Cabdiwali M Cali Gaas Soomaaliya Ayaa Ubaahan. W/Q Eng Abdirashid Abdi Daad
Cabdiwali M Cali Gaas Soomaaliya Ayaa Ubaahan
Eng Abdirashid Abdi Daad
Guurey@hotmail.com
Agoosto 08 2012
Waxaan ku bilaabaya magac Allah ee Naxariis oo dhan iska leh
Somaliyeey maanta waxaa cid walba oo Soomaali ahi ogtahay
- In qaranimadii iyo dawladnimadii Somaliya dhuntay
- In sharaftii iyo karaamadii Somaliya dhuntay.
- In kalsoonidii iyo is aaminkii dhuntay.
- In daacadnimadii iyo cadaaladdii dhuntay.
- In isu arxankii iyo is ixtiraamkii dhuntay.
Arimahaasi waxay na gayeey siiyeen burbur aan kasoo kaban waynay rubuc qarni, qof inaka mid ah oo Somali ah oo arintaas moog ma jiro maanta.
Marka suaashu waxay tahay yaa innagu kallifay rubuc qanri mudda dhan inaan ka soo kaban wayno foolxumooyinkaas inagu habsaday?
Qof noocee ah ayaase soo celin kara qaranimadii, dawladnimadii, sharaftii, kalsoonidii, daacadnimadii, cadaaladdii, isu arxankii iyo ixtiraamkii?
Waxaa inagu kallifay cadowgeen oo aan doonayn
- Inaan xoog iyo awood lahaano.
- Inaan sharaf iyo magac lahaano.
- Inaan gacmaha is wada qabsano
- Inaan wax wada cunno oo mid ahaano.
- Inaan is taakulayno oo isku tiirsanaano.
Yaa cadowgeen ah oo aan wanaaggeena jeclayn?
Somalidu waxay ku maahmaahdaa labaa dad kuugu daran geesi cadowgaa ah iyo doqon xigtadaada ah…
Waxay ila tahay inaysan u baahnayn cidda ah geesi cadowgeen ah sababtoo ah Somalidu waa garan kartaa dawladaha cadowga u ah oo aan marnaba doonayn midnimada Somaliyed, oo haddana maanta adduunkoo dhan ka gadaya inay doonayaan ama ay wadaan sidii loo soo celin lahaa midnimadii iyo dawladnimadii Somaliya. Abwaan hore gabay uu tireyey ayaa ahaa….
Baadida ninbaa kula deydeya, daalna kaa badane
Oon doonahayn inaad heshana, daayin abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne
Dallo malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayaye
Dawladahaasi hadday noqon lahaayeen kuwa african ah iyo kuwo kalaba cid ay maanta ka qarsoon yihiin ma jirto anna inaan faah faahin ka bixiyaa looma baahna ayaan filayaa.
Doqonka xigtada ah oo aan doonayn inaan magac iyo karaamo lahaano waa kan meeshaas ina dhigay waxayna u qaybsamaan labo Danayste iyo Damdamle.
Danayste… Sida kalmadda laga dhandhan sanayo ama macnaheedu qeexayo waa ruux aan xeerinayn wanaag iyo sharaf wax kastana ka hormarinaya dantiisa u gaarka ah aan kala jeclayn dhibaata kasta oo bulshadaas soo wajahaysa… (fadlan akhri maqaalkii ahaa Jaah Wareerka).
Danasyte dadkii waxuu baday in is aaminitaankii noqdo waxaan suurta gal noqon karin oo qof qof kale aaminayaa jirin, waxuu ugashadaa shaarka qofka daacadda ah markuu doonayo in uu meel ku gaara bulshadaas. Taasina waxay keentay in dadku jaah wareer ka qaadeen kii daacadda ahaa iyo kii danaystaha ahaa maadaama mid kastaaba leeyahay wax baan qabanayaa oo nidaam cadaalad ah ayaan samaynayaa waxaan ku dadaalayaa midnimadii soo celiyo…iwm.
Danayste reer baanu kala jeclayn, wadaniyad baanu kala jeclayn jeebkiisa iyo magaciisa waxaan ahayn ma xeeriyo jago ka xaaraansanna ma jirto hankiisu waa maxaan liqaa, tusaale ahaan Musharaxiinta maanta tartamaya kii Danayste ah waxaa lagu garan karaa…
Musharaxa reerkiisu isu soo sharaxi karaan Madaxwayne ama Raysalwasaare oo doonta inuu Raysal Baarlamaan isu soo sharaxo isagoo u tartami kara Madaxwayne ama Raysal Wasaare waxaa ku jirta xumayn uu isleeyahay ku xumee kuwa kale ee reer kiisa ah ee isleh Labadaas jago u tartama isagoo ujeedadiisu tahay yaanay helin.
Taasna waxaad ka garan kartaa inaan ruuxaasi magaca, karaamada iyo sharafta reer kiisa kala jeclayn ee uu dantiisa kaliya u leg damayo. Mar hadduu karaamada iyo sharafta reerkiisa dhowri waayey ma cid kaluu tooda dhawrayaa jawaabtu waa maya somalidaa horay u tiri tiisaba daryeelaa tu kale ku dara… nin sumcadda reerkiisa dhowri waayey mid Somaliyeedna dhowri maayo.( Doqon xigtadaada ah).
Damdamle waa ruux malaasan oo aan codkar ahayn garasho iyo han fiican lahayn, haddana jecel inuu magac iyo karaamo helo(fadlan akhri maqaalkii ahaa Jaah Wareerka) Tusaale ahaan xafiis kasta waxaa jooga rag iyo dumar hoodaddo ah oo aan waxba qaban karin, qofkii wax qaban lahaana aan ogalayn inay gudbiyaan iyagoo ka baqaya in ruuxaasi booskooda lagu bedelo maadaama uu qaban karo wax yaabo badan oo aanay qaban karin. Taasina waxay keentaa in dadkii isu taagay inay wanaagga wax ka qabtaan ay soo geli waayaan aagaggii xafiisyada madaxda ama fursad ba ay u waayaan inay la kulmaan. ilaa ay ka maleeyaan inaan madaxdu doonayn inay la kulanto, oo ay markaa eed madaxdii dadkaasi dusha uga tuuraan. Waxaana laga yaabaa ama xaqiiq ahba inaan madax daasi waxba ka ogayn dadkaas laga hor istaagay inay la kulmaan oo wax badan tari lahaa. Waxaana dhici karta in xafiisyada madaxdaasi curyaamin badan oo shaqo xuma ah soo faadsaarto iyadoo ay eedeeda leeyihiin duulkaas Damdamla yaasha ah ama aan u aqaano HOODADDO(Doqon xigtadaada ah).
Haddaan usoo noqdo suaashii ahayd qof noocee ah ayaa soo celin kara…Waxaa soo celin kara qaranimadii, dawladnimadii, sharaftii, kalsoonidii, daacadnimadii, cadaaladdii, isu arxankii iyo ixtiraamki ruux…
- Dulqaad leh oo daacad ah
- Damiir iyo Dareen leh
- Ixtiraam iyo qadarin leh
- Turiinsho iyo ka damqasho leh
- Waxna qaban kara…
Sifahaasna waxaa leh Cabdiwali M Cali Gaas…
Wax Qabad
Waxaynu wada ognahay in Cabdiwali Raysalwasaare loo magacaabay 23/06/ 2011 waxaa baarlamaanku u codeeyeen 28/06/2011kii..
20/07/2011 waxuu magacaabay xukuumad 18 wasiir ka koobnayd isla bishaas taariikhdu markay ahayd 28 /07/2011 waxaa la dhaariyey oo shaqo bilaabay xukuumaddii uu dhisay Cabdiwali M Cali Gaas…
Taariikhdu markay ahayd 23/06/2011 mawjadaha alshabaab waxay hirdinayeen meel aan wax badan ka durugsanayn madax tooyada…. 06/08/2011 waxaa xamar ka baxday Alshabaab. Ilaa maanta gobolo iyo degmooyin badan kuwada jiraan gacanta dawladda oo aan markii hore aan ku jirin oo ay haddana mawjadihii TFG ay maanta hirdinayaan meel aan wax badan ka durugsanayn Xaruntii ugu muhiimsanayd Alshabaab ee Kismaanyo.
Waxaa kaloo aan ka war haynaa is bedeladda badan oo uu ka sameeyey dhankii siyaasadda dibadda oo dawlado badani arinta Somaliya saamayn ku yeeshay sida shirarkii ka dhacay Britain, Turkiga iyo Italy oo dawlado badani kasoo qayb galeen.
Waxaa iyana xusid mudan in miiska la soo fariisiyey Somaliland oo ah tallaabo aan horay u dhicin in ay suurtoowdo xukuumidiisa ka hor… waxaa kaloo jirtay in abaarihii xukuumaddu ay dadaalo badan ka samaysay, musuq maasuqa iyadana dadaal badan ka samaysay inkastoon Somalida inta eedaynta jeceli inkiraan oo qariyaan wax kasta oo aan dadku wada arki karin…
Somaliyey anigu shaqsi ahaan waxaas oo dhan waxaa iga wayn hal wax oo ah inaan helno Dawlad maamulkeedo wada gaaro Somaliya oo dhan oo shicibku isaga gooshaan magaalo kasta iyagoon hagar daamo ka baqayn inay soo gaarto iyaga iyo maciishadooda… waxaana aan aamin sanahay in taas lagu heli karo inagoo is aamina oo kalsoonideenii soo ceshanna taasna waxaa inagu hogaamin kara waa ruux leh Dulqaad, Cabdiwalina waa ruux aad iyo aad u dulqaad badan haddaan lays xasdayn.
Dulqaad...
Dulqaadka waxaan ugu baahanahay waxaa inaga batay lugooyadii iyo anigaa khayrkii wada iyo wanaaggii. Taasoo been iyo waxaan jirin aakhrika isugu soo biyo shuban jirtay. Waxayna dhashay logooyadaasi inaan dadkii kaa akhrisan hadaad ku tiraahdo bohosha iska jir oo haku dhicin. Marka waxaa loo baahan yahay ruux u dulqaata wax kasta oo eedayn iyo rumaysi la’aan ah oo ka horyimaada dadkana tusa inuusan la mid ahayn duulkii hoogga baday oo uu ka duwan yahay isagoo waxii uu ballan qaaday oofinaya. Isagoo shaqsigaasi wax qabadkii iyo dulqaadkii isku wada dadkuna markaa arkaan inuu daacad yahay kana dhabaynaya ballan qaadyadii uu ku dhaartay markuu tartamayey, ilaa uu ka kasbado in dadku garab istaagaan.
Waxaynu marka wada ognahay tan iyo intii uu xilka qabtay Cabdiwali is hor imaadkii harayn jiray madaxda sare ee TFG ee hadba waddan looga yeeri jiray sii loo soo kala maslaxo aanay dhicin.
Waxaa markaa meeshaa fiirin uga baahan horta wax laysku qabsadaa ma dhacday oo la oran karo Cabdiwali dulqaad ayuu ka sameeyey…jawaabtu waa haa…
Tusaale haddaan usoo qaato waxaa laysku raacay wax la yiraahdo tubta nabadda oo laysku afgartay in Somaliya lagu saleeyo sideed iyo tobankii gobol dhammaan lixda saxiixa yaasha ahi waa isku raaceen oo qalinkay ku duugeen.
Haddana in madaxda qaar si toos ah ugu dhawaaqeen
- in gobolo kale ay sameeyeen, degmooyin cusub sameeyeen…
- Wasiiro shaqadii laga eryo oo wasiiro kala la magacaabo.
- Maamul goboleedyo aan shuruuddii 18 gobol buuxin la aqbalo…iwm
Cabdiwali waxuu arimahaas is qabqabsiga keeni kara sameeyey dulqaad aad u wayn isagoo xoogga saaray sidii loo heli lahaa is bedel wayn oo xeer(dastuur) laysu cuskan kara xanbaarsan si markii arimahaasoo kale u yimaadaan loo helo sharci kala haga oo aan lagu xadgudbin… waana Allah mahaddii waxaa Maanta Somaliya yeelatay Dastuur loola noqon karo markii caqabadi soo food saarto madaxda dhexdeeda.
Marka Somaliyeey haddii sanad gudihiis xukuumaddii Cabdiwali ina gaarsiisay is bedello aad u badan oo aan been iyo haghago ahayn… Miyaanay ahayn wax Allah swtc loogu mahad naqo oo la yiraahdo Rabbiyoow mahaddaa adigaa Cabdiwali noo soo diray.
Somaliyeey miyaanay ahayn inaan siino Madaxwayne oo ku garab istaagno mar haddii mudadii gaabnayd ee uu Raysal Wasaaraha ahaa aan hawaysannay sifaalo dawladnimo…
Oraahbaa ahayd Diric Ma Mooga Doqonna Looma Sheego
Wa Billaahi Tawfiiq
Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad
Email: Guurey@hotmail.com
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












kkkkkkkkkkkk oo ma cabdiweli baa wax qabtay dadkaan maxey qabiil jecelyihiin mise madaxweyne ayuu noqan karaaa nafda been ha u sheegina xiligaan waxba ma noqon karro kkkkkkkkkkk
Raxanreeb, adinka iyo Daad yaa lacagta xoogeeda qaatay kolayba Gaas lacagtii ololaha uu ku galaayay waa idin soo gaartayee?! Tan kale Soomaaliya nin kasta oo Soomaali ah bay u baahantahay, laakiin waxaa fiicnaan lahayd ceebna ahayn inaad inoo sheegtaan inaad tihiin niman ka mid ah barnaamijka ololaha Gaas oo aad cashar inooga dhigtaan Gaas.
Midda kale Daad waxaan u malayniyaa isagoo weyn buu magaalo soo galay wuxuuna khalad ka fahmay qoraalka, waayo walaal Cabdi-Wali nin soo halgamay ma aha, intii uu burburka jirayna dhibta dadka lama wadagayn, wax-qabad gaar ah ama uu dadka dheeryahayna ma sheegtid, balan qaadkana ninku hal shay uu balan qaaday oo uu fuliyay ma aadan sheegin, marka adeer lafahaaga adiga wax u noqon ee innaga dhaaf ammaan nin kale oo aadan run ka sheegayn.
[...] See the original article here: Cabdiwali M Cali Gaas Soomaaliya Ayaa Ubaahan. W/Q Eng Abdirashid Abdi Daad [...]
kkkkkkkkkkkkk waa ina adeerkiis ha layaabin cudurkii soomaalida ku dhacay , QABYAALAD
ma shekh shariif iyo ninkaa cilmiga leh aya la is bar bar
dhigi karaa aana xataa dugsi sare iyo mid hoose weligii
dhigan hadii runta somali laga hadlo qabiil bee ku
orodaa kolay aniga ninkii shalay diin aa u dagalama
lahaa maanta kursi iyo dastuur ku waashay waa ka
roon yahay aa qabaa cabdi wali wa nin cilmi leh
iskumana dhowa ninka aan qorin aqrina
Weligaba wax daran soo qoro, Alle naguma kaa soo celiyo, yaa u bahan
War ma Engineerkiibaa soo rogaal celiyay? war ninkani ma quusto miyaa? toloow ma wuxuu rajo ka qabaa in uu noqdo xoghaynta warfaafinta ee C/wali?
Anigu hal su’aal ah ayaan u hayaa Engineerka iyo dadka la fikirka ah
Wali ma aragteen ama maqasheen qof somali ah oo C/Wali taageersan oo aan qabiil ahaan u taageersanayn??
Haddii jawaabtu haa tahay… halkaan ayaaba laga arki doonaa, haddiise jawaabtu maya tahay .. hadda Engineerku muxuu iski wareerinayaa??
Koleey anigu ma aaminsani in dadk C/wali aan taageersanayn in kuligood ay qabiil ahaan aysan u taageersanayn laakiin waa dhici kartaa in ay jiraan dad aan wali bislaan oo taargada qabiilka kaliya eegaya.
Taas waxaan u leeyahay waxaa jira Siyaasiyiin kale oo sharaxan oo dad badan oo somali ah taageero ka haysto taas oo aan ku salaysnayn qabiil
Dadkaas waxaa ka mid ah Ahmed Ismaaciil Samatar, Farmaajo iyo Baadiyow.
Marka Engineere waxba ha isku daalin campaign bilaash ah .. meeshaan qofkii ilaah u qoro ayaa ku soo bixi, inkastoo aad moodo in Somalida wax saas ahba gacantooda ku jirin.
Aniga fikir ahaan waxaan qabaa in C/wali dad badan oo xilka u sharaxan uu ka wanaagsan yahay laakiin dad badan oo ka mudan ayaa jira marka la fiiriyo recordkiisa intii uu Raisul wasaare ahaa, madaxwayne laguma noqon karo cod beeleed oo qura.
salaanta silaamka ka dib waa run ninkaas waligay marag si toos ah marka laga reebo idaacahada layska arko mooyee . waxaan hubaa in uu yahay nin bisil oo dadaal badan lehna sifooyin wanagsan ,waxaan ku tilmaami karnaa nin kharash ku baxay , wadani qofka isku sheegay oo daridhay arinkaas waa hurda wayne , waxaase wax walba kaga quusataan in aynaan cod layn oo arinku u yaal kaba calaf iyo cidii miidaanka keensado , laakiin anigu hadaan maanta xor u ahay codkayga wan siin lahaa ninkaas aqoonyahankaa
idinkuna sidaas niyada u sheega mahadsanidin
Adam oday
BISMilah:
Gaas ,nin fican ayuu ahaa Lkn wuxuu sharaftiisi manja xaabshay maalintuu faroole daba faristay isago ah p.m soomaliyeed iyo maalinkuu yiri khaatumaan aqoonsigii kala laabtay oo ah dad ay dhalasha ahana is xigan ahna dadkuu p.m ka u ahaa qaar ka mida , marka REERMUDUGU WAA DAD NADIIFA , Eexdana laguma xanto,wadaniyadana waa number 1 , hayeeshee farole oo waxan oodhan zero ka ah aan tolnima lahayn,wadaniyadna lahayn, ayaa candhuuf ku tufay ,there fore, odaygu haatan ma hagaag sana hala bedelo uma qalmo hogaaminta dalkee. W.T
qoraagu waa muwaadin runta taabtay loona baahantahay sida warbixintu uu qoraagu usoobandhigay in looqaato waayo cabdi waeli waa geesi oo waa nin howlkara oo hogaan isu jiidid leh oo samir badan oo haddana aqoon iyo waayo aragnimo ku filan intii xukunka hayay soo qaatay oo garan kara dulduleeladii hore ,haddaba waa muhiim soomaalidu inay doorato cabdi wali gaas oo laga fagaado cudurka kansarka khatartaa oo ah qabiilka iyo nin jeclaysiga ,waxaan hadalkayga kusoogabagabaynayaa soomaalaay garo dantaada oo kabax silica dawlad la’aanta iyo burburka aay soomaali asaageed kagahartay oo aay dhici karta haddii soomaali aaysan ia dabaqaban oo garan dantooda inay arintaasu u tahay guul cadawga aan rabin soomaaliya inay soonoqoto oo aay yeelato dawlad ,,waxay kaloo guul u tahay mid oogada kaaga eg soomaali kula ah muslim kula ah oo raba dhibka dawlad la’aanta soomaaliya inay siisocoto intay aqoonsi kahelayaan kuwaasoo qaarkood kujiraan alshabaab iyo kuwo kamida dawladda haddaba soomaalaay waxaa jira mindiyo af badan oo farabadan oo soomaali loohaysto haddaba soomaali waxay u baahantahay 1-hogaan adag oo dulqaad badan oo isusoojiida dadka ,, 2-mutacalima oo yaqaan ugu yaraan ,a-carabi b-ingiriis c-talyaani 4-sawaaxili , 3-nin geesiya oo aan cabsan oo dadka dhex gala oo meelkasta soomaaliyana soojiita dad soomaaliyeed 4-nin fahmi gara cadawga faraha badan ee soomaali leedahay kuwaas ujeedooyin kaladuwan wata 5-nin musuqmaasuqa ladagaalama oo kaciribtira soomaaliya hadaba gabagabadii intaas iyo in kabadan baa soomaali hogaankeeda laga raba ….scww
qoraagu waa muwaadin runta taabtay loona baahantahay sida warbixintu uu qoraagu usoobandhigay in looqaato waayo cabdi waeli waa geesi oo waa nin howlkara oo hogaan isu jiidid leh oo samir badan oo haddana aqoon iyo waayo aragnimo ku filan intii xukunka hayay soo qaatay oo garan kara dulduleeladii hore ,haddaba waa muhiim soomaalidu inay doorato cabdi wali gaas oo laga fagaado cudurka kansarka khatartaa oo ah qabiilka iyo nin jeclaysiga ,waxaan hadalkayga kusoogabagabaynayaa soomaalaay garo dantaada oo kabax silica dawlad la’aanta iyo burburka aay soomaali asaageed kagahartay oo aay dhici karta haddii soomaali aaysan ia dabaqaban oo garan dantooda inay arintaasu u tahay guul cadawga aan rabin soomaaliya inay soonoqoto oo aay yeelato dawlad ,,waxay kaloo guul u tahay mid oogada kaaga eg soomaali kula ah muslim kula ah oo raba dhibka dawlad la’aanta soomaaliya inay siisocoto intay aqoonsi kahelayaan kuwaasoo qaarkood kujiraan alshabaab iyo kuwo kamida dawladda haddaba soomaalaay waxaa jira mindiyo af badan oo farabadan oo soomaali loohaysto haddaba soomaali waxay u baahantahay 1-hogaan adag oo dulqaad badan oo isusoojiida dadka ,, 2-mutacalima oo yaqaan ugu yaraan ,a-carabi b-ingiriis c-talyaani 4-sawaaxili , 3-nin geesiya oo aan cabsan oo dadka dhex gala oo meelkasta soomaaliyana soojiita dad soomaaliyeed 4-nin fahmi gara cadawga faraha badan ee soomaali leedahay kuwaas ujeedooyin kaladuwan wata 5-nin musuqmaasuqa ladagaalama oo kaciribtira soomaaliya hadaba gabagabadii intaas iyo in kabadan baa soomaali hogaankeeda laga raba …waxaan ilahayga boqorkaa kabaryayaa in soomaaliya aay usoonoqotaa dawladdeedii iyo sharafteedii iyo magaceedii adduunka aay kulahayd waxaan ilaahayga boqorkaa iyo bisha ramadaan kheerkeeda aan kabaryayaa soomaali in ilaahay siiyo hogaan daacada oo aamina oo geesiya oo soocelin kara dawladnimadii qiimaha badnayd oo aay ku hoosnoolaayeen nolashooda iyo nabaddooda soomaali oo dhan …..ramadaan kariim ….scww
Gaas anigu mucaaridi maayo waana istaahilaa inuu Higaamiyo Soomaaliaya , Laakiin waxaan ogsoonahay in lagu eedeeyay Lunsasho Hanti Umad masaa kiina Isaga waa Gaase & Raga kale madaxda soonoqday, 2 Shariif , Farmaajo, Dhamaan tood waxay ka yiraahdeen Afka Ma aanan Arag lacagtaas, Ma aanan Arag ? Marka maqabo in ladoorto , Waaxaanse ka jeclaan lahaa in layiraahdo Afartiinaas mamaba Ordi kartaan , Hadii lagu gu eedeyo Lunsasho Hanti qaran Iskadaa Inaad Madax noqotide jail in lagu geeyo weeye, Waa jeclaan lahaa in Qofkale la doorto Sida Samatar Ama Hiil qaran, Waa in lagagudbaa Nidaamkaan Nala haray waa Qabyaalad wax ku Qaysashada, Parlamanka cusub Soomaali u soo Xula Afartaa nimaan aheyn , Viva Puntland & Soomaalia
Waxaan maqli jiray, ” Habar dhali weyday aleelo ku waalatay”. Ina Daad hada wuxuu ku waashay suuq geynta Ina Gaas, sidii lax bukaan ah oo gadmi weyday.
Waliba kaaga daranta wuxuu ammaan oga dhigayaa isla Sifooyinka uu Gaas ficil ahaan u muujiyay in uusan shuqul ku laheyn. Daad oo aan u maleynayo inuu waayay wax wanaag ah oo uu Gaas leeyahay, ayaa marar badan ku soo celceliyay dhowr sifo.
Hadaba iyadoo aan ogahay in Bulshada Soomaaliyeed ay ka dharagsantahay Gaas iyo mustawihiisa aadka u liita, ayaan hadana halkaan mid mid ugu muujinayaa Sifooyinka uu ina Daad had iyo goor Gaas ku iib geeyo iyo in uusan Gaas sifooyinkaas shuqul ku laheyn. Markaas kadibna bal aynu eegno meesha uu ina Daad ammaan kale Gaas oga soo helo.
Waa kuwan Sifooyin beenaadka uu Daad ina Gaas dusha oga habbiyay.
Wuxuu yiri Dulqaadbuu leeyahay.
Halkeebuu ina Gaas ku arkay culeys uu u dulqaato? Sannad kaliyuu meesha yuururay, sannadkaasna hawl aan saxiixida warqadaha ajnabiga aheyn muusan qaban.
Wuxuu yiri waa Daacad.
Ninka Qabyaalada ku dhaqmay, Hantidii qaranka xaday (Lacagtii), birihii bololka ahaa ee dekada Muqdishana lagu qabtay, halkeebay Daacadnimo iska soo galaan? Malaha Daad mar hadii jifada dhankeeda wax loo musuqmaasuqo waa Daacadnimo.
Wuxuu yiri Damiir iyo Dareen buu leeyahay.
Ninka Dalkiisii u saxiixay Shirkado Ajnabi ah iyo Dawlado shisheeye, maxay tahay Damiirka uu leeyahay. Miyuusan axad Damman aheyn axadka dalkiisii duul kale ku wareejiyay? Dareenkiisuse aaway dalkiiba tagye.
Wuxuu yiri Ixtiraam iyo Qadarin buu leeyahay.
Gaaska Dadkiisa hadalkooda iyo rabitaankooda xaqdhawri waayey ee Ajnabina kilkilaha u ruxay ma cid buu ixtiraamay? Waa ninka inta Bararaf Gaal ah (Mahiga) soo horkacay hadana u ogolaaday in uu Odayaasheena iyo Hooyooyinkeen aflagaadeeyo. Qadarin noocee ah buu leeyahay axadkaas iskiis u bahdilan?
Wuxuu yiri turriinsho iyo Damqashuu leeyahay.
Axadka dawladaha deriska ah inay dalkeenna dukheeyaan inta u saxiixay, kadibna markay Caruur iyo haween xasuuqeen (Sidii 5tii Caruur aheyd ee jilib), hadana yiri, “Dukheynta D.ladaha derisku waa Legitimate/sax” miyaa turriinsho leh? Waxaan ogaayoo xasuuq iyo dagaal ka dhacayay Kalshaale, Garsoor, Dhagtuur iwm, ninka asagoo masuul ah Baaq-nabadeed yarna ka soo saari waayay miyaa Damqasho leh? Malaha Engineerku waa nacab.
Wuxuu yiri Gaas waa nin wax qaban kara.
Mararka qaarkood, markaad oraahdaanoo kale aragtid waxaa shaki kaa galaya caafimaad-qabka qoraaga! Waxa uu Gaas qabtay aaway sanadkuu meesha fadhiyay? Oo aan ka ahayn adeecida Ajnabiga?
Waxa uu hadhow qaban doono muxuu u qaban waayay sanadkuu meesha cambaraaqay? Way ku filneyd sannadkaas in uu Dadweynaha tuso waxa uu qaban karo iyo kartidiisa. Nasiib darro wuu ku guul darreystay, kartidiisoo yar iyo dadnimo xumadiisa darteedna, waxaan khasaaro aheyn masoo kordhin.
Ugu dambeyntii, hadaad aragtid neef ama alaab qiimo jaban lagu raadinayo oo maalin kasta suuqa la wareejinayo, waxaa hubaal ah in ay jirto cillad lagu diidanyahay in la gato. Hada waxaa jira cillado badan oo ina Gaas lagu diidanyahay waana mida keentay in Engineerku maalin walba suuqa keeno. Ciladahaas waxaa kamid ah; Qabyaalada, Cadaalad darrada, Xushmad yarida, Ajnabi jaceylka, Naxariis darrada, Khiyaanada, iwm.
Inkastoo uu Daad isku dayayo in uu cilladahaasoo dhan daboolo, hadana sida muuqata kuwo la dabooli karo ma’ahan. Malaha inta uu Engineerku isku dayayo in uu xaqaaiqda qariyo waxaa u dhaami laheyd isagoo Gaas dadka ka qariya oo yiraahda war ina adeerow Gaasow Soomaali ha soo hor istaagin intaad hab-dhaqankaaga wax ka badalaysid.
Jj
Anigu saan u caafimaad qabo oo commentska u akhrinayo baan markaan arko Khaatumoseeg dad qabyaalad ku caayaya xajiin igu kacdaa. Bal arka kan CIID IYO CADUUN la baxay. war Faroole iyo C/wali waa walaalo waana isku reer waana isku mawqif marka laga hadlo Khaatumoseeg. Teeda kale Faroole noolow baan leeyahay suu Garaadkii waashay ee garaad bintiland sanada buu qalbadda ka jabshay oo wuxuu ku gorgortamayey ka dhacay. KKKKKKK Alaylehe taa waan rabay. Qofaan is dulayn ilaahay ma dulleeyo bal waa isime muu siyaasadda ka fadhiisto maxaa waalay oo Cali Beesateenka horboodaya oo leh adeer kaalay jago ii raadi ka haro wallee haddii kale jab iyo foolxumo badan wuu kuu horseedi.
C/wali Gaas waa u qalmaa madaxwaynaha Soomaaliya. Raga faalada bixiyayna waa rag qabyaaladu lafaha ka gashay oo qabiilkiisa neceb waxayna u egyihiin in ay yihiin jifooyinka yaryar. walal ama jecloow ama nebcoow Gaas iyo ragiisu waligood Soomaaliya ayagaa soo haystay waana haysandoonaan. Wax aan habaar ahayn oo idiin furana majiraan. Daad iyo raxanreebna aad bay umahadsanyihiin, xaqiiqda qayb kamid ah ayay soo bandhigeen. Mahadsanidiin
waa uqalmaa waana kuhaboonyahay ninkaasi booskaas inta meesha maraysnaya isagaa ugu hufan uguna aqoon yahansan
Cabdi Weli Waa Qabyaalayste Qudhmay Oo aan ka Xishoon In uu muujisto kudhaqankeeda. Somalia-na uma baahna,isagoo Kale Waa kuwii Jeelasha lagu guri lahaa. Adna Qabyaaladda ayaa kudilootay oo markaad aragtay in uu jar kalaalaado oo soomaali iska fahantay habdhaqankiisa Gaamuray ee Qabyaaladeed ayaa HIIL QABYAALADEED istiri labeegso. Kudayo Qorayaasha Sharafta Leh Sida BASHIIR M HERSI, Nin Qoraa ah Kudhaqan Qabyaaladeed Isagay lahadhaysaa Oo Cidi Akhrin Mayso Wuxuu Wakhti Geliyo. Aniguna Cinwaanka Iyo Magacaaga ayaaba Igu filnaanday, Waayo Akhrintiisa Macne Samayn mayso sidaasaan kuudareen siiyey in ay kasoo dhamaatay qalbigayaga c.weli iyo adigaba Waayo Waxaad kala Tihiin Tuug Iyo Tuug Kalkaal, Qaadashadda Kuraasta KHAATUMO Ee Beeshiina uu siiyey si aad usoo xulataan ayaad Guul u aragtaa waase Dhibic nabar oo aan sinaba uga mayrmayn Reer Khaatumo. Markaa Qorayaasha Haceebayn Ee Fadlan Xigmad Yaridaada Meesha Kala Tag. Indrkaana Cidi Dooran mayso Alloo Caynsha Mooyee Kani Liic.
Puntland Boy
Waligaa waxaad iska ilaalisaa intaad meel propogando ka aqrisato inaadan run u qaadan hadana aadan dad kale adoo daacad kaa tahay u sii sheegin. Markaad website beeleed wax ka soo aqriso, waxaa wanaagsan inaad marka hore xaqiiqda warkaas raadiso kadibna aa la soo shir tagto xaqiiqdaas. Waa ogahay meeshaad ka soo aqrisay C/Wali ayaa xoolo lunsaday, laakiin ma isku dayday inaa raportki Un soo saartay marka hore soo dul marto xaqiiqdeedana soo ogaato, intaadan faafin website dad aan waxna qorin waxna aqrin eey caadifad darteed u soo qoreen.
Akhri marka hore raportka, nooga soo saar paragaraphka C/Wali ku eedeeyay inuu hanti lunsaday. Aniga halkaan ayaan kuu soo dhigi karaa inta paragraph ee Labo Shariif iyo Ruufiyaanadoda loogaga hadlay, iyo cadeymaha lagu hayo.
Iqra, Iqra, Iqra walaal, waa muhiim inaad wax aqriso si aadan ugu dhacin jahli iyo dambi aakhiro
Ali
nin xanuun sanaya ayaad tahay gaas anaga ilmadera ,
lkn marabo inan qabyaalad ku taageero
marka kala tag mesha qabyalada bukaan kaa tahay cune waxa jiranu ka hadalaye
a/c kulli
eng waxaad iga gudoontaa salaan sare cabdiwali runtaa weeye waa dulqaad badanyahay runtiina waa shaqsiga kaliya ee uqalma madwaxyne markii loofiirshe musharaxiinta kale.
Yaabane Haad Cirka waa isku hal qof magaca qoraalka isu fiirsha waa iskumid
viva c/wali gaas isagaa u qalma aleeylehe aha nolaado cilmi iyo maaskax iyo aqooon waa ledahay waad u aqaalantaa madaxweeyne nooloow gaaaaaaaaaaas
waar heedhe raggina mucaaradka Professor Abdiweli ku ah runta qaata oon ognahay in runtu ay khadhaadh tahay waana adag tahay in la LIQO….kkk Runtaasi maxay tahay? Well Professor Abdiweli GAAS wuxuu Gaadhay GUUL aan abid ka horeeyey Gaadhin!!! MAANSHA ALLAAAAAAAAAAH Taas horta LIQA! Marka mucaaradka iyo beenta aan loo meel dayin meel idin geyn meysee sida isu dhaama oo wax iskula hadha oo walaalkiin xaqiisa siiya! Qaarkiina mucaaradkaa waa laysaga jeedaa inaad ABDIWELI u mucaaradaysaan nin jeclays iyo danihiina gaarkaa! Runtuna waxay isugu soo biyo shuban:
Soomaamaliya waaba daashay,
Damiir laawe ka daashay,
Dacar qooshe ka daashay,
BEENTA daadshe ka daashay,
Dibin daabyo ka daashay
Ku daneyste ka daashay
ma daryeele ka daashay
dal xumeeye ka daashay
Dad xumeeye ka daashay
Doqon Caydi ka daashay
Af dugaagle ka daahsya,
Caqli doorshe ka daashay,
Oo ABDIWELi baa dabka qaaday
oo Daruur baa na dul joogta,
oo raxmad baan la dilaanay,
oo dalkii baa nabadoobay,
oo dadkii baa nonol haysta,
EE MUCAARAD aan Danba hayn,
Iyo ducufaa rag u liita,
hadalkooda ma doonee,
ee HALYEYGAAS DAlBADBAADSHE,
ee dalkii nabadeeyey,
oo dadkii u riyaaqay,
aynu diirada saaro,
oo Hogaanka u dayno,
Si dalkeen ku badbaado,
oo dadkeenu u raysto
Cabdiwali M Cali Gaas Soomaaliya Ayaa Ubaahan. W/Q Eng Abdirashid Abdi Daad
If you care this man let’s take his mental Pills regularly. I don’t think he has capacity to lead this nation with this difficult time.
Abdi wali gaas dalka iyo dadkuba waa ubahan yihiin. Wuuna uqalma hogaminta qaranka,, wuna ku guleysan,, hadu alle idmo, waxa inaga xigana waa matter of time,, kuwa comment ga qoraya qaarkod qoralkoda iyo qalbigodu iskama war qaban, bal fiiriya qarmuunka ciid iyo caduun labaxay oo dadka kusheegin qaybalad, waxan kusoo gunaanadin hadalkayga… Hakaraamo beelina ina gaas habaar lagu kaari waaye
@Daad Salaan sharaf iyo wanaag mudan engineere
engineerku runtiis weeye rag badanoo meel wadajoogeen cabdiwali
waxay sheegeen inuuyahay nin dulqaad badan.
waana ku raacsanahay engineerka inaan ubaahanahay qof dulqaad iyo
naxariis badan oo iskujiidi kara kan dhibta badan iyo kan wanaagga badan.
@Haad
walaal waxaa kaa muuqda caadifad salka kuhaysa cuqdad iyo nacayb xoog badan
ninkeed dhiba ayaa layiraahdaa ciilka iyo carada qofka buuxsanta oo cidna uusan wax uga qaadikarin
ACWW: TO Eng:Abdirashiid Abdi Daad Eng marka hore qolo kastaa waxaa ay leedahay daacad wadani geesi qolo kastaa keeda ha haysato balse waxaan ka lee yahay arrimahan aad qortay waa
In qaranimadii iyo dawladnimadii Somaliya dhuntay:Ma uu soo celin karo kaligii waxaana suura gal ah in si un uu uga qayb qaatay qaranimadii dhuntay(somali oo dhan baa la mid ah)
In sharaftii iyo karaamadii Somaliya dhuntay.Ma soo celin karo kaligii umana samaysna
In kalsoonidii iyo is aaminkii dhuntay. Maxaa lagu kalsoonaadaa caano-boodhihii qaxootiga ayuuba difaaci kari waayay isagoo PM AH CAJIIB
In daacadnimadii iyo cadaaladdii dhuntay.Ma ahan daacad soamlina reerkiisa ayuu ka aaminsan yahay bal firii ilaaladiisa iyo inta wiil ee uu isugu keenay xafiiskisa
In isu arxankii iyo is ixtiraamkii dhuntay Taana ma keeni karo isagoo awooda in uu ka hadlo ayuu ka aamusay.Anigu waxaan qabaa duni casri ah ayaan joognaa suuragal ma ahan qof la leeyahay danbi buu galay waliba xatooyo ah in la buunbuniyo haddii abdiwali malaaik yahay afkiina bara in 2 shariif farmaajo malaaik yihiin caadifadana aad ka weynaataan 4 nin waxaa lagu haystaa xatooyo lagumana aamini karo xafiis mar kale idinku reer puntland waaba idiin caado indhihiinu ma arkaan somali kale somalida kalena waa idinla socdaan marka ninkastaa awarkiisa ha fuulo hana noo sheegina please awliyo ayaa soo dagaysa ee haysta awliyadiina
Qabiil iyo Qaran Meel mawadagalaan , halataageero Wax qabadka Dr Cabdiwali Cali Gaas, Abdirashid Daad waad ku mahad santahay in aad taageerto Muwaadin somaliyeed oo wax qabad buuxa muujiyeey mudo yar ,
Xadiis nebigeena(scw) laga soo weriyey ayaa macnihiisu ahaa hadaadan xishoonayn waxaad doonto samee.caqliga iyo caddaaladuba waxay ku jiraan in aad qofka aad ka hadlayso wanaagiisa iyo xumaantiisaba soo bandhigto si figradaadu ay markaa aanay u noqon wacdi Hal dhinac uun ah ee u noqoto mid isu dheeli tiran qofka markaa akhristaha ah miisaamkiisa saaraya inay figradaadu tahay wax cadaalad ah iyo inkale. Markaan usoo noqdo c/weli runtii ayaa loogu hanweynaa markii uu saaxada
War Kidkan idhaha l’a yaa dadka Ka aamusiya. War ninka ma isku qabiil baad tihiin, maalinkasta Gaas baa nudan Iyo Gaas baa fiican uumbaad ku haysaaye. War ma okiyaluu kuu iibiyay. Waxaad soo wadaa in Aad na tiraahdo Gaas baa I dhalay. Sharciga qalinka Iyo buugu. Haday hadlaan way ku ganaaxi lahaayeen. Murti xumadaada darteed. Isku xishoo oo wax la har.sidaa idho la’aanta ah wax looma taageero.( Gaas somaliyaa u baahan) waa wax kugu gaar ah, ogowoo taariikh baa hari Mahad sanid
Prime Minister Gaas is a traitor, driven by his clanish agenda, and more loyal to his cousins and kin back in bintiland than the interest of the Somali Nation. Qaladkana waxaa iska leh 100 percent Madaxweeyne Shiiq Shariif markii uu ninkaan qabyaaldiista ah ee Gaas uu ku badashay Prime Minster Farmaajo iyo dad badan oo kaga haboonaa shaqadaan. Calaakuli xaal, waxaan rajeynayaa in uu ku fashilmo is sharaxidiisa Madaweeeynenimo, walibana uu shaqadiisa hada uu haayana ku waayo, oo one way ticket back to the USA loo soo jaro, insha’allah
hahahahahah kulayaabi maayo waayo cudur somali kasoo dhamaadey abihiina yahey Faroole ayaad mesha kuhaysa, war na qanciyo noo sheeg……….
shacabka soomaaliyeed haday u diyaar yihiin in ay dalkooda ku soo ceshadaan sharaf iyo qaranimo iyo karaamo ha doorteen muwaadiniin ku sifaysan wadananimo dal jacyl karisma karti iyo geesinimo iyo xeelad siyaasadeed iyo daacadnimo iyagoo dad sifooyinkaa lihi buuxaan hadii kale ha wareegto giraantu ilaa oromo iyo masay ay dalka nagala wareegaan war lee maa lahaynaa
@mr daad adeerkiis qoraalkaaga waxaa ka dhex muuqda $$$$$$$$$$$$$$$ baan qaatayeey sheeko laba jirka qancisa xataa ma aha arinkaagu waa iska hadloow ina iggare
reer khaatumo iyo maxaa kala haysta siyaasadaan sidii giraanti isbedelaysa
xaglatoosiye marna waa halyeey marna waa tuug
cabdiwali marna waa halyeey marna waa tuug
viva cabdiwali
WAA BEENLOOW QORAHAAN IN DAAD DAAD HA QAADEE MUXUU BEEN IYO QABYAALAD U LEEYAHAY… SOW FAROOLE ADEERKIIS MAAHA MA XISHOODE MADAX SHEEGTA….BALAAYO
Eng Daad salaamulaah calayk
waxaan kaaga markhaanti kacaya Gaas inuuyahay nin dulqaad badan oo naxariis iyo ixtiraam badan
waxaan kaaga markhaanti kacayaa in somali ubaahantahay ruux dulqaad badan oo isukeena
ilaahoow cabdiwali gaas madaxwayne nooga dhig adigaa qaadiroo awoodee
ilaahoow dawee somalida caadifadu dishay
ilaahow isukeen quluubta somalida
ilaahoow ducadaydaa iga aqbal qaadir baad tahee
Nsiibdaro waa tan somaaliya haysatah DR Cabdiwali waa nin dhalinyaro ah
oo aqoonyahayn ah oo waa dadki maantay wax sabata bixinlahaa
laakin wuxuu noqday nin somaali ah oo an fekrad sii dheer lahayn
Haduu sharatiisa dhowran lahaa wuxu la haan lahaa rajo laakin sida la sheegay wuxu
kaqayb galay boobki iyo musuq maasaqi labada shariif waa qof somaali ah ceebtiisa maa ee waa caadadiisa
Wadanka waxaa yaala Qabiil,Qori,iyo Qaad,
Qabiilku waa sunta iyo waabaayada na rogtay!!!!!!!!!!!
inta kale xalbaaba loo heline sidee loo maarayn [[QABIILKA]],
Alloow daawo nooga keen daalka lagu tiraa,
darxumadiyo,daadufkaan,dagaladeena rogay,
Alloow Dawladnimo nasii daalku nagaga baxo,
oo waan duloownaye Alloow daacadnimo adkee.
[[ma daale daacad ah baan Rabbigay waydiisanay]]AQBALKANA ALLAYSKA LEH.
dayax maralaguma qariyo iyo nuur mardalacey,
Somalia rising after two decades of civil war and unrest
By Muddassar Ahmed
Wednesday, 08 August 2012
This month, Somalia will finally get a permanent constitution and government after years of transitional institutions. Despite two decades of civil war and unrest, the Somali capital of Mogadishu is currently undergoing an economic rejuvenation, with commerce, with banking and even tourism making a comeback.
What can explain this? While the recent presence of African Union troops has provided greater security, allowing the entrepreneurial spirit of the Somali people to flourish, less recognition has been given to Somalia’s own leadership. In particular, Abdiweli Mohamed Ali, Prime Minister of the Transitional Federal Government, has played a central role in Somalia’s revival.
Over the past two decades, one of the major impediments to ending the turmoil has been the lack of strong, non-partisan leadership, with the country being torn apart by warring factions. More recently, the transitional government was split in a stand-off between President Ahmed and Prime Minister Sharmarke. The political feud brought the machinery of government to a halt and seemed to put an end to hopes that the transitional government might succeed in restoring stability. But since Ali’s appointment in June last year, the new Prime Minister has been at the forefront of the fight for peace, prosperity, and democracy.
It turns out that his sober, technocratic approach to politics was just what the country needed. Under Ali’s “Roadmap for the End of Transition”, representatives from across the country are working to create permanent democratic institutions by 20th August. For the first time, popular legitimacy is the end-goal. Under Ali’s leadership, a draft constitution has been ratified by a council of 825 Somali traditional elders, and will be put to a national referendum, paving the way for democratic elections in the near future. The constitution gives unprecedented control to Somalia’s independently-minded regions – which will even be granted powers over foreign policy – and guarantees that women will make up at least 30 per cent of parliamentarians, as well as constitutionally enshrining their right to an abortion when the mother’s health is in danger.
This political progress is all the more remarkable considering that Prime Minister Ali came to power in the midst of the worst drought in East Africa for over half a century. Not only did he manage to push forward plans for democratic institutions, but his response to the crisis itself showed tremendous ability in bringing the disparate bureaucratic forces of government into a single committee to tackle the issue.
His premiership has also seen the dramatic reversal of fortunes in the battle against the miliant Islamist group Al-Shabaab, who have been driven from Mogadishu and are now limited to parts of Southern Somalia. His willingness to cooperate with the Kenyan military in the coordinated Linda Nchi operation and ongoing support for the African Union Mission in Somalia (AMISOM) has led to notable and continuing success against the militant group.
This domestic success has allowed him to score significant international political victories as well. Under his leadership, various foreign dignitaries and VIPs have visited Somalia personally, including Turkish PM Recep Erdo?an, UN Secretary General Ban Ki-Moon, and Saudi business heavyweight Al-Waleed Bin Talal – as well as the British Foreign Secretary and German Development Minister. Such visits would not have even been considered this time last year, and do much to raise Somalia’s international profile and secure much-needed political and financial support for the recovery.
Perhaps the most striking symbol of his success was moving the UN Headquarters for Somalia back to Mogadishu after 17 years in Nairobi. This was a powerfully symbolic act for a country struggling to reassert its national identity, forcing international actors to get involved directly in the country they’re supposed to be helping.
But perhaps his most lasting legacy will be his personal example. Prime Minister Ali shows what the new Somalia needs to embrace: a measured, moderate, and ultimately constructive approach to politics. The future of Somali leadership should not be modeled on personal heroism, but on calmly and competently balancing different interests to defend the general interest.
(Muddassar Ahmed is the CEO of Unitas Communications Ltd, an international strategic communications consultancy based in London. He is also Chairman of the John Adams Society UK and a NATO Young Atlantacist Fellow.)
I don’t think Somali will election your friend. My best advice to take his depression pills PROZAC
Waa wax laga naxo in qof miyirkiisa qaa waxaas iyo wax la mid qoro. Qoraalka iyo cinwaankiisaba waxaa ka muuqda garasho xumo aan marnaba caadi ahyn/ Adeer Qaran nin uma baahdo, ee qabill baa nin u baahda – marka qabiilkii lafaha ku jiray baad is tiri umadda ugu sheekee miyaa? Rabi utoobadkeen, hana ku daalin dadka soomalida ahi waa yaqaanaan cidda ay rabaan.
Eng salaam sharaf
Runtii aad baanu kuugu mahad celinaynaa sida sharafta ahee noogu kala dhigtay maqaalkaaga saafida ahee ceebta iyo cayda ka xalan. Arinta kaleen kugu amaanayno waa sida qoraalka looga ilaaliyey aflagaado madaxda kale iyo siyaasiyiinta kale. Runtii dad badan oo isugu yimaada meel fadhi kudirira waxay isku raaceen in Prf Gaas yahay nin dulqaad iyo ixtiraam badan.
Kuwiina meesha cayda iyo aflagaadada kusoo qoraya waxaa idindilootay xaasidnimo caadifad runtaan idiin sheegaynaa siduu eng usheegay somalidu waa u baahantahay Prf Gaas.
Eng waxaan kaaga mahad celinayaa akhbaarta aad naga siisay raysalwasaaraha sidaas aadsheegtay haduu yahay waa hubaal in somaliya ubaahan tahay maxaa wacay somaliya kalsoonidii laysu qabijiray iyo aaminkiiba majiraan qof soo celiya waanu ubaahanahay.
Kuwiina cayda meesha lasoo aadaya isbara gacmihiina iyo warqadoo maqaalo soo qora waxba hadba qof qoraalkiisa haka daba ciyina sidii xayawaanki oo isku xishooda.
Hadaad ka naxaysaan raysalwasaare cabdiwali waxaan leenahay
Viva cabdiwali gaas Viva cabdiwali gaas Viva cabdiwali gaas Viva cabdiwali gaas Viva cabdiwali gaas Viva cabdiwali gaas Viva cabdiwali gaas Viva cabdiwali gaas Viva cabdiwali gaas Viva cabdiwali gaas Viva cabdiwali gaas Viva cabdiwali gaas Viva cabdiwali gaas Viva cabdiwali gaas Viva cabdiwali gaas
C/weli emailkii uu ku yiri Somali abaar kama jirto, meel 3km u jirtana dadka ku dhimanayeen WAX QABADKIISA ayay ka mid tahay. Markabkii dowlada Masar mucaawinada aan laga dejinin ee sidiisa lagu celiyey WAX QABADKIISA ayay ka mid tahay. Listiga halagu darsado. He is a plain criminal.
Maalinta doorasha lagu kala baxo ileyn cid soo dooranaysa ma lahee baan maxkamad ku fureynaa haduu Illaah raali ka noqdo.
@ahmed,
Professorka waxaan xasuustaa inuu ahaa ninkii dhisay labdi xero ee ahaa rajo iyo badbaado marka waxaan filayaa dawladiisa badbaado qaran inay samaysay waxay ku faanto oo dad badan abaarihii ka soo kabteen marka waxay ila tahay adaa qiiqa isku qarinayoo ah PLAIN CRIMINAL….. waxaaan xasuustay odhaahdii soomaaliyeed ee ahayd MASKU INTUUSAN KUGU CADHUUFIN BAA LAGU CADHUUFAA…kkk Mucaaradku danihiisa kaliya ayuu fiirsada ee danta guud ma fiirshaan dabeecadooda ah in qofkii dalka wax ugu yaalaba inay ku matagaan marka xaqiiqaddii wax dalkaan iyo dadkaan baaba’ay u dhaama professor abdiweli ma hayno ee isaga aan gacan siinoo oo mucaaradku mar qudha haw naxo ummadda waxay ila tahay 22sanno oo ummadda dhiigeedii aad cabteen waa idin ku filan tahay!
War heedhee waa yaab markii wax qofka fiican libintiisa la sheego muxuu doqonku u caytamaa Cabdiwali waa la ogyahay heerka uu maanta gaarsiiyey dalka,laakiin waxma tare meel fadhiya oo aan ood qaadin karin ayaa iska jira marka waxaan ku leeyahay dalka wax u qabo ama u daa ninka hawshaasi hanan kar a
Somali doesn’t need your cousin my friend….. Tell him to take his depression pills PORZAC regularly!
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk maxaqire waa ilahay adomo dacifa xaqiradodo waxbakalamamaqna cabdiwali iyo nin neceb calanka iyo wadanka somaliyaba sorry wuxuuqabtayna waa sida dharaar aduunka ujeda somalidaye marka adane xabaasha marklagasho ayudhargaa
@ Dalhaye,
waxaan ka markhaati kacaynaa markaan aragnay beenta aad qooshayso in uu PROFESSOR Abdiweli Allaha koryeelee yahay dalhaye adna aad tahay DALBURBURSHE waayo nin professor ah kaa cilimi iyo caqli badan baad leedahay wax uusan u qalmin! Bye the way the Professor is not the sick one here you are my dear and obviously you are the one who needs PORZAC so wiilsoomaaliyeed jiradu ceeb maaha oo EEBAA keenee is daawee adigu waayo maskaxda Professorka waa aragnay waxay gasho iyo waxay gudo ee taada hagaaji, would you?
war ninkan horena xaaskiisa baa u ololeyneysay hadana idinka, marka waxaan idinwaydiiyay ? ninku ma hadlaa,mise waa handikaab.
@Faduma
Thanks your comments. I beleive your not understand what I am talking about. This man he is not able to lead his own famliy, how he lead our nation with diffcult time. The summer job left only 5 days.. he will have more time to take his pills and visit mental doctors regularly.