CIID MUBAARAK, DHAMAAN SOOMAALIYEEY


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Maanta oo ah Axad kuna beegan 1-da bisha Shawaal sanadka 1433 taariikhda Hijriga, waxaa dhammaan dunida Muslimka looga dabaaldegayaa munaasabadda Ciidul Fidriga ee dhammaadka bisha barakeysan ee Ramadaan kadib markii dadweynaha Islaamka ay soo soomeen mudo 30 maalmood ah.

Wariyaasha Raxanreeb ee ku sugan gobolada dalka ayaa soo sheegaya in saaka waaberigii si weyn looga dabaaldegay dhammaan magaalooyinka Jamhruuriyada Soomaaliya iyadoo ay xusid mudan tahay in si khilaaf la’aan ah dhammaan gobolada iyo degmooyinka saaka looga ciidayo. Waxaana wararka na soo gaaraya sy sheegayaan in dadweyne iyo masuuliyiinba fagaarayaal ay saaka isugu yimaadeen si ay salaada Ciida u tukadaan.

Shabakada Raxanreeb waxay idsin soo gudbin doontaa wararka ciida ee gobolada degmooyinka dalka iyo dhulalka kale ee caalamka ee ay Soomaalidu ku nooshahay, Hadduu Alle idmo.

Markale waxaan dhammaan akhristayaasheena leenahay Ciid Mubaarak. Allow dalkii nabad nooga dhig, bulshada Soomaaliyeedna isku soo celi iyadoo mideysann oo isjecel. Allow colaada sokeeye iyo qabyaaladu ay Soomaalida ka dhamaataa kuna bedeshaan isjacayl sokeeye iyo walaalnimo. Allow dal nabad ah oo xor ah oo ay Soomaalidu u madax bannaan tahay arimihiisa.

Kullu caam wan antum bikheyr, sanadkan sanadkiisa kale ku gaara nabad iyo nolol.

Maamulka Shabakada Raxanreeb/ RBC Radio

Share

2 Responses for “CIID MUBAARAK, DHAMAAN SOOMAALIYEEY”

  1. [...] See the article here: CIID MUBAARAK, DHAMAAN SOOMAALIYEEY [...]

  2. caraseedo says:

    Ciiiiiiiiid Mubaarag:Muslimiintu meel ay joogaanba,gaar ahaan dadka Soomaaliyeed,Ilaahayna waxaan waydiisanay,dembi dhaaf,nabad waarta,iyo horumar,guuuuuuuul Soomaali oo dhan.

Leave a Reply