Cabdi Qeybdiid oo Maanta Muqdisho Ka Soo Degay Codsina u Diray DKMG ah iyo Hay’adaha


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Col Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo toddobaadkii hore doorasho ay qabteen baarlamaanka Galmudug ku guuleystay madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ka soo degay garoonka diyaaradaha Aden Cadde.

Waxaa garoonka ku soo dhoweeyay xubno isugu jira xildhibaano hore oo ka soo jeeda gobolka Mudug iyo haween ka tirsan ururada bulshada oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Cabdi Qeybdiid oo hadal kooban saxaafadda siiyey markii uu soo degay kadib ayaa wuxuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid si uu kulamo ula yeesho masuuliyiinta DKMG ah oo uu rabo inuu kala hadlo xaalada gobolka uu ka yimid.

“Hadee waxaan i nimid sidii aan ula hadli lahayd madaxda dawlada iyo masuuliyiinta qaranka oo aan ka wada hadli doono arimaha maamulka Galmudug kadib isbedelkii maamul ee halkaasi ka dhacay” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Wuxuu baaq u diray DKMG ah iyo hay’adaha samafalka oo uu ka codsaday inay gurmad gaarsiiyaan dadka ku nool deegaanada koonfurta Mudug oo uu tilmaamay inay heysato abaar aad u baahsan.

DKMG ah ayaan weli rasmi ahaan uga hadlin mowqifka ay ka joogto doorashada Galmudug ee lagu doortay Cabdi Qeybdiid taasoo weli muran uu ka taagan yahay kadib markii Maxamed Axmed Caalin oo xilka madaxweynaha Galmudug hayey uu ka biyo diiday doorashada isaga lagu bedelay ee baarlamaanka Galmudug uu qabtay.

Waxayna booaqshada Cabdi Qeybdiid ee Muqdisho ku soo aaday xilli Maxamed Axmed Caalin uu Nasirobi kaga qeybgalay shirkii u dambeeyay ee kooxda lixda saxiixayaasha qariirada ‘roadmap’  ay yeesheen iyo kulankii ay la qaateen Xoghayaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

9 Responses for “Cabdi Qeybdiid oo Maanta Muqdisho Ka Soo Degay Codsina u Diray DKMG ah iyo Hay’adaha”

  1. Buurka Diikoow says:

    Gabanki shalay shirka ka soo carooday miyuu Qeybdiin u tafa xeytay inuu wraaqo ka saxiixdo. Qeybdiid sidaan u fahmay waxuu iska dhaadhiciyay murankii shalay in eey albaab uga furantay, oo uu rabo kursigii Caalin ku lahaa saxiixayaasha. Dhinaca laga soo mari karana eey tahay inuu helo garab ka mid ah groupkaas.

  2. khadija says:

    mooryaanka hala qabto dad leyn buu meesha qabsadaye.

  3. Runsheeg says:

    Asc Mooryaankani waa nin labo canleynaya bisha ramadaan oo guryaha uu kirada ka qaato ayaa u yimid oo guryo badan oo shacb uu leeyahey ayaa u xiran oo kiro ka qaato si uu ugu kala furo mooryanta ay ishayaan marka sheekadu waxey tahey ninkani oo ahaa raggii dhiiga badan ku daadidiyey somaliya si uu u mooryaanaoobo oo ah nin dhuunta u daloosha oo cida aan waxba ka maqlin waxa uu u yimid inuu afguduud meesha ka saaro uu dadka ku diro sida uu horey u sameyey mooryaankan waa nin caado qaate ah oo ku nool wax uu dhaco iyo wax uu dilo marka waa in lagu dilaa xamar sida uu sameen jirey tuugan

  4. loolan says:

    kkkkkkkkkkk wxd ogaataan in ay hishiiyeen Abdi wali Gaas iyo Faroole .mrka mxaa u diidaya in ay hishiiyaan Sheekh shiif iyo Abdi qeybdid LOL waxad u jeeda caalim in uu ka soo bixi waayay wx yaabaha ay wdaan o ah musuq maasuqa Faroole iyo Abdi wali Gaas mrka abaalkooda wxaa ka waraabinayaa Rug cadaaga ======== Abdi Qeybdid bal an aragna wt is next

  5. Xaqiiq says:

    kkkkkkkkkkk wxd ogaataan in ay hishiiyeen Abdi wali Gaas iyo Faroole .mrka mxaa u diidaya in ay hishiiyaan Sheekh shiif iyo Abdi qeybdid LOL waxad u jeeda caalim in uu ka soo bixi waayay wx yaabaha ay.wdaan o ah musuq maasuqa Faroole iyo Abdi wali Gaas mrka abaalkooda wxaa ka waraabinayaa Rug cadaaga ——— Abdi Qeybdid bal an aragna wt is next

  6. A.karim says:

    Ceeb madaxda == hala xushmeeyo siba Galmudug

  7. Mr. Muwaadin says:

    Bulshada Galmudug waa ka gudbeen xilligii Qaska iyo Qalalaasaha , boobka iyo Mooryaanimada.
    Qof dunida magac ka rabaa Ina Qaybdiid shir caalami ah ma u dirsan lahaa? Kkk qabaa’illada dariska Bililiqo iyo Dumar kufsi haa wuu Samayn karaa lol

  8. kkk maxad ugu mushqulaysan cabdi qaybdid somaliya waa yaryahay nin aan dhiig dadin marka hada cid maba lagu caayikaro dhiig ee ninka wax kale ku caaya caalin iyo qeybdidna qeybdidi baa laqaata waayo inta uu xukumo oo galmudug kataliso buu nabad kuso dabaalaya marka caalin waa iska qurba joog nin dalka jooga oo lagala xaajodo baa loo bahanyahay ani marka waxan qabaa in qeybdid galmudug garab istagan hadan rer pl nahay ninkaas baan is fahmayna ama nabad ha noqoto am daris wanaag hanoqoto ama arinka hada uu wado oo ah in galmudug kusoo bidho pl hanoqoto kolow waa nin wadanka jooga taagerayal badana haysta runti caalin inuuu dhaamayo bay u badantahay marka cayda iyo qabyaalada yareeya

  9. qaali ladan says:

    kkkkkkkkkkkkk waxaan ujawaabayaa ninka isugu yeeray loolan adeer cabdi qaydiid ruug cadaa maahee waa qabqable niig quutaa ah sida aan lawada socono 1991dii magaa gaalada kaakacyo wuxuukulaayay dad 500 qof ah xamarna nac iyo dil iyo boob ayuu lajoogay iyo isbaaro hadana galmudug waxuu usoomaray maamulkeedii mooryaanimo soomaaliya maanta mooryaan ta xiligii lagu faani jiray waakagudubtay tuug aan tacliinbaran iyo ootaariikhda mooryaanimo kulehna halatartansiin barafasooro iyo dakaatiir barafasoor cabdiwaqli iyo digtoorfaroole waalabo mutacalim oo aduunka magac aqooneedkuleh laakiin waxaan kuxasuusinayaa caalim dhaqtarkujira ooqalan moooryaanimo iyo inqilaab iyo xushmad daro miyaanay ahayn waxa uusameeyay ileen tuke qaylo kama tago tuugna guure kamatago ayay tiraahdaa soomalidu aragane mooryaanka durba baryo tagay waxuu soodheelmo

Leave a Reply