Carruur Darbi-Jiif Ahaan Jirtay Magaalada Boosaaso oo La Guddoonsiiyey Abaalmarino dhanka Quraan Akhriska Ah [Sawirro]
Boosaaso[RBC Radio] Tartan Quraan Akhris ah oo u socday Carruur horay u ahaan jirtay Darbi-jiif muddana lagu barbaarinayey dhaqanka Suuban iyo barashada Cilmiga diinta Islaamka ayaa la gudoonsiiyey Abaalmarino kala duwan oo ay ku farxaan gudaha magaalada Boosaaso ee magaalo-xeebeedka ganacsiga Puntland.
Barnaamijka ayaa waxaa fuliyey Machadka Diinta Islaamka ee Agoomaha oo gacanta ku haya Carruurtan iyadoona dhanka dhaqaale uu gacan weyn ka geystay Ururka P.S.A iyo dad kale oo si EEBE dartiisa ah isu garabtaagay wax u qabashada iyo ka farxinta Carruurtan dhanka Abaalmarinada kala duwan,waxaana Tartankan uu uga socday Masjidka Al-Hudda.
Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Ibraahim Xarago oo ugu horeyn ka hadlay Masjidka Al-Hudda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Carruurtan la gudoonsiiyo abaalmarino kale duwan oo ay ku farxaan isla markaana waxa uu xusay in dadaalkii iyo juhdigii ay geliyeen maanta mirihiisii ay guranayaan.
…”" Waxaan aad iyo aad ugu Faraxsanahay ardayda maanta qur’aanka akhriska ku tartantay oo maanta la rabo in abaalmarinada iyo farxada in lala wadaago oo ay dad muxsiniin ah iyo Ururka P.S.A ugu talagaleen inay ka farxiyaan,waxad moodaa Insha allaahu in EEBE fadligiisa ah maalintii Carruurtan la isu xilsaarayey iyo maanta in EEBE Subxaanuhu watacalaa fadligiisa iyo karamkiisa aan EEBE uga mahadcelineyno,maxaa yeelay anaga hadda maraka la iga soo aniga wey iga fiican yihiin waayo Quraankiii bey Xafideen…”"ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu sheegay…”"Dadaalkayaga oo dhan wuxuu ahaa in Carruurtaasi noqdaan kuwa anfaca naftooda,dalkooda iyo diintooda, EEBE waxan ka baryayaa Insha allaahu inta kale in EEBE noosoo hanuuniyo oo UMMAD waxay UMMAD ku noqotaa oo Nebigu CSW, Ummada ayuu ku dadaalay markaasaa koonkii oo dhan Islaaxay, haa Ummada ayaa mudan maahan in daaro iyo laamiyo wax lamid ah in lagu mashquulo balse Ummadu marka lagu dadaalo ayey noqneysaa kuwa koonka Islaaxisa…”"ayuu sidoo kele yiri.
Guddoomiyaha Ururka P.S.A Cabdifitaax Maxamed Sugulle ayaa isna faah-faahin ka bixiyey Tartanka iyo abaalmarinada ay ugu talagaleen Carruurtan,waxaana uu sheegay oo uu yiri…..”" Tartankan waxa uu ahaa mid bishan Ramadaan socday maantana la joogo gunaanadkiisii,waxana la gudoonsiinayaa 10-arday ee kaalmaha koowaad ka gashay 10-Jus iyo 5-jus ee Quraan akhriska abaalmarino marka laba qeybood buu ka koobanyahay qeyb waa gudoonsiinta abaalmarinta ardadaas Tartanka Quraanka Kariimka ah ku guuleysatay qeybna waxa weeye arday gaareysa ilaa 60 kuwas waxa loo gaday dhar ay ku Ciidaan.
Dhanka waxa uu si qoto dheer uga sheekeeyey waxqabadka baaxada leh ee u Ururkiisu u qabto qeybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland isla markaana waxa uu tilmaamay in ilaa 10-sanno ay hawlahan kusoo guda jireen.
…”"Ururka P.S.A waa urur dhalinyaro oo ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo horumarinta dhalinyarta Puntland mar kasta wuxuu u taaganyahay inuu garab Istaago bulshada keeda wax baranaya,keeda dhalinyarta ah iyo keeda weynba ilaa 10-sanno buu soo shaqeynayey, ardeydaana waxay noogu jirtaa dadka ugu horreeya oo waxtarka nooga fadhiya ilaa 15-kamid ah Iskuuladayada bey dhigtaan oo Sanadka oo dhan wey soo wadeen, sanadkastana Ciidooda waan damaanad qaadnaa…”"ayuu yiri
Mar uu mahadbalaaran usoo Jeediyey Saxafiyiinta ka hawgasha gobolka Bari isla mar ahaantaana ku sugnaa madasha ayaa waxa uu uga mahadceliyey sida hawlkarnimada ah ee ay u garab Istaageen Carruurtan yaryar.
…”"Waxa aan marna la hilmaami karin bahda Saxaafadda, ardeydaan in wax la taro waxa caawisay oo ka shaqeysay oo dadka usoo bandhigay waa Saxaafadda haddii aysan dhalinyarta joogtaa aysan diirada saarteen oo aysan mar kastoo dadkan wax la tarayo aysan Mikirafoonfka iyo Kaamirada la garab taagneyn lama Ogaadeen marka iyagana dadaalkooda EEBE waxaan ka baryenaa inuu wax fiican ugu badelo weyna helayaan Insha allaahu…”"ayuu sidoo kale yiri.
Maamulaha Machadka Diinta Islaamka Agoomaha Maxamed Jaamac oo muddo badan hawsha Carruurtan gacanta ku hayey hadda ku haya ayaa ku tilmaamay dadaalka ay sameeyeen Carruurtan mid lagu farxo iyadoona markii hore loogu yeeri jiray magac xun xun maanta loo yaqaan “”Quraan ruug”" isla markaana waxa uu baaq u diray Jaaliyaddaha Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa reer Puntland in ay gacan ka geystaan Mustaqbalka Carruurtan.
…”" Hawshan Juhdigeeda maanta waa u miradhalay waadna Ujeedaan miraheedii,ardeydaan oo awal magac xun loo yaqaanay maanta loo yaqaan Quraan ruug oo Quraanka meel fiican maanta ka maraya awalna meeshii ay taagnaayeen ay ahayd Masaajidka banaankiisa ilaa iyo waqda Qaadka iyo Isbitaalka,weyna marayaan Juhdii aan ka raadinaynay waana wax lagu farxo oo ku dayasho mudan. Jaaliyaddaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan kuwa reer Puntland iyo kuwa kaleba waxan ka codsaneynaa in Carruurtan la daryeelo oo laga ka xeeyo darbiga ay Jiifaan,wuxu waa rag, ragna haddaan lagu dadaalin waxa weeye beri waxa ay noqonayaan sidaas oo kale..”"ayuu yiri.
Carruurta Quraanka Akhriska 10-Jus Kaalmaha Hore ka Gashay ayaa kala ah:
01. Cabdirisaaq Shakiib Daahir 97%
02. Idiris Maxamed Cabdillaahi 96%
03. Cabdirisaaq Muuse Kunni 95%
04. Liibaan Faarax Jaamac 94.5%
05. Cabdicasiis Maxamuud Axmed 94%
06. Sharmaarke Cumar Jeylaani 92%
Carruurta Quraanka Akhriska 5-Jus Kaalmaha hore ka gashay ayaa kala ah:
01. Faarax Maxamed Khaliif 94.5%
02. Siciid Cabdillaahi Cismaan 94%
03. Cabdillaahi Cabdirixmaan Sharif 93%
Haddii aad Jeceshahay in aad wax u qabato Carruurtan iyo kuwa kale oo dhibaateysan fadlan kala Xirriir Mas’uuliyiinta gacanta ku haysa Taleefoonadooda oo kala ah:
+25290722623
+25290726139
Ama wixii dhaqaale ah ugu soo hagaaji Akoon Number Xawaaladda Dahabshiil D001962
______________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com























[...] Original post: Carruur Darbi-Jiif Ahaan Jirtay Magaalada Boosaaso oo La Guddoonsiiyey Abaalmarino dhanka Quraan Akh… [...]
waxaa jira qolaal lagu soo qoray dayniile oo aad moodaysid in Al shabaab la siinaayo ama loo sheegaayo xog ah in ciidamada dawladdu ay ku soo wajahan yihiin Kismaayo oo ay fariisin ka dhiganayaan tuulada biibi.
waxaana jira in websiteyada qaarkood ay la shaqeeyaan kooxda Alshabaab oo ay wararka gaarsiiyaan.
QORAALKA CNWAANKIISA WAA KAN HOOS KU QORAN WAXAANA KA AQRIN KARTAA DAYNIILE.
——————————————————————————–
Warbixin ku saabsan Waqtiga Kismaayo la qaban doono, Maxaa looga hadlay kulan Amisom, Kenya iyo Dowladda KMG ah ku dhex maray Magaalada Nairobi, Waa Maxay Sirta ka dambeysa..
(
TAKBIIR ALAAHU AKBAR, ILLAAHBAA WAYN, MAANSHAA ALLAA WALAAHA AAD BAY UGU MAHADSANYIHIIN ARINTA WANAAGSAN AYQABTEEN, DADBADAN OO SOOMALIYEED OO WADANKA KU DAYACAN HADII AY FURSAD WAXBARASHO HELILAHAAYEEN WEEY KAFAA IIDEEYSANLAHAAYEEN, MARKA ILAAH BAAN KA BARYAAYAA IN SOOMAALIYA NABAD WAARTO SIIYO KANA DULQAADO DHIBAATOOYINKA HAYSTO. MUSHTAMACA SOOMAALIYEED AAD BAY IKUGU MASHQUULEEN EE ILLAAH HA FAHANSIIYOO IN AY DANTOODA KU MASHQUULAAN.
asc, waxan idin sheegayaa Raxareeb in aad badashan ciwanka warkan oo lagu tilmamay ciyaal agoomo ah in ay yihiin darbi jiifyo, xaflad tartanka quraanka ah weeye, teda kale, wiilasha la abaal marinayo mid kamid ah ayan aqaan, oo waligis dugis iyo iskuul ku jiray, oo aan darbi jiif noqon, marka waraq ahan wan damcay in aad idin ku so diro, lakin meel aan idinkugu so diro ayan wayay, mahadsanidin
Reer Puntland ragan waanga qabtay weey ku yar yihiin….waxaa ku badan faroole camal……..Kheeyr allaha siiyo ragii isku daba riday howshan
MA ILA ARAGTEEN…………….
fadhi ku dirirka qurbaha, taxileeyda, maqaayadaha waxaan qaatir ka taaga nahay kuwa sheekta Pintland oo siduu Dumarka maanto oo dhan faanaya, hadaadan amaanina sidii dumrka weey kula dagaalami..;….wexeey ku faanayaan ma garanayo…..Midu Shidaal baa qodeneeynaa buu ku dhihi oo 15 sano loogu sheekeeynayay…..midna faroole ayuu u buraan buri………Midna wuxuu ku dhihi Hor mar baan gaarnay oo xamar iyo hargeeysaan ka fiicanahay
is bar-bar dhigo Somaliland-Puntland-jigjiga iyo Garissa…..ma arkeeysid nin reer Somaliland ah ama Jigjigawi ah ama garisa oo u faanaya sida reer pintland, Kheeyraad iyo hor marna ayagaaba u liito ayaan maleeynayaa sedexdaas maamul oo aan soo sheegay
Fadlan naga aayara faanka markaad ku dhex jirtaan Somalida kale, ubadkiina ku waaniyo oo u sheega in eeysan la soo shir tagin waxa aad guri ugu soo sheektaan si eeysan isku ceebeeynin…..waa la’labo nin u nfaanaya sidii dumarka
Mid waan idinku raacsnahay waana idunku taageersanahay………Xamar iyo kuwa afduubtay inaad shiidkooda siisaan, saa idinkaa is yaqaan oo mooryaan isla ah….Intaassna waa iga kaftan……..
Midnimo Somalia…..Long life Puntland ….Long life Woqoyi…Long life Khaatuma….Long life Kenya….Long life Ethiopia
To:Gundiid:Gundiid waa gunoos ee muxuu ka hadlayaa,ku qaraar puntland,!!!!!!!!!!!yaabnaye ma yaabteen,!!!!!!!!!!!!!!.
ILLEEN NIMAADAN GAARI KARIN WAA LAGU RIYOODAAYE,
DULMI BAA LARAAD RAADIYAA IYO CEEB KALOO BADANE,
PUNTLAND ILAAH BAA SHARFOO CULIMO WACAN SIIYAY,
PUNTLAND ILAAH BAA SHARFOO DAWLAD WACAN SIIYAY,
PUNTLAND ILAAH BAA SHARFOO SHACAB WANAAG SIIYAY,
PUNTLAND ILAAH BAA SHARFOO CIIDAN WACAN SIIYAY,
PUNTLAND ILAAH BAA SHARFOO CADOW KA MEELEEYAY,
PUNTLAND ILAAH BAA SHARFOO BEELO WACAN SIIYAY,
PUNTLAND INAY MAHAD CESHAAN WAW BANAANTAHAYE,
PUNTLAND ALLE CAADIL MOOYEE CIDI KAMA SADROONAYNE,
PUNTLAND UBADKAAS LA SOO QUBAY INAY XANAANAYSO WAA GARASHADEEDIIYE,
SOMALI INTEEDA KALE WAXAAN ORONAYAA ,
KUDAYDA PUNTLAND SIDAY DADKA U SOO DHAWEEYAAN.
MA’ILLOODAY BOOSAASO DEEQA,SOOMAALI OO DHAN KULMIYA,BEDELKII XAMAR BAY GASHAYEEY,SOO DAAWO BILICDEEDA IYO DAWADIISA BIYOKULULE,OO CUQDADDAAN KAAGA DAWAYN EE SOO DABAALO,MR:GUNDIID.