdi Qeybdiid oo horey, sidoo kale ula soo shaqeeyay hoggaamiyaashii dagaalka Soomaaliya, ayaa waxa uu nooqanayaa madaxweynihii saddexaad ee ay Galmudug yeelato tan iyo markii la aasaasay maamulkaas sanadkii 2006.
Mar ay VOA wareesatay Cabdi Qeybdiid, doorashada uu ku guuleestay, in uusan ogeyn madaxweynihii ka horreyay, Maxamed Caalin oo hadda dalka ka maqan, waxa uu yiri ” Caalin lix bilood ayuu deegannada Galmudug ka maqnaa, shaqadiisa waa uu gabay, waxana uu yahay hadda qof xanuunsan”
Dhinaca kale, Madaxweynihii hore Maxamed Caalin oo hadda ku sugan Nairobi ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn waxa meesha, ka dhacay, isagana uusan magacaabin gudiga doorashada oo dad gaar ah ay wataan, ayna foodo ka dhalan karto wixii dhacay sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba, doorashada Galmudug, oo ku soo beegan tay, iyadoo maanta la ansixiyay dastuurka qabyo qoraalka maalmahan shirkiisa ka socday Muqdisho, haddana lama yaqaan waxa soo bixi doona.
RBC Radio
——————————
Xafiiska Wararka Gaalkacyo













A/C
Cabdi Qaybdiid waa mooryaan. Dhac iyo Boob buu wakhtigiisii ku dhameystay, Nin cilmi uu wax ku hogaamiyo lehna ma’ahan. Haduu shido ka dhex abuurayaa dadkaas Soomaaliyeed oo mudada nabada ku wada deganaa.
Caalin nin wanaagsan weeye oo daacad ah, oo dulqaad leh. In kastoo uusan hada sii shaqeyn karin oo uu xanuunsanuahay, hadana waxaa haboon in lagala tashado cidii asaga badali laheyd.
Hadaba waxaan talo usoo jeedinayaa Maamulka Puntland iyo Shacabka Galmudug.
Qatarbaa idinkugu soo fool leh hadii uu ninkaan mooryaanka ah qaskiisa degaamadiina lasoo galee ha aaminina. Hadeeraad fursad haysataane hadaad rabtaan inaad nabad ku sii wada noolaataan inta iskaashataan iska qabta. Sidaan yeela;
1, Reer Puntland Caalin iyo Siyaasadiisa qabow ha taageeraan garabna ha ku siiyaan. Xitaa hadii ay ciidan oga baahdaan ha ku taageeraan. (Waa Investment fiican)
2, Shacabka Galmudug Sidoo kale Caalin ha taageeraan iyagoon jifo jifo u eegeyn. Ina Qaybdiid haduu idin hogaamiyo waxaan colaad iyo qaxar aheyn idiin soo kordhin maayo. Taariikhdiisa bal dib u eega iyo siduu hada rabo inuu idinku hogaamiyo.
3, Wakhti ha iska dhuminina, Haduu idinku dhex siibto gadaal ka gaar maleh ilaa ay naf iyo maal badan ku baxaan. Horay xiriir ha ka bilaabeen Xukuumada Caalin iyo Puntland.
Waa iga talo! Wacade hadii uu Mooryaankaan idinku dhex siibto iniidnaan Shacabyohow nabad ku wada nagaaneyn ee fidnadaan iska qabta. Maalmo kahor waad la socotaan Dukheymihii Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo lagu sameeyay. “Maxaa weedha iyo weerarka kulmiyay”, Maxaa ina Qaybdiid iyo Qalalaasaha kulmiyay?
Dadka u maleyn doona in aan dano gaar ah ka leeyahay arrintaan waxaan ku wargalinayaa, Puntlandna ma ahi Galmudugna ma ahi. Waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo inay wax hagaagaan jecel.
W.t
@ Haad
Adeer jooji cabaadka iyo qaylada, meesha madaxweyne cusub ayay doorteen reer GALMUDUG, ee iimaanso. Caalin xaalkiisa ilaah baa og maanta, Ina Qaybdiid ayaa ah madaxweynahaaga cusub’e iimaanso,….CABAADKANA JOOJI.
Faroole-ha aad u cabaadaysidna ma waxaad mooday inuu dantaada wado?…waa maya…maantana Galmudug ayaaba dhaanta si kastaba.
Jooji taageeridda aad taageeraysid Caalin, qabiil ahaan adeer….wax isku fal……..Dagaal iyo waxaad sheegaysid waa maxay, 22/23 xildhibaan ayaa u codeeyay, waaar isku xishood adeer oo iska aamus, farahana kala bax Galmudug iyo dadkeeda……
Ninkani waa nin Mooryaan ah oo Xamar laga soo cayriyey oo ahaa darwal noqdey Gen haddba somaliya waa u dhamtey mooryantii hadey noqoto miciyo kudhiigle cabdi qaybdiid oo ah nin dhiig badan ku daadiyey gobolada dhexe oo ka qeyb qaatey dagaalkii sokeyey oo dad badan qaba moorynakan oo ah nin aan aqoon laheen oo ah nin shaqsi qabqable dagaal ahaa oo shacbka ku dhaqan reer mudug ay ogayihiin waxa uu yahey shaqsigaan oo ah nin majaraha u hayey qabiil oo mooryanimo ku gaboobey hadey noqoneysaa baraxley meel ay ku kulmaan ciyaalka koolada dhuuqa oo xamar dhooban marka waa in caalin aan raacanaa mooryankan aan iska erinaa guul caalin
[...] Nuur Guuleed, Madaxweyne ku xigeynkii hore , ayaa codadka baarlamaanka ka helay hal cod, iyagoo guddiga doorashooyinka ay sheegeyn in ay hal cod uu halaabay, sida lagu sheegay [...]
WAA KAN WARKAAS OO VIDEO AH http://youtu.be/xGXG1vOGsyQ
Ina Adeerayaaloow cabaadka iska daaya, General Abdi Qeybdiid waa la doortay doorasho ayuuna ku yimid. Madaxweyneheenii hore ee Mr Caalin waqtigiisii wuu dhamaaday. Ninkii ku farxaayoow ku Farax
Kii ka Naxaayoowna ka NAX. GalMudug state madaxweyne ayay dooratay waana Madaxweyne Cabdi Hassan Cawaale Qeybdiid. ninkii foodada wadana waa iska qabanaynaa hadduu eebbe idmo. wabilaahi tawfiiq
Caalin Marna haka yeelin…………ninkaan Kursiga kaa xadey………..xafada baracley……….dagaalk ka kici……waana gu garab joognaa
ASC, dhamaan, it is sad, in ======, ee Galmudug dhistay, inteey isku noqdeen, oo fakireen, oo fakireen in eey qabqable Cabdi Qeeyrdiid mas’uuliyad u magacaabaan, oo warlord ahaa, tan iyo waagii USC, waqtigii uu qaranka Somaliyeed burburay, ilaa iyo dagaaladii ahliga ee Xamar, dagaaladii ==== iyo ===== , dagaaladii qeeyb === ka mid ah iyo === (qeeyb aan shaqo iyo shuqul ku laheeyn ayaa jirtay)ilamaa dagaalkii General Ceydiid ku dhintay, dagaaladii ==== iyo == , dagaaladii ===== iyo ==== , dagaaladii ==== dhexdooda, ninkaan cabdi qeeyrdiid intaba kaalin weeyn ayuu ku lahaa. Marka ninka noocaas ah, in hadii uu asaga garan waayay “ka joog” oo umada hasoo hor istaagin, in karti iyo xaniinyo nin leh, oo ninkaan runta u sheego la waayo, waa nasiib daro. Ee waxa laga helo waxba hanaga siinina. Waa dagaal, inta qabiil oo kor aan ku sheegay, iyo umada Soomaliyeed in eey kusii jirta isdilka, waa nasiib daro, in umad dhan laga waayo wax wanaagsan oo tayo leh, oo masaakiintan wax u qabto, oo leadership quality leh, total failure ayaa halkaa kasoo baxayo. Markii uu Xamar ka cararay, saa niman african ah ayaa ugu xaniinyo weyn maanta Muqdisho, kadib markii waxmagartada Xamar dagan laga waayay, isku tanaasulo, oo is ogolaada, ayeey my african brothers imaadeen, ayaga ayaana kaaga daba keeneeyna Kaalgacyo, inta ka horeeysan waa noo dagaal, anaga ayaa kusii celcelineeyna Cabdiqeeyrdiidow iyo intii garan weeysay, hogaan dadka u qalma intii eey dooran lahaayeen, in eey warlord uu xukunka dadka asaga handado oo uu is magacaabo, bulshit.
kkkkkkkkkkkk dadka qar baan layaabay oo puntland u haysata USA AMERICAN haday puntland awood leedahay aawa dhulkeedii ka maqnaa sool iyo sanaag, tankale mudug nin walba xoogiisuu ku joogaaa ninkee laga adagyahay, tan kale hadii qaybdiid mooryaan yahay, faroole ma muumin baa, soo mooryaan kale maahan, waxaad ogataan labbadoodaba waxaa doortay qabiilkooda, marka qabiil qabiil wax ma odoori karaa waa maya danto waxy ku jirtaa in beeluhu wada noolaadaan soomlia dawlad mahaysato,
Asc.
Meeshaan dadka wax ku soo qoray qaarkood way gardaran yahiin.Waxay ku gar daran yahiin in ay faduulinayaan (ku abyoonayaan Ina Qeybdiid).Sida jirta ninkaas dadkiisa baa ka raali ah in uu xukumo Galmudug.Saas darteed kuwa caayaya way gardaran yahiin.Cabdiqeybdiid kaligiis ma aha gacan ku dhiigle.Shariifka hadda sheegta in uu yahay madaxweynaha soomaaliya meeqa qof buu dilay?Ummado dhan buu xasuuqay.Waa run oo Ina Qeybdiid waa xasuuqaa run ah.Waayo markii Gaalkacyo lagu dilay dad tiradooda lagu sheegay in ay ahaayeen 750 qof dadkii dilay isagaa watay baa la yiri.Calaa kulli xaal haddii uu maanta nabad iyo wax wada qabsi u soo taagan yahay waa arin fiican.Wixii tagay way tageen.
[...] ayaa ku soo aadaya, iyadoo madaxwynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu dhawaan tagay degmada Hobyo ee gobalka Mudug, halkaasoo markii ay tageyn tacshiirad ay kala [...]
[...] ayaa ku soo aadaya, iyadoo madaxwynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu dhawaan tagay degmada Hobyo ee gobalka Mudug, halkaasoo markii ay tageyn tacshiirad ay kala [...]
[...] ayaa ku soo aadaya, iyadoo madaxwynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu dhawaan tagay degmada Hobyo ee gobalka Mudug, halkaasoo markii ay tageyn tacshiirad ay kala [...]
[...] (RBC) Burhaan Warsame Cigaal oo dhowaan ka mid ahaa gole wasiiro oo uu magacaabay Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo baarlamaanka Galmudug u doorteen madaxweynaha maamulkaasi ayaa maanta shaaciyey inuu ka [...]
[...] Warsame Cigaal oo dhowaan ka mid ahaa gole wasiiro oo uu magacaabay Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo baarlamaanka Galmudug u doorteen madaxweynaha maamulkaasi ayaa maanta shaaciyey inuu ka [...]
[...] (RBC) Burhaan Warsame Cigaal oo dhowaan ka mid ahaa gole wasiiro oo uu magacaabay Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo baarlamaanka Galmudug u doorteen madaxweynaha maamulkaasi ayaa maanta shaaciyey inuu ka [...]